ISLAAMKA IYO WAXA UU KA QABO ANAANIYADA IYO ISLAQUMANAANTA

Anaaniyada iyo in la yiraahdo wax kasta anigay igu fiican yihiin kaligay baana saxan oo kaligay baa Alle ila jiraa waxay ka mid tahay waxyaaba ilaahay inaga reebay oo uu islaamkeenuna ishaaray inaysan sax ahayn in sidaa loo dhaqmo.

Nacam waad dooran kartaa dariiqa saxan ee islaamka waadna aamini kartaa in waxa aad ku qanacsan tahay ay yihiin waxa ugu saxan oo uu rabbi ku faray,laakiin isla marka aad taas aaminto ayaa misana lagaa reebay inaad ku kadsoonto dadka kalena ku yasto iimaankaaga.

Dhab ahaantii nusuusta diinta islaamka waxay in badan tilmaamtaa oraahyo dhago hadal ka dhigan oo ay Alle iyo rasuulkiisu scw inoogu sheegayaan Anaaniyadii iyo sidii ay u udhaqmeen ahlul kitaabka iyo isla saxnaantoodii,iyada oo ay ujeedada laga leeyahayna tahay idinkuna sidaas oo kale ha u dhaqmina ee iska daaya anaaniyada.

Ilaahay wuxuu yiri:-

♦ ﴿ وَقَالَتِ الْيَهُودُ لَيْسَتِ النَّصَارَى عَلَى شَيْءٍ وَقَالَتِ النَّصَارَى لَيْسَتِ الْيَهُودُ عَلَى شَيْءٍ وَهُمْ يَتْلُونَ الْكِتَابَ كَذَلِكَ قَالَ الَّذِينَ لَا يَعْلَمُونَ مِثْلَ قَوْلِهِمْ فَاللَّهُ يَحْكُمُ بَيْنَهُمْ يَوْمَ الْقِيَامَةِ فِيمَا كَانُوا فِيهِ يَخْتَلِفُونَ ﴾

“Yahuud waxay tiri nasaaro wax ay tahay lama arko,nasaarana waxay tiri yahuud wax ay tagay lama arko,iyagoo waliba kitaabkii akhrinaya,sidoo kale waxaa yiri kuwii aan waxba garanaynin ee mushrikiinta ahaa ,ilaahay baa kala xukmin doona dhexdooda maalinka qiyaame wixii ay isku khilaafi jireen”

Wuxuu kaloo Alle yiri:-

“وَقَالَتِ الْيَهُودُ وَالنَّصَارَىٰ نَحْنُ أَبْنَاءُ اللَّهِ وَأَحِبَّاؤُهُ قُلْ فَلِمَ يُعَذِّبُكُم بِذُنُوبِكُم بَلْ أَنتُم بَشَرٌ مِّمَّنْ خَلَقَ يَغْفِرُ لِمَن يَشَاءُ وَيُعَذِّبُ مَن يَشَاءُ وَلِلَّهِ مُلْكُ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ وَمَا بَيْنَهُمَا وَإِلَيْهِ الْمَصِيرُ )

” yahuud iyo nasaaro waxay yiraahdeen anagaa ah dhashii alle iyo kuwii uu jeclaa,waxaad ku tiraahdaa haday arintu saa tahay muxuu Alle idinkugu cadaabaa dunuubtiina,arinku saa maahee idinku waxaad tihiin bashar ka mid ah wixii uu khalqay,cidduu doonana wuu u dambi dhaafi cidduu doonana wuu cadaabi,oo Alle isagay u sugnaatay oo iska leh samaawaadka iyo arlada iyo inta u dhaxaysa isagaana loo wada noqonayaa.

Sidoo kale rabbi wuxuu yiri:-

وَقَالُوا لَن يَدْخُلَ الْجَنَّةَ إِلَّا مَن كَانَ هُودًا أَوْ نَصَارَىٰ ۗ تِلْكَ أَمَانِيُّهُمْ ۗ قُلْ هَاتُوا بُرْهَانَكُمْ إِن كُنتُمْ صَادِقِينَ “

“Waxay yiraahdeen janada ma galayo illaa qof yahuud ama nasaaro ah mooyee,taasi waa yididiiladooda ama sida ay jecel yihiin,waxaad ku tiraahdaa bal burhaantiina iyo xujadiina keena hadaad tihiin kuwo run sheegaya”.

Wuxuu kaloo rabbi yiri:-

ذَٰلِكَ بِأَنَّهُمْ قَالُوا لَن تَمَسَّنَا النَّارُ إِلَّا أَيَّامًا مَّعْدُودَاتٍ ۖ وَغَرَّهُمْ فِي دِينِهِم مَّا كَانُوا يَفْتَرُونَ “

“Sawabta ay xaqa ku garab mareen waa inay yiraahdeen anaga naar na taaban mayso marka laga reebo maalmo yar oo nalooga jarayo dambigii aan galnay,waxaa kadiyay diinkoodii oo ay ka dhigeen mid ay been abuuranayaan”.

