JOOJIYA NACAYBKA KU AADAN CIIDAHA DADKA KALE.

Waxaa loo baahan yahay qofka muslimka ah inuu noqdo mar walba mid akhlaaq lagu soo hirto leh oo anfacaysa khalqiga oo dhan, Dabeecadda wanaagsan iyo ixtiraamku waa midda ay ina farayso diinteena waqti kasta. Waxaa mar kasta oo ay timaaddo ciidda miilaadiga ee ay u dabaaldegaan masiixiyiinta ku bata baraha bulshada digniino laga bixinayo ciidaas oo dadka looga digayo waliba si ka badbadin ah. Horta qof muslim ah sheeko utaal maaha chrismas oo mana sameeyo,mana aaminsana ciidna uma aha ciid ay dad kale leeyihiin. Kaliya waxa kaga soo aadi kara…

Read More

MAALINTA CAASHUURAA MUSLIMIINTA SUNNO IYO SHIICABA MIDBA SI KU AH

  Maanta oo kale oo ah tirsiga sanadka hijriga bisha muxaram tobankeeda waa maalin u calaamadsan oo soo jiidata inta badan dadka islaamka u nisbo sheegta nooc ay yihiinba. Tusaale ahaan madaahibta suniga iyo shiicada oo ah kuwa ugu tunka weyn mad-habadaha u nisbo sheegta diinta islaamka waxaa mid walba si gaar ah ugu asteysan xuska maalintan caashuura. Mad-habka suniga oo ah midka ugu ballaaran ee matala inta badan shucuubta muslimiinta waxay maalintan ku weyneeyaan soon sunno ah oo oga dhigan soon la soomo midka ugu fadliga badan soonka ramadaanka…

Read More

XAAWO MA WAXAA LAGA ABUURAY FEERTA AADAM CS?!!!!!.

  Shaki kuma jiro in dadku badankoodu aaminsan yihiin in Abooto xaawo cs laga abuuray feerta Abkoo Aadam cs. Waxayna arintaas u haystaan mid khilaaf ka nabad gashay,tiiyoo aysan arintu sidaas ahayn kolka loo yimaado gorfaynta masalada iyo garnaqsiga cilmiga. In kasta oo culimada muslimka badanood aaminsan yihiin ama ay dood cilmiyeedkoodu ku arooriyeen faham tilmaamaya in xaawo laga abuuray feerta aadam misana waxaa jira culimo kale oo waaweyn oo ku diidan arintaas iyada oo labada garab ee culimada uu mid la arkaba daliilo diini ah ah ku xoojinayo aragtidiisa…

Read More

ISLAAMKA IYO EEYGA

  Eeygu waa xayawaan cajab badan oo run ahaantii intifaac badan u leh aadanaha wuxuuna xayawaanada dabjoogta ah bar dheer yahay daacadnimada iyo amaanada uu kaga soocan yahay haddii si fiican loo tarbiyeeyo. Qiimaha uu leeyahay darteed ayaa ilaahay marar badan quraanka ku tilmaamay magaciisa iyo qaar ka mid ah wax tarkiisa. Ilaahay intaasoo goor ayaa magaca eeyda kitaabkiisa ku sheegay mar kastana wax tarkiisa uun buu ka hadlayay. Quraanka kuma jiro meel eey lagu karaahiyaystay. ‎ – يَسْأَلُونَكَ مَاذَا أُحِلَّ لَهُمْ ۖ قُلْ أُحِلَّ لَكُمُ الطَّيِّبَاتُ ۙ وَمَا عَلَّمْتُم…

Read More

ISLAAMKA IYO MUNAASABADAHA.

  Munaasabad waa sanadguuro micno iyo milgo ugu fadhida cidda ay soo martay ama murug iyo xusuus mugdi ah ku leh qolada ay qusayso. In kasta oo inta badan aadanaha ay soo jireen u tahay weyneynta munaasabadaha farxadda xambasrsan misana waxaa jira qaar aan ka tagin oo si murug leh u xusa maalmaha ku madoow noloshooda. Dadka islaamka ah waxay ka mid yihiin umadaha dunida ku nool ee inta badan xusa sanadguurooyinka muhiimka ku ah taariikhdooda ama ha ahaadeen kuwa diini ah ama ha ahaadeen kuwo dunawi ah. In kasta…

Read More

ISLAAMKA IYO IS-ADDOONSIGA.

  Ugu horayntii waxaa in la ogaado mudan in is addoonsigu uu ahaa mid ka jiray dunida inteeda badan intii uusan islaamku iman ka hor. sida dhabta ahna islaamku ma amrin mana qabo in lays addoonsado, waayo islaamka isaga ma keenin is addoonsida ee wuxuu u yimid ummad addoonsi iyo wax ka daranba ku jirta,wuxuuna ula mucaamilay si xigmad ku dhisan ilaa uu ka takhalusay wax kasta oo xun oo ay dadkii uu u yimid sameyn jireen oo uu addoonsigana ku jiro. Islaamku wuxuu u yimid umad ay addoomadu u…

Read More

ISLAAMKU MA CARO AYUU DHIIRI GALIYAY MISE CAFIS?!!

