DOWRKA CAQLIGA IYO SIDA DIINTU U DARYEESHAY

. Ceebta jirkaada waxaa asturi kara laba ama saddex mitir oo maro ah,laakiin ceebta caqligaada waxaa muujin kara hal su’aal oo uu ku weydiiyo qof xog ogaal ah oo wax kaa weydiiya curis aad ka caagan tahay,ee cibro qaado oo camir caqligaada intaan ceebtiisa loo tagin. Waxyaabaha caqliga lagu camiro waxaa ugu horeeya cilmiga iyo ogaalka oo lagu kabay fikirka iyo aragti dheerida ay la socoto ruugidda ra’yiga iyo rogtogidda umuuraha inta aadan ku hawl galin ka hor. Kolka intaa laga soo tago wax is weydiin ogaalka iyo maciinsashada midka…

Read More

SIRTA NOLOSHA IYO FARXADDA

  Sirta nolosha iyo farxadda waa adigoo ku toosnaada dariiqa rabbi akhlaaqda wanaagsana siday tahay u qaata oo u fuliya. Hadaad doonayso damiir nabad galay Ku dadaal arimahan intaad karto. 1-ha caroonin haday dhacdana laq carada oo iska cafi cidda kaa caraysiisay,waayo rasuulka scw waxa uu aad inoogu adkeeyay inaan carada iska ilaalino. ‎قال رسول الله-ص- لا تغضب. Ilaahayna wuxuu amaanay kuwa carada qariya oo dadka cafiya. ‎- قال تعالى : { وَالْكَاظِمِينَ الْغَيْظَ وَالْعَافِينَ عَنِ النَّاسِ وَاللّهُ يُحِبُّ الْمُحْسِنِين } (Kuwa qarinaya carada oo dadka cafinaya alle wuu jecel…

Read More

KITAABKA QURAANKA IYO SUNADA NABIGA SCW

. kitaabka quraanka kariimka ah waa waxyi xagga rabbi ka yimid oo lagu soo dajiyay rasuulka muxamad ah scw,si uu ugu digo basharka dunida ku nool una baro Rabiga dunida abuuray iyo siday u caabudi lahaayeen ogana danbeyn lahaayeen una qaadan lahaayeen awaamirtiisa cadaaldda ah.. Sunada nabiga scw waa axaadiista laga wariyo ee qowl iyo ficil iyo qiridba leh ee ka ansaxay ama ka sugnaaday rasuulka scw,waxayna tabac u tahay oo ay sharax iyo bayaamin u tahay quraanka iyo ujeedada uu Rabi swt ka leeyahay,maadaama uu rasuulka scw yahay midka…

Read More

HADALKA WANAAGSAN.

  Dadka oo loo dooraa hadalba midka uu ka wanaagsan yahay waxay ka mid tahay waxyaabaha nolosha bila farxadana keena,quluubtana isu soo dhoweeya;ilaahayna isaga oo ina dareensiinaya arintaas ayuu inagu tirtirsiiyay markaan hadlayno inaan doorano kalmadaha wanaagsan. Ilaahay wuxuu yiri:- ‎”وَقُولُوا لِلنَّاسِ حُسْنًا” “Dadka wax san ku dhaha”. Wuxuu kaloo yiri:- ‎”وَقُل لِّعِبَادِي يَقُولُوا الَّتِي هِيَ أَحْسَنُ ۚ إِنَّ الشَّيْطَانَ يَنزَغُ بَيْنَهُمْ ۚ إِنَّ الشَّيْطَانَ كَانَ لِلْإِنسَانِ عَدُوًّا مُّبِينًا (53) “Usheeg adoomadayda inay ku hadlaan hadba hadalka kiisa ugu wacan,waayo sheydaan baa ka dhex shaqeeya,sheydaankuna waxa uu insaanka u yahay…

Read More

ISLAAMKA IYO XIRIIRKA DADKA KA DIINTA DUWAN.

