DIINTA ISLAAMKU WAA MID FUDUD

Ad-adkeynta iyo ciriiri ka dhigidda fahamka diinta islaamka ee fudud waa waxa kaliya ee caawinaya kuwa ku shuqlan inay dadka diinta ka fidneeyaan kana dhigaan tacaaliimta islaamka ee tayada sare leh mid aan loo gali karin oo faraha looga gubanayo. Kol kasta oo dad muslimiin ah oo is leh waad dadaalaysaan ay fikir xagjirnimo ah oo diinta iyo nolosha iska horkeenaya bari taaraan waa kol kasta oo loo hiiliyay kuwa daba taagan ee dacaayadda ka fidinaya sumcadda islaamka,sheydaankana waxaa la siiyay madkhal iyo dulduleelo uu ka soo weeraro muslimiinta si…

Read More

TAXADARKU WAA QAYB DIINTA KA MID AH.

. ————/////——-////——— Qofka iimaanka leh Ee rumeysan Awoodda Eebe ee wax is hortaagi karaa aysan jirin waa midka waqtiga Shidada iyo dhibaatada Eebe ku carara ee barya,isaga oo wixii dadaal maadi ahna aan ka tagaynin. Xiliyada ay timaaddo Mashaqooyinka ay Aadanuhu Midigyadooda ku samaysteen,ruuxa muslimka ah waxa looga baahan yahay in uu Eebe u irkado oo uu baryo Eebe iyo Khushuuc magansado. Ilaahay wuxuu faray insaanka in ay xiliyada mixnaduhu jiraan tadarucaan oo ay Rabi Ducada ugu tawasulaan. Eebe wuxuu yiri:- “﴿ فَلَوْلَا إِذْ جَاءَهُمْ بَأْسُنَا تَضَرَّعُوا وَلَٰكِنْ قَسَتْ قُلُوبُهُمْ…

Read More

TALO SAARASHADA EEBE IYO TAXADARKU WAA LABO ISKU TOLAN.

In Eebe la tawakalo oo la talo saarto iyo in la taxaddaro maaha laba arrimood oo kala tagsan ee waa laba arimood oo isku tiirsan oo is taam yeelaya. Rasuulka scw waxaa ka sugan:- “أخرج ابن حبان في صحيحه: أن رجلا جاء إلى النبي صلى الله عليه وسلم وأراد أن يترك ناقته وقال: أأعقلها وأتوكل؟ أو أطلقها وأتوكل؟ فقال صلى الله عليه وسلم: اعقلها، وتوكل.” “Nin ayaa Nabiga scw u yimid kolkaasuu ku yiri:-Rasuulki Allow Hashayda in aanan dabrin oon sidaa oga tago oon Eebe u talo saarto ayaan damcay,Ee…

Read More

WAXTARKA XUSKA IYO XUSUUSTA RABBI LEEDAHAY.

Nadaafadda iyo Daahirnimada joogtada ah ee Jirka waxay kaa ilaalisaa Cudurada jirka ku dhaca.  Sidoo kale Nadiifinta iyo Daahirinta joogtada ah ee Ruuxda waxay kaa ilaalisaa Cudurada Nafsadda ku dhaca. Cudurada jirka waxaa lagu daweeyaa Cunto iyo Dawo, Cudurada Nafsadana waxaa lagu daweeyaa diin iyo cibaado iyo weheshiga Eebaha weyn ee waxa jira oo dhan agaasimay. Fariimaha wanaaga,raxmadda iyo khayrka ee ay Diintu daaran tahay waa kuwa qofka dahira oo daganaansho nafsadeed siiya,kuwaas oo aan lagu heli karin cunto iyo dawo kale toona. Afkaaraha toolmoon iyo Enerjiga Akhlaaqda fiican waa…

Read More

TAXADARKU WAA QAYB DIINTA KA MID AH.

————-///———///— In ilaahay la aamino lagu xirnaado oo la talo saarto waa wax wanaagsan oo ay diintanadu na farayso,caqli ahaana in awoodda sare ee Eebe ee ah midka waxa uu doono sameeya wax ku culusna aysan jirin la magan galo waa arin sax ah. In Qadarta la Aamino iyana waa masalo uu iimaanku ina farayo. Iyada oo ay intaas oo dhami jirto ayaa misana Eebe ina farayaa in aan taxadarka qaadano oon ka digtoonaano wax kasta oo waxyeello inoo gaysan kara oo ay cudurada halista ahi ka mid yihiin. Eebe…

Read More