Walaalayaal sida aan u jeedno afartaas aayadood iyo aayado kale iyo axaadiis badan oo la micno ahba waxa ay tilmaamayaan oon ka qaadanaynaa sida uu alle ugu ceebeeyay qoom kasta oo sheegtay xigaalenimo alle iyo inuu iyaga si gaar ah ula jiro,oo uu kaligood janada gaynayo cadaabtana ka badbaadinayo,allana waa diiday taas,marka suura gal ma tahay inuu alle umadahaasna ka diido xigaalanimada kooxdaadana ka aqbalo ictiqaadka ah inuu kaligood si gaar ah ula jiro oo uu kaligood janada galinayo cadaabtana ka korinayo. ?!! Inaguse Ka Islaam ahaan wax ma inaga badaleen aayadahaas mise intii ay yahuud iyo nasaaro tiri uun baan ku celinay,Tiiyoo aan ognahay inuu ilaahay caadil yahay oo aysan kala xigin khalqigiisa kuwa ugu karaamo badan agtiisana ay yihiin kuwa xumaha ka dhowrsada ee wanaagga fala.

Ilaahay wuxuu yiri:-

“لَّيْسَ بِأَمَانِيِّكُمْ وَلَا أَمَانِيِّ أَهْلِ الْكِتَابِ ۗ مَن يَعْمَلْ سُوءًا يُجْزَ بِهِ وَلَا يَجِدْ لَهُ مِن دُونِ اللَّهِ وَلِيًّا وَلَا نَصِيرًا”

“Arintu maaha sida idinka muslimiinta ah ay yididiiladiinu tahay ama jeceshihiin,mana aha sida ahlul kitaabka yididiiladoodu tahay ama jecel yihiin,qof alleele iyo qofkii xumaan sameeya waa laga jisayn,mana heli doono alle sokadii cid xigaale u noqota oo u gargaarta”.

Walaalayaal Waxaa muhiim ah inaan ogaano inaan inaga sideenaba naloo dirin inaan dadka kala xukuno oo kala sheegno cidda janada iyo naarta alle kala galaysa,kaliya waxaa nalaga dalbaday inaan rumayno alle iyo rusushiisa iyo maalinka qiyaame iyo abaalmarintiisa ku aadan janada iyo naarta,adduunkana waxaa nala faray inaan wanaagga ku dhaqano intaan nool nahay,dulmiga iyo xumaantana ka dheeraano.

Jano iyo naar ilaahay baa iska leh cidda galaysana isagaa yaqaan adigana laguuma dirsan inaad arimahaas soo faragaliso waana taas caqiidada toosan ee lagaa doonayo adiga.

Dhib kuma sugna hadaad si guud u ictiqaaddo in uu ilaahay la jiro kuwa adeecay isaga ee dulmiga ka dheeraaday oo uuna ciqaab daran u yaboohay kuwa diiday isaga iyo kuwa dulmiga faraha kula jira.

Waxaana majeerasho mudan mar kasta nusuusta ilaahay kitaabkiisa ka buuxda ee ku cel celcelisa marar badan in uu ilaahay ciddii uu doono cafinayo,ciddii uu doonana cadaabayo.

‎يغفر لمن يشاء ويعذب من يشاء.
“Alle cidduu doonuu u dambi dhaafaa oo janeeyaa cidduu doonana wuu cadaabaa”

Waa khalad inaan aaminaa in ilaahay xuduuduhu koobaan,waayo alle maaha mid ay xuduuduhu koobaan oo cid wixii uu maago ka celin kartaa ma jirto waayo isagu wuxuu sameeyaa wixii uu doono.
‎”فَعَّالٌ لِمَا يُرِيدُ”
“Alle waa mid sameeya wixii uu doono”
‎-“وَاللَّهُ يَحْكُمُ لَا مُعَقِّبَ لِحُكْمِهِ ۚ
“Alle waa mid xukuma oo aan xukunkiisa laga daba tagin”

Marka hadaan nahay dad islaam ah waxaa ceeb inagu ah inaan arimo rabi gaar u ah aan faraha la galno oo uu warkeenu u bato inaan dadka kala xukuno intay dunida joogaan oo aan isu xil saarnay oo aan hadaba sii kala og nahay cidda kala galaysa janada iyo naarta Alle”.

