MAXRAMKA SAFARKA DUMARKA IYO MACNEYNTA CULIMADA DIINTA.

Ugu horeyntii waxaan ka cudur daaranayaa inaanan qormo kooban ku soo gudbin karin waqtiga iyo waxa ay u baahan tahay masalada ku saabsan maxramka diintu fartay inay dumarku raacaan waqtiyada safarka meel habeen iyo maalin loo socdo ama maalin socod ah iyo ka badan. 

Daliilada arintaa ku soo aroorayna aad ayay u badan yihiin waana kuwo laga dharagsan yahay,mana aha iminka ujeedadayda soo gudbinta daliilo badan oo arintaa ku saabsan,waxanse doonayaa inaan diiradda saaro waxa ay hal-doorka culimada ahee diinta falaqeeya arinkan ka yiraahdeen, ama sida ay u fahmeen una fasireen danta iyo ujeedada uu daaran yahay daliilka sheegaya in aysan dumarku u safri karin kaligood meelo durugsan oo muddo maalin ama habeen iyo maalin socod ah qaadan karta.

Rasuulka scw wuxuu yiri:-

‎“عن أبي هريرة عن النبي صلى الله عليه وسلم قال: لا يحل لامرأة تؤمن بالله واليوم الآخر تسافر مسيرة يوم إلا مع ذي محرم. (البخاري 1038 ، مسلم 1339)”
“Xalaal uma aha haweeneey Alle iyo maalinka qiyaame rumaysan inay u safarto kaligeed meel maalin dhan loo socdo illaa inuu la jiro xigaale aan geyn ama gaya laakiin ay u dhaxdo mooyee”.

Culimada qaybtood waxay yiraahdeen iyaga oo si duuduub ah u qaatay daliilada safarka kali socodka ah ee meelaha degaankooda ka durugsan dumarka u diidaya,ma safri karto bataatan haddii ay daruuro kallifaysa jirin,daliilkana waxay ka dhigeen mid cibaadeysi ku qotoma oo ay dumarka muslimka ahi ku khasban yihiin inay sidiisa ku qaataan iyaga oo aan war iyo fasir kale galinin.

Qayb kale oo culimada ka mid ahina waxay yiraahdeen danta daliilkan laga leeyahay waa dhowrid iyo ilaalin uu qofta dumarka ahi ilaalinayo sharciga Eebe iyada oo loo diidayo inay dhibaato ka soo gaarto kali socodka,oo kol kasta oo laga aamin noqdo lana xaqiijiyo in inta badan dumarku safarka ku bad qabaan aysan dhib ku jirin oo ay qofta dumar ahi kaligeed safari karto,maadaama ay ujeedadu ahayd ilaalintooda naf iyo sharaf ahaan,loona jeedin wax intaasi si baahsan u waxyeeleyn kara.

Culimada aragtidan dambe qabta qudhoodu waxay daliishadaan daliilo badan oo xoojinaya bareerahooda oo ay ka mid yihiin axaadiis tilmaantay in haddii ammaanku hagaago la arki doono haween kaligood intay ka soo safraan meelo durugsan yimaada xajka iyaga oo Alle mooyee cid kale oo ay ka baqayaan aan la arag.

Rasuulku scw wuxuu cadyi binu xaatim ku yiri:-

‎”فإن طالت بك حياة لترين الظعينة المرأة المسافرة ترتحل من الحيرة حتي تطوف بالكعبة لا تخاف أحداً إلا الله”.رواه البخاري في صحيحه.
“Haddii ay nolosha kuu dheeraato waxaad arki doontaa haweeneey safar ah oo intay xiiro ka timaadda kacbada dawaafta iyada oo Alle mooyee cid ay ka cabsanaysaa aan la arag”.

Wuxuu kale oo uu nabiga scw yiri:-

‎”فوالذي نفسي بيده ليتمن الله هذا الأمر حتي تخرج الظعينة حتي تطوف بالبيت الحرام في غير جواز أحدب”رواه احمد وغيره.

“Allaha ay naftayda gacantiisa ku jirto ayaan ku dhaartaye ilaahay wuu taam yeeli doonaa diintan ilaa ay haween kaligeeda baxdo oo ay aado xajka,dabeetana dawaafto kacbada iyada oo wax ka celin karaa aysan jirin”,

Si taa la mid ah wuxuu Rasuulku scw yiri:-

‎فوالذي نفسي بيده ليتمن الله هذا الأمر حتي تسير الظعينة من صنعاء إلي حضرموت لا تخشي علي نفسها شيئاً إلا الله والذئب علي الغنم”رواه البخاري .

“Allaha ay naftayda gacantiisa ku jirto ayaan ku dhaartaye Ilaahay wuu taam yeeli doonaa arintan aan wado ilaa gabadha ka soo safarta Sanca ay Xadramuud nabad ku timaaddo iyada oo kaligeed ah oo wax ay ka cabsanaysaa aysan jirin Eebe mooyee,iyo Waraabe ay arigeeda uun oga cabsanayso”.

Culimada guud ahaan safarka dumarka diidan qaarkood waxay diidmadooda ka soo reebaan Xajka oo ay aaminsan yihiin inuu yahay faral aan maxram dartii loo dayn karin culimadaa oo tiro badan waxaa ka mid ah qaar sidan yiri:-

‎”قال المالكية والشافعية بجواز سفر المرأة بغير محرم إذا كانت في صحبة نساء ثقات أو رفقة مأمونة وكان ذلك في فريضة الحج.
“Maalikiyada iyo shaaficiyada waxay yiraahdeen Haweentu waa loo ogol yahay inay safarto maxram la’aan haddii ay Faralka Xajka soo gudanayso waase inay sii raacdaa haween kale ama jaal lagu kalsoon yahay”.