  Waxaa aad u badan waayadaan dambe inaad aragto dad islaam ah oo waliba ahlu diin ah oo inta badan caraysan oo uu cafiska iyo dulqaadkuba ku yar yahay. Dhab ahaantii slaamku caro ma faro mana dhiiri galiyo ee waxa carada dadka ku qalqaaliya waa sheydaan doonaya inuu dadka wanaagsan ee ahlu diinka ah ka lumiyo dariiqa toosan ee cafiska iyo caro la’aanta lagu gaaro. Ilaahay swt wuxuu yiri:- إِنَّمَا يُرِيدُ الشَّيْطَانُ أَن يُوقِعَ بَيْنَكُمُ الْعَدَاوَةَ وَالْبَغْضَاءَ فِي الْخَمْرِ وَالْمَيْسِرِ وَيَصُدَّكُمْ عَن ذِكْرِ اللَّهِ وَعَنِ الصَّلَاةِ ۖ فَهَلْ أَنتُم مُّنتَهُونَ.…

Read More

NATIIJOOYINKA SAMAHA IYO XUMAHA

  Inta aad ku fakarayso ama ku howlan tahay wanaaga iyo wanaajinta dadka waxaad haysataa taageerada awoodda sare ee saraysa,waayo rabi wuxuu dunida u sameeyay in wanaagu wanaag soo jiito. فهل جزاء الاحسان الا الاحسان. Dhaq dhaqaaq kasta oo aad ku bixiso waxa wanaagsan iyo dabeecadda san kaama khasaarin,waxaana dhab ah inaad helayso jawaab wanaagsan oo ay kuula soo degdegto maqaadiirta iyo awoodda sare ee Alle,bal adiga tijaabi oo ku feker oo niyeyso oo samee,waxaad arki doontaa natiijo aad la yaabto. Waligaa ha ku fakarin dhibaato iyo inaad dad dhibaateyso…

Read More

ISLAAMKA IYO CASRIGA

  Waxaa had iyo jeer dhagaheenu maqlaan diinta islaamka waa diin waqti kasta la socon karta,casri kasatana la howl-gali karta,waa run hadalkaas waana biyo kama dhibcaan,oo diinta islaamku uwaxba kama qabto in uu qof kasta la saayiro waqtigiisa,laakiin suashu waxay tahay inaga waqti kasta ma la socodsiinaa diinta islaamka?!mise qaarkeen waxay aaminsan yihiin inaan islaamka lala noolaan karin hadaan dib loogu noqon sidii ay u noolaanaan jireen dad boqolaal ama kun sano ka hor noolaa?!. Waxaan shaki ku jirin in islaamku dhiiri galiyay in ummad kasta ay waqtigeeda la noolaato…

Read More

ISLAAMKU QOFNA FIKIRKIISA KUMA DHIBAATEEYO.

  Waxaa lagu jiraa waqti dadka islaamka ah iyo diintoodaba uu dhinacyo badan duullaan fikir ahi kaga socdo,sida la og yahayna marar badan duullaanka fikirka ah iyo midka garaadkaba wuxuu ka ween yahay kana waxyeelo badan yahay duullaanka caskariga ah,waayo duullaanka caskariga ahi waabad ka digtoonaan kartaa ama wax uun awood ahi hadaad leedahay si uun oga dabaalan kartaa,laakiin duullaanka maskaxda waa taxadi iyo loolan ku salaysan xujo iyo caqli sababi kara haddii lagaaga dheereeyo in dad badan lagaa meersado. Maanta dadka islaamka ah intooda badan kuma socdo duullaan hub…

Read More

ISLAAMKA IYO XORIYADA HADALKA IYO RA’YIGA

ISLAAMKA IYO XORIYADA HADALKA IYO RA’YIGA Diinta islaamku maaha mid u timid inay caburiso xoriyada hadalka iyo aragtida,bal way dhiiri galisay,dhab ahaantii hahaad u dhaba gasho nusuusta diinta islaamka qaybaha ka hadlaya arimahaan waxaad ogaanaysaa sida inaba haba yaraatee uusan islaamku xasaasiyad oga qabin aragti dhiibashada ama xoriyad hadalka,kaliya islaamku wuxuu dadka faraa inay wax fiican ku hadlaan. “وقُولُوا لِلنَّاسِ حُسْنًا وَأَقِيمُو” “Dadka wanaag kula hadla” “وَقُلْنَ قَوْلًا مَّعْرُوفًا” “Hadal wanaagsan ku hadla” Islaamku wuxuu dhiiri galiyaa doodaha furan ee wanaaga iyo wax kala kororsiga ku dhisan sida ilaahayba marar…

