ISLAAMKA IYO LA SOCOSHADA CASRIGA.

Waxaa had iyo jeer dhagaheenu  maqlaan diinta islaamka waa diin waqti kasta la socon karta,casri kasatana la howl karta,waa run hadalkaas waana biyo kama dhibcaan,oo diinta islaamku waxba kama qabto in uu qof kasta la saayiro waqtigiisa,laakiin suashu waxay tahay inaga waqti kasta ma la socodsiinaa diinta islaamka?!mise qaarkeen waxay aaminsan yihiin inaan islaamka lala noolaan karin hadaan dib loogu noqon sidii ay u noolaanaan jireen dad boqolaal ama kun sano ka hor noolaa?!. Waxaan shaki ku jirin in islaamku dhiiri galiyay in ummad kasta ay waqtigeeda la noolaato iyada…

Read More

MASUULIYADDA GUURKA IYO QOYSKA.

Masuuliyaddu waa mudnaan aan laga indho laaban karin,waxayna ahayd mid soo taxneyd tan iyo intii la helay aadane uu alle khaliif oga dhigay arlada. Masuuliyada aadanaha alle sharfay waa mid ku jihaysan fahamka nolosha iyo inay ka jibo keenaan waajibaadka laga saaray dunidan loo jilciyay jihooyinkeeda. ( وَلَقَدْ كَرَّمْنَا بَنِي آدَمَ وَحَمَلْنَاهُمْ فِي الْبَرِّ وَالْبَحْرِ وَرَزَقْنَاهُمْ مِنَ الطَّيِّبَاتِ وَفَضَّلْنَاهُمْ عَلَى كَثِيرٍ مِمَّنْ خَلَقْنَا تَفْضِيلًا ) … Kolkii laga soo tago inta fahamsan iimaanka iyo shukriga allaha udiyaariyay dunidan cajabta badan waxaa kale oo Insaanka la saaray hagaajinta qoysaskooda iyo ta…

Read More

INSAANKA WAXAA LOO DIRAY KU FAKERIDDA KOONKA. (QAYBTII 3’AAD).

Waxaan ku soo guda jirnay duruustii ku aadaneyd in insaanka loo diray inuu ku fakaro oo camiro waxna ka qabsado koonkan uu ku nool yahay ee loo igmaday maamulidiisa. Waxaan soo aragnay sida bani aadamka judhii la abuurayba loo kala baray magacyada agabka iyo adeegyadii uu u isticmaali lahaa nolosha dunida. Insaanka intii uu janadaba ku jiray kolkii uu sheydaanku simbiriirixiyay waxaa ugu horeeyay ee loo muujiyay ayaa waxay ahayd cawradiisa oo kolkiiba lagu hanuuniyay sidii uu hareerahiisa oga eegan lahaa wixii uu cowrada ku asturan lahaa. “فَأَكَلَا مِنْهَا فَبَدَتْ…

Read More

INSAANKA WAXAA LOO DIRAY KU FAKERIDDA KOONKA. (QAYBTII 2’AAD).

Darsigii kan ka horeeyay waxaan ku soo qaadaa dhignay abuurka insaanka iyo sidii uu Eebe ugu talo galay inuu noqdo mid daga oo camira dunida,iyadoo waajibaadka la siiyay uu ahaa inay koonka ku camiraan cadaalad iyo khayr kana fogaadaan dulmi iyo fasahaad. “وَلَا تُفْسِدُوا فِي الْأَرْضِ بَعْدَ إِصْلَاحِهَا وَادْعُوهُ خَوْفًا وَطَمَعًا ۚ إِنَّ رَحْمَتَ اللَّهِ قَرِيبٌ مِّنَ الْمُحْسِنِينَ (56) “Ha fasahaadinina dunida intii uu Alle sidaa quruxda badsn idiin kugu hagaajiyay dabadeed,oo barya oo caabuda Eebe idinka oo ka cabsanaya ciqaabtiisa hadaad dunida fasaadisaan,isla markaana damcaya oo rajaynaya naxariistiisa hadaad…

Read More

INSAANKA WAXAA LOO DIRAY KU FAKERIDDA KOONKA. (QAYBTII 1’AAD)

Ilaahay kolkii uu Dunida abuuray wuxuu khaliif oga dhigay bani aadamka wuxuuna ugu diyaariyay wax kasta oo ay ku noolaan karaan noloshana ku fududeysan karaan,wuxuuna siiyay caqligii iyo garaadkii ay oga jibo keeni lahaayeen kuna jiiri lahaayeen caqabadaha iyo imtixaanka nolosha dunida ku gadaaman. Ilaahay kol uu arimahaa inagu baraarujinayay wuxuu yiri:- “وَإِذْ قَالَ رَبُّكَ لِلْمَلَائِكَةِ إِنِّي جَاعِلٌ فِي الْأَرْضِ خَلِيفَةً ۖ قَالُوا أَتَجْعَلُ فِيهَا مَن يُفْسِدُ فِيهَا وَيَسْفِكُ الدِّمَاءَ وَنَحْنُ نُسَبِّحُ بِحَمْدِكَ وَنُقَدِّسُ لَكَ ۖ قَالَ إِنِّي أَعْلَمُ مَا لَا تَعْلَمُونَ (30). “Bal xus oo dadka u sheeg waqti…

Read More

JINI KUMA DHEX DAGI KARO WAXNA KUUMA DHIMI KARO.

