Taxadarku waa qayb diinta ka mid ah

————-///———///— In ilaahay la aamino lagu xirnaado oo la talo saarto waa wax wanaagsan oo ay diintanadu na farayso,caqli ahaana in awoodda sare ee Eebe ee ah midka waxa uu doono sameeya wax ku culusna aysan jirin la magan galo waa arin sax ah. In Qadarta la Aamino iyana waa masalo uu iimaanku ina farayo. Iyada oo ay intaas oo dhami jirto ayaa misana Eebe ina farayaa in aan taxadarka qaadano oon ka digtoonaano wax kasta oo waxyeello inoo gaysan kara oo ay cudurada halista ahi ka mid yihiin. Eebe…

Read More

DALIILADA LOO CUSKADO JOOJINTA JUMCADA IYO JAMAACADA HADDII DHIB AMA CUDUR YIMAADO.

Diinta islaamku waa diin fudud oo mar kasta ka shaqaysa danaha insaanka kuna dhisan fududeyn iyo sahlidda umuuraha iyo qiimeynta xaaladaha. Ilaahay wuxuu yiri:- “وَمَا جَعَلَ عَلَيْكُمْ فِي الدِّينِ مِنْ حَرَجٍ ۚ “Ilaahay diinta dhib idinkagama dhigin”. “يُرِيدُ اللَّهُ بِكُمُ الْيُسْرَ وَلَا يُرِيدُ بِكُمُ الْعُسْرَ” “Ilaahay wuxuu idinla doonayaa fudeyd ee idinla dooni maayo culeys”. “يُرِيدُ اللَّهُ أَن يُخَفِّفَ عَنكُمْ ۚ وَخُلِقَ الْإِنسَانُ ضَعِيفًا (28)” “Ilaahay wuxuu doonayaa in uu wax idinka khafiifiyo waayo insaanka waxaa lagu abuuray daciifnimo. ( طه ( 1 ) مَا أَنزَلْنَا عَلَيْكَ الْقُرْآنَ لِتَشْقَىٰ (2).…

Read More

MAXRAMKA SAFARKA DUMARKA IYO MACNEYNTA CULIMADA DIINTA.

Ugu horeyntii waxaan ka cudur daaranayaa inaanan qormo kooban ku soo gudbin karin waqtiga iyo waxa ay u baahan tahay masalada ku saabsan maxramka diintu fartay inay dumarku raacaan waqtiyada safarka meel habeen iyo maalin loo socdo ama maalin socod ah iyo ka badan.  Daliilada arintaa ku soo aroorayna aad ayay u badan yihiin waana kuwo laga dharagsan yahay,mana aha iminka ujeedadayda soo gudbinta daliilo badan oo arintaa ku saabsan,waxanse doonayaa inaan diiradda saaro waxa ay hal-doorka culimada ahee diinta falaqeeya arinkan ka yiraahdeen, ama sida ay u fahmeen una…

Read More

HA QARIN QURUXDA ISLAAMKA HANA KHARIBIN SUMCADIISA.

Waxaan maanta joognaa duni ay dadka ku nooli ku tartamayaan qiimaynta iyo qurxinta waxa ay qolo kastaba qaybta u heshay.  Waxaan har iyo habeen arkaynaa dadyow kala duwan oo ku faanaya hidahooda soo jireenka ah oo ay aad u qurxiyeen kana saareen wixii khaldaad ku jiray dabeetana soo bandhigeen si dadka u daneeyaan uguna daydaan. Kolka laga soo tago tartanka dhaqanada waxaan iyadana goobta ka marneyn kuwa diinta oo aan inta badan dhaqanada ka dheereyn. Waxaan u jeednaa boqolaalka kun ee diimood ee dunida ka jira in mid kastaayi ku…

Read More

ISLAAMKU QOFNA FIKIRKIISA KUMA DHIBAATEEYO HADDII UUSAN ISAGU DHIB KALE LA IMAAN.

