MAXAA KA JIRA QORRAX BAA GOD GASHA?!AMA IL IYO DHOOBO KU DHACDA?

Inta badan waxaan maqalnaa kuwa iska hor keena Quraanka iyo Cilmiga Sayniska oo ku Andacooda in uu Quraanku yiri Qorrax baa il biyo kulul ama dhoobo ku dhacda,iyaga oo khalad fasiraya Aayad quraanka ku jirta ee ka sheekaynaysay socdaalkii uu Dulqarneyn ku kala bixiyay Dunida Bari Ilaa Galbeed. Micnaha Aayaddan. حَتَّىٰ إِذَا بَلَغَ مَغْرِبَ الشَّمْسِ وَجَدَهَا تَغْرُبُ فِي عَيْنٍ حَمِئَةٍ وَوَجَدَ عِندَهَا قَوْمًا ۗ.. Ilaa uu dilqarneyn gaaray halka ay qorraxdu u dhacdo oo wuxuu arkay iyada oo u sii dhacaysa dhankaa isha biyaha kulul,oo wuxuuna ishaa agteeda ka helay…

Read More

DIINTA ISLAAMKA IYO DUMARKA.

Diintu dumarka way sharaftay,waxay diintu ilaalisay oo ay masuuliyadeeda meel saartay maalinta ay dhalato ilaa maalinka ay dhimanayso. Rasuulka scw wuxuu aad oga dardaarmay koriimada gabadha,lama hayo hal xadiis oo dhiiri galinaya koriimada wiilka lkn taa badalkeed waxaa jira tobnaan xadiis oo dhiiri galinaya koriimada gabadha oo rasuulku scw koriimada gabdhaha iyo koolkoolintoodu wuxuu ku daray waxyaabaha ugu mudan ee Eebe loogu dhowaado janadana lagu muto. ‎”حديث أنس ، وعن النبي ﷺ قال: من عال جاريتين حتى تبلغا جاء يوم القيامة أنا وهو كهاتين[1]، وضم أصابعه ﷺ. “Qofkii koriya oo…

Read More

DAGAALKII BADAR EE DULMIGA JABIYAY

Dagaalkii badar wuxuu dhacay 17kii Ramadaan Sanadkii labaad Ee hijrada oo ku beegan 13kii marso Sanadkii 624 miilaadiga. Sababta Dagaalkaa waxay ahayd ka dib kolkii ay Qureysh la wareegtay wixii hanti ahaa ee Maka ka taalay muslimiinta Madiina u soo hijrootay, ayay Muslimiintu damceen in ay jidka u galaan safar tijaaro ballaaran ah oo ay Qureysh lahayd oo Shaam ka yimid Makana ku sii jeeday,bal si ay wax uun badal ah oga helaan xoolihii iyo hantidii ay Qureysh sida dulmiga ah oga mooro duugtay. Abuu Sufyaan oo ahaa nin dhiifoon…

Read More

XIGMADA SOONKA.

Soonku waa tababar waa kuliyad nafta lagu carbinayo oo lagu jalabarayo,waa koorso dadka lagu diyaarinayo oo loogu sheegayo inay si ku meel gaar ah ku hantaan xakamaha nafta oo ay udarbaan raacitaanka awaamirta Eebbe iyo ka tagidda waxa uu ka reebay. ﴿ يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا كُتِبَ عَلَيْكُمُ الصِّيَامُ كَمَا كُتِبَ عَلَى الَّذِينَ مِنْ قَبْلِكُمْ لَعَلَّكُمْ تَتَّقُونَ}. “Kuwa iimaanka laga helayow waxa laydinku dul qoray af iyo addin xirasho sidii loogu dul qoray kuwii idinka horeeyay ee waxaad mudan tihiin inaad dhowrsataan. Ujeedaduna waa dhowrsasho iyo inuu qofka noqdo qof…

Read More

DIINTA ISLAAMKU WAA MID FUDUD

Ad-adkeynta iyo ciriiri ka dhigidda fahamka diinta islaamka ee fudud waa waxa kaliya ee caawinaya kuwa ku shuqlan inay dadka diinta ka fidneeyaan kana dhigaan tacaaliimta islaamka ee tayada sare leh mid aan loo gali karin oo faraha looga gubanayo. Kol kasta oo dad muslimiin ah oo is leh waad dadaalaysaan ay fikir xagjirnimo ah oo diinta iyo nolosha iska horkeenaya bari taaraan waa kol kasta oo loo hiiliyay kuwa daba taagan ee dacaayadda ka fidinaya sumcadda islaamka,sheydaankana waxaa la siiyay madkhal iyo dulduleelo uu ka soo weeraro muslimiinta si…

Read More

TAXADARKU WAA QAYB DIINTA KA MID AH.