  Sidiisaba islaamku waa diin raxmad,waa diin nabad,waa diin cafis,waa diin xoriyad,waa diin caddaalad,waa diin nolol,waa diin soo dhoweyn badan oo basharka ka ilaalisa waxa u daran,waa diin ixtiraam badan oo xitaa xaq dhowrta oo xiriirinaysa dadka ka diinta duwan hadaysan iyagu markaa dagaal ku haynin. Dhab ahaantii Diinta islaamku waa iyada midda doonaysa inay ukala kala dabqaaddo dadka iyada rumeysan iyo dadka caqiido ahaan ka duwan muslimiinta oo diintu inooma ay diidin usama falka kuwa aan diinteena darteed inoola dagaalsanayn. Ilaahay sarreeye wuxuu yiri mar uu arintaa inagala hadlayay:-…

Read More

HA QARIN QURUXDA ISLAAMKA HANA KHARIBIN SUMCADIISA

. Waxaan maanta joognaa duni ay dadka ku nooli ku tartamayaan qiimaynta iyo qurxinta waxa ay qolo kastaba qaybta u heshay. Waxaan har iyo habeen arkaynaa dadyow kala duwan oo ku faanaya hidahooda soo jireenka ah oo ay aad u qurxiyeen kana saareen wixii khaldaad ku jiray dabeetana soo bandhigeen si dadka u daneeyaan uguna daydaan. Kolka laga soo tago tartanka dhaqanada waxaan iyadana goobta ka marneyn kuwa diinta oo aan inta badan dhaqanada ka dheereyn. Waxaan u jeednaa boqolaalka kun ee diimood ee dunida ka jira in mid kastaayi…

Read More

NACAYBKU WAA NATIIJO LIITDATA OO LAGU NABAYO ISLAAMKA.

  waxaan darsigan kii ka horeeyay ku qaadaa dhigay sida nusuusta diinta oga horjeeddo nacaybka dhaqanka u noqday qaar muslimiinta ka mid ah iyaga oo ku andacoonaya in nacaybka daran ee ay uqaadaan wixii si uun oga duwanaada ay tahay qayb iimaanka ka mid ah oo uu ilaahayna farayo sidaas. Waxaan soo aragnay nusuustii diinta ee beenineysay aragtidaas lagu kadsoonay. Qormdan oo daba taal tii ka horeysay waxay diirada saaraysaa fahamka khaldan ee laga qaatay nusuusta diinta ee loo daliishado nacaybka. Sida aayada suuratu Mujaadala ku jirta ee oranaysa :-…

Read More

ISLAAMKA IYO IN MALAHA LAYSU XUMEEYO.

Soomaalidii hore ayaa waxaa laga hayaa muslinow run sheeg oo muslinow run oga qaado. Waa maah maah ku dhaqankeedu uu inoo dhaami lahaa sida aan dhowaanahan nahay. Waxaa aad inoogu batay waayadan dambe tuhmo iyo shaki iyo malaha oo laysu xumeeyo, iyada oo aad arkayso in aad loo kala tagay oo qof kasta uu ka shakisan yahay midka kale qolo kasta ay tuhunsan tahay midda kale, Waxaad arkaysaa in hadalkii laysu badalayo oo qof kasta ama qolo kasta uusan umuuqan karin khayrka qolada kale. Taasina waxay sahashay inuu xiqdigii ina…

Read More

ISLAAMKA IYO ANAANIYADA.

  Anaaniyada iyo in la yiraahdo wax kasta anigay igu san yihiin kaligay baana saxan oo kaligay baa Alle ila jiraa waxay ka mid tahay waxyaaba ilaahay inaga reebay oo uu islaamkeenuna ishaaray inaysan sax ahayn in sidaa loo dhaqmo. Nacam waad dooran kartaa dariiqa saxan ee islaamka waadna aamini kartaa in waxa aad ku qanacsan tahay ay yihiin waxa ugu saxan oo uu rabbi ku faray,laakiin isla marka aad taas aaminto ayaa misana lagaa reebay inaad ku kadsoonto dadka kalena ku yasto iimaankaaga. Dhab ahaantii nusuusta diinta islaamka waxay…

Read More

MUHIIMADDA AKHLAAQDA WANAAGSANU LEEDAHAY.

  Dadku ma arki karaan iimaanka qalbiga kuugu jira,kaliya waxay arki karaan akhlaaqda iyo dhaqanka kaa muuqanaya,taas uun bayna kugu qiimeynayaan. Sidaa darteed buu islaamku xooga u saaray tirtirsiinta akhlaaqda Iyo ku dhaqanka dabeecadda wanaagsan,ilaa uu rasuulkii umaddan loo soo diray yiraahdo kaliya waxaaba la ii soo diray inaan dhameystiro akhlaaqda wanaagsan. Rasuulku scw wuxuu yiri:- ‎وعن أبي هريرة – رضي الله عنه – أنه قال: (إنما بعثت لأتمم مكارم الأخلاق). “Kaliya waxaa la ii soo diray inaan dhameys tiro akhlaaqda wanaagsan”. Haddii ujeedada islaamku u yimid ahayd iimaan iyo…

Read More

ISLAAMKA IYO ILAALINTA NASABKA.

