ISLAAMKA IYO LOOLANKA CAQLIGA IYO CILMIGA.

  Sida laga wada warqabo ama ay la socoto cidda dhab u daraasaysay islaamku kama hor yimaado daliilka caqliga iyo dowrka natiijooyinka cilmiga lagu sugay. Waxayse dad badanu moog yihiin in afkaaro jahli ku dhisan oo la diimeeyay ama fasiro la khalday oo diin loo ekeysiiyay ay yihiin kuwa inta badan loo adeegsado iska horkeenka diinta iyo caqliga ama diinta iyo nolosha caadiga ah. Islaamku si cad ayuu u taageeray cilmiga iyo aqoonta,wuxuuna tilmaamay in nolosha bani aadamka aysan intaasi ka soo harin. Suuraddii ugu horeysay ee lagu soo dajiyay…

Read More

ISLAAMKA IYO CUNAQABATEYNTA.

  Waxaa aad u badan dad muslimiin ah oo islaamkii ka dhigay diin aar gudasho iyo nacayb utaagan,tiiyoo la og yahay in diintanadu tahay diin cafis iyo samaaxad utaagan oo dhiiri galinaysa dulqaadka iyo in xumaanta wanaag looga jawaabo. Waxaad meelaha ku arkaysaa dad leh shirkad hebel yaan wax laga gadan si ay u khasaarto…!!!,google yeysan galin muslimiinta waayo waxaa lagu faafiyaa filimo islaamka iyo nabiga scw loogu gefayo iwm. Islaamku uma imaan khasaaraha dadka iyo dhibaatayntooda,ee wuxuu u yimid samaaxad iyo raxmad. Rasuulka scw wuxuu ka ergeeyay cuna qabateyn…

Read More

ADAYG IYO ISLAAM ISMA GALAAN.

Diinta saamaxday in iskaalsaha/sharabaadada la masaxo weysada musaafir iyo muqiimba,oo musaafirka u saamaxday intuu safarka ku jiro inuu weysada badalkii uu lugaha dhaqi lahaa uu masaxo iskaalsaha dushooda,midka gurigiisa joogana hadduu doono uu ilaa saddax bari kolka uu weysada lugaha joogo iska masaxan karo shiddo la’aan,kaliya shuruudaha loo xiray ay tahay inuu kolkii uu xiranayay iskaalsaha/sharabaadada/sockska uu ahaa qof weyso qabo,isla markaasna uusan la imaan waxyaabaha qubayska waajibiya,wixii intaa ka soo hara loo siibi maayo ee waa uun la iska masaxayaa oo hurdo iyo xaajo suuli iyo neef midoodna loo…

Read More

SIDA KHILAAFKA LOOLA NOOLAADO.

  Soomaalidu waxay tiraahdaa maan dadeed waa mudacyo afkood, Dadku waa is khilaafayaan oo ilaahay ayaa sidaa ugu talo galay. “وَلَوْ شَاءَ رَبُّكَ لَجَعَلَ النَّاسَ أُمَّةً وَاحِدَةً ۖ وَلَا يَزَالُونَ مُخْتَلِفِينَ ( 118) إِلَّا مَن رَّحِمَ رَبُّكَ ۚ وَلِذَٰلِكَ خَلَقَهُمْ ..” “Haddii Alle dooni dadka oo dhan mid ayuu ka dhigi lahaa,kamana suulayaan dadku inay yihiin kuwo iskhilaafsan mar kasta ilaa in yar oo Alle u naxariistay mooyee,sidaas baana loo abuuray”.. Khilaafkaas waxaa jira qaab loola noolaado oo ah inaad taada wadato tan dadkana ku ixtiraamto oo aadan cidna ku…

Read More

ISLAAMKA IYO TIXGALINTA KALA DUWANAANTA.

Islaamku waa diin caalami ah oo loogu talo galay dadka oo dhan,waxayna tix galisaa kala duwanaantooda,waayo dunida waxaa iska leh oo sameeyay Alle qura dadkuna waa dadkiisii isagaana ugu talo galay sida ay yihiin,ilaa qiyaamuhu dhacana sidaa uun bay dadku u ahaanayaan kuwo kala duwan oo dunida ku qaybsan.kuwo iimaan leh,iyo kuwo gaalo ah. ilaahay wuxuu yiri:- “هُوَ الَّذِي خَلَقَكُمْ فَمِنكُمْ كَافِرٌ وَمِنكُم مُّؤْمِنٌ ۚ وَاللَّهُ بِمَا تَعْمَلُونَ بَصِيرٌ (2)” “Alle waa midka idin abuuray dhamaantiin,waxaa idinka mid ah kuwo gaalo ah oo diiday isaga iyo kuwo mu’miniin ah oo…

Read More

DIIN FIDINTA OO DUUNYO RAADIN LOOGU DUGAALO WAA DULMI.

