DAGAALKII BADAR EE DULMIGA JABIYAY

Dagaalkii badar wuxuu dhacay 17kii Ramadaan Sanadkii labaad Ee hijrada oo ku beegan 13kii marso Sanadkii 624 miilaadiga.

Sababta Dagaalkaa waxay ahayd ka dib kolkii ay Qureysh la wareegtay wixii hanti ahaa ee Maka ka taalay muslimiinta Madiina u soo hijrootay, ayay Muslimiintu damceen in ay jidka u galaan safar tijaaro ballaaran ah oo ay Qureysh lahayd oo Shaam ka yimid Makana ku sii jeeday,bal si ay wax uun badal ah oga helaan xoolihii iyo hantidii ay Qureysh sida dulmiga ah oga mooro duugtay.
Abuu Sufyaan oo ahaa nin dhiifoon oo taatikada dagaalka ku xeel dheer oo qaafilada safarka garwadeen ka ahaa wuxuu ka war helay in safarka iyo tijaarada uu sido lagu soo maqan yahay oo Muslimiin madiino ka timid ay kadinka ugu jiraan si ay u meersadaan.
Isla markiiba Abuu sufyaan wuxuu u cid diray Qureysh oo uu u sheegay in Safarkoodii khatar ku jiro,oo intaa kuma uusan ekaanine wuxuu wadada ka duway Safarkii uu uu u jiheeyay jid iyo jiho aysan ka filan karin cidda daba joogta,ilaa uu si nabad ah kula gurya galay safarkii iyo tijaaradii saarneyd.
Qureysh kolkii ay dhiilada dul hoganaysa safarkii ay sugayeen maqashay ayay ciidan lixaad leh ku soo bixiyeen dariiqa Maka iyo Madiina u dhaxeeya si ay safarkoodii u badbaadiyaan.
hase yeeshee kolkii uu abuu sufyaan soo gaarsiiyay in safarkoodii badbaaday ee ay soo guryo noqdaan,sidaasi ma ay yeelin ee halmar ayaa waxaa u salag yiri kibirkii iyo dulmigii lagu yaqaanay oo sheydaankii gardarooyinka u kala doori jiray ayaa markan kula taliyay in aysan noqon ee Muslimiinta safarkoodii hawaystay ay shaqo ka qabtaan oo ay madiino ku soo baab’iyaan.

Abuu Jahal iyo madaxyo wayntii Qureysh ayaa waxay wacad ku mareen in aysan ka noqonin ceelka badar ilaa xoolo ku qashaan oo ay muslimiintana gacan saaraan oo ay carabna ku sheekeysato cududa ay maalintaa muujiyeen.

Taa waxaa ka horraysay tan iyo intii ay Muslimiinta ka soo carareen dhibaatadii Qureysh ee ay madiina u soo hijroodeenba,Qureysh waxay farriimo is daba joog ah u soo diri jirtay Reerkii Ansaar ee Madiina daganaa iyaga oo ugu goodin jiray Dagaal rixin goys ah haddii aysan Muxamad scw iyo Inta la soo hijrootay ee degaankooda ku sugan iska soo saarin.
Handadaadaa oo aysan Ansaarna dhag jalaq u siin jirin.

Rasuulka scw iyo Asxaabtiisa intii ay Mako joogeen wax idin ah xagga Rabi ogama aysan haysan in ay Dulmiga Qureysh gacan ka hadal iyo wax iska caabin oga jawaabaan.
Taa badalkeed Rasuulka scw wuxuu ahaa mid ku celceliya in aysan farriintiisu khasab wadanin,wuxuu ahaa mid hoga tusaaleeya in nabad ku wada noolaanshaha iyada oo la kala duwan yahay ay tahay mid u suubata danta guud.
Waqtiyadaa waxaa rasuulka scw ku soo dagayay nusuus ka hadlaysay nabadda iyo wadanoolasnshaha.
“لَكُمْ دِينُكُمْ وَلِيَ دِينِ (6)
“Diintiina ayaad leedihiin anigana diintayda”

‎”وَإِنْ كَذَّبُوكَ فَقُلْ لِي عَمَلِي وَلَكُمْ عَمَلُكُمْ أَنْتُمْ بَرِيئُونَ مِمَّا أَعْمَلُ وَأَنَا بَرِيءٌ مِمَّا تَعْمَلُونَ (41)

“Haday ku beeniyaan waxaad ku tiraahdaa aniga camalkayga ayaan leeyahay idinkuna camalkiina,idinku beri baad ka tihiin oo laydiin raacan maayo waxa aan aniga sameeyo,aniguna beri baan ka ahay oo la ii raacan maayo waxa aad samaynaysaan”.

‎قلْ أَطِيعُوا اللَّهَ وَأَطِيعُوا الرَّسُولَ فَإِن تَوَلَّوا فَإِنَّمَا عَلَيْهِ مَا حُمِّلَ وَعَلَيْكُم مَّا حُمِّلْتُمْ “وَإِن تُطِيعُوهُ تَهْتَدُوا وَمَا عَلَى الرَّسُولِ إِلَّا الْبَلَاغُ الْمُبِينُ”

“Waxaad ku tiraahdaa war dadoow ilaahay iyo rasuulkiisa adeeca hadaad diidaan ogaada rasuulka waxaa la saaray oo uu masuul ka yahay wixii loo diray oo gaarsiin ah,idinkuna waxaad masuul ka tihiin wixii laydin saaray oo ah inaad adeecdaan iyo in kale,hadaad rasuulka adeecdaan waad hanuunaysaan,rasuulkana wax kale dushiisa maaha aan ka ahayn inuu si cad idiin soo gaarsiiyo xaqa iyo fariinta rabbi”.