Jini iyo insi ilaahay baa dunida ku wada abuuray inay is galaan oo uu midkood kan kale galana looguma talo galin,mana jiro nas kaliya oo diini ah oo cad oo saxiix ama sariix ah oo si saani ah u sheegaya in jiniga insiga gali karo. Kaliya diintu waxay na bartay in sheydaanka oo asalkiisa jiniga ka tirsanaa uu dowrkiisu yahay waswaasin iyo lumin oo kaliya. Jini iyo insi mid walba sidii eebe ugu talo galay ayuu u nool yahay mana lahan  wax is dhex gal iyo isku qasnaan iyo mucaamalo…

Read More

ISLAAMKU MA CABURIYO ARAGTIYADA IYO BAREERAHA DADKA.

Ugu horeyntii waxaa in la ogaado mudan haddii Eebbe itaal sheegad iyo awood uu dooni lahaa in uu xaqa ku meel mariyo in uu adeegayaashiisa la soo diri lahaa aarmi iyo ciidan ku filan inay xaqa dadka ku khasbaan,ciidankaas oo haday doonaan ka kooban malaa’ig iyo duul qarsoon iyo makhluuqaad muddo kar ah oo si kasta oga awood badan insaankan daciifka ah. “وَمَا يَعْلَمُ جُنُودَ رَبِّكَ إِلَّا هُوَ ۚ..” “Cid ogi ma jirto ciidanka rabigaa oon isaga ahayn” Amaba Alle inta intaasoo dhan iska daayo ayuu dadka u diri lahaa…

Read More

ISLAAMKA IYO DHIIRI GALINTA SHAQADA.

  Diinta islaamka oo ah diin dhinac walba ka dhameys tiran oo baysna u noqon karta nolosha aadane kasta oo rumeeya waxyaabaha ay dhiiri galiso waxaa ka mid ah dadku inay yeeshaan xirfado shaqo iyo wax soo saar,nusuusta abaartaa ku aadan oo ah kuwo aad uga badan in la soo koobo waxaa ka mid ah intan aan tusaalaha yar u soo qaatay. Ilaahay wuxuu yiri:- “وَلَا تَتَمَنَّوْا مَا فَضَّلَ اللَّهُ بِهِ بَعْضَكُمْ عَلَىٰ بَعْضٍ ۚ لِّلرِّجَالِ نَصِيبٌ مِّمَّا اكْتَسَبُوا ۖ وَلِلنِّسَاءِ نَصِيبٌ مِّمَّا اكْتَسَبْنَ ۚ وَاسْأَلُوا اللَّهَ مِن فَضْلِهِ ۗ…

Read More

JIHAADKU WAA DIFAACAHA XAQA IYO XORIYADDA AADANAHA.

Dad baa kolkay jihaad maqlaan jujuub iyo khasab iyo isdil goobta soo dhiga. Arintu sidaa maaha ee asalka kalmadu waa dadaal iyo juhdi bixin si loo joojiyo dulmi iyo gardaro. Culimada islaamku waxay isku waafaqeen inuusan jihaadku ahayn qaayada loo socdo ee uu yahay wasiilo. Si kale hadaan u iraahdo jihaadku maaha ujeedo ay khasab tahay in la maro ee wuxuu noqon karaa waddo loo maro ujeedooyinka islaamka qaar ka mid ah  haddii laga fursan waayo. Sawabtii uu ku yimi ayaaba sidaas ahayd oo kolkii suubane muxamad scw uu ku…

Read More

CAQLI DARADA MULXIDIINTA

In dhowaalaba waxaa baraha bulshada ee afka soomaaliga lagu qoro ama lays-kala halo lagu arkayay mulxidiin tiro yar oo iyaga oo is qarinaya intooda badan bogaga uu facebook ugu muuq dheer yahay ka soo seeraariya qoraalo iyo codad muhiimadoodu tahay in Alle iyo diin lagu inkiro. Qaban qaabada duullaan xaga fikirka ah ee qolooyinkan iyaga oo abaabulan ku soo qaadeen caqiidada iyo iimaanka umadda afka soomaaliga ku hadasha waa mid muuqata oo saameynteeda leh oo marba marka ka dambaysa isa soo taraysa. Sidaa darteed ayaan u arkay inay tahay mid…

Read More

JOOJIYA NACAYBKA KU AADAN CIIDAHA DADKA KALE.