Sideedaba fariimaha diin kasta oo xaga rabi ka timid danta iyo ujeedada Alle ka leeyahay waa uun gaarsiin cadaalad iyo dulmi ka digid,kolka laga soo tago is baridda uu rabi isku barayo addoomadiisa iyo u sheegidda waxyaabaha ka maqan ee ay garasho caadi ah ku haleeli karin insaanka oo ah midka la duldhigay masuuliyadda dunida ee inta dulsaaran oo dhan madiidin looga dhigay isaga. Jiritaanka maalin dib dadka loo soo nooleyn doono si loogu kala garsooro oo intii khayr iyo iimaan soo sameysay meel san la dajin doono,kuwa sharka iyo…

Read More

ISLAAMKU MA CABURIYO ARAGTIYADA IYO BAREERAHA DADKA.

Ugu horeyntii waxaa in la ogaado mudan haddii Eebbe itaal sheegad iyo awood uu dooni lahaa in uu xaqa ku meel mariyo in uu adeegayaashiisa la soo diri lahaa aarmi iyo ciidan ku filan inay xaqa dadka ku khasbaan,ciidankaas oo haday doonaan ka kooban malaa’ig iyo duul qarsoon iyo makhluuqaad muddo kar ah oo si kasta oga awood badan insaankan daciifka ah. “وَمَا يَعْلَمُ جُنُودَ رَبِّكَ إِلَّا هُوَ ۚ..” “Cid ogi ma jirto ciidanka rabigaa oon isaga ahayn” Amaba Alle inta intaasoo dhan iska daayo ayuu dadka u diri lahaa…

Read More

ISLAAMKA IYO EEYGA

  Eeygu waa xayawaan cajab badan oo run ahaantii intifaac badan u leh aadanaha wuxuuna xayawaanada dabjoogta ah bar dheer yahay daacadnimada iyo amaanada uu kaga soocan yahay haddii si fiican loo tarbiyeeyo. Qiimaha uu leeyahay darteed ayaa ilaahay marar badan quraanka ku tilmaamay magaciisa iyo qaar ka mid ah wax tarkiisa. Ilaahay intaasoo goor ayaa magaca eeyda kitaabkiisa ku sheegay mar kastana wax tarkiisa uun buu ka hadlayay. Quraanka kuma jiro meel eey lagu karaahiyaystay. ‎ – يَسْأَلُونَكَ مَاذَا أُحِلَّ لَهُمْ ۖ قُلْ أُحِلَّ لَكُمُ الطَّيِّبَاتُ ۙ وَمَا عَلَّمْتُم…

Read More

ISLAAMKA IYO WADANIYADDA.

  Mowduucan inaan ka hadlo waxaa igu dhaliyay ka dib kolkaan dhowr jeer arkay dad aan aqoon buuxda diinta islaamka u lahayn oo baraha bulshada si fudud oga oranaya wadaniyadnimadu waa gaalnimo, Dhab ahaantii waa la yaab in dad islaam sheeganaya ay ka hoos baxdo halkii ay siirada nabiga scw iyo taariikhdiisii ka bilaabay ee hijriyadii kolkii uu rasuulka scw ka haajirayay mako ee uu madiino u socday oo intuu soo jalleecay dhowr jeer mako yiri”makooy kaama aanan tageen haddii aysan qoomkayga iga kaa soo saarin” “وعن ابن عباس. أن…

Read More

KITAABKA QURAANKA IYO SUNADA NABIGA SCW

. kitaabka quraanka kariimka ah waa waxyi xagga rabbi ka yimid oo lagu soo dajiyay rasuulka muxamad ah scw,si uu ugu digo basharka dunida ku nool una baro Rabiga dunida abuuray iyo siday u caabudi lahaayeen ogana danbeyn lahaayeen una qaadan lahaayeen awaamirtiisa cadaaldda ah.. Sunada nabiga scw waa axaadiista laga wariyo ee qowl iyo ficil iyo qiridba leh ee ka ansaxay ama ka sugnaaday rasuulka scw,waxayna tabac u tahay oo ay sharax iyo bayaamin u tahay quraanka iyo ujeedada uu Rabi swt ka leeyahay,maadaama uu rasuulka scw yahay midka…

Read More

ISLAAMKA IYO XIRIIRKA DADKA KA DIINTA DUWAN.

