ISLAAMKU QOFNA FIKIRKIISA KUMA DHIBAATEEYO HADDII UUSAN ISAGU DHIB KALE LA IMAAN.

Waxaa lagu jiraa waqti dadka islaamka ah iyo diintoodaba uu dhinacyo badan duullaan fikir ahi kaga socdo,sida la og yahayna marar badan duullaanka fikirka ah iyo midka garaadkaba wuxuu ka ween yahay kana waxyeelo badan yahay duullaanka caskariga ah,waayo duullaanka caskariga ahi waabad ka digtoonaan kartaa ama wax uun awood ahi hadaad leedahay si uun oga dabaalan kartaa,laakiin duullaanka maskaxda waa taxadi iyo loolan ku salaysan xujo iyo caqli sababi kara haddii lagaaga dheereeyo in dad badan lagaa meersado.

Maanta dadka islaamka ah intooda badan kuma socdo duullaan hub loo adeegsanayo oo si khasab ah dadka diintooda looga saarayo marka laga reebo meelo yar yar sida Manyamar(Burma)iyo qaybo china ka mid ahi oo ay muslimiin tiro yari ku nool yihiin kuwaas oo si joogto ah loogu hayo dil iyo handadaad diintooda darteed ku soo gaara.
Tiiyoo dadka dunida kunool maanta intooda badan ay haystaan damaanad qaad ku aadan xoriyadda diimahooda.

Dadka muslimiinta ahi waxay ahaayeen dadyowgii ugu horeeyay inta laga xasuusto taariikhda qoran ee damaanad qaada xoriyadda fikirka iyo diimaha,maadaama ay diintii u timid muslimiintu ahayd mid si cad ugu baaqaysay xoriyada fikirka iyo midda diimaha iyo inaan afkaar iyo diin midna laysku khasbi karin,sida ku suntan nusuus badan oo diini ah.

‎وَقُلِ الْحَقُّ مِنْ رَبِّكُمْ فَمَنْ شَاءَ فَلْيُؤْمِنْ وَمَنْ شَاءَ فَلْيَكْفُرْ إِنَّا أَعْتَدْنَا لِلظَّالِمِينَ نَارًا…..
“Xaqa wuxuu ka yimi xagga rabbigiin ninkii doonana ha rumeeyo kii doonana hayska diido,kuwa diida waxaan udiyaarinay naar…”.

‎-{لاَ إِكْرَاهَ فِي الدِّينِ قَد تَّبَيَّنَ الرُّشْدُ مِنَ الْغَيِّ فَمَنْ يَكْفُرْ بِالطَّاغُوتِ وَيُؤْمِن بِاللّهِ فَقَدِ اسْتَمْسَكَ بِالْعُرْوَةِ الْوُثْقَىَ لاَ انفِصَامَ لَهَا وَاللّهُ …
“Khasab xagga diinta ah ma jiro waayo wey kala cad yihiin hanuunka iyo baadida,ninkii iska diida daaquudka oo alle kaliya caabuda wuxuu qabsaday laan adag oo aan go’aynin”.

‎ – قَالَ يَا قَوْمِ أَرَأَيْتُمْ إِن كُنتُ عَلَىٰ بَيِّنَةٍ مِّن رَّبِّي وَآتَانِي رَحْمَةً مِّنْ عِندِهِ فَعُمِّيَتْ عَلَيْكُمْ أَنُلْزِمُكُمُوهَا وَأَنتُمْ لَهَا كَارِهُونَ (28) .
“Qoomkayoow ka warama hadii aan ku suganahay xujo cad oo iiga timi xagga rabigay oo uu isiiyay raxmad agtiisa ka ahaatay,oo aad idinkuna ka indho saaban tihiin,miyaan idinku khasbi karnaa idinkoo diidan arintaas”.
﴿
‎قَدْ جَاءَكُمْ بَصَائِرُ مِنْ رَبِّكُمْ فَمَنْ أَبْصَرَ فَلِنَفْسِهِ وَمَنْ عَمِيَ فَعَلَيْهَا وَمَا أَنَا عَلَيْكُمْ بِحَفِيظٍ ( 104)﴾. ( سورة الأنعام ).
“Dhab ahaantii waxaa idiin timi xaqiiqooyin xaga rabbi idiinka yimi,ninkii garta isagay dan utahay,kii ka indho saabmana isagay udaran tahay’aniga maahi mid idiin xilsaaran”.