‎”فقد ذكر ابن مفلح في (الفروع) عن شيخ الإسلام ابن تيمية: وعند شيخنا تحج كل امرأة آمنة مع عدم المحرم، وقال: إن هذا متوجه في كل سفر طاعة كذا قال ونقله الكرابيسي عن الشافعي في حجة التطوع. وقال بعض أصحابه فيه وفي كل سفر غير واجب كزيارة وتجارة . (الفروع 3/177)

“Ibnu muflix wuxuu sheegay in Sheekh ibnu taymiya yiri:-Dumarku way xajin karaan maxram la’aan hadii ay helayso safar aamin ah oon dhibaato ka soo gaaraynin,si taa la mid ah waxay gali kartaa safar kasta oo dhaaco ama cibaado ah oo aamin ah,sidoo kalana qayb asxaabtiisa ka mid ah waxay ka soo guuriyeen inuu yiri xitaa dumarku way gali karaan safar dan ama booqasho ah iyagoon maxram la socon haddii uu dariiqu nabad yahay oo aysan jirin dhib la filan karo”.

‎”و نقل النووي في المجموع (8/342): قال الماوردي : ومن أصحابنا من جوَّز خروجها مع نساء ثقات ، كسفرها للحج الواجب ، قال: وهذا خلاف نص الشافعي ، قال ابو حامد ومن اصحابنا من قال لها الخروج بغير محرم في أي سفر كان واجبا كان أو غيره وهكذا ذكر المسألة البندنيجي وآخرون.

“Imaamu nawawi waxa uu kitaabkiisa majmuuc ku soo guuriyay in Maawardi yiri:asxaabtayada waxaa ka mid ah kuwo ogol in haweentu safri karto maxram la’aan haddii ay la socoto haween badan xajka.
Abuuxaamidna wuxuu yiri:-Asxaabtayada waxaa ka mid ahaa qaar qaba in qofta haweenka ahi ay safri karto maxram la’aan safar waajib ah sida xajka iyo mid aan waajib ahayn oo dabaheeda kale ku aadan haddii uu dariiqu aamin yahay”.
Sidaasoo kalana waxaa yiri bandaniiji iyo culimo kale oo badan”.

In aan haweenka safarkooda Xaj iyo xaajaba loo shardineynin in maxram ama ay haween kale sii raacdo oo ay kaligeed safri karto marba haddii uu dariiqu aamin yahay waxaa qaba Culimo kale oo ay ka mid yihiin Xasanul bisri iyo Daa’uud.

‎”يجوز بغير نساء ولا امرأة إذا كان الطريق آمنا . وبهذا قال الحسن البصري وداود .

Sheekh jabareyn oo culimada Sacuudiga joogta ka mid ah wuxuu fadwooday in dumarku safri karaan maxram la’aan haddiiba ay mudada ay jidka sii hayaan ka yar tahay habeen iyo maalin socod,wuxuuna yiri maba aha in ay dumarku isku dhibaan inay ogolaasho u raadsadaan safarada noocan ah ee maanta lagu safrayo diyaarado iyo tareeno dheereeya,wuxuu yiri safarka la diiday wuxuu ahaa midkii lagu safri jiray awrta,iyo dameeraha iwm oo muddo badan jidka la sii dhignaan jiray khaasatan kolka laga cabsanayo burcad jidgooyo samaysa iwm.

‎”جاء في فتاوى الشيخ ابن جبرين: السفر الممنوع للمرأة هو مسيرة يوم وليلة، فإذا كان السفر أقل من يوم وليلة ولو في الطائرة، ولو في القطار، أو السيارة، فلا يدخل في النهي، فإن السفر المنهي عنه كون المرأة تركب بعيرًا أو نحوه، وتسلك طريقًا بعيدًا في الصحراء تبقى فيه عدة أيام تتعرض فيه لقطاع الطريق، وأهل الفحشاء، والمنكر، وتطول الغيبة فيه، فأما السفر على السيارة مع نسوة ثقات، ولمدة خمس ساعات، أو عشر ساعات، والطريق مسلوك بالذاهبين، والآيبين، وليس هناك خلوة، ومتى وصلت البلدة التي تعمل فيها، استقرت في سكن مناسب، ومع رفقة ملتزمات من النساء المحافظات على دينهن، فلا محذور في ذلك للأمن عليهن من المفسدين غالبًا، ولا يعتبر هذا سفرًا محرمًا … اهـ.

‎ ولا ينبغي للمرأة المسلمة أن تبحث عن سبيل للترخص في هذا ولو لم تكن حاجة، وإذا وجدت حاجة فإن الأخذ بالأيسر من أقوال المعتبرين من أهل العلم عند الحاجة لا حرج فيه، وراجعي في ذلك الفتوى رقم: 203266.

‎والله أعلم.

Ugu dambayntii waxaa milicsi mudan in dowrka culimada casrigan nool ay in aad u badan oo ka mid ahi fududeeyeen arimaha safarka dumarka ku aaddan oo aysan ku xirin maxram iyo xigaale sii raaca ,haddiiba lagu aamin qabo goobta ay u socoto iyo dariiqa ay sii marayso inuu yahay mid aysan inta badan dhibaato naf iyo maal iyo sharaf ahba ka soo gaari karin.

Related posts

Leave a Comment