Waxaa loo baahan yahay qofka muslimka ah inuu noqdo mar walba mid akhlaaq lagu soo hirto leh oo anfacaysa khalqiga oo dhan, Dabeecadda wanaagsan iyo ixtiraamku waa midda ay ina farayso diinteena waqti kasta. Waxaa mar kasta oo ay timaaddo ciidda miilaadiga ee ay u dabaaldegaan masiixiyiinta ku bata baraha bulshada digniino laga bixinayo ciidaas oo dadka looga digayo waliba si ka badbadin ah. Horta qof muslim ah sheeko utaal maaha chrismas oo mana sameeyo,mana aaminsana ciidna uma aha ciid ay dad kale leeyihiin. Kaliya waxa kaga soo aadi kara…

Read More

WEEDHA WANAAGSAN IYO WAXA AY KA DHIGAN TAHAY.

Sideedaba wanaag oo dhan wuxuu ka bilowdaa hadal wanaagsan iyo howraar san oo lagu kabay ficillo fiican iyo tixgalin toolmoon oo lagu tookho inta dunida kula saaran. Maadaama samaanta hadalka ay leedahay saameynta ugu badan ee wanaagga tabantaabisa ayaa ilaahay si saani ah u tirtirsiiyay ku hadalka tiraabta suuban ee saacidaysa samo ku wada noolaansha aadanaha. Ilaahay wuxuu yiri:- -“أَيُّهَا الَّذِينَ آَمَنُوا اتَّقُوا اللَّهَ وَقُولُوا قَوْلًا سَدِيدًا (70) يُصْلِحْ لَكُمْ أَعْمَالَكُمْ وَيَغْفِرْ لَكُمْ ذُنُوبَكُمْ وَمَنْ يُطِعِ اللَّهَ وَرَسُولَهُ فَقَدْ فَازَ فَوْزًا عَظِيمًا. “Kuwa iimaanka laga helayoow Ilaahay ka dhowrsada oo…

Read More

ISLAAMKA IYO WADANOOLAANSHAHA.

  Beryahan dambe waxa aad ubadanaya dad islaamka iyo muslimiinta duraya oo ku sheegaya in diinta islaamku horor tahay oo ay muslimiintuna khatar ku yihiin nabadda caalamka,iyo wada noolaanshaha,dadkaas oo isugu jira dad gaalo ah’iyo kuwo muslim ahaan jiray oo gaaloobay iyo kuwo uu shaki badan kaga jiro islaamka laftiisa. Waxyaabaha ay badankoodu u adeegsadaan dacaayadahaas waxaa u badan ku tiro ku teen iyo sheekooyin rakhiis ah oo uu qof kasta oo diinta islaamka wax ka yaqaan uu si sahlan u cadayn karo baadilnimadeeda. Waxay ku doodaan in islaamku uusan…

Read More

ISLAAMKA IYO ABLA ABLEYNTA NOLOSHA IYO NOOLAHA.

  Inta badan diinta islaamku waxyaabaha ay ka hadasho waxaa ugu badan duruus la xariirta iimaanka iyo rumeynta rabbi,iyo cadaynta inuu jiro milkiile kaligiis ka arimiya koonka oo uu isagana sameystay. Sidaa darteed diinta islaamka inta badan kama hadasho waxyaabo ka baxsan hadyigii ay u timid ee ahaa ku hanuuninta bani aadamka dariiqa alle oo ay dhacaysay in ay marar badan dadku ka weecdaan. Iyadoo ay taasi jirto ayuusan islaamku misana marna ka ilduufin ka hadalka waxyaabaha nolosha laxariira,sida abuurka koonka iyo inta dulsaaran iyo cadaynta danta uu eebe ka…

Read More

XAAWO MA WAXAA LAGA ABUURAY FEERTA AADAM CS?!!!!!.

  Shaki kuma jiro in dadku badankoodu aaminsan yihiin in Abooto xaawo cs laga abuuray feerta Abkoo Aadam cs. Waxayna arintaas u haystaan mid khilaaf ka nabad gashay,tiiyoo aysan arintu sidaas ahayn kolka loo yimaado gorfaynta masalada iyo garnaqsiga cilmiga. In kasta oo culimada muslimka badanood aaminsan yihiin ama ay dood cilmiyeedkoodu ku arooriyeen faham tilmaamaya in xaawo laga abuuray feerta aadam misana waxaa jira culimo kale oo waaweyn oo ku diidan arintaas iyada oo labada garab ee culimada uu mid la arkaba daliilo diini ah ah ku xoojinayo aragtidiisa…

Read More

ISU DULQAADASHADA AFKAARAHA WAA ASTAAN XAQ,IS KHASABKUNA WAA ASTAAN BAADIL..