Waxaa lagu jiraa waqti dadka islaamka ah iyo diintoodaba uu dhinacyo badan duullaan fikir ahi kaga socdo,sida la og yahayna marar badan duullaanka fikirka ah iyo midka garaadkaba wuxuu ka ween yahay kana waxyeelo badan yahay duullaanka caskariga ah,waayo duullaanka caskariga ahi waabad ka digtoonaan kartaa ama wax uun awood ahi hadaad leedahay si uun oga dabaalan kartaa,laakiin duullaanka maskaxda waa taxadi iyo loolan ku salaysan xujo iyo caqli sababi kara haddii lagaaga dheereeyo in dad badan lagaa meersado. Maanta dadka islaamka ah intooda badan kuma socdo duullaan hub loo…

Read More

ISLAAMKA IYO WAXA UU KA QABO ANAANIYADA IYO ISLAQUMANAANTA

Anaaniyada iyo in la yiraahdo wax kasta anigay igu fiican yihiin kaligay baana saxan oo kaligay baa Alle ila jiraa waxay ka mid tahay waxyaaba ilaahay inaga reebay oo uu islaamkeenuna ishaaray inaysan sax ahayn in sidaa loo dhaqmo. Nacam waad dooran kartaa dariiqa saxan ee islaamka waadna aamini kartaa in waxa aad ku qanacsan tahay ay yihiin waxa ugu saxan oo uu rabbi ku faray,laakiin isla marka aad taas aaminto ayaa misana lagaa reebay inaad ku kadsoonto dadka kalena ku yasto iimaankaaga. Dhab ahaantii nusuusta diinta islaamka waxay in…

Read More

XUQUUQDA DADKA OO LAYSKA DHOWRO.

Waxyaabaha ugu waaweyn ee uu islaamku dhowray waxaa ka mid ah,in dadka xuquuqdooda la ilaaliyo oo layska dhowro,oo aan dhiigooda la galin,oo aan hantidooda la dhicin,oo aan amaanadooda la khiyaamin,oo aan cirdigooda iyo sharaftooda la banaysan. Ilaahay wuxuu yiri:- إِنَّ اللَّهَ يَأْمُرُكُمْ أَنْ تُؤَدُّوا الْأَمَانَاتِ إِلَى أَهْلِهَا وَإِذَا حَكَمْتُمْ بَيْنَ النَّاسِ أَنْ تَحْكُمُوا بِالْعَدْلِ إِنَّ اللَّهَ نِعِمَّا يَعِظُكُمْ بِهِ إِنَّ اللَّهَ كَانَ سَمِيعاً بَصِيراً} “Ilaahay wuxuu idin farayaa inaad amaanooyinka u gudaan dadkii lahaa oo hadaad dadka kala xukumaysaana aad cadaalad ku kala xukuntaan,ilaahay wax wanaagsan buu idinku wacdinayaa waana…

Read More

ISLAAM IYO ADAYG MEEL ISLAMA GALAAN!.

Diinta saamaxday in iskaalsaha/sharabaadada la masaxo weysada musaafir iyo muqiimba,oo musaafirka u saamaxday intuu safarka ku jiro inuu weysada badalkii uu lugaha dhaqi lahaa uu masaxo iskaalsaha dushooda,midka gurigiisa joogana hadduu doono uu ilaa saddax bari kolka uu weysada lugaha joogo iska masaxan karo shiddo la’aan,kaliya shuruudaha loo xiray ay tahay inuu kolkii uu xiranayay iskaalsaha/sharabaadada/sockska uu ahaa qof weyso qabo,isla markaasna uusan la imaan waxyaabaha qubayska waajibiya,wixii intaa ka soo hara loo siibi maayo ee waa uun la iska masaxayaa oo hurdo iyo xaajo suuli iyo neef midoodna loo…

Read More

ISLAAMKA IYO ISKU TIXGALINTA ARAGTIYADA IS DIIDAN.

