TALO SAARASHADA EEBE IYO TAXADARKU WAA LABO ISKU TOLAN.

In Eebe la tawakalo oo la talo saarto iyo in la taxaddaro maaha laba arrimood oo kala tagsan ee waa laba arimood oo isku tiirsan oo is taam yeelaya.

Rasuulka scw waxaa ka sugan:-
“أخرج ابن حبان في صحيحه: أن رجلا جاء إلى النبي صلى الله عليه وسلم وأراد أن يترك ناقته وقال: أأعقلها وأتوكل؟ أو أطلقها وأتوكل؟ فقال صلى الله عليه وسلم: اعقلها، وتوكل.”
“Nin ayaa Nabiga scw u yimid kolkaasuu ku yiri:-Rasuulki Allow Hashayda in aanan dabrin oon sidaa oga tago oon Eebe u talo saarto ayaan damcay,Ee ma yeeli karaa sidaa?Rasuulka scw wuxuu yiri:Horta Hashaada dabro dabeeto Eebe u talo saaro.

Cumar Ibnu khadaab wuxuu yiri:-
“قال عمر ـ رضي الله عنه: لا يقعد أحدكم عن طلب الرزق ويقول: اللهم ارزقني، وقد علمتم أن السماء لا تمطر ذهبا ولا فضة.”
“Qofkiin intuu meel iska fariisto isaga oon shaqo tagin yuusan oran ilaahoow i irsaaq,idinka oo og in aysan Samadu Dahab iyo Lacag toona soo daadinaynin”.

Rabbina kolka uu Risiq dalabka dadka ku boorinayay wuxuu yiri:-
“فامشوا في مناكبها وكلوا من رزقه {الملك:15}.
horta socda oo dunida dabo iyo dacal u fuula oo kolkaa cuna Risqiga aad ka tacabtaan”.

Kolka dagaalka jihaadka Ee xaqa lagu difaacayo la galayo Eebe idinka oo faro maran iska yaaca ma oran ee wuxuu yiri:-
“وأعدوا لهم ما استطعتم من قوة ومن رباط الخيل {الأنفال:60}.
“U diyaarsada cadowga aad is haysaan wixii Quwad iyo Qalab ah ee aad Awooddaan”.

Ilaahay wax kasta Sabab ayuu u yeelay ay laasim tahay in la qaato inta aan Tawakal qallalan lagu cararin.

Ilaahay kolkii uu Dilqarneyn ka sheekeynayay wuxuu yiri:-
“وَآتَيْنَاهُ مِن كُلِّ شَيْءٍ سَبَبًا * فَأَتْبَعَ سَبَبًا ﴾
“Wax walba Sabab ay ku hirgalaan ayaan u yeelnay oo Sababtaa uun buu raacay dulqarneyn”.

Sidaa darteed dareen kasta oo uu Aadanuhu ka qabo dhibaato wuu ka taxadaraa,sidaasuuna Eebe faray oo waa in ay iyaga oo Eebe talo saaranaya ay misana wixii taxadar ah qaataan.

Eebe wuxuu yiri:
“يا أيها الذين آمنوا خذوا حذركم {النساء:71}.
“Kuwa Eebe rumeeyayoow taxaddarkiina qaata mar kasta”.

Rasuulka scw kolkii uu Madiina u hijroonayay oo uu diintiisa la firxanayay Wuxuu qaatay asbaab kasta oo uu raaci lahaa ruux isqarinaya oo cadow ka gabanaya,isagoo uu waliba Eebe u damaanad qaaday in uu isaga waxyeelada dadka ka ilaalinayo.
“وَاللَّهُ يَعْصِمُكَ مِنَ النَّاسِ ۗ “
“Ilaahay baa dadka kaa ilaalinaya”.

Related posts

Leave a Comment