Ugu horeyntii sida la wada og yahay Aadanahu waa noole karaameysan oo uu Alle ka doortay in badan oo ka mid ah uunka uu dunida ku abuuray,wuxuuna u asteeyay inuu hogaamiye iyo masuulba u noqdo inta abuur ee dunida la dulsaaran,oo uu intifaacsado agab iyo noole wixii aysan noloshiisu ka maarmin ama bilaya. Aadanaha sidaasa rabbi wuxuu u sameeyay cagli iyo garaad uu oga sareeyo khalqiga badankii,wuxuuna dul saaray masuuliyad iyo takaaliif loo igmaday oo lagula xisaabtami doono maalin dambe ee uu rabi ka yeelay madal garsoor iyo abaalmarin. Sharciyada…

Read More

RABBI UMA KALA ROONA RAG IYO DUMAR

. Ragga iyo dumarka ma sina marka la leeyahay micnaheedu maahan ragga ayaa dumarka ka fiican,sida dadku qaarkii moodaan,waayo kala fiicnaantu waa hadba sida Alle loogu kala dhow yahay oo loo kala camal iyo cibaado iyo ikhlaas badan yahay ee kuma xirna in rag la ahaado ama dumar la ahaado. Ilaahay wuxuu yiri:- “مَنْ عَمِلَ صَالِحًا مِنْ ذَكَرٍ أَوْ أُنْثَى وَهُوَ مُؤْمِنٌ فَلَنُحْيِيَنَّهُ حَيَاةً طَيِّبَةً وَلَنَجْزِيَنَّهُمْ أَجْرَهُمْ بِأَحْسَنِ مَا كَانُوا يَعْمَلُونَ” “Qofkii sameeya camal wanaagsan rag iyo dumar kuu dooniba ha ahaadee isaga oo mu’min ah waxaan ku nooleyneynaa xayaato…

Read More

ISLAAMKA IYO MUNAASABADAHA.

  Munaasabad waa sanadguuro micno iyo milgo ugu fadhida cidda ay soo martay ama murug iyo xusuus mugdi ah ku leh qolada ay qusayso. In kasta oo inta badan aadanaha ay soo jireen u tahay weyneynta munaasabadaha farxadda xambasrsan misana waxaa jira qaar aan ka tagin oo si murug leh u xusa maalmaha ku madoow noloshooda. Dadka islaamka ah waxay ka mid yihiin umadaha dunida ku nool ee inta badan xusa sanadguurooyinka muhiimka ku ah taariikhdooda ama ha ahaadeen kuwa diini ah ama ha ahaadeen kuwo dunawi ah. In kasta…

Read More

ISLAAMKA IYO IS-ADDOONSIGA.

  Ugu horayntii waxaa in la ogaado mudan in is addoonsigu uu ahaa mid ka jiray dunida inteeda badan intii uusan islaamku iman ka hor. sida dhabta ahna islaamku ma amrin mana qabo in lays addoonsado, waayo islaamka isaga ma keenin is addoonsida ee wuxuu u yimid ummad addoonsi iyo wax ka daranba ku jirta,wuxuuna ula mucaamilay si xigmad ku dhisan ilaa uu ka takhalusay wax kasta oo xun oo ay dadkii uu u yimid sameyn jireen oo uu addoonsigana ku jiro. Islaamku wuxuu u yimid umad ay addoomadu u…

Read More

ISLAAMKA IYO SIDA UU HAWEENKA U KARAAMEEYAY

. ugu horeyntii waxaa in la ogaado mudan in haweenku ka mid yihiin bani’aadamkaa uu rabbi karaameeyay ee uu ka fadilay abuurka intiisa badan,oo ilaahay sarreeye wuxuu yiri mar uu arintaa ka hadlayay. “وَلَقَدْ كَرَّمْنَا بَنِي آدَمَ وَحَمَلْنَاهُمْ فِي الْبَرِّ وَالْبَحْرِ وَرَزَقْنَاهُمْ مِنَ الطَّيِّبَاتِ وَفَضَّلْنَاهُمْ عَلَىٰ كَثِيرٍ مِمَّنْ خَلَقْنَا تَفْضِيلًا.” “Dhab ahaantii waan karaameynay bani,adamka,waxaanan ku xambaarnay berri iyo badba;waxanan ku irsaaqnay waxyaalaha wan wanaagsan,oo waxanan ka fadli badneysiinay in badan oo ka mid ah wixii aan abuurnay”. Rag iyo haween labadaba ilaah baa abuuray uguna talo galay inay ka…