. ————/////——-////——— Qofka iimaanka leh Ee rumeysan Awoodda Eebe ee wax is hortaagi karaa aysan jirin waa midka waqtiga Shidada iyo dhibaatada Eebe ku carara ee barya,isaga oo wixii dadaal maadi ahna aan ka tagaynin. Xiliyada ay timaaddo Mashaqooyinka ay Aadanuhu Midigyadooda ku samaysteen,ruuxa muslimka ah waxa looga baahan yahay in uu Eebe u irkado oo uu baryo Eebe iyo Khushuuc magansado. Ilaahay wuxuu faray insaanka in ay xiliyada mixnaduhu jiraan tadarucaan oo ay Rabi Ducada ugu tawasulaan. Eebe wuxuu yiri:- “﴿ فَلَوْلَا إِذْ جَاءَهُمْ بَأْسُنَا تَضَرَّعُوا وَلَٰكِنْ قَسَتْ قُلُوبُهُمْ…

Read More

TALO SAARASHADA EEBE IYO TAXADARKU WAA LABO ISKU TOLAN.

In Eebe la tawakalo oo la talo saarto iyo in la taxaddaro maaha laba arrimood oo kala tagsan ee waa laba arimood oo isku tiirsan oo is taam yeelaya. Rasuulka scw waxaa ka sugan:- “أخرج ابن حبان في صحيحه: أن رجلا جاء إلى النبي صلى الله عليه وسلم وأراد أن يترك ناقته وقال: أأعقلها وأتوكل؟ أو أطلقها وأتوكل؟ فقال صلى الله عليه وسلم: اعقلها، وتوكل.” “Nin ayaa Nabiga scw u yimid kolkaasuu ku yiri:-Rasuulki Allow Hashayda in aanan dabrin oon sidaa oga tago oon Eebe u talo saarto ayaan damcay,Ee…

Read More

WAXTARKA XUSKA IYO XUSUUSTA RABBI LEEDAHAY.

Nadaafadda iyo Daahirnimada joogtada ah ee Jirka waxay kaa ilaalisaa Cudurada jirka ku dhaca.  Sidoo kale Nadiifinta iyo Daahirinta joogtada ah ee Ruuxda waxay kaa ilaalisaa Cudurada Nafsadda ku dhaca. Cudurada jirka waxaa lagu daweeyaa Cunto iyo Dawo, Cudurada Nafsadana waxaa lagu daweeyaa diin iyo cibaado iyo weheshiga Eebaha weyn ee waxa jira oo dhan agaasimay. Fariimaha wanaaga,raxmadda iyo khayrka ee ay Diintu daaran tahay waa kuwa qofka dahira oo daganaansho nafsadeed siiya,kuwaas oo aan lagu heli karin cunto iyo dawo kale toona. Afkaaraha toolmoon iyo Enerjiga Akhlaaqda fiican waa…

Read More

TAXADARKU WAA QAYB DIINTA KA MID AH.

————-///———///— In ilaahay la aamino lagu xirnaado oo la talo saarto waa wax wanaagsan oo ay diintanadu na farayso,caqli ahaana in awoodda sare ee Eebe ee ah midka waxa uu doono sameeya wax ku culusna aysan jirin la magan galo waa arin sax ah. In Qadarta la Aamino iyana waa masalo uu iimaanku ina farayo. Iyada oo ay intaas oo dhami jirto ayaa misana Eebe ina farayaa in aan taxadarka qaadano oon ka digtoonaano wax kasta oo waxyeello inoo gaysan kara oo ay cudurada halista ahi ka mid yihiin. Eebe…

Read More

DALIILADA LOO CUSKADO JOOJINTA JUMCADA IYO JAMAACADA HADDII DHIB AMA CUDUR YIMAADO.

Diinta islaamku waa diin fudud oo mar kasta ka shaqaysa danaha insaanka kuna dhisan fududeyn iyo sahlidda umuuraha iyo qiimeynta xaaladaha. Ilaahay wuxuu yiri:- “وَمَا جَعَلَ عَلَيْكُمْ فِي الدِّينِ مِنْ حَرَجٍ ۚ “Ilaahay diinta dhib idinkagama dhigin”. “يُرِيدُ اللَّهُ بِكُمُ الْيُسْرَ وَلَا يُرِيدُ بِكُمُ الْعُسْرَ” “Ilaahay wuxuu idinla doonayaa fudeyd ee idinla dooni maayo culeys”. “يُرِيدُ اللَّهُ أَن يُخَفِّفَ عَنكُمْ ۚ وَخُلِقَ الْإِنسَانُ ضَعِيفًا (28)” “Ilaahay wuxuu doonayaa in uu wax idinka khafiifiyo waayo insaanka waxaa lagu abuuray daciifnimo. ( طه ( 1 ) مَا أَنزَلْنَا عَلَيْكَ الْقُرْآنَ لِتَشْقَىٰ (2).…

Read More

MAXRAMKA SAFARKA DUMARKA IYO MACNEYNTA CULIMADA DIINTA.

