ISU DULQAADASHADA AFKAARAHA WAA ASTAAN XAQ,IS KHASABKUNA WAA ASTAAN BAADIL..

  Dhab ahaantii hadaan iraahdo inta aan ka aqaan kaliya aad ka qortid astaamaha arinkaa uu darsiga kanu daaran yahay ma dhacayso in maqaal kaliya koobo oo waxaa laga allifi karaa kutub majalado ah oo uusan ilaa iyo iminku maanku koobi karin inta ay noqonayaan,ee aniga oon is dhibin bal aan isku dayo inaan aashay darsiga ku idleeyo ishaarooyin aad u kooban oo u badan aayado quraanka kariimka ah. Ugu horeyn dadka ahlul xaqa ah ee ay adeegayaasha Alle hormuudka u yihiin waa dad nasteexo badan oo aadanaha khayr iyo…

Read More

WAXYEELADA DAD CEEBEYNTU LEEDAHAY

  Qof dad ceebeynaya lama dhagaysto,hadaad dhagaysatana lama rumeysto,sidaas ayaa dariiqa toosan ah. Ilaahay iyo rasuulkiisa scw waxay si ku celcelis ah inoogu sheegeen in ceebaha la asturo ay waajib tahay,in la fidiyo ceebna ay xaaraam tahay. -وَلَا تَقْفُ مَا لَيْسَ لَكَ بِهِ عِلْمٌ ۚ إِنَّ السَّمْعَ وَالْبَصَرَ وَالْفُؤَادَ كُلُّ أُولَٰئِكَ كَانَ عَنْهُ مَسْئُولًا . “Ha raac-raacin waxa xun ee aadan ogaal u lahayn waayo maqalka iyo araga iyo qalbigaba mid kasta wax baa layska weydiin doonaa maalinka qiyaame”. Sideedaba hadal xun oo ceeb iyo aflagaaddo shakhsi ama dad ku…

Read More

XUJADA CAQLIGA IYO FIDRADA WAA XAAJO AAN LAGA MAARMIN OO UU ISLAAMKU FARAY

. Waxyaabaha mudan in lagu baraarugo waxaa ka mid ah in ilaahay aadanaha u sameeyay garaad iyo fidro dabiici ah oo ay ku kala gartaan samaanta iyo xumaanta iyo dhibta iyo dheefta, fidradaas isma badasho haddii aysan dibadda oga imaan waxyaalo ka qaalib noqda oo afgambiya,fidradaas waa dabeecad sameys ah oo mar kasta ku amban gudaha aadanaha ismana badasho xitaa haddii uu ruuxo ku doorsoomo waxyaabo dibadda oga yimid oo jirro shaki ama shubho ah ku rida caqligiisa. Garaadka aadanuhu wuu jiranaan karaa inta la doono kol haddii uu ku…

Read More

FAA,IIDADA DHIMASHADA

Ka warran haddii aan muddo noolayn oo aan haysannay garasho ama caqli aan ku noolaanno. Haddii aan noolayn muddo, waan dhimanay. Waxaan aragnay salkii iyo ciribtii camalkeennii intii aan noolayn. Sidii aan u fikiraynay iyo wixii aan aamminsanayn waxay noqdeen, wax aan faa’iido lahayn. Cadaab iyo ciqaab ayaan qoorta lagalnay. Haddii aan muddo ku jirnay cadaab aad u daran, oo aan la ximmili Karin, naxariistii Alle ayaa noo timid. Waxaa nala siiyay fursad, aan markale adduunkii ku soo noqonno, oo aan markaas ka fikirno inaan baddalno afkaartii xumayd ee aan…

Read More

ISLAAMKA IYO FALAGGA (ORBIT)KA

  Islaamku Masaadirtiisa saxiixa ah sida quraanka iyo sunada raacsan marna kama hor imaanin cilmiga iyo aqoonta dhab loo hubiyay ee aadanuhu ka gaaray sida ay u shaqeeyaan dunida rabbi abuuray iyo falagga la halmaala ee ay qorraxda iyo dayaxa iyo meerayaalka kalaba ka mid yihiin. Waxaa kale oo in la ogaado mudan in asal uusan quraanku u imaan inuu dadka saynis baro,ee uu u yimid inuu dadka baro kuna xiro rabigii abuuray iyaga iyo dunidaba si ay u caabudaan,sayniska iyo aqoonta kalana Alle wuxuu u xilsaaray aadanaha maadaama uu…