‎ “فَهَلْ عَلَى الرُّسُلِ إِلَّا الْبَلاغُ الْمُبِينُ”
“Oo ma wax kalaa rususha loo soo diraa aan ka ahayn gaarsiin cad mooyee”.

‎ “وَمَا عَلَى الرَّسُولِ إِلَّا الْبَلاغُ الْمُبِينُ”
“Rasuulka looma soo dirin wax ka baxsan inuu si cad dadka xaqa ugaarsiiyo”

‎ – فَذَكِّرْ إِنَّمَا أَنْتَ مُذَكِّرٌ لَسْتَ عَلَيْهِمْ بِمُسَيْطِرٍ.
“Waani oo wax usheeg waayo adiga mid waaninaya oo kaliya ayaad tahay,dushoodana qasab kuma lihid”.

‎ – نَّحْنُ أَعْلَمُ بِمَا يَقُولُونَ ۖ وَمَا أَنتَ عَلَيْهِم بِجَبَّارٍ ۖ فَذَكِّرْ بِالْقُرْآنِ مَن يَخَافُ وَعِيدِ.
“Waan ognahay waxa ay oranayaan,adiguna ma tihid mid qasbaya iyaga ee quraanka kuwaani ciddii goodiga alle uu cabsi galinayo”.

Kolkay nabad iyo wadanoolaansho diideen Qureysh oo ay door bideen in aysan cid ka diin duwan Mako la daganaan oo ay dagaal dil iyo xarig iyo barakicinba u gaysteen Muslimiintii Nabi Muxamad raacday ee aysan waliba ka harine ku handadayeen Meelihii ay u Qaxeen,Ayaa Rabbi faray Muslimiinta in ay dagaalamaan oo ay ka dhiidhiyaan dulmiga difaaca xaqana ay Naf iyo Maal u huraan.

Jeerkaa ayaana Rasuulka scw lagu soo dajiyay Nusuusta iyo Aayadaha farayay Jihaadka iyo difaaca xaqa iyo Diinta lala soo diray.

“أُذِنَ لِلَّذِينَ يُقَاتَلُونَ بِأَنَّهُمْ ظُلِمُوا ۚ وَإِنَّ اللَّهَ عَلَىٰ نَصْرِهِمْ لَقَدِيرٌ (39) الَّذِينَ أُخْرِجُوا مِن دِيَارِهِم بِغَيْرِ حَقٍّ إِلَّا أَن يَقُولُوا رَبُّنَا اللَّهُ ۗ وَلَوْلَا دَفْعُ اللَّهِ النَّاسَ بَعْضَهُم بِبَعْضٍ لَّهُدِّمَتْ صَوَامِعُ وَبِيَعٌ وَصَلَوَاتٌ وَمَسَاجِدُ يُذْكَرُ فِيهَا اسْمُ اللَّهِ كَثِيرًا ۗ وَلَيَنصُرَنَّ اللَّهُ مَن يَنصُرُهُ ۗ إِنَّ اللَّهَ لَقَوِيٌّ عَزِيزٌ (40).
Waxaa la faray kuwan lala dirirayo ee la dulmiyay in ay is difaacaan ilaahayna waa karaa inuu u gargaaro.
Kuwaasi waa kuwa guryahoodii si xaqdarro ah looga soo saaray,kaliya in ay yiraahdeen Rabigayo waa Alle,Haddii aysan jiri lahayn in Dadka qaarkooda dulmiga wada lagu qabto qaar kale waxaa dumi lahaa goobo kala duwan oo Eebe lagu caabudo iyo Masaajid in badan Magaciisa lagu xuso,ilaahayna wuu u gargaari ciddii mudata gargaarkiisa Eebana waa mid quwad weyn oo ay tiisa uun socoto“.

Dagaalkaa Badar tirada Muslimiinta ka qayb gashay waxay ahaayeen Seddex Boqol iyo dhowr iyo toban,tirada Qureyshna waxa ahayd ciidan ka badan Kun iyo Seddex Boqol oo qof.
Marna maahayn laba ciidan oo isu dhigmay,waxayse maalintaa guushii raacday Muslimiintii muddo dheer adyada iyo gardarada gaalada u dulqaadanayay,waxaa halkaa ku hoobtay ciidamadii sharta iyo shirkiga iyo madaxyo weyntii kufriga iyo kibirka,oo waxaa laga dilay toddobaatan qof,waxaana laga soo qafaashay toddobaan kale,dhaawaca iyo khasaaraha kalana xad ma lahayn.
Muslimiintana waxaa ka shahiiday 14 shahiid.

Guul darada maalintaa Gaalada gaartay waxay noqotay mid taariikhda gashay oo ku celisay dulmigoodii,Qab jab iyo waji gabax aan kaasoo kale hore u soo marin ayaa ku dhacay Qureysh.

Dagaalkii Badar Muslimiinta wuxuu u noqday cizi iyo guul gees kasta ka gargaartay,xaqii ay sideena caadda gaarsiisay,oo waxaa gabaday yahuuddii iyo munaafaqiintii gudaha Madiina xasaradda kaga hayay Muslimiinta,waxaa sidoo kale Joharadda dhigay qabiilooyinkii carbeed ee jaziiradda carabta wax kaga noolaa ee ay shitaareysay Qureysh,oo markan indho ka duwan kuwii hore ku eegay ifka aan la damin karin ee uu Eebe ka alkumay Magaalada Barakaysan ee Madiina Al-Munawara.

Related posts

Leave a Comment