Ugu horeyntii waxaan ka cudur daaranayaa inaanan qormo kooban ku soo gudbin karin waqtiga iyo waxa ay u baahan tahay masalada ku saabsan maxramka diintu fartay inay dumarku raacaan waqtiyada safarka meel habeen iyo maalin loo socdo ama maalin socod ah iyo ka badan.  Daliilada arintaa ku soo aroorayna aad ayay u badan yihiin waana kuwo laga dharagsan yahay,mana aha iminka ujeedadayda soo gudbinta daliilo badan oo arintaa ku saabsan,waxanse doonayaa inaan diiradda saaro waxa ay hal-doorka culimada ahee diinta falaqeeya arinkan ka yiraahdeen, ama sida ay u fahmeen una…

Read More

HA QARIN QURUXDA ISLAAMKA HANA KHARIBIN SUMCADIISA.

Waxaan maanta joognaa duni ay dadka ku nooli ku tartamayaan qiimaynta iyo qurxinta waxa ay qolo kastaba qaybta u heshay.  Waxaan har iyo habeen arkaynaa dadyow kala duwan oo ku faanaya hidahooda soo jireenka ah oo ay aad u qurxiyeen kana saareen wixii khaldaad ku jiray dabeetana soo bandhigeen si dadka u daneeyaan uguna daydaan. Kolka laga soo tago tartanka dhaqanada waxaan iyadana goobta ka marneyn kuwa diinta oo aan inta badan dhaqanada ka dheereyn. Waxaan u jeednaa boqolaalka kun ee diimood ee dunida ka jira in mid kastaayi ku…

Read More

ISLAAMKU QOFNA FIKIRKIISA KUMA DHIBAATEEYO HADDII UUSAN ISAGU DHIB KALE LA IMAAN.

Waxaa lagu jiraa waqti dadka islaamka ah iyo diintoodaba uu dhinacyo badan duullaan fikir ahi kaga socdo,sida la og yahayna marar badan duullaanka fikirka ah iyo midka garaadkaba wuxuu ka ween yahay kana waxyeelo badan yahay duullaanka caskariga ah,waayo duullaanka caskariga ahi waabad ka digtoonaan kartaa ama wax uun awood ahi hadaad leedahay si uun oga dabaalan kartaa,laakiin duullaanka maskaxda waa taxadi iyo loolan ku salaysan xujo iyo caqli sababi kara haddii lagaaga dheereeyo in dad badan lagaa meersado. Maanta dadka islaamka ah intooda badan kuma socdo duullaan hub loo…

Read More

ISLAAMKA IYO WAXA UU KA QABO ANAANIYADA IYO ISLAQUMANAANTA

Anaaniyada iyo in la yiraahdo wax kasta anigay igu fiican yihiin kaligay baana saxan oo kaligay baa Alle ila jiraa waxay ka mid tahay waxyaaba ilaahay inaga reebay oo uu islaamkeenuna ishaaray inaysan sax ahayn in sidaa loo dhaqmo. Nacam waad dooran kartaa dariiqa saxan ee islaamka waadna aamini kartaa in waxa aad ku qanacsan tahay ay yihiin waxa ugu saxan oo uu rabbi ku faray,laakiin isla marka aad taas aaminto ayaa misana lagaa reebay inaad ku kadsoonto dadka kalena ku yasto iimaankaaga. Dhab ahaantii nusuusta diinta islaamka waxay in…

Read More

XUQUUQDA DADKA OO LAYSKA DHOWRO.

Waxyaabaha ugu waaweyn ee uu islaamku dhowray waxaa ka mid ah,in dadka xuquuqdooda la ilaaliyo oo layska dhowro,oo aan dhiigooda la galin,oo aan hantidooda la dhicin,oo aan amaanadooda la khiyaamin,oo aan cirdigooda iyo sharaftooda la banaysan. Ilaahay wuxuu yiri:- إِنَّ اللَّهَ يَأْمُرُكُمْ أَنْ تُؤَدُّوا الْأَمَانَاتِ إِلَى أَهْلِهَا وَإِذَا حَكَمْتُمْ بَيْنَ النَّاسِ أَنْ تَحْكُمُوا بِالْعَدْلِ إِنَّ اللَّهَ نِعِمَّا يَعِظُكُمْ بِهِ إِنَّ اللَّهَ كَانَ سَمِيعاً بَصِيراً} “Ilaahay wuxuu idin farayaa inaad amaanooyinka u gudaan dadkii lahaa oo hadaad dadka kala xukumaysaana aad cadaalad ku kala xukuntaan,ilaahay wax wanaagsan buu idinku wacdinayaa waana…

Read More

ISLAAM IYO ADAYG MEEL ISLAMA GALAAN!.

