HA QARIN QURUXDA ISLAAMKA HANA KHARIBIN SUMCADIISA.

Waxaan maanta joognaa duni ay dadka ku nooli ku tartamayaan qiimaynta iyo qurxinta waxa ay qolo kastaba qaybta u heshay. 

Waxaan har iyo habeen arkaynaa dadyow kala duwan oo ku faanaya hidahooda soo jireenka ah oo ay aad u qurxiyeen kana saareen wixii khaldaad ku jiray dabeetana soo bandhigeen si dadka u daneeyaan uguna daydaan.

Kolka laga soo tago tartanka dhaqanada waxaan iyadana goobta ka marneyn kuwa diinta oo aan inta badan dhaqanada ka dheereyn.

Waxaan u jeednaa boqolaalka kun ee diimood ee dunida ka jira in mid kastaayi ku faanayso sida ay wax u aragto iyo inay iyadu tahay midda ugu saxan ee aadanaha loogu talo galay. Iyo sida mid kasta oo diimahaas ka mid ahi ugu dadaalayso muujinta akhlaaq sare oo ay dadka ku soo jiidato.

Si kasta oo loo og yahay in wax badan oo ka mid ah diimaha dunida ka jira ay ka fog yihiin qiimeynta caqliga caadiga ah,misana diimahaas intooda badan waxay xusul duub ugu jiraan qarinta khuraafaad badan ooy leeyihiin iyo u qiil dayida diimahooda si aan caqliga looga fogeyn.

Kolka aan usoo degno qaar ka mid ah diimaha dadka haystaa ay ugu badan yihiin dunida maanta,sida hinduuga,kiristaanka,yahuudda,iyo islaamka,waxaan shaki ku jirin oo laysla qiray in diinta islaamku tahay midda ugu dhow ee waafaqaysa oon waxba ku diidaneyn caqliga caadiga ah iyo qiyamka nolosha Aadanaha bilaya.

Waxase nasiib daro noqotay in diinta islaamka ee sidaa ugu dhow caqliga iyo cilmiga iyo akhlaaqda suuban ay qaar dadkii rumeysnaa ka mid ah xusul duub ugu jiraan suurad xumeyn ay kow ka tahay in caqliga iyo akhlaaqda wanaagsan laga dheereeyo islaamka.

Halka ay diimaha kale ee caqliga iyo cilmiga iyo akhlaaqdaba ka dheer marka la eego waxa kutubtooda ku qoran ay dadaal dheeraad ah ku bixinayaan muujinta wanaaga diimahooda iyo qarinta khuraafaadka u qoran iyaga oo si takaluf ah u saaraya tafaasiir qurux badan oo ay dadka ku soo jiidanayaan.

Taas cagsigeed diinta islaamka kolka aad eegto quraanka iyo sunada diiwaan gashan ee saxiixa ah ma jiro nas kaliya oo kolka sidiisa loo macneeyo dadka ka dheereynaya caqliga iyo cilmiga iyo dhaqanka fiican,laakiin si taa ka duwan waxaa dhici karta inaad aragto tafaasiir dad ka bixiyeen oo isku dayaysa inay si takaluf ah u saaraan macno taagtaagan oo u daran caqliga iyo cilmiga iyo dhaqanka suuban.

Isku soo wada duuboo islaamku waa diintii ugu dambeysay ee lagu saxay diimihii ka horeeyay ee xagga alle ka yimid ka dib kolkay khaldeen oo barxeen kuwii lagu soo dajiyay oo ay si ula kac ah oga dheereeyeen caqliga iyo cilmiga iyo cadaaladda.ilaahayna wuxuu ballan qaaday inuu ilaalin doono diintan uu ku khatimay diimahiisa gaar ahaan asalkeeda oo ah quraanka oo wax kasta oo aan u qalmin ee lagu soo daro ama lagu fasiro uu ka dhowri doono.
Rasuulka scw wuxuu noo sheegay in uu Iaahay boqolkii sanaba uu umaddan u soo saari doona dad u cusboonaysiiya oo u turxaan bixiya umadan diintooda oo ula socodsiiya una waafajiya hanaan socodka nolosha hadba waqtiga ay nool yihiin.

Xaqiiqdii islaamku qurxin uma baahna ee isagaa asal iyo farac u leh qurux iyo qiimo iyo qaaya sare,lkn waxaa loo baahan yahay in inta rumaysani ay ku dhaqmaan oo ka tarjumaan quruxda iyo akhlaaqda sare ee uu islaamku ku baaqayo.