  Sidiisaba islaamku waa diin raxmad,waa diin nabad,waa diin cafis,waa diin xoriyad,waa diin caddaalad,waa diin nolol,waa diin soo dhoweyn badan oo basharka ka ilaalisa waxa u daran,waa diin ixtiraam badan oo xitaa xaq dhowrta oo xiriirinaysa dadka ka diinta duwan hadaysan iyagu markaa dagaal ku haynin. Dhab ahaantii Diinta islaamku waa iyada midda doonaysa inay ukala kala dabqaaddo dadka iyada rumeysan iyo dadka caqiido ahaan ka duwan muslimiinta oo diintu inooma ay diidin usama falka kuwa aan diinteena darteed inoola dagaalsanayn. Ilaahay sarreeye wuxuu yiri mar uu arintaa inagala hadlayay:-…

Read More

HA QARIN QURUXDA ISLAAMKA HANA KHARIBIN SUMCADIISA

. Waxaan maanta joognaa duni ay dadka ku nooli ku tartamayaan qiimaynta iyo qurxinta waxa ay qolo kastaba qaybta u heshay. Waxaan har iyo habeen arkaynaa dadyow kala duwan oo ku faanaya hidahooda soo jireenka ah oo ay aad u qurxiyeen kana saareen wixii khaldaad ku jiray dabeetana soo bandhigeen si dadka u daneeyaan uguna daydaan. Kolka laga soo tago tartanka dhaqanada waxaan iyadana goobta ka marneyn kuwa diinta oo aan inta badan dhaqanada ka dheereyn. Waxaan u jeednaa boqolaalka kun ee diimood ee dunida ka jira in mid kastaayi…

Read More

NACAYBKU WAA NATIIJO LIITDATA OO LAGU NABAYO ISLAAMKA.

  waxaan darsigan kii ka horeeyay ku qaadaa dhigay sida nusuusta diinta oga horjeeddo nacaybka dhaqanka u noqday qaar muslimiinta ka mid ah iyaga oo ku andacoonaya in nacaybka daran ee ay uqaadaan wixii si uun oga duwanaada ay tahay qayb iimaanka ka mid ah oo uu ilaahayna farayo sidaas. Waxaan soo aragnay nusuustii diinta ee beenineysay aragtidaas lagu kadsoonay. Qormdan oo daba taal tii ka horeysay waxay diirada saaraysaa fahamka khaldan ee laga qaatay nusuusta diinta ee loo daliishado nacaybka. Sida aayada suuratu Mujaadala ku jirta ee oranaysa :-…

Read More

ISLAAMKA IYO IN MALAHA LAYSU XUMEEYO.

Soomaalidii hore ayaa waxaa laga hayaa muslinow run sheeg oo muslinow run oga qaado. Waa maah maah ku dhaqankeedu uu inoo dhaami lahaa sida aan dhowaanahan nahay. Waxaa aad inoogu batay waayadan dambe tuhmo iyo shaki iyo malaha oo laysu xumeeyo, iyada oo aad arkayso in aad loo kala tagay oo qof kasta uu ka shakisan yahay midka kale qolo kasta ay tuhunsan tahay midda kale, Waxaad arkaysaa in hadalkii laysu badalayo oo qof kasta ama qolo kasta uusan umuuqan karin khayrka qolada kale. Taasina waxay sahashay inuu xiqdigii ina…

Read More

ISLAAMKA IYO ANAANIYADA.

  Anaaniyada iyo in la yiraahdo wax kasta anigay igu san yihiin kaligay baana saxan oo kaligay baa Alle ila jiraa waxay ka mid tahay waxyaaba ilaahay inaga reebay oo uu islaamkeenuna ishaaray inaysan sax ahayn in sidaa loo dhaqmo. Nacam waad dooran kartaa dariiqa saxan ee islaamka waadna aamini kartaa in waxa aad ku qanacsan tahay ay yihiin waxa ugu saxan oo uu rabbi ku faray,laakiin isla marka aad taas aaminto ayaa misana lagaa reebay inaad ku kadsoonto dadka kalena ku yasto iimaankaaga. Dhab ahaantii nusuusta diinta islaamka waxay…

Read More

MUHIIMADDA AKHLAAQDA WANAAGSANU LEEDAHAY.