  Qof allaale iyo qofkii yiraahda sidaan wax u arko si ka duwan wax looma arki karo,ama waxa aan sheego wax ka badalan lama sheegi karo,isaga oo mararka qaarna adeegsanaya handadaad iyo awood,waa qof lunsan oo doonaya inuu xaqa afduubto,waayo xaqa waa xoriyad isagaana taageersan kala duwanaanta nabadda ku dhisan. Cid ilaahay ka awood badan ma jirto isagana awood uma adeegsan meel marinta xaqa iyo ku toosinta aadanaha sida saxan inta uu dhinacooda dhulka ka sareeyo. Ilaahay wuxuu yiri:- “قُلْ كُلٌّ يَعْمَلُ عَلَىٰ شَاكِلَتِهِ فَرَبُّكُمْ أَعْلَمُ بِمَنْ هُوَ أَهْدَىٰ سَبِيلًا”…

Read More

MIYAA LA HELAYAA WAX DALIIL AXAADIIS SUGAN AH OO CADAYNAYA IN JINIGA IYO SHEYDAANKU AY DHEEHI KARAAN JIRKA INSIGA?!.

  Waxaan ku soo gudo jirnay duruustii ku saabsanayd in sheydaanku ama jinigu dheehi karo jirka insiga iyo in kale ma wax daliil ahayaa loo hayaa? Darsigii koowaad waxaan ku soo qaadaa dhignay bal in quraanka laga heli karo daliil arintaa cadaynaysa iyo in kale waxaanan soo aragnay inaysan jirin daliil sariix ah oo si cad u cadaynaysa in jiniga ama shayaadiintu ay gali karaan jirka insiga. Intaa ka dib ayaan sidii ballantuba ahayd aan doonayaa inaan darsiga maanta diiradda ku saaro bal in axaadiista nabiga scw laga heli karo…

Read More

MIYAA QURAANKA IYO SUNADA LAGA HELAYAA DALIIL CADAYNAYA IN JINIGU DHEEHI KARO JIRKA INSIGA?.

Su’ashaa inaan jawaab aqoontayda la eg ka bixiyo waxaa igu kallifay kolkii faallooyin fal-celino ah iyo kuwo faa’iido doon ahba aan kala kulmay qaar asxaabtayda ka mid ah oo si sir iyo caadba leh iigu soo dirayay su,aalo ay ka qabaan darsigii ku aadanaa inaanu Jiniga gali karin jirka aadanaha ee aan kal dhoweyd ku soo qoray barteyda facebookga iyo baro kalaba. Waxa ugu badan ee ay asxaabtu igalaga doodayeen ayaa u badneyd bal waxa aan ka leeyahay aayadda quraanka ah iyo Axaadiista nabiga ee ay jamhuurta culimada u daliishadaan…

Read More

ISLAAMKA IYO DHAQANKA IYO HIDAHA

  Afar iyo toban qarni ka badan ayaa laga joogaa waqtigii uu Rabi ku soo dajiyay rasuulkiisa Maxamed ah scw kitaabka furqaan oo ahaa midka kala saaray xaqa iyo baadilka isla markaana koobay oo saxay wixii laga khalday kutubtii isaga ka horeysay. Laga soo bilaabo mudadaas ka badan kun iyo afarta boqol oo sano diinta islaamka waxyaalaha aan isbadalin ee ay la timid waxaa ugu muhiimsanaa,iimaanka iyo akhlaaqda suuban iyo dhaqan galintooda. Islaamku markaa uu yimid iyo mudadooyinkii ka dambeeyayba marna iskuma dayin oo uma qasdin inuu badalo dadka hidahooda…

Read More

ISLAAMKA IYO LA SOCOSHADA CASRIGA.