Read More

JACAYLKA AHLUL BEYDKA NABIGA SCW IYO FADLIGOODA

. Ahulul beydka nabiga scw waa xigaalihiisii ay ugu horeeyaan duriyadiisii markay ugu fogtahayna waxaa lagu soo daraa haweenkiisii rabi ha ka raali noqdee. Ahlulbeydka nabiga scw inta laysku wada waafaqsan yahay waa faatima binti rasuul scw iyo saygeedii imaam cali ibnu abii daalib rc iyo duriyadii ay iska dhaleen ee ay ugu horeeyaan xasan iyo xuseen. Ahlul beydnimada intaa muran kuma jiro waayo rasuulka scw ayaa marar badan si cad u cadeeyay oo oga hor qiray asxaabtiisa hortiisa iyo dad kale oon islaamba ahayn sida nasaaradii reer najraan ee…

Read More

WAA MAXAY SHAREECO.?!

Waan hubaa in dad badanu ay ereygaasu maqlaan dhowrkii maalmoodba maalin hadaysan maalin kastaba maqlin,laakiin sidaan isleeyahay waxaa yar inta dhuuxda ee dhab u baarta waxa uu ereygaasu ka dhigan yahay. Ilama aha inaan ka badbadiyay haddaan ku tilmaamo waxa dadku intiisa badan u yaqaanaan shareeco inay tahay xukun kaliya ama haddaan si kale u dhigo “isku xukun diin”.waayo dhawaqyada ugu badan ee dhagaheena ku soo dhaca waxaa ka mid ah:shareecadii baa maqan,shareecada maa laysku xukumo?!!,shareecada maa la dabakho!!!!iyo kuwo kale oo la mid ah!!. Nacam waa dhab oo lama…

Read More

ISLAAMKA IYO QASADKA QISAASTA IYO XUDUUDA

Aslan qasadku islaamku ka leeyahay qisaasta iyo xuduudu waa cadaalad iyo in aadanuhu ku kala nabad galaan,laguna dhowro nafta iyo maalka iyo sharafta dadka. Qasadka qisaasta iyo xuduudu islaamku ka leeyahay maaha in bani aadamka lagu cadibo ee waa in loogu gurmado insaanka,maadaama aysan sharciyadda ciqaabtu qabaneynin cid ka baxsan dulmiilayaasha loogu talo galay ee adyadda ku howlan. Teeda kale In dadka loo kala garqaado dalmbiilayaashana la ciqaabo waxaa ku jirta danta dadka dunida ku nool si ay u helaan nabad ay ku dakayn karaan iyo nolol dulmi ka maran…

Read More

ISLAAMKA IYO USLUUBTA WAANINTA IYO WAX U SHEEGGA DADKA.

  Ambiyada iyo ergooyinka alle usoo dhiibay fariintiisIii maadaama ay arin muhiim ah gudbinayeen waxa alle la soo diray usluub ay ahayd in ay dadka wax ugu sheegaan. Waxaa ugu horeysa daganaan iyo in aysan dadka didinin. Ilaahay wuxuu ku yiri qaar rushiisa ka mid ah ﴿اذْهَبَا إِلَى فِرْعَوْنَ إِنَّهُ طَغَى (43) فَقُولَا لَهُ قَوْلاً لَيِّناً لَعَلَّهُ يَتَذَكَّرُ أَوْ يَخْشَى (44)﴾. “Fircoon aada waa uu xad gudbaye oo kula hadla hadal jilicsan waxa dhici karta inuu waansamo ama uu alle ka yaabo eh” Lama oran ku soo qayliya,lama oran soo…

Read More

XAQA IYO BAADILKA KEE BAA DADKA HANDADA?!

Maxay tahay farqiga idiin dhaxayn kara adiga iyo ahlul baadilka marka aad cabsi darteed la soo itaagto inaad handado fikir kaaga ka duwan?!! Ogow hadduu fikirkaaga xaq yahay uma baahna inaad ku garab istaagto handadaad ee waxaa kugu filan inaad xujo cad ku bayaamiso bareerahaaga,waayo xaqu xujo ayuu ku sugnaadaa ee laguma meel mariyo xoog!!! Ilaahay wuxuu yiri:- “بَلْ نَقْذِفُ بِالْحَقِّ عَلَى الْبَاطِلِ فَيَدْمَغُهُ فَإِذَا هُوَ زَاهِقٌ ۚ وَلَكُمُ الْوَيْلُ مِمَّا تَصِفُونَ ” “Waxaan ku ganaynaa oon ka horgeyneynaa xaqa baadilka markaas ayuu maskaxda ka abbaarayaa oo uu burburinayaa,idinkuna waxaad…

Read More