‎-وَإِنْ كَذَّبُوكَ فَقُلْ لِي عَمَلِي وَلَكُمْ عَمَلُكُمْ أَنْتُمْ بَرِيئُونَ مِمَّا أَعْمَلُ وَأَنَا بَرِيءٌ مِمَّا تَعْمَلُونَ ﴾.
“Hadday ku beeniyaan. Waxaad ku tiraahdaa,idinku camalkiina ayaad leedihiin,anna camalkayga ayaan leeyahay ,idinku laydiin raacan maayo waxa aan sameeyo,anna lay raacan maayo waxa aad idinku samaynaysaan”.

‎-وَإِن تُكَذِّبُوا فَقَدْ كَذَّبَ أُمَمٌ مِّن قَبْلِكُمْ وَمَا عَلَى الرَّسُولِ إِلَّا الْبَلَاغُ الْمُبِينُ (18)
“Hadday beeniyaan xaqa waxaa hore ubeeniyay umado idinka hortiin jiray,sideedana rasuulku laguma lahan wax aan gaarsiin cad ahayn”.

‎-فَإِنْ أَعْرَضُوا فَمَا أَرْسَلْنَاكَ عَلَيْهِمْ حَفِيظًا ۖ إِنْ عَلَيْكَ إِلَّا الْبَلَاغُ ۗ …
“Hadday xaqa ka jeestaan,kuuma aanan xilsaarin dushooda,kaliya adiga waxaa lagaa rabaa inaad gaarsiiso uun”.

‎-يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا عَلَيْكُمْ أَنفُسَكُمْ ۖ لَا يَضُرُّكُم مَّن ضَلَّ إِذَا اهْتَدَيْتُمْ ۚ إِلَى اللَّهِ مَرْجِعُكُمْ جَمِيعًا فَيُنَبِّئُكُم بِمَا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ (105) …
“Kuwa alla rumeeyayoow waxaa laydinka rabaa toosnaanta naftiina oo kaliya,
Waxba idinkama galin ciddii xaqa ka lunta hadaad idinku tihiin kuwo hanuunsan”.

‎-أَمْ يَقُولُونَ افْتَرَاهُ ۖ قُلْ إِنِ افْتَرَيْتُهُ فَعَلَيَّ إِجْرَامِي وَأَنَا بَرِيءٌ مِّمَّا تُجْرِمُونَ.
“Ma waxay oranayaan wuu been abuurtay quraanka,waxaad ku tiraahdaa hadaan been abuurtay anigaa iska leh dambigayga,anigana bari baan ka ahay dambiga aad idinku falaysaan”-ee uu ka mid yahay gacan ka hadalka iyo dhibka aad ku haysaan qof aan xoog wadan ee xujo iyo hadal kaliya idiinla yimid.

‎-فَذَكِّرْ إِنَّمَا أَنْتَ مُذَكِّرٌ (21) لَسْتَ عَلَيْهِمْ بِمُسَيْطِرٍ (22)﴾ .
“Waani oo wax u sheeg adiga mid waaninaya oo kaliya ayaad tahay wax khasab ah dushooda kuma lihid”.

‎-نَّحْنُ أَعْلَمُ بِمَا يَقُولُونَ ۖ وَمَا أَنتَ عَلَيْهِم بِجَبَّارٍ ۖ فَذَكِّرْ بِالْقُرْآنِ مَن يَخَافُ وَعِيدِ.
“Waan ognahay waxa ay oranayaan,adna ma tihid mid khasbaya iyaga ee ku waani quraanka ciddii uu goodiga alle cabsi galinayo”

Iska daa in dad diin ama afkaar lagu khasbee islaamku wuxuu diiday in lagu dhibsado gaalada inay diinta alle qaadan waayeen darteed,oo marar badan ayaa rasuulka scw laga reebay inuu naftiisa ku dhibaateeyo oo ka murugoodo in aysan dadku adeecin isaga ama aysan xaqa raacin.