  Dhab ahaantii hadaan iraahdo inta aan ka aqaan kaliya aad ka qortid astaamaha arinkaa uu darsiga kanu daaran yahay ma dhacayso in maqaal kaliya koobo oo waxaa laga allifi karaa kutub majalado ah oo uusan ilaa iyo iminku maanku koobi karin inta ay noqonayaan,ee aniga oon is dhibin bal aan isku dayo inaan aashay darsiga ku idleeyo ishaarooyin aad u kooban oo u badan aayado quraanka kariimka ah. Ugu horeyn dadka ahlul xaqa ah ee ay adeegayaasha Alle hormuudka u yihiin waa dad nasteexo badan oo aadanaha khayr iyo…

Read More

WAXYEELADA DAD CEEBEYNTU LEEDAHAY

  Qof dad ceebeynaya lama dhagaysto,hadaad dhagaysatana lama rumeysto,sidaas ayaa dariiqa toosan ah. Ilaahay iyo rasuulkiisa scw waxay si ku celcelis ah inoogu sheegeen in ceebaha la asturo ay waajib tahay,in la fidiyo ceebna ay xaaraam tahay. -وَلَا تَقْفُ مَا لَيْسَ لَكَ بِهِ عِلْمٌ ۚ إِنَّ السَّمْعَ وَالْبَصَرَ وَالْفُؤَادَ كُلُّ أُولَٰئِكَ كَانَ عَنْهُ مَسْئُولًا . “Ha raac-raacin waxa xun ee aadan ogaal u lahayn waayo maqalka iyo araga iyo qalbigaba mid kasta wax baa layska weydiin doonaa maalinka qiyaame”. Sideedaba hadal xun oo ceeb iyo aflagaaddo shakhsi ama dad ku…

Read More

XUJADA CAQLIGA IYO FIDRADA WAA XAAJO AAN LAGA MAARMIN OO UU ISLAAMKU FARAY

. Waxyaabaha mudan in lagu baraarugo waxaa ka mid ah in ilaahay aadanaha u sameeyay garaad iyo fidro dabiici ah oo ay ku kala gartaan samaanta iyo xumaanta iyo dhibta iyo dheefta, fidradaas isma badasho haddii aysan dibadda oga imaan waxyaalo ka qaalib noqda oo afgambiya,fidradaas waa dabeecad sameys ah oo mar kasta ku amban gudaha aadanaha ismana badasho xitaa haddii uu ruuxo ku doorsoomo waxyaabo dibadda oga yimid oo jirro shaki ama shubho ah ku rida caqligiisa. Garaadka aadanuhu wuu jiranaan karaa inta la doono kol haddii uu ku…

Read More

FAA,IIDADA DHIMASHADA

Ka warran haddii aan muddo noolayn oo aan haysannay garasho ama caqli aan ku noolaanno. Haddii aan noolayn muddo, waan dhimanay. Waxaan aragnay salkii iyo ciribtii camalkeennii intii aan noolayn. Sidii aan u fikiraynay iyo wixii aan aamminsanayn waxay noqdeen, wax aan faa’iido lahayn. Cadaab iyo ciqaab ayaan qoorta lagalnay. Haddii aan muddo ku jirnay cadaab aad u daran, oo aan la ximmili Karin, naxariistii Alle ayaa noo timid. Waxaa nala siiyay fursad, aan markale adduunkii ku soo noqonno, oo aan markaas ka fikirno inaan baddalno afkaartii xumayd ee aan…

Read More

CAMIRIDDA CAQLIGA WAA U CALAAMAD ISLAAMKU.

Ilaahay markii uu aadanaha dunida ku abuuray iskama uusan keenin ee wuxuu ku abuuray borogaram ku haga sida ay unoolaanayaan,waxaana bani aadamka taa ku wehliya makhluuqaadka kale oo dhan oo iyagana leh qaab waafajin alle ah oo ay usamaysan yihiin. Ilaahay wuxuu yiri:- ‎”قَالَ رَبُّنَا الَّذِي أَعْطَىٰ كُلَّ شَيْءٍ خَلْقَهُ ثُمَّ هَدَىٰ” “Rabigayo waa midka wax kasta siiyay abuurkiisa misana ku hagay noloshiisa”. Bani aadamka iyo jiniga waxay dheer yihiin khalqiga intiisa kale caqli iyo takaaliif la saaray,halka uu bani aadamku dheer yahay jiniga masuuliyad dunida iyo maamulkeeda laga saaray.…

Read More