TAXADARKU WAA QAYB DIINTA KA MID AH.

.
————/////——-////———
Qofka iimaanka leh Ee rumeysan Awoodda Eebe ee wax is hortaagi karaa aysan jirin waa midka waqtiga Shidada iyo dhibaatada Eebe ku carara ee barya,isaga oo wixii dadaal maadi ahna aan ka tagaynin.

Xiliyada ay timaaddo Mashaqooyinka ay Aadanuhu Midigyadooda ku samaysteen,ruuxa muslimka ah waxa looga baahan yahay in uu Eebe u irkado oo uu baryo Eebe iyo Khushuuc magansado.

Ilaahay wuxuu faray insaanka in ay xiliyada mixnaduhu jiraan tadarucaan oo ay Rabi Ducada ugu tawasulaan.

Eebe wuxuu yiri:-
“﴿ فَلَوْلَا إِذْ جَاءَهُمْ بَأْسُنَا تَضَرَّعُوا وَلَٰكِنْ قَسَتْ قُلُوبُهُمْ وَزَيَّنَ لَهُمُ الشَّيْطَانُ مَا كَانُوا يَعْمَلُونَ ٤٣ الأنعام﴾
“Haddii kolka ay dhibaatada u timid ay Eebe u irkan lahaayeen-wuu caawiyi lahaa-laakiin Quluubtoodii ayaa angagtay,Sheydaana wuxuu u qurxiyay wixii xilli ee ay samayn jireen”.

“وَمَا أَرْسَلْنَا فِي قَرْيَةٍ مِّن نَّبِيٍّ إِلَّا أَخَذْنَا أَهْلَهَا بِالْبَأْسَاءِ وَالضَّرَّاءِ لَعَلَّهُمْ يَضَّرَّعُونَ (94)”
“Qaryo Kasta oon nabi u dirno -kolkay diidaan wanaaga uu farayo-dhibaato ayaan ku qabanaa si ay Eebe ugu irkadaan-oo isaga daayaan dambiyada.

“وَلَقَدْ أَخَذْنَاهُمْ بِالْعَذَابِ فَمَا اسْتَكَانُوا لِرَبِّهِمْ وَمَا يَتَضَرَّعُونَ”
“Dhab ahaantii-kuwa dulmiga fala-waxaan ku qabanay ciqaab oo isuma aysan dhiibin Rabigood mana aysan ahayn kuwa barya Eebe oo Duco ula irkada”.

Rasuulka scw wuxuu yiri:-

“وروي أحمد والترمذي وابن ماجه أن النبي صلى الله عليه وسلم قال: لا يزيد في العمر إلا البر، ولا يرد القدر إلا الدعاء”،
“Cimriga waxaan Samofal ahayn laguma siyaadiyo,Qadartuna waxaan Duco iyo Baryo ahayn laguma celiyo”.

Waxaan shaki ku jirin in haddii Insaanku uu Eebe u soo laabto,oo kuwa inkirayna ay qiraan,kuwa ku caasiyayna ay u soo noqdaan uu Eebe ajiibayo,oo dhibaatadii ka dhalatay Mashaqadii ay qaarkood ka shaqeeyeena uu la xallinayo.

Tadaruca,iyo Ducadu waa Koodka iyo Furaha laga galo Raxmadda Eebe.

Related posts

Leave a Comment