Waxaa had iyo jeer dhagaheenu  maqlaan diinta islaamka waa diin waqti kasta la socon karta,casri kasatana la howl karta,waa run hadalkaas waana biyo kama dhibcaan,oo diinta islaamku waxba kama qabto in uu qof kasta la saayiro waqtigiisa,laakiin suashu waxay tahay inaga waqti kasta ma la socodsiinaa diinta islaamka?!mise qaarkeen waxay aaminsan yihiin inaan islaamka lala noolaan karin hadaan dib loogu noqon sidii ay u noolaanaan jireen dad boqolaal ama kun sano ka hor noolaa?!. Waxaan shaki ku jirin in islaamku dhiiri galiyay in ummad kasta ay waqtigeeda la noolaato iyada…

Read More

MA GARBAA DIB U DHACA IYO FADHIIDNIMADA MUSLIMIINTA?!!.

Shaki kuma jiro in Muslimiinta diintooda u sheegtay in dunidan insaanka ay iyagu ka mid yihiin sayid iyo khaliif looga dhigay. وَإِذْ قَالَ رَبُّكَ لِلْمَلَائِكَةِ إِنِّي جَاعِلٌ فِي الْأَرْضِ خَلِيفَةً ۖ قَالُوا أَتَجْعَلُ فِيهَا مَن يُفْسِدُ فِيهَا وَيَسْفِكُ الدِّمَاءَ وَنَحْنُ نُسَبِّحُ بِحَمْدِكَ وَنُقَدِّسُ لَكَ ۖ قَالَ إِنِّي أَعْلَمُ مَا لَا تَعْلَمُونَ (30). “Bal xus oo dadka u sheeg waqti uu rabigaa ku yiri Malaa’igta Aniga waxaan dhulka u yeelayaa mid masuul ka noqda oo daga oo maamula,markaasay Malaa’iktii yiraahdeen ma waxaad dhulka ku beereysaa mid fasahaadiya oo dhiigga ku daadiya…

Read More

INSAANKA WAXAA LOO DIRAY KU FAKERIDDA KOONKA. (QAYBTII 3’AAD).

Waxaan ku soo guda jirnay duruustii ku aadaneyd in insaanka loo diray inuu ku fakaro oo camiro waxna ka qabsado koonkan uu ku nool yahay ee loo igmaday maamulidiisa. Waxaan soo aragnay sida bani aadamka judhii la abuurayba loo kala baray magacyada agabka iyo adeegyadii uu u isticmaali lahaa nolosha dunida. Insaanka intii uu janadaba ku jiray kolkii uu sheydaanku simbiriirixiyay waxaa ugu horeeyay ee loo muujiyay ayaa waxay ahayd cawradiisa oo kolkiiba lagu hanuuniyay sidii uu hareerahiisa oga eegan lahaa wixii uu cowrada ku asturan lahaa. “فَأَكَلَا مِنْهَا فَبَدَتْ…

Read More

INSAANKA WAXAA LOO DIRAY KU FAKERIDDA KOONKA. (QAYBTII 2’AAD).

Darsigii kan ka horeeyay waxaan ku soo qaadaa dhignay abuurka insaanka iyo sidii uu Eebe ugu talo galay inuu noqdo mid daga oo camira dunida,iyadoo waajibaadka la siiyay uu ahaa inay koonka ku camiraan cadaalad iyo khayr kana fogaadaan dulmi iyo fasahaad. “وَلَا تُفْسِدُوا فِي الْأَرْضِ بَعْدَ إِصْلَاحِهَا وَادْعُوهُ خَوْفًا وَطَمَعًا ۚ إِنَّ رَحْمَتَ اللَّهِ قَرِيبٌ مِّنَ الْمُحْسِنِينَ (56) “Ha fasahaadinina dunida intii uu Alle sidaa quruxda badsn idiin kugu hagaajiyay dabadeed,oo barya oo caabuda Eebe idinka oo ka cabsanaya ciqaabtiisa hadaad dunida fasaadisaan,isla markaana damcaya oo rajaynaya naxariistiisa hadaad…

Read More

INSAANKA WAXAA LOO DIRAY KU FAKERIDDA KOONKA. (QAYBTII 1’AAD)