‎-لَعَلَّكَ بَاخِعٌ نَّفْسَكَ أَلَّا يَكُونُوا مُؤْمِنِينَ “
“Ma waxaad naftaada ku dhibaataynaysaa inay dadku mu’miniin noqon waayeen”

Waxaa lagu yiri suubanaha ha isku dhibin oo naftaada ha ku halligin hami ah in ay dadku alle rumayn waayeen,waayo adiga hanuunka ma lihid ee gaarsiin oo kaliya ayaad leedahay”

‎أَفَمَن زُيِّنَ لَهُ سُوءُ عَمَلِهِ فَرَآهُ حَسَنًا ۖ فَإِنَّ اللَّهَ يُضِلُّ مَن يَشَاءُ وَيَهْدِي مَن يَشَاءُ ۖ فَلَا تَذْهَبْ نَفْسُكَ عَلَيْهِمْ حَسَرَاتٍ ۚ إِنَّ اللَّهَ عَلِيمٌ بِمَا يَصْنَعُونَ (8)
“Ma waxaad umurugaysan tahay dad inta camalkooda xumaantiisa loo qurxiyay u arkaya mid hagaagsan,ilaahay qofkuu doona isagaa lumiya kuu doonana hanuuniya,ee adigu naftaada murug ha ku dilin,ilaahay waa og yahay waxa ay samaynayaane”.
Mar kalana rasuulka scw waaba lagu canaantay hamiga iyo murugta uu ka mutay inuu dadka la jeclaa hanuunka.

‎وَإِن كَانَ كَبُرَ عَلَيْكَ إِعْرَاضُهُمْ فَإِنِ اسْتَطَعْتَ أَن تَبْتَغِيَ نَفَقًا فِي الْأَرْضِ أَوْ سُلَّمًا فِي السَّمَاءِ فَتَأْتِيَهُم بِآيَةٍ ۚ وَلَوْ شَاءَ اللَّهُ لَجَمَعَهُمْ عَلَى الْهُدَىٰ ۚ فَلَا تَكُونَنَّ مِنَ الْجَاهِلِينَ (35)
“Haday kula weynaatay jeensiga ay dadku xaqa ka jeesteen,bal waa kaasee haddii aad karto dhulka duleesho,ama samada sallaan ku fuul si aad dadkan aayad aad ku qanciso ugu keento,war hadduu alle dooni dadkoo dhan hanuunka ayuu ku kulmin lahaa ee adiga haka mid noqonin kuwa jaahiliinta ah”

Akhristow Waxay dad badanu is oran karaan oo haddii islaamku yahay diin xoriyad oo dadka ku khasbaynin afkaartiisa,maxay tahay dagaalada badan ee ku xusan taariikhdiisa iyo nusuustiisa qaar badan oo ka mid ah oo dhiiri galinaysa dagaalka iyo jihaadka,

Qolyaha sidaan u fekera jawaabtooda way heli lahaayeen haday si fiican udaraaseeyaan taariikh nololeedkii rasuulka scw oo ahaa garwadeenka kaliya ee xujada gala marka ay taagan tahay daliilada islaamka,waayo isaga kaliya iyo wixii uu la yimid uun baa ah xujada xaqa ee marag gashiga mudan,wixii intaa ka soo hara waa ficil dad aan daliishi mudneyn isla markaana aan xambaari karin inay ka wada tarjumaan mabaadiida islaamka ee uu alle soo faray rasuulkiisa Muxamad ah scw.

Waxaa sugan inuusan rasuulka scw marna u adeegsan meel marinta fariintiisa xoog iyo dagaal,taariikhda waxay marag ka tahay inay isaga iyo inta raacday mar kasta ahaayeen kuwo lagu cayrsanayo diintooda,intii hore maba aysan dagaalami jirin laakiin kolkii ay xoogaysteen waxaa la faray inay iska celiyaan kuwa daba socda ee kula dirirsan diinkooda iyo caqiidadooda,mana dhicin hal dagaal oo ay suubanaha iyo asxaabtiisa ku qaadeen qolo aan iyaga dagaal ku soo qaadin ama ku soo qaadi rabin,kol kasta iyaga ayay ahaayeen kuwo dagaalka lagu bilaabo sida ku cad nusuus badan oo diinta ku taal.