Islaamku waxa uu nafarayo waxaa ugu horeeya inaan ilaahay kaligii rumeyno oon cidna wax la wadaajin,ilaahayga sidaas ah wuxuu inoo sheegay inuu leeyahay matal sare iyo tusaale fiican.
“وَلِلَّهِ الْمَثَلُ الْأَعْلَىٰ ۚ وَهُوَ الْعَزِيزُ الْحَكِيمُ ”
“Ilaahay matal sare ayuu leeyahay waana mid ay tiisu socoto oo falsuuban”.

Si taa la mid ah islaamku waxa uu na farayaa inaan rumeyno Nabi Maxamed scw inuu yahay dhambaal sidihii Alle.
Rasuulka sidaas ah ilaahay waxa uu ku qiray inuu leeyahay akhlaaq weyn.
“وَإِنَّكَ لَعَلَىٰ خُلُقٍ عَظِيمٍ”

Sidoo kale rasuulku scw wuxuu inoo sheegay in waxa loo soo dirayba ay tahay inuu dhameystiro akhlaaqda suuban ee saraysa.
‎“(( إنما بعثت لأتمم مكارم الأخلاق ))
La iimaba soo dirin wax aan ahayn inaan dhameystiro akhlaaqda teeda suuban”.

Dhab ahaantii walaalayaal waxaa madax wareer ah oo ah wax aan is qaadan karin kolka ay dadka qaarkii aaminaan allaha sidaa matalka sare u leh iyo rasuulka uu soo diray ee sidaa u akhlaaq sareeyay ee waliba fariintiisu baritaaraysay akhlaaqda saraysa in ay ka soo fulaan amase ku faraan wax intaasba ku liddi ah oo laga suureysan karo caqli daro,cilmi la dirir iyo wax u muuqan kara akhlaaq silloon. Subxaanallah. Sidaas wax dhici kara maaha ee waxa sirgaxan waa maanka sidaa wax u maleeyay ee muujiyay akhlaaq aan la mahadin ee kolka la weydiiyana la soo taagan ilaahay baa sidaa i faray iyo rasuulkaa sidaa ii sheegay.

Layaabse malaha oo ilaahay baa quraanka inoogu sheegay inay jiri karaan dad intay xumaan maleegaan misana kula galgasha oo dusha usaarra rabiga ka nasahan nusqaan iyo wax xun oo dhan.

Ilaahay mar uu arintaa ka hadlayay waxa uu yiri:-
وَإِذَا فَعَلُوا فَاحِشَةً قَالُوا وَجَدْنَا عَلَيْهَا آبَاءَنَا وَاللَّهُ أَمَرَنَا بِهَا ۗ قُلْ إِنَّ اللَّهَ لَا يَأْمُرُ بِالْفَحْشَاءِ ۖ أَتَقُولُونَ عَلَى اللَّهِ مَا لَا تَعْلَمُونَ (28)
“Haddii ay wax foolxun sameeyaan waxay oranayaan aabayaasheen ayaan ka soo gaarnay ilaahayna sudaasuu na faray,waxaad ku tiraahdaa ilaahay ma faro foolxumo iyo wax guracan ee ma ilaahay baad ka sheegaysaan wax aydun cilmi u lahayn”.

Walaalayaal ugu dambeyntii Ilaahay iyo rasuulkiisa iyo diinta islaamka oo laga gudbiyo wax aan suurad wanaagsaneyn maaha mid wax inooga taraysa garta nolosha dunida,mana ahan mid aan wanaag oga irkan karno madasha aakhiro ee aan qurxino islaamkeena oon muujino akhlaaqda sare ee uu asal iyo faracaba u leeyahay si aan ugu muuqano kuwo leh astaamaha ummad tii u khayr badneyd ee abid dunida loo soo saaray.

Akhlaaqda sare ee uu islaamkeenu ina farayo waxaa ugu weyn cadaaladda iyo muujinta dhaqanada wanaagsan sida:-dulqaadka,cafiska,dad la dhaqanka,waji furnaanta,muujinta farxadda iyo bashaashnimada,ka dheeraanta xasadka iyo xiqdiga,caawinta dadka iyo daryeelka kuwa taagta daran,karaameynta haweenka iyo caruurta iyo dadka da’da ah,xushmeynta aadanaha nabada nagula nool iyo kuwo kale oo badan.

Related posts

Leave a Comment