Ilaahay kolkii uu Dunida abuuray wuxuu khaliif oga dhigay bani aadamka wuxuuna ugu diyaariyay wax kasta oo ay ku noolaan karaan noloshana ku fududeysan karaan,wuxuuna siiyay caqligii iyo garaadkii ay oga jibo keeni lahaayeen kuna jiiri lahaayeen caqabadaha iyo imtixaanka nolosha dunida ku gadaaman. Ilaahay kol uu arimahaa inagu baraarujinayay wuxuu yiri:- “وَإِذْ قَالَ رَبُّكَ لِلْمَلَائِكَةِ إِنِّي جَاعِلٌ فِي الْأَرْضِ خَلِيفَةً ۖ قَالُوا أَتَجْعَلُ فِيهَا مَن يُفْسِدُ فِيهَا وَيَسْفِكُ الدِّمَاءَ وَنَحْنُ نُسَبِّحُ بِحَمْدِكَ وَنُقَدِّسُ لَكَ ۖ قَالَ إِنِّي أَعْلَمُ مَا لَا تَعْلَمُونَ (30). “Bal xus oo dadka u sheeg waqti…

Read More

JINI KUMA DHEX DAGI KARO WAXNA KUUMA DHIMI KARO.

Jini iyo insi ilaahay baa dunida ku wada abuuray inay is galaan oo uu midkood kan kale galana looguma talo galin,mana jiro nas kaliya oo diini ah oo cad oo saxiix ama sariix ah oo si saani ah u sheegaya in jiniga insiga gali karo. Kaliya diintu waxay na bartay in sheydaanka oo asalkiisa jiniga ka tirsanaa uu dowrkiisu yahay waswaasin iyo lumin oo kaliya. Jini iyo insi mid walba sidii eebe ugu talo galay ayuu u nool yahay mana lahan  wax is dhex gal iyo isku qasnaan iyo mucaamalo…

Read More

ISLAAMKU MA CABURIYO ARAGTIYADA IYO BAREERAHA DADKA.

Ugu horeyntii waxaa in la ogaado mudan haddii Eebbe itaal sheegad iyo awood uu dooni lahaa in uu xaqa ku meel mariyo in uu adeegayaashiisa la soo diri lahaa aarmi iyo ciidan ku filan inay xaqa dadka ku khasbaan,ciidankaas oo haday doonaan ka kooban malaa’ig iyo duul qarsoon iyo makhluuqaad muddo kar ah oo si kasta oga awood badan insaankan daciifka ah. “وَمَا يَعْلَمُ جُنُودَ رَبِّكَ إِلَّا هُوَ ۚ..” “Cid ogi ma jirto ciidanka rabigaa oon isaga ahayn” Amaba Alle inta intaasoo dhan iska daayo ayuu dadka u diri lahaa…

Read More

ISLAAMKA IYO DHIIRI GALINTA SHAQADA.

  Diinta islaamka oo ah diin dhinac walba ka dhameys tiran oo baysna u noqon karta nolosha aadane kasta oo rumeeya waxyaabaha ay dhiiri galiso waxaa ka mid ah dadku inay yeeshaan xirfado shaqo iyo wax soo saar,nusuusta abaartaa ku aadan oo ah kuwo aad uga badan in la soo koobo waxaa ka mid ah intan aan tusaalaha yar u soo qaatay. Ilaahay wuxuu yiri:- “وَلَا تَتَمَنَّوْا مَا فَضَّلَ اللَّهُ بِهِ بَعْضَكُمْ عَلَىٰ بَعْضٍ ۚ لِّلرِّجَالِ نَصِيبٌ مِّمَّا اكْتَسَبُوا ۖ وَلِلنِّسَاءِ نَصِيبٌ مِّمَّا اكْتَسَبْنَ ۚ وَاسْأَلُوا اللَّهَ مِن فَضْلِهِ ۗ…

Read More