Xaqiiqdii Janada iyo naarta qolo magac gaar ah ugu suntan ma jirto ee waxaa lagu kala galayo waa tilmaamo iyo camal gaar ah,taasi in la ogaadana waa muhiim”

Ilaahay waxa uu yiri:-

‎”إِنَّ الَّذِينَ آمَنُوا وَالَّذِينَ هَادُوا وَالنَّصَارَىٰ وَالصَّابِئِينَ مَنْ آمَنَ بِاللَّهِ وَالْيَوْمِ الْآخِرِ وَعَمِلَ صَالِحًا فَلَهُمْ أَجْرُهُمْ عِندَ رَبِّهِمْ وَلَا خَوْفٌ عَلَيْهِمْ وَلَا هُمْ يَحْزَنُونَ”.

“Muminiinta rabi rumaysay,iyo yahuudda iyo nasaarada iyo saabi’iinta,mid kasta oo ka mid ah oo Alle iyo maalinka aakhiro rumeeyay oo camal wanaagsana la yimid,ajarkooda alle agtiisa ayay ka helayaan iyagoon cabsi iyo murugi u sugnaanin”.

Dabcan waa inay intaasuba ahaadaan dad iimaankii rabbi doonayay ee lagu mudanayay raxmadiisa la yimid. Waayo xilli kasta waxaa jiray ama jiri doono dad ku hanuunsan wadada rabbi ee dhabta ah ee lagu mudan karo badbaadadiisa.

Alle Wuxuu alle yiri:-

‎وَمِمَّنْ خَلَقْنَا أُمَّةٌ يَهْدُونَ بِالْحَقِّ وَبِهِ يَعْدِلُونَ

“Dadka aan abuurnay waxaa ka mid ah mar kasta ummad xaqa ku taagan oo mar kasta xaqa u iilanaya”.

Marar badan bay Alle iyo rasuulkiisa inooga digeen in si gaara laysu siiyo janada cadaabkana laysaga durkiyo,ilaa uu rabbi ku yiri rasuulkiisa ku dheh dadka anigaba ma ogi halka lay gayn doono.

‎”قُلْ مَا كُنْتُ بِدْعًا مِنَ الرُّسُلِ وَمَا أَدْرِي مَا يُفْعَلُ بِي وَلا بِكُمْ إِنْ أَتَّبِعُ إِلا مَا يُوحَى إِلَيَّ وَمَا أَنَا إِلا نَذِيرٌ مُبِينٌ “

“Waxaad ku tiraahdaa maahi mid ku cusub adeeganimada alle,mana ogi waxa lagu samayn doono aniga iyo idinkaba,kaliya waxaan raacayaa wixii la ii waxyooday,mana ahi mid ka baxsan inaan ahay mid si cad idiinku digaya oo kaliya”.

Si aysan dadka ugu kadsoomin una aaminin camalkooda oo kaliya,oo aysan u dhicin inay alle xukun u meeriyaan rasuulka scw wuxuu gaaray inuu dadka ku yiraahdo ha aaminina camalkiina ee aamina alle naxariistiisa iyo fadligiisa.

‎”وعن ابي هريرة رضي الله عنه قال -قال رسول الله صلى الله عليه وسلم :- لن ينجي أحدا منكم عمله قال رجل ولا إياك يا رسول الله قال ولا إياي إلا أن يتغمدني الله منه برحمة ولكن سددو” رواه مسلم.

“Abuu hureyra rc waxaa laga wariyay inuu rasuulka scw yiri:-axadkiina ma badbaadinayo camalkiisa,nin baa yiri xitaa ma adiga rasuulkii allow,markaasaa asuulka scw yiri:-xitaa aniga ima badbaadin karo camalkayga illaa inuu ilaahay i dhex muquuriyo raxmadiisa mooyee,laakiin toosnaanta ku dadaala”.

Si uu anaaniyo iyo isla saxnaan inooga dheereeyo ayuu rasuulka scw in baray qaab aan xitaa ula hadalno kuwa na khilaafsan inaga oo muujinayna sinaan iyo quursi la’aan,oo isaga oo waxyi ku soo dagayo ayaa lagu oran jiray waxaad ku tiraahdaa:-
“وَإِنَّا أَوْ إِيَّاكُمْ لَعَلَىٰ هُدًى أَوْ فِي ضَلَالٍ مُّبِينٍ”
“Anaga iyo idinka midkayo ayaa saxan ama baadi cad ku sugan”.
Bal u fiirso usluubkaas ma oran suubanaha scw anagaa saxan idinkaa khaldan tiiyoo la og yahay inuu isagu saxnaa iyaguna khaldanaayeen,dhab ahaantii waa usluub sare anaaniyada laynooga fogaynayo.

Ilaahay waxaan ka baryayaa inuu xaqa nagu sugo towfiiqdana na waafajiyo.

Wabillaahi towfiiq
Abdullahi M Hussein.

Related posts

Leave a Comment