Read More

ISLAAMKA IYO IN MALAHA LAYSU WANAAJIYO

Diinteenu waxay ina bartay oo ay inagu tirtirsiisay in aan mar kasta dadka dareen iyo malo fiican u muujino,waxayna inooga digtay oo ay dambi ka dhigtay tuhunka iyo malaha xun iyo inaan mar kasta dadka xumaan oga shakino. Ilaahay Sareeye wuxuu yiri:- يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا اجْتَنِبُوا كَثِيرًا مِّنَ الظَّنِّ إِنَّ بَعْضَ الظَّنِّ إِثْمٌ ۖ وَلَا تَجَسَّسُوا وَلَا يَغْتَب بَّعْضُكُم بَعْضًا ۚ أَيُحِبُّ أَحَدُكُمْ أَن يَأْكُلَ لَحْمَ أَخِيهِ مَيْتًا فَكَرِهْتُمُوهُ ۚ وَاتَّقُوا اللَّهَ ۚ إِنَّ اللَّهَ تَوَّابٌ رَّحِيمٌ ” “Kuwa iimaanka laga helayoow ka dheerada wax badan oo malaha iyo…

Read More

NATIIJOOYINKA SAMAHA IYO XUMAHA

Inta aad ku fakarayso ama ku howlan tahay wanaaga iyo wanaajinta dadka waxaad haysataa taageerada awoodda sare ee saraysa,waayo rabi wuxuu dunida u sameeyay in wanaagu wanaag soo jiito. فهل جزاء الاحسان الا الاحسان. Dhaq dhaqaaq kasta oo aad ku bixiso waxa wanaagsan iyo dabeecadda san kaama khasaarin,waxaana dhab ah inaad helayso jawaab wanaagsan oo ay kuula soo degdegto maqaadiirta iyo awoodda sare ee Alle,bal adiga tijaabi oo ku feker oo niyeyso oo samee,waxaad arki doontaa natiijo aad la yaabto. Waligaa ha ku fakarin dhibaato iyo inaad dadka dhibaateyso waayo…

Read More

SEDDEX ARIMOOD OO AY TAHAY IN WAX LAGA OGAADO.

  1-Ilaahay nabadda iyo colaadda nabadda ayuu jecel yahay oo uu doonayaa!!!waayo nabadda wuu dhiiri galiyay,ilaalinteedana wuu ka dardaarmay,magacyadiisa ayuu ku daray ASSALAAM oo nabad ah,salaanta la isku salaamo ayuu nabad ka dhigay,intii salaadaha lagu jiro intaasoo goor ayuu dadka faray in ereyga nabadda la soo hadalqaado,xitaa salaaddii baa looga baxaa salaama naqsiga oo ah erayo nabad ka tarjumaya.. Markii salaada sidaa looga baxana waxa xiga oo rasuulka scw ina baray inaan niraahno اللهم انت السلام ومنك السلام Ilaahoow adaa nabad ah xagaada ayayna nabada ka ahaataa. Wuxuu ka digay…

Read More

ISLAAMKA IYO LOOLANKA CAQLIGA IYO CILMIGA.

  Sida laga wada warqabo ama ay la socoto cidda dhab u daraasaysay islaamku kama hor yimaado daliilka caqliga iyo dowrka natiijooyinka cilmiga lagu sugay. Waxayse dad badanu moog yihiin in afkaaro jahli ku dhisan oo la diimeeyay ama fasiro la khalday oo diin loo ekeysiiyay ay yihiin kuwa inta badan loo adeegsado iska horkeenka diinta iyo caqliga ama diinta iyo nolosha caadiga ah. Islaamku si cad ayuu u taageeray cilmiga iyo aqoonta,wuxuuna tilmaamay in nolosha bani aadamka aysan intaasi ka soo harin. Suuraddii ugu horeysay ee lagu soo dajiyay…

Read More

ADAYG IYO ISLAAM ISMA GALAAN.

Diinta saamaxday in iskaalsaha/sharabaadada la masaxo weysada musaafir iyo muqiimba,oo musaafirka u saamaxday intuu safarka ku jiro inuu weysada badalkii uu lugaha dhaqi lahaa uu masaxo iskaalsaha dushooda,midka gurigiisa joogana hadduu doono uu ilaa saddax bari kolka uu weysada lugaha joogo iska masaxan karo shiddo la’aan,kaliya shuruudaha loo xiray ay tahay inuu kolkii uu xiranayay iskaalsaha/sharabaadada/sockska uu ahaa qof weyso qabo,isla markaasna uusan la imaan waxyaabaha qubayska waajibiya,wixii intaa ka soo hara loo siibi maayo ee waa uun la iska masaxayaa oo hurdo iyo xaajo suuli iyo neef midoodna loo…

Read More

DIIN FIDINTA OO DUUNYO RAADIN LOOGU DUGAALO WAA DULMI.