‎‏-‎ – أُذِنَ لِلَّذِينَ يُقَاتَلُونَ بِأَنَّهُمْ ظُلِمُوا ۚ وَإِنَّ اللَّهَ عَلَىٰ نَصْرِهِمْ لَقَدِيرٌ “
“Waxaa la faray kuwan lala dirirayo ee la dulmiyay in ay is difaacaan ilaahayna waa karaa inuu u gargaaro”.

‎” – أَلَا تُقَاتِلُونَ قَوْمًا نَّكَثُوا أَيْمَانَهُمْ وَهَمُّوا بِإِخْرَاجِ الرَّسُولِ وَهُم بَدَءُوكُمْ أَوَّلَ مَرَّةٍ ۚ أَتَخْشَوْنَهُمْ ۚ فَاللَّهُ أَحَقُّ أَن تَخْشَوْهُ إِن كُنتُم مُّؤْمِنِينَ (13)
“War miyaydaan la diriraynin oodan iska celinaynin qoom ballan buryo idinku sameeysy oo damcay inay rasuulka saaraan oo idinku billaabay dagaalka markii horeba oo miyaad ka cabsanaysaan ilaahay baa mudan inaad ka cabsataan haddii aad tihiin kuwo rumaysan”.

Haddii ay muslimiintu iyaga ahaayeen kuwa lagu bilaabay dagaalka lama oran gaal oo dhan la dirira ee waxaa loogu baaqay inay la diriraan oo iska celiyaan kuwa la diriraya oo kaliya oo aysan xadgudbin.

‎وَقَاتِلُواْ فِي سَبِيلِ اللّهِ الَّذِينَ يُقَاتِلُونَكُمْ وَلاَ تَعْتَدُواْ إِنَّ اللّهَ لاَ يُحِبِّ الْمُعْتَدِينَ (190) وَاقْتُلُوهُمْ حَيْثُ ثَقِفْتُمُوهُمْ واخرجوهم من حيث اخرجوكم.
“Kula dirira jidka alle kuwa idinla diriraya oo kaliya hana xadgudbina waayo alle ma jecla kuwa xad gudbaya�Ku dila kuwaas idinla diriraya goob kasta ood ka heshaan oo ka saara halkii ay idinka soo saareen”

Waxaa kale oo muslimiinta la faray kuwa la diriraya kolay ku tahay haday dagaalka joojiyaan oo ay nabad soo bandhigaan in laga aqbalayo nabadda oo dagaalka laga joojinayo.

‎ – وَإِن جَنَحُوا لِلسَّلْمِ فَاجْنَحْ لَهَا وَتَوَكَّلْ عَلَى اللَّهِ ۚ إِنَّهُ هُوَ السَّمِيعُ الْعَلِيمُ (61)
Haday nabad soo bandhigaan ka aqbal oo allana talo saaro waayo waa mid maqla oo cilmi badane.

‎وَلَوْ شَاءَ اللهُ لَسَلَّطَهُمْ عَلَيْكُمْ فَلَقَاتَلُوْكُمْ فَإِنِ اعْتَزَلُوْكُمْ فَلَمْ يُقَاتِلُوْكُمْ وَأَلْقَوْا إِلَيْكُمُ السَّلَمَ فَمَا جَعَلَ اللهُ لَكُمْ عَلَيْهِمْ سَبِيْلاً. (سورة النساء أية 90).
Haddii alle doono gaalada wuu idinku salladi lahaa markaasay idinla diriri lahaayeen ee haddii ay idinka dheeraadaan oo aysan idinla diririn oo ay nabad idiinku baaqaan markaas alle idiinma yeelin jid aad kula dirirtaan.

