SALAADIHII QALFOOFKA LAGA DHIGAY

  Erayga salaad marka af-soomaali loo rogo waa duco,sidaas bayna luqad ahaan ku tahay,sharci ahaana waa ereyo iyo ficilo lagu bilaabo weyneyn alle loogana baxo salaama naqsi,marka la joogo manhajka ahlu sunna waljamaaca oo ah kuwa ugu laandheersan kooxaha loo nisbeeyo muslimiinta salaadaha shanta waxay ku tahay rukniga labaad ee tiirarka islaamku ku taagan yahay,waxaa ka horeeya oo kaliya towxiidka ama shahaadateynka oo ah furaha lagu soo galo islaanimada,waana waajib gudashadooda oo aysan u banaaneyn inuu ka tago qof kasta oo qaangaar ah,miyirna qaba iyo haweenka daahirka ka ah dhiiga…

Read More

Kheyrka aynu isu kaashano & Samanfalida

Markahore Mahad oo dhan waxay u sugnaatay Allaah, Naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaato Rasuulkii Alle Muxammad S.C.W. Intaas kadib: Alle kor ahaaye wuxuu yiri:  ” Khayraadka ku tartama” Suuradda al-Baqara: Aayadda 148. Wuxuu kaloo yiri Alle weyne kor ahaaye: “ U tartama dambi dhaafka Rabbiggiin iyo Janno balleceedu le’egyahay cirarka iyo dhulka oo loo diyaariyey kuwa iska dhowra xumaha.” Suuradda aali-Cimraan: Aayadda 133. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Ku dadaala Camalka san, waqtina ha luminina aad ku sameyn kartaan camal suubban waxa imaan doona dhowaan…

Read More

Sabarka iyo Adkeysiga

Alle kor ahaaye wuxuu yiri:                                              (يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُواْ اصْبِرُواْ وَصَابِرُواْ وَرَابِطُواْ وَاتَّقُواْ اللّهَ لَعَلَّكُمْ تُفْلِحُونَ) Kuwa xaqa rumeeyoow sabra, oo sabarka ku tartama, oo heegan ahaada iyo kuwo adkeysi badan, xilka Alle idin saarayna dhowra aad liibaantaane”. Suurada aali Cimraan:Aayada 200. Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye: (وَلَنَبْلُوَنَّكُمْ بِشَيْءٍ مِّنَ الْخَوفْ وَالْجُوعِ وَنَقْصٍ مِّنَ الأَمَوَالِ وَالأنفُسِ وَالثَّمَرَاتِ وَبَشِّرِ الصَّابِرِينَ) “ Waxaan idinku imtaxaani doonaa wax cabsi la yiraahdo iyo gaajo iyo nusqaan naf iyo maal iyo miroba leh, ee sabrayaasha u bishaaree.” Suuradda al-Baqarah:Aayada 155. Wuxuu kaloo yiri kor…

Read More