Sideedaba fariimaha diin kasta oo xaga rabi ka timid danta iyo ujeedada Alle ka leeyahay waa uun gaarsiin cadaalad iyo dulmi ka digid,kolka laga soo tago is baridda uu rabi isku barayo addoomadiisa iyo u sheegidda waxyaabaha ka maqan ee ay garasho caadi ah ku haleeli karin insaanka oo ah midka la duldhigay masuuliyadda dunida ee inta dulsaaran oo dhan madiidin looga dhigay isaga. Jiritaanka maalin dib dadka loo soo nooleyn doono si loogu kala garsooro oo intii khayr iyo iimaan soo sameysay meel san la dajin doono,kuwa sharka iyo…

Read More

XAGAY SALKA KU HAYSAA MUSHKILADDA MUSLIMIINTA?!!!

  Mushkilada maanta haysata muslimiinta maaha mid uu islaamku u keenay sida mulxidiinta iyo kuwa diinta ka tagay rumeysan yihiin,mana ahan mid ay axaadiista rasuulka scw u keeneen sida ay kuwa quraan kaliya ayaan qaadanaynaa ku dooda aaminsan yihiin,mana aha abuuhureyra iyo bukhaari iyo muslim iyo saxaabo iyo taabiciin kale midna kuwa ka masuulka ah mashaqada muslimiinta maanta iyo mar horeba meel kasta ku haysata. Islaamku waxa uu muslimiinta u keenay isu geyn waa iimaan iyo nabad iyo akhlaaq iyo raxmad iyo cadaalad iyo in dulmiga laga dheeraado intaasna waxay…

Read More

MUHIIIMADDA WAX AKHRINTU KU LEEDAHAY NOLOSHEENA

  Waxaad mooddaa in baraha bulshada ay soomaalida ku baranayaan in wax la akhriyo laakiin wali fari kama qodna oo waxaa wali jirta inta badan soomaalida inaysan dul u lahayn,wax akhrin joogto ah amaba ay ku dhiiradaan qoraalada yara dhaadheer si kasta oo uu faa’iido ugu leeyahay. Wax akhrintu waa qayb muhiim ah oo aadanaha noloshiisa milgo u leh,waana meel uu ruuxu ku heli karo macluumaad ay naftiisu ugu baahan tahay sida cuntada iyo biyaha ama ka daranba. Sidaadarteed baa ilaahay marar badan ugu baraarujiyay kitaabkiisa ahmiyada wax akhrintu u…

Read More

ISLAAMKU MA CABURIYO ARAGTIYADA IYO BAREERAHA DADKA.

Ugu horeyntii waxaa in la ogaado mudan haddii Eebbe itaal sheegad iyo awood uu dooni lahaa in uu xaqa ku meel mariyo in uu adeegayaashiisa la soo diri lahaa aarmi iyo ciidan ku filan inay xaqa dadka ku khasbaan,ciidankaas oo haday doonaan ka kooban malaa’ig iyo duul qarsoon iyo makhluuqaad muddo kar ah oo si kasta oga awood badan insaankan daciifka ah. “وَمَا يَعْلَمُ جُنُودَ رَبِّكَ إِلَّا هُوَ ۚ..” “Cid ogi ma jirto ciidanka rabigaa oon isaga ahayn” Amaba Alle inta intaasoo dhan iska daayo ayuu dadka u diri lahaa…

Read More

ISLAAMKA IYO EEYGA

  Eeygu waa xayawaan cajab badan oo run ahaantii intifaac badan u leh aadanaha wuxuuna xayawaanada dabjoogta ah bar dheer yahay daacadnimada iyo amaanada uu kaga soocan yahay haddii si fiican loo tarbiyeeyo. Qiimaha uu leeyahay darteed ayaa ilaahay marar badan quraanka ku tilmaamay magaciisa iyo qaar ka mid ah wax tarkiisa. Ilaahay intaasoo goor ayaa magaca eeyda kitaabkiisa ku sheegay mar kastana wax tarkiisa uun buu ka hadlayay. Quraanka kuma jiro meel eey lagu karaahiyaystay. ‎ – يَسْأَلُونَكَ مَاذَا أُحِلَّ لَهُمْ ۖ قُلْ أُحِلَّ لَكُمُ الطَّيِّبَاتُ ۙ وَمَا عَلَّمْتُم…

