DIINTA ISLAAMKA IYO DUMARKA.

Diintu dumarka way sharaftay,waxay diintu ilaalisay oo ay masuuliyadeeda meel saartay maalinta ay dhalato ilaa maalinka ay dhimanayso.

Rasuulka scw wuxuu aad oga dardaarmay koriimada gabadha,lama hayo hal xadiis oo dhiiri galinaya koriimada wiilka lkn taa badalkeed waxaa jira tobnaan xadiis oo dhiiri galinaya koriimada gabadha oo rasuulku scw koriimada gabdhaha iyo koolkoolintoodu wuxuu ku daray waxyaabaha ugu mudan ee Eebe loogu dhowaado janadana lagu muto.
‎”حديث أنس ،
وعن النبي ﷺ قال: من عال جاريتين حتى تبلغا جاء يوم القيامة أنا وهو كهاتين[1]، وضم أصابعه ﷺ.
“Qofkii koriya oo kafaala qaada laba gabdhood ilaa ay ka qaan gaaraan aniga iyo isaga waxaan janada dhexdeeda ku noqonaa sida labadaa farood”.
Riwaayad kalana wuxuu rasuulka scw ku yiri:-“Qofkii hal gabadh koriya oo koriimadeeda hagaajiyo janadiisa aniga ayaa u kafaalo qaaday”.

Diintu waxay tirtirsiisay in gabdhaha si gaar ah loo dhowro,markay yar yihiin si fiican loo koriyo,kolkay guur gal noqdaana ninka ayaa loo khasbay oo masuuliyadeedii oo dhan dusha laga saaray,marasho iyo masruuf iyo xanaano khasab ah isaga ayay ku leedahay.
Xitaa haddii ay iyadu tahay mid shaqaysato oo income iyo dakhli leh.
Haddii ay ninku kala tagaan kol ay ku tahay oo ay caruur u dhashay waa khasab in uu ninka ku biilo caruurta,haddii ay tahay garoob aan caruur u dhalin ama garoob caruur lagu dayacay islaamku wuxuu dhiiri galiyay in u gargaaridooda lagu muto jano iyo u dhowaansho Eebe oo rasuulku scw wuxuu yiri:-
‎“الكريمَ ((الساعي على الأرملة والمسكين كالمجاهد في سبيل الله)).
“Midka u taagan u gargaaridda Garoobada iyo masaakiinta ee ku dadaalaya caawintoodu wuxuu xagga ajarka la mid yahay mid jidka Eebe ku jihaadaya oo shahiid ah”.
Wuxuu kale oo uu rasuulka yiri:-
‎“((الساعي على الأرملة
‎كالقائم لا يَفْتُرُ،وكالصائم لا يُفْطِرُ)).
“Midka u dadaala Garoobada oo u istaaga caawintoodu wuxuu la mid yahay xagga ajarka mid waligii sooman oon joojinaynin soonka iyo nin waligii salaad u taagan oo joojinaynin salaad badnida”.
Waxan og nahay in cibaadooyinka soonka iyo salaadda ay ka mid yihiin cibaadooyinka sare Ee Eebe loogu dhowaado oo ajarka ugu badan iyo dambi dhaafyadaba lagu helo,haddii cibaadooyinkaa saa u qaaliga ahi ajarkooda lagala mid dhigay u kaalmeynta garoobada(single mothers)waxaa halkaa ku cad sida diinta islaamka isha ugu hayso una dhowrayso xuquuqda dumarka”.

ويقول عبد الله بن أبي أوفى رضي الله عنه: (كان رسول الله صلى الله عليه وسلم يكثر الذِّكر، ويُقِلُّ اللغو، ويطيل الصلاة، ويقصِّر الخطبة، ولا يأنف أن يمشي مع الأرملة والمسكين، فيقضي له الحاجة) رواه النسائي وصححه الألباني.
“Rasuuulka scw wuxuu ahaa mid xuska Eebbe badiya,oo hadal tirada yareeya,oo Salaadda ku dheeraada,oo khudbada gaabiya,oo aan iskala weyneyn la socshada garoobada iyo masaakiinta si uu dantooda ugu gudo.