Akhristow maadaana aan soo aragnay inuusan islaamku asal ahaan isagu ahayn midka dadka ku khasbaya afkaar ama diin,misana uu faray muslimiinta inay iska celiyaan kuwa ku soo fara galiya diinkooda iyo caqiidadooda,wuxuu ka dhigay dagaalka noocaas ah ee lagaga hor tagayo dulmiga laguna koryeelayo kalimaadka alle ee xoriyadda iyo cadaaladda xambaarsan dagaal karaamaysan oo jihaad ah wuxuuna u yaboohay fadli iyo khayr badan oon la soo koobi karin.

‎‫Rasuulka scw wuxuu yiri:-‬

‎ ” يَا أَيُّهَا النَّاسُ لَا تَتَمَنَّوْا لِقَاءَ الْعَدُوِّ وَاسْأَلُوا اللَّهَ الْعَافِيَةَ ، فَإِذَا لَقِيتُمُوهُمْ فَاصْبِرُوا وَاعْلَمُوا أَنَّ الْجَنَّةَ تَحْتَ ظِلَالِ السُّيُوفِ ،
“Dadyahow ha jeclaysanina marka hore la kulanka cadowga oo ilaahay badbaado weydiista haddii aad la kulantaan oo aad ku khasbanaataanna sugnaada oo sabra ogaadana in ay janadu ku jirto seefaha laysku difaacayo harkooda”.

Alle wuxuu yiri:-

‎انفِرُوا خِفَافًا وَثِقَالًا وَجَاهِدُوا بِأَمْوَالِكُمْ وَأَنفُسِكُمْ فِي سَبِيلِ اللَّهِ ۚ ذَٰلِكُمْ خَيْرٌ لَّكُمْ إِن كُنتُمْ تَعْلَمُونَ (41) .
Baxa oo duula idinka oo ah kuwo fudud iyo kuwo culus oo ku difaaca maalkiina iyo naftiina wadada alle taasaa idiin khayr badan haddii aad tihiin kuwo wax garanaya.

‎(إِلَّا تَنصُرُوهُ فَقَدْ نَصَرَهُ اللَّهُ إِذْ أَخْرَجَهُ الَّذِينَ كَفَرُوا ثَانِيَ اثْنَيْنِ إِذْ هُمَا فِي الْغَارِ إِذْ يَقُولُ لِصَاحِبِهِ لَا تَحْزَنْ إِنَّ اللَّهَ مَعَنَا ۖ فَأَنزَلَ اللَّهُ سَكِينَتَهُ عَلَيْهِ وَأَيَّدَهُ بِجُنُودٍ لَّمْ تَرَوْهَا وَجَعَلَ كَلِمَةَ الَّذِينَ كَفَرُوا السُّفْلَىٰ ۗ وَكَلِمَةُ اللَّهِ هِيَ الْعُلْيَا ۗ وَاللَّهُ عَزِيزٌ حَكِيمٌ (40)

Hadaydaan ugargaarin rasuulka ilaahay baa hore ugu gargaaray waqti ay soo bixiyeen kuwii gaaloobay isagoo uu mid kale wehliyo oo god ku jira markii uu kulahaa saaxiibkii ha murugoonin waayo alle ayaa nala jira oo markaas uu alle ku soo dajiyay xasilooni oo uu ku taageeray ciidamo aydaan arkaynin oo uu ka dhigay kalmada kuwii gaaloobay mid hoosaysa kalmadda allana mid saraysa ilaahayna waa mid ay mar kasta tiisa uun socoto oo fal suuban.

Rasuulka scw wuxuu yiri:-

‎-(من قاتل لتكون كلمة الله هي العليا فهو في سبيل الله)
Qofkii u dagaalama in ay kalmada alle noqoto midda saraysa kaas uun baa jidkii alle haya.

Kalmadda Alle waa cadaalada iyo wanaaga oo lagu sifoobo,
KalmaddaAlle waa dulmiga iyo wixii xun oo laga dheeraado.