Read More

KA DIGTOONOW DULMIGA

  Waligaa intaad nooshahay waxaad iska ilaalisaa inaad Alle iyo aadanaha iyo uunka kalaba aad dulmiso,waayo dulmiga waa xanuun badan yahay,ciribtiisuna waa mid xanuun badan,ciqaabta ka ratibmeysana waa mid xanuun badan. Dulmiga aad Alle dulminayso waxaa ka dhigan inaad inkirayso jiritaankiisa,ama aad cid kale abaal oga hayso nolosha uu kugu galadaystay iyo sidaa quruxda badan ee uu kuu abuuray kuuna dhex keenay duni ay ku idishahay dhamaan asbaabihii saamaxayay inaad ku noolaato. Kaliya waxa uu Alle kaa doonayo waa rumeyn iyo mahadcelin waxa ka dhigani ay yihiin inaad caabuddo ood…

Read More

BANI AADAM DHINTAY BAKHTI MA LAGU SHEEGI KARAA?!

  Sideedaba diiinta islaamka waxay u timid inay basharka tusto wanaagga iyo wadada liibaanta ee labada daarood,waxayna umartaa dariiqa gaarsiinta dacwadaas dadka u baahan si degan oon inaba wadan xinif iyo didin dadka diinta laga didinayo. Ambiyada ilaahay soo diray waxaa la faray gidigood inay dadka ugu yeeraan dariiqa alle si ximad iyo wanaag badan ku jirto oo dad la dhaqan iyo qadarinba wadata. “ادْعُ إِلَىٰ سَبِيلِ رَبِّكَ بِالْحِكْمَةِ وَالْمَوْعِظَةِ الْحَسَنَةِ ۖ وَجَادِلْهُم بِالَّتِي هِيَ أَحْسَنُ ۚ إِنَّ رَبَّكَ هُوَ أَعْلَمُ بِمَن ضَلَّ عَن سَبِيلِهِ ۖ وَهُوَ أَعْلَمُ بِالْمُهْتَدِينَ” “Ugu…

Read More

ISLAAMKU WAA CAQLIGA IYO FIDRADA TOOSAN.

Ilaahay sarreeye insaanka wuxuu abuuray iyaga oo toosan oo brogramka ku jirana uu yahay mid calaa fidro ah oo hanuunsan,inta badan waxaa bani adamka lumiya oo barada toosnaanta ka saara waa wax soo dariyay oo uu dunida kula kulmay sheydaana ka daadajiyay. Rasuulka scw wuxuu yiri:- “، وروى مسلم بسنده عَنْ عِيَاضِ بْنِ حِمَارٍ الْمُجَاشِعِيِّ عن النَّبيِّ فيما يرويه عن الله ـ تبارك وتعالى ـ قال : ((إِنِّي خَلَقْتُ عِبَادِي حُنَفَاءَ كُلَّهُمْ ، وَإِنَّهُمْ أَتَتْهُمُ الشَّيَاطِينُ فَاجْتَالَتْهُمْ عَنْ دِينِهِمْ ، وَحَرَّمَتْ عَلَيْهِمْ مَا أَحْلَلْتُ لَهُمْ ، وَأَمَرَتْهُمْ أَنْ يُشْرِكُوا بِي…

Read More

DOWRKA CAQLIGA IYO SIDA DIINTU U DARYEESHAY

. Ceebta jirkaada waxaa asturi kara laba ama saddex mitir oo maro ah,laakiin ceebta caqligaada waxaa muujin kara hal su’aal oo uu ku weydiiyo qof xog ogaal ah oo wax kaa weydiiya curis aad ka caagan tahay,ee cibro qaado oo camir caqligaada intaan ceebtiisa loo tagin. Waxyaabaha caqliga lagu camiro waxaa ugu horeeya cilmiga iyo ogaalka oo lagu kabay fikirka iyo aragti dheerida ay la socoto ruugidda ra’yiga iyo rogtogidda umuuraha inta aadan ku hawl galin ka hor. Kolka intaa laga soo tago wax is weydiin ogaalka iyo maciinsashada midka…

Read More

ISLAAMKA IYO WADANIYADDA.

  Mowduucan inaan ka hadlo waxaa igu dhaliyay ka dib kolkaan dhowr jeer arkay dad aan aqoon buuxda diinta islaamka u lahayn oo baraha bulshada si fudud oga oranaya wadaniyadnimadu waa gaalnimo, Dhab ahaantii waa la yaab in dad islaam sheeganaya ay ka hoos baxdo halkii ay siirada nabiga scw iyo taariikhdiisii ka bilaabay ee hijriyadii kolkii uu rasuulka scw ka haajirayay mako ee uu madiino u socday oo intuu soo jalleecay dhowr jeer mako yiri”makooy kaama aanan tageen haddii aysan qoomkayga iga kaa soo saarin” “وعن ابن عباس. أن…

Read More