SIRTA NOLOSHA IYO FARXADDA

 

Sirta nolosha iyo farxadda waa adigoo ku toosnaada dariiqa rabbi akhlaaqda wanaagsana siday tahay u qaata oo u fuliya.

Hadaad doonayso damiir nabad galay Ku dadaal arimahan intaad karto.

1-ha caroonin haday dhacdana laq carada oo iska cafi cidda kaa caraysiisay,waayo rasuulka scw waxa uu aad inoogu adkeeyay inaan carada iska ilaalino.
‎قال رسول الله-ص- لا تغضب.

Ilaahayna wuxuu amaanay kuwa carada qariya oo dadka cafiya.
‎- قال تعالى : { وَالْكَاظِمِينَ الْغَيْظَ وَالْعَافِينَ عَنِ النَّاسِ وَاللّهُ يُحِبُّ الْمُحْسِنِين }
(Kuwa qarinaya carada oo dadka cafinaya alle wuu jecel yahay dadkaas wanaagsan)

‎-قال تعالى(وَلَمَنْ صَبَرَ وَغَفَرَ إِنَّ ذَلِكَ لَمِنْ عَزْمِ الْأُمُورِ)
(Qofkii sabra oo iska cafiya dadka arinkaas wuxuu ka mid yahay arimaha loo qasdo kuwooda ugu fiican)

‎و قال رسول الله صلى الله عليه وسلم-( من كظم غيظاً وهو يستطيع أن ينفذه دعاه الله يوم القيامة على رءوس الخلائق حتى يخيّره في أي الحور شاء ) .
(Ninkii qariya caradiisa isaga oo awooda inuu fuliyo maalinka qiyaamaha waxaa looga yeeraa dadka hortooda si loo dooransiiyo xuural ceynta inta uu doono).
-Nb:dabcan haweenka suuban iyagaaba xuural cayn laga dhigaa-

2-Qalbi waasac ah ku qaabil carada
Si ay ulunto markiiba waayo alle qalbiga ayuu eegaa.
‎عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رضي الله عنه قَالَ: إِنَّ اللَّهَ لاَ يَنْظُرُ إِلَى صُوَرِكُمْ وَأَمْوَالِكُمْ وَلَكِنْ يَنْظُرُ إِلَى قُلُوبِكُمْ وَأَعْمَالِكُمْ) أخرجه مسلم
“Ilaahay ma eegayo suuradiina iyo maalkiina,lkn waxa uu eegayo waa qalbiyadiina iyo camalkiina”

3-Unaxariiso qofka qaldamay oo ha ku darnaane iska cafi oo qaado sifada nabi mohamed scw.

‎(فَبِمَا رَحْمَةٍ مِنَ اللَّهِ لِنْتَ لَهُمْ وَلَوْ كُنْتَ فَظًّا غَلِيظَ الْقَلْبِ لَانْفَضُّوا مِنْ حَوْلِكَ فَاعْفُ عَنْهُمْ وَاسْتَغْفِرْلَهُمْ وَشَاوِرْهُمْ فِي الْأَمْر)
(Raxmad rabbi xagiisa ka ahaatay darteed ayaad ugu jilic sanaatay hadaad ahaan lahayd mid dabci qalafsan oo qalbi adag way kaa kala yaaci lahaayeen, ee iska cafi oo la tasho).

4-Ku dayo dadki hore ee raacay rasuulka scw,oo isku day inaad u dhaqanto siday u dhaqmi jireen oo yeelo dulqaadkoodii iyo dad cafintoodii oo kale.

‎قَالَ أَبُو الدَّرْدَاءِ رضي الله عنه لِرَجُلٍ شَتَمَه:”يَا هَذَا لا تُغْرِقَنَّ فِي سَبِّنَا وَدَعْ لِلصُّلْحِ مَوْضِعًا فَإِنَّا لا نُكَافِئُ مَنْ عَصَى اللَّهَ فِينَا بِأَكْثَرَ مِنْ أَنْ نُطِيعَ
‎اللَّهَ عَزَّ وَجَلَّ فِيهِ”.

(Saxaabiga abuu dardaa ayaa laga soo xigtay inuu ku yiri nin caayay,war hooy ninkoiw ha ku taxtagin caydayada oo heshiiska boos ureeb,waayo anagu kuma gudno abaalka midka dartayo rabi ucaasinaya oo na caayaya wax ka badan inaan rabbi adeeco oo aanan caayin).

‎وَشَتَمَ رَجُلٌ الشَّعْبِيَّ فَقَالَ له الشَّعْبِيُّ:”إنْ كُنْتُ كمَا قُلْتَ فَغَفَرَ اللَّهُ لِي وَإِنْ لَمْ أَكُنْ كَمَا قُلْتَ فَغَفَرَ اللَّهُ لَكَ”.
“Waxaa dhacday in uu nin maalin imaam shacabi aad u caayay markuu daalay ayuu imaam shacabi ugu jawaabay ninyahow waxaad igu sheegtay hadaan ahay rabbi ha ii dambi dhaafo,hadaanan ahayna adiga alla ha kuu dambi dhaafo kolay aniga kuuma haysto)

‎حُكِيَ أَنَّ رَجُلاً قَالَ لِضِرَارِu بْنِ الْقَعْقَاعِ: وَاَللَّهِ لَوْ قُلْت وَاحِدَةً؛ لَسَمِعْت عَشْرًا!فَقَالَ لَهُ ضِرَارٌ: وَاَللَّهِ لَوْ قُلْت عَشْرًا؛ لَمْ تَسْمَعْ وَاحِدَةً !
Waxaa laga sheegay ninka la yiraahdo diraar binu qacqaac in uu maalin nin handaday oo uu ku yiri walaahi haddii aad kalmad ii dallacdo waxaad iga maqli doontaa toban ka daran,wuxuu ugu jawaabay wallaahi hadaad toban kalmad oo xun igu tiraahdo inaadan xitaa mid kaliya aadan iga maqli doonin.

Ugu dambeyntii walaale waxaa muhiim ah inaan mar kasta ku dadaalno akhlaaqda suuban oo ay ugu horeyso cara qarinta iyo cafinta dadka,hadaan sidaa yeelno waxaan shaki ku jirin inaan adduunyada ku noolaan doonno farxad iyo laab xaarni,aakhirana aan jajayn doono inaan rabi ka helno abaalka jano ee la majeerto ee uu u ballan qaaday dadka caro qarinta iyo cafinta ku caan baxay.

Related posts

Leave a Comment