Rasuulka scw oo ka hadlaya waxa uu helayo qofka gala dagaal uu ku difaacayo kalimaadka alle ee xoriyadda,wanaaga,cadaaladda,akhlaaqda iyo dulmi ka fogaanshaha xambaarsan waxa uu yiri:-

‎قال رسول الله صلى الله عليه وسلم لا يكلم أحد في سبيل الله والله أعلم بمن يكلم في سبيله إلا جاء يوم القيامة اللون لون الدم والريح ريح المسك قال أبو عيسى هذا حديث حسن صحيح
” Axad kasta oo lagu dhaawaco difaaca wadada alle maalinka qiyaame wuxuu yimaadaa iyada oo uu dhaawucu midab dhiig leeyahay laakiin uu carafku yahay sidii barafuunka miskiga.

‎ – عن أنس بن مالك رضي الله عنه عن النبي صلى الله عليه وسلم قال: ((لغدوة في سبيل الله أو روحة خير من الدنيا وما فيها)).
Ku jarmaadid jidka alle ama ku caraabidiisa ayaa ka kheyr badan adduunyada iyo waxa dulsaaran oo dhan.

Jihaadka ay muslimiintu ku difaacayaan xoriyadooda iyo karaamadooda waxaa shardi u ah inay yagu midaysan yihiin isla markaana ay haystaan diyaar garow ku filan oo usaamaxaya inay isaga difaacaan cadowga ku handadaya diinkooda iyo caqiidadooda.

Wuxuu alle yiri:

‎”وَأَعِدُّوا لَهُمْ مَا اسْتَطَعْتُمْ مِنْ قُوَّةٍ وَمِنْ رِبَاطِ الْخَيْلِ تُرْهِبُونَ بِهِ عَدُوَّ اللَّهِ وَعَدُوَّكُمْ “
“U diyaarsada waxaad awoodaan oo awood iyo tikniko ah si aad ugu cabsi galisaan cadowgiina iyo cadowga alle”

Muslimiinta waxaa looga digay khilaaf waxana loogu baaqay inay yihiin kuwo midaysan oo is maqla waqtiyada ay ku howlan yihiin difaaca kalimadda alle ee xambaarsan karaamadooda iyo sharaftooda.

‎”وَأَطِيعُوا اللَّهَ وَرَسُولَهُ وَلَا تَنَازَعُوا فَتَفْشَلُوا وَتَذْهَبَ رِيحُكُمْ ۖ وَاصْبِرُوا ۚ إِنَّ اللَّهَ مَعَ الصَّابِرِينَ “
“Adeeca alle iyo rasuulkiisa hana is khilaafina si aydan u fashilmin oo aysan u tagin awoodiina ee sabir iyo dulqaad yeesha waayo alle waa jecelyahay kuwa sabirka iyo adkaysiga leh”.

Walaalayaal sida aan arkayno islaamku maaha khasab iyo jujuub iyo aragti laysku khasbayo oo qofka aan qaadan marka loo bandhigo ka dib qoorta laga jarayo,
Dad badan baa si khaldan u tarjumay ereyga
‎”اسلم تسلم”
Ee uu rasuulka scw u adeegsan jiray gaarsiinta fariintiisa khaasatan boqoradii iyo madaxdii ku hareereysnayd halka uu dagan yahay ee madiina,kalmadaasu micnaheedu waa hogaansan aad nabad gashide,mana ahayn ujeedadu sida ay dadka qaar u fahmeen aniga ii hogaansan aad iga nabad gashide,ee waa alle u hogaansan aad ka nabad gashid ciqaabtiisa maalinka qiyaame,waayo sida la og yahay kolka uu rasuulka scw qorayay warqadaha uu u dirayay boqorada ma haysan ciidan uu ku handadi karo boqortooyooyinkii rooma iyo faaris iyo xitaa qaar ka mid ah qabiilooyinkii carbeed.

Ugu dambayntii waxaa nala gudboon hadii aynu nahay muslimiinta maanta nool in aan diinkeena oga tarjuno si fiican oo ficilkeena laga arko sida aan oga fog nahay dulmiga,tusnana dadka dunida nagula nool in ay diinteenu tahay mid ka dheer khasab iyo muquunin,isla markaasna ixtiraamta kala duwanaanta iyo figradaha dadka kale,si aan u noqono kuwo tusaale fiican u ah adoomada uu Alle ku dul uumay dunidan dhow.

Waadna mahadsan tihiin.
Abdullahi M hussein.

Related posts

Leave a Comment