وفي رواية للحاكم: (كان رسول الله صلى الله عليه وسلّم لا يستنكف أن يمشي مع الضعيف والأرملة، فيفرغ لهم من حاجاتهم).
“Rasuulka scw wuxuu shaa mid aan inaba iskala weyneyn in uu la socdo dadka ducafada ah iyo garoobada oo uu dantooda ka shaqeeyo”.

Rasuulka scw wuxuu ahaa mid ku caan baxay arinkaa Garoobo u gargaaridda ah,oo adeerkii Abuudaalib ayaa gabay uu nabiga scw ku amaanayay xitaa ku xusay arintaa.

وَأَبْيَضُ يُسْتَسْقَى الْغَمَامُ بِوَجْهِهِ ثِمَالُ الْيَتَامَى عِصْمَة لِلأراملِ.
“Muxamad scw waa Mid qurux badan oo wajigiisa daruuraha looga roob doono,oo u gargaara agoomada,garoobadana dhib ka ilaaliya..

Rasuulka scw wuu diiday in dumarka la garaaco oo wuxuu yiri kuwa dumarka garaaca akhyaar maaha.
‎”قَالَ رسولُ اللَّه ﷺ: لا تَضْربُوا إِمَاءَ اللَّهِ،”
“ha garaacina Dumarkaa addoomada Alle ah”.

Wuxuu kale oo uu yiri rasuulku scw:-

‎قَالَ رَسُول اللَّه ﷺ: لَقَدْ أَطَافَ بآلِ بَيْت مُحمَّدٍ نِساءٌ كَثير يَشْكُونَ أَزْوَاجَهُنَّ، لَيْسَ أُولئك بخيارِكُمْ رواه أَبُو داود بإسنادٍ صحيحٍ.
“Gurigaygii waxaa ka batay haween ragooda ka dacwoonaya,walkaahi kuwaasi in aysan akhyaar ahayn”.
Riwaayad kale waxay sheegtaa in uu nabiga aad oga carooday haween ragoodu soo dileen oo uu yiri “maxay gurigayga ugu soo bateen haween ragooda ka cabanaya,wallaahi kuwaasi akhyaar maaha,oo sideey idiinku suura gali kartaa intaad haweenkiina galinka hore garaacdaan inaad habeenkiina la seexataan,war haweenka u tura oo khayr isaga dardaarma”.

Aad ayuu rasuulka scw ugu celcelin jiray inuu yiraahdo:-
استوصوا بالنساء خيرًا،
“Haweenka khayr isaga dardaarma oo wanaajiya”.

Rasuulku scw kolka uu safarka galayo haweenka wuu ka ilaalin jiray dhibaatada safarka oo wuxuu ku qaadi jiray awrta oo looga dhex sameeyay guryo,raggiina wuxuu faray in haweenka awrla lagu sido,xitaa kolka laga hoobanayo meelo taag ah wuxuu rasuulka oran jiray “war dumarka u tura oo si tartiib ah awrta ha looga soo daadajiyo taagga”
‎”رفقا للقوارير””
“war qaruuradaha u tura”oo uu ula jeedo dumarka ilaaliya.

Diinta islaamka waxay sugtay xuquuqda dumarka oo waxay dumarka siisay xuquuq la siman oo la mid ah midda ragga iyaga ku leeyihiin.
‎”وَلَهُنَّ مِثْلُ الَّذِي عَلَيْهِنَّ بِالْمَعْرُوفِ ۚ وَلِلرِّجَالِ عَلَيْهِنَّ دَرَجَةٌ ۗ وَاللَّهُ عَزِيزٌ حَكِيمٌ (228)
“Haweenku waxay Ragga ku leeyihiin xuquuq la mid ah midda ay iyagu ragoodu ku leeyihiin oo xagga wanaajinta iyo samofalka ah,raguna waxay dheer yihiin darajada masuuliyadda qoyska oo iyaga la saaray”.
Ibnu cabbaas kolka uu aayaddan fasirayay wuxuu yiri”Anigu waxaan jeclahay inaan xitaa haweentayda isu qurxiyo sida aan u jeclahay inay iyaduna isugu kay qurxiso,waayo ilaahay wuxuu yiri waxay dumarku idinku leeyihiin wanaajin iyo xuquuq la mid ah inta aad idinkuna ku leedihiin”