Read More

WADAADADA IYO DIINTA

Wadaaddada Iyo Diinta: Jinkii Bariiska Xabadda Ku Darsaday! April 27, 2016 Cabdixakiim Diiriye 0 Comment Views: 1,162 Oraahda “jinkii bariiska xabadda ku darsaday”, waa oraah Soomaaliyeed oo caanbaxday, oo la wada yaqaan, loona adeegsado marka la arko qof mashruuc ama hawl dad lahaayeen oo dhameystiran intuu gadaal kasoo gaarey ku darsaday wax yar, kadibna isa siiya ama isu arka mulkiilaha mashruuca oo dhan, iskuna daya inuu garwadeen ka noqdo oo hadba dhankuu doono ujeediya ama danihiisa gaarka ah ku saangooya, kana xigsada kuwii asal ahaan mashruuca iska lahaa. Wadaaddadu maxay…

Read More

DIINTA DADKU U DARSADO WAA AKHLAAQDA

Qaran burburka iyo qaab darada soomaalida ku dhacday maaha mid diin ay ka tageen oga timid,waayo soomaalida waxay ka mid tahay umadaha ugu diin raacidda badan dunida,hadana tafaaruq iyo nidaam soo celin la’aan iyo faqri iyo colaad iyo abaar baa tunka loo suray muddo rubuc qarni ka badan. Kaliya micnaha diin ka taggu waxa uu soomaalida ku rumoobi karaa haddii loo jeedo diinta ay ka tageen midda akhlaaqda iyo dhaqanka suuban oo lafteeda diin ah. Waayo akhlaaqdu waa ta ugu muhiimsan qofka diinkiisa,sida dhowridda nafta,dhowridda maalka,dhowridda caqliga,dhowridda ballanta,cadaaladda,cafiska,isu tanasulka,istixgalinta,ilaalinta amaanada,caro…

Read More

ISASIINTA XIGAALENIMADA ALLE!!!!!.

MA SAX BAA ISA SIINTA XIGAALANIMADA ALLE?!!! Dhab ahaantii waad khaldan tahay hadaad aaminto in adiga ama kooxdaada ama dadka aad ka dhalatay ama inta kula diinta ama aragtida ah oo kaliya ayaa ilaahay la jiraa,kaligood baana janada galaya. Caqiidada noocaan ah waa tii ilaahay ahlul kitaabka iyo mushrikiinta ku ceebeeyay muslimiintana oga digay,oo ilaahay waxa uu yiri:- ♦ ﴿ وَقَالَتِ الْيَهُودُ لَيْسَتِ النَّصَارَى عَلَى شَيْءٍ وَقَالَتِ النَّصَارَى لَيْسَتِ الْيَهُودُ عَلَى شَيْءٍ وَهُمْ يَتْلُونَ الْكِتَابَ كَذَلِكَ قَالَ الَّذِينَ لَا يَعْلَمُونَ مِثْلَ قَوْلِهِمْ فَاللَّهُ يَحْكُمُ بَيْنَهُمْ يَوْمَ الْقِيَامَةِ فِيمَا كَانُوا فِيهِ…

Read More

ARAGTIDA FARMAAJO (GABAY)

Waa gabay duco iyo dardaaran ah oo uu Abwaan Abdullahi M Hussein kasameeyay doorashadii iyo isbadalkii kal dhoweyd ka dhacay cariga soomaaliya abwaanku wuxuu u duceeyay soomaalida iyo mudane Mohamed Abdullahi Farmaajo. 1-Allahayoow adaa mahad leh oon kuu ogsoon nahaye , 2- Adigaa adduunyada askumay idil ahaanteedee, 3- adaa noo rakibay aaladaha uunka wada saaran. 4-Adaa noo hibeeyoo na yiri ku intifaacsada eh. 5-Oxygen Ka neefta ah biyaha nolosha loo aayo? 6-Adaa nagu arzaaqoo Rabnoow nagu amaanaysday, 7-Inaan mahad uun kuu celino baad nagu adkaysaayee, 8-Adigaa abaalkaagu yahay lama ilaawaanee,…

Read More

ISLAAMKA IYO DASTUURKA

DIINTA ISLAAMKA IYO DASTUURKA Dastuur marka la qeexo waa heshiis u dhaxeeya bulsho meel ku wada nool kaas oo ay ku cadahay qodobada ay ku heshiiyeen umadda ku nool goobtaas uu heshiiskooda ka dhacay,marka heshiiska noocaas ah la galayo qasab maaha in umadda halkaas ku nool oo dhan ay goob joog wada ahaadaan,ee waxa ay qolo kasta oo qaab degmo ama qabiil isugu xiran goobta u soo dirsanaysaa ergo ku matasha qaabaynta dasruurka ama heshiiska. Kolka laysla meel dhigo heshiiskaas ayaa si loo ansaxiyo haddii la doono afti umadeed loo…

Read More