Diinta saamaxday in iskaalsaha/sharabaadada la masaxo weysada musaafir iyo muqiimba,oo musaafirka u saamaxday intuu safarka ku jiro inuu weysada badalkii uu lugaha dhaqi lahaa uu masaxo iskaalsaha dushooda,midka gurigiisa joogana hadduu doono uu ilaa saddax bari kolka uu weysada lugaha joogo iska masaxan karo shiddo la’aan,kaliya shuruudaha loo xiray ay tahay inuu kolkii uu xiranayay iskaalsaha/sharabaadada/sockska uu ahaa qof weyso qabo,isla markaasna uusan la imaan waxyaabaha qubayska waajibiya,wixii intaa ka soo hara loo siibi maayo ee waa uun la iska masaxayaa oo hurdo iyo xaajo suuli iyo neef midoodna loo…

Read More

ISLAAMKA IYO ISKU TIXGALINTA ARAGTIYADA IS DIIDAN.

  Qof allaale iyo qofkii yiraahda sidaan wax u arko si ka duwan wax looma arki karo,ama waxa aan sheego wax ka badalan lama sheegi karo,isaga oo mararka qaarna adeegsanaya handadaad iyo awood,waa qof lunsan oo doonaya inuu xaqa afduubto,waayo xaqa waa xoriyad isagaana taageersan kala duwanaanta nabadda ku dhisan. Cid ilaahay ka awood badan ma jirto isagana awood uma adeegsan meel marinta xaqa iyo ku toosinta aadanaha sida saxan inta uu dhinacooda dhulka ka sareeyo. Ilaahay wuxuu yiri:- “قُلْ كُلٌّ يَعْمَلُ عَلَىٰ شَاكِلَتِهِ فَرَبُّكُمْ أَعْلَمُ بِمَنْ هُوَ أَهْدَىٰ سَبِيلًا”…

Read More

MIYAA LA HELAYAA WAX DALIIL AXAADIIS SUGAN AH OO CADAYNAYA IN JINIGA IYO SHEYDAANKU AY DHEEHI KARAAN JIRKA INSIGA?!.

  Waxaan ku soo gudo jirnay duruustii ku saabsanayd in sheydaanku ama jinigu dheehi karo jirka insiga iyo in kale ma wax daliil ahayaa loo hayaa? Darsigii koowaad waxaan ku soo qaadaa dhignay bal in quraanka laga heli karo daliil arintaa cadaynaysa iyo in kale waxaanan soo aragnay inaysan jirin daliil sariix ah oo si cad u cadaynaysa in jiniga ama shayaadiintu ay gali karaan jirka insiga. Intaa ka dib ayaan sidii ballantuba ahayd aan doonayaa inaan darsiga maanta diiradda ku saaro bal in axaadiista nabiga scw laga heli karo…

Read More

MIYAA QURAANKA IYO SUNADA LAGA HELAYAA DALIIL CADAYNAYA IN JINIGU DHEEHI KARO JIRKA INSIGA?.

Su’ashaa inaan jawaab aqoontayda la eg ka bixiyo waxaa igu kallifay kolkii faallooyin fal-celino ah iyo kuwo faa’iido doon ahba aan kala kulmay qaar asxaabtayda ka mid ah oo si sir iyo caadba leh iigu soo dirayay su,aalo ay ka qabaan darsigii ku aadanaa inaanu Jiniga gali karin jirka aadanaha ee aan kal dhoweyd ku soo qoray barteyda facebookga iyo baro kalaba. Waxa ugu badan ee ay asxaabtu igalaga doodayeen ayaa u badneyd bal waxa aan ka leeyahay aayadda quraanka ah iyo Axaadiista nabiga ee ay jamhuurta culimada u daliishadaan…

Read More

ISLAAMKA IYO DHAQANKA IYO HIDAHA

  Afar iyo toban qarni ka badan ayaa laga joogaa waqtigii uu Rabi ku soo dajiyay rasuulkiisa Maxamed ah scw kitaabka furqaan oo ahaa midka kala saaray xaqa iyo baadilka isla markaana koobay oo saxay wixii laga khalday kutubtii isaga ka horeysay. Laga soo bilaabo mudadaas ka badan kun iyo afarta boqol oo sano diinta islaamka waxyaalaha aan isbadalin ee ay la timid waxaa ugu muhiimsanaa,iimaanka iyo akhlaaqda suuban iyo dhaqan galintooda. Islaamku markaa uu yimid iyo mudadooyinkii ka dambeeyayba marna iskuma dayin oo uma qasdin inuu badalo dadka hidahooda…

Read More