‎عن ابن عباس قال : إني لأحب أن أتزين للمرأة كما أحب أن تتزين لي المرأة ; لأن الله يقول : ( ولهن مثل الذي عليهن بالمعروف رواه ابن جرير ، وابن أبي حاتم .

Waxaa jira dad ku dooda oo ay oga dhagan tahay maxaa ilaahay u yiri dumarka hala garaaco iyaga oo soo daliishanaya aayada oranaysa:-

الرِّجَالُ قَوَّامُونَ عَلَى النِّسَاءِ بِمَا فَضَّلَ اللَّهُ بَعْضَهُمْ عَلَىٰ بَعْضٍ وَبِمَا أَنفَقُوا مِنْ أَمْوَالِهِمْ ۚ فَالصَّالِحَاتُ قَانِتَاتٌ حَافِظَاتٌ لِّلْغَيْبِ بِمَا حَفِظَ اللَّهُ ۚ وَاللَّاتِي تَخَافُونَ نُشُوزَهُنَّ فَعِظُوهُنَّ وَاهْجُرُوهُنَّ فِي الْمَضَاجِعِ وَاضْرِبُوهُنَّ ۖ فَإِنْ أَطَعْنَكُمْ فَلَا تَبْغُوا عَلَيْهِنَّ سَبِيلًا ۗ إِنَّ اللَّهَ كَانَ عَلِيًّا كَبِيرًا (34)
“Ragga ayaa u qumid badan-xagga masuuliyadda- haweenka dushooda wixii Eebe is dheereysiiyay-oo xagga abuurka ah iyo in raggii ay maalkooda ku biilayaan haweenka,dumarka suuban ee Eebe iyo ragoodaba adeeca ee xifdiya xilliga laga maqan yahay wixii Eebe faray in la xifdiyo waa kuwo fiican oo Eebe amaanay,kuwase aad oga cabsanaysaan kacdoon iyo santaagid waaniya oo wax u sheega,oo hadaad wax oga garan weydaan gogosha oga sikada,oo hadaad wax oga garan weydaan guulguula oo yara waabiya,haday kolkaa ka dib idin adeecaan wax daalac iah ha u raacanina oo ha ku sii xadgudbina,ilaahay waa mid sarreeya oo weyn”.
Ujeedadu waa uun ilaalinta qoyska, in ninka masuul laga dhigayna waa uun fowdo ka carar.

Kuwa sida xun u fasiraya waxaa ku filan in lagu yiraahdo:
Adiga waxaa maqsadka aayaddaa kaa badiya rasuulkii ay ku soo dagtay scw oo diiday in dumarka la garaaco,sidaa darteed shaki kuma jiro in halka aad u qaaday tafsiirka aayadda uusan jirin .
Waayo ma dhici karto in haddii Eebe rasuulkiisa scw ku yiri haweenka garaaca in uu rasuulka scw yiraahdo haweenka lama garaaci karo.

‎قَالَ رسولُ اللَّه ﷺ: لا تَضْربُوا إِمَاءَ اللَّهِ،”
“ha garaanica hablahaa ah addoomada Eebe”.