  Dadku ma arki karaan iimaanka qalbiga kuugu jira,kaliya waxay arki karaan akhlaaqda iyo dhaqanka kaa muuqanaya,taas uun bayna kugu qiimeynayaan. Sidaa darteed buu islaamku xooga u saaray tirtirsiinta akhlaaqda Iyo ku dhaqanka dabeecadda wanaagsan,ilaa uu rasuulkii umaddan loo soo diray yiraahdo kaliya waxaaba la ii soo diray inaan dhameystiro akhlaaqda wanaagsan. Rasuulku scw wuxuu yiri:- ‎وعن أبي هريرة – رضي الله عنه – أنه قال: (إنما بعثت لأتمم مكارم الأخلاق). “Kaliya waxaa la ii soo diray inaan dhameys tiro akhlaaqda wanaagsan”. Haddii ujeedada islaamku u yimid ahayd iimaan iyo…

Read More

ISLAAMKA IYO ILAALINTA NASABKA.

Ugu horeyntii sida la wada og yahay Aadanahu waa noole karaameysan oo uu Alle ka doortay in badan oo ka mid ah uunka uu dunida ku abuuray,wuxuuna u asteeyay inuu hogaamiye iyo masuulba u noqdo inta abuur ee dunida la dulsaaran,oo uu intifaacsado agab iyo noole wixii aysan noloshiisu ka maarmin ama bilaya. Aadanaha sidaasa rabbi wuxuu u sameeyay cagli iyo garaad uu oga sareeyo khalqiga badankii,wuxuuna dul saaray masuuliyad iyo takaaliif loo igmaday oo lagula xisaabtami doono maalin dambe ee uu rabi ka yeelay madal garsoor iyo abaalmarin. Sharciyada…

Read More

KU DAALIDDA DIINTA YAABISKA AH..

Dabshidkii 1664 qoraagii Faransiiska ahaa ee Jean-Baptiste Poquelin oo ku magac dheeraa naynaasta Molier (1622-1673) wuxuu allifay masraxiyad lagu magacaabo ‘Tartuffe’ oo uu sawir uga bixiyey shakhsiyadda wadaad musuq-maasuq badan oo la yiraahdo ‘Tartuffe’, oo dhan ka muujista in uu yahay qof taqwo iyo cibaado badan, laakiin dhanka kale aysan jirin wax agtiisa xaaraan ka ahi. Horaana loo yiri: “Abeeso dhul u ekaan bay kugu dishaa, wadaadna dad u ekaan.” Masraxiyadda waxaa aad uga carooday dhaqdhaqaaqii loo yaqiin ‘Jansenism’ ee kaniisadda Katooliga oo muddo shan sano ah hor istaagnaa in…

Read More

ISLAAMKA IYO SIDA UU HAWEENKA U KARAAMEEYAY

. ugu horeyntii waxaa in la ogaado mudan in haweenku ka mid yihiin bani’aadamkaa uu rabbi karaameeyay ee uu ka fadilay abuurka intiisa badan,oo ilaahay sarreeye wuxuu yiri mar uu arintaa ka hadlayay. “وَلَقَدْ كَرَّمْنَا بَنِي آدَمَ وَحَمَلْنَاهُمْ فِي الْبَرِّ وَالْبَحْرِ وَرَزَقْنَاهُمْ مِنَ الطَّيِّبَاتِ وَفَضَّلْنَاهُمْ عَلَىٰ كَثِيرٍ مِمَّنْ خَلَقْنَا تَفْضِيلًا.” “Dhab ahaantii waan karaameynay bani,adamka,waxaanan ku xambaarnay berri iyo badba;waxanan ku irsaaqnay waxyaalaha wan wanaagsan,oo waxanan ka fadli badneysiinay in badan oo ka mid ah wixii aan abuurnay”. Rag iyo haween labadaba ilaah baa abuuray uguna talo galay inay ka…

Read More

JACAYLKA AHLUL BEYDKA NABIGA SCW IYO FADLIGOODA

. Ahulul beydka nabiga scw waa xigaalihiisii ay ugu horeeyaan duriyadiisii markay ugu fogtahayna waxaa lagu soo daraa haweenkiisii rabi ha ka raali noqdee. Ahlulbeydka nabiga scw inta laysku wada waafaqsan yahay waa faatima binti rasuul scw iyo saygeedii imaam cali ibnu abii daalib rc iyo duriyadii ay iska dhaleen ee ay ugu horeeyaan xasan iyo xuseen. Ahlul beydnimada intaa muran kuma jiro waayo rasuulka scw ayaa marar badan si cad u cadeeyay oo oga hor qiray asxaabtiisa hortiisa iyo dad kale oon islaamba ahayn sida nasaaradii reer najraan ee…

Read More