Kolka wax baa kaa khaldan,aayaduna ma oran waa in dumar la dilaa ee qoys is qabtay oo ay kolkaa shidada ka socoto dhinaca haweenta ayay ka hadlaysa,oo si qoyskaa u dhisnaado haddii dumarkaa idinku kacaan wacdiya oo u dhimriya oo hoga tusaaleeya ama yara guulguula oo xitaa gogosha kaga yara duda,iyada oo ujeedada intaa loo samaynayo ay tahay in aanu qoyskaa burburin ee maaha ujeedada aayadda haweenka ha la garaaco.
Mufasiriin badan guulguulidaa la sheegay waxay ku micneeyeen in cimaamad yar iyo cadey iwm uu ninku ku yara baaciyo iwm,si inta u yaxyaxdo gabadhu u dareento in ninkeedii maanta carooday oo ay meel xun ka marayso oo ay isku yara noqoto gabadhii dhibta waday oo ay kolkaa dareento waxa keenay in kii ay nolosha la wadaagtay maanta u gacan qaado.
Garaacaa waxay culimada axkaamta diinta fasirta isku taaceen inuu noqdo mid aan inaba firito muuqata keeni karin.
‎ضرب غير مبرح
Gacan qaad aan inaba barar ama dhaawac ama xanuun yar keeni karin”.
Waa uun yara taqaanraqin iwm ama maro ama cimaamad iwm lagu bilif siiyo.
Wali lama hayo hal mufasir oo garaaciddaa ku fasiray feer iyo dharbaaxo ama dil iwm .
Afarta mad-habood waxay isku waafaqeen in looga qaadayo xuquuq oo loo simayo qisaas haddii ay haweentu qaadiga ku dacweyso ninka dhib muuqata u gaysta,oo xitaa laga furayo haddii ay furriin dalbato dhibtaa uu u gaystay darteed.

Dhanka kale ilaahay kama baaqsan in uu xuso haddii ay gardarada Ragga xagooda ka timaaddo sidii laga yeeli lahaa oo Eebe kol uu arintaa tilmaamayay wuxuu yiri:-
“وَإِنِ امْرَأَةٌ خَافَتْ مِن بَعْلِهَا نُشُوزًا أَوْ إِعْرَاضًا فَلَا جُنَاحَ عَلَيْهِمَا أَن يُصْلِحَا بَيْنَهُمَا صُلْحًا ۚ وَالصُّلْحُ خَيْرٌ ۗ وَأُحْضِرَتِ الْأَنفُسُ الشُّحَّ ۚ وَإِن تُحْسِنُوا وَتَتَّقُوا فَإِنَّ اللَّهَ كَانَ بِمَا تَعْمَلُونَ خَبِيرًا (128)
“Haddii ay haweeney saygeeda oga cabsato gardarro iyo santaagid iyo inuu ka sii jeedo,wax dambi ah kuma jiro haddii ay dhexdooda ka heshiiyaan oo ay ku dadaalaan heshiis waayo heshiisku waa khayr,sideedaba nafta aadanaha waxaa lagu xaadiriyay in ay khayrka ku bakhaylaan,haddii aad wanaag samaysaan oo aad Eebe ka dhowrsataan Ilaahay waxaad falaysaan waa og yahay.

Ugu dambeyntii diinta islaamku haweenka waxay siisay xuquuq dhamays tiran oo la mid ah midda ay raggu iyaga ku leeyihiin,kolka laga reebo masuuliyadda qoyska oo Ragga loo igmaday,in ragga masuuliyad la saarana kama dhigna in ay haweenka ka fiican yihiin ee waa uun in qoyska laga fogeeyo fowdo iyo isbarbar yaacid.
Talada reerka in ay ka wada tashadaana waa la faray.

فَإِنْ أَرَادَا فِصَالًا عَن تَرَاضٍ مِّنْهُمَا وَتَشَاوُرٍ فَلَا جُنَاحَ عَلَيْهِمَا ۗ
“Kolka ay doonayaan lamaanuhu in canuga laba jirsaday ay naaska ka guriyaan iyagoo raalli isaga ah kana wada tashaday,wax dhib ah iyo culeys kuma sugna arintaas”

Related posts

Leave a Comment