XUQUUQDA DADKA OO LAYSKA DHOWRO.

Waxyaabaha ugu waaweyn ee uu islaamku dhowray waxaa ka mid ah,in dadka xuquuqdooda la ilaaliyo oo layska dhowro,oo aan dhiigooda la galin,oo aan hantidooda la dhicin,oo aan amaanadooda la khiyaamin,oo aan cirdigooda iyo sharaftooda la banaysan.

Ilaahay wuxuu yiri:-

إِنَّ اللَّهَ يَأْمُرُكُمْ أَنْ تُؤَدُّوا الْأَمَانَاتِ إِلَى أَهْلِهَا وَإِذَا حَكَمْتُمْ بَيْنَ النَّاسِ أَنْ تَحْكُمُوا بِالْعَدْلِ إِنَّ اللَّهَ نِعِمَّا يَعِظُكُمْ بِهِ إِنَّ اللَّهَ كَانَ سَمِيعاً بَصِيراً}
“Ilaahay wuxuu idin farayaa inaad amaanooyinka u gudaan dadkii lahaa oo hadaad dadka kala xukumaysaana aad cadaalad ku kala xukuntaan,ilaahay wax wanaagsan buu idinku wacdinayaa waana mid maqla oo arka”.

Wuxuu kaloo Eebe yiri:-mar uu Nabi Shucayb iyo wixii uu tolkii ku yiri ka waramayay:-

وَيَا قَوْمِ أَوْفُوا الْمِكْيَالَ وَالْمِيزَانَ بِالْقِسْطِ ۖ وَلَا تَبْخَسُوا النَّاسَ أَشْيَاءَهُمْ وَلَا تَعْثَوْا فِي الْأَرْضِ مُفْسِدِينَ (85)
“Shuceyb wuxuu yiri:-tolkayow oofiya oo buuxiya cabirka iyo miisaanka si cadaalada,oo dadka waxooda ha ka nusqaaminina,dhulkana fasaad ha ku fidinina”.

Xuquuqda dadka oo la xalaashadaa waxay ka mid tahay waxyaabaha lagu halaagsamo oo dadka cadaabka ku hoobiya maalinka qiyaamaha,haddii aysan ka xalaal noqonin intay nool yihiin,xitaa salaad iyo soon iyo xaj iyo sako baan waxba u taraynin qof xaq dad qaba.

Rasuulka scw wuxuu yiri:/

فعن أبي هريرة رضي الله تعالى عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: «أتدرون ما المفلِسُ ؟ قالوا : المفلِسُ فينا من لا درهمَ له ولا متاعَ . فقال : إنَّ المفلسَ من أمَّتي ، يأتي يومَ القيامةِ بصلاةٍ وصيامٍ وزكاةٍ ، ويأتي قد شتم هذا ، وقذف هذا ، وأكل مالَ هذا ، وسفك دمَ هذا ، وضرب هذا . فيُعطَى هذا من حسناتِه وهذا من حسناتِه . فإن فَنِيَتْ حسناتُه ، قبل أن يقضيَ ما عليه ، أخذ من خطاياهم فطُرِحت عليه . ثمَّ طُرِح في النَّارِ» (مسلم:2581)

“Ma garanaysaan qofka kacay ee hanti beelay,waxay yiraahdeen asxaabtii qofka kacay waxaan u naqaan qof hanti beelay oo shilin iyo xoolo isku furan,kolkaasaa rasuulka scw wuxuu yiri hadaba qofka kacay waa midka maalinta qiyaame la imanaya salaad iyo soon iyo sako badan,laakiin wuxuu imanayaa isaga oo dadkii ka soo dhigay mid uu caayo,mid uu duro,mid uu dhiig ka daadiyo,mid uu xoolo ka dhacay,iyo mid uu dilo,kolkaasaa xasanaadkiisii loo wada qaybinayaa dadkii uu dulmiga iyo anafada kula kacay intii uu dunida joogay,oo kolkii ay xasanaadkiisii dhamaadaan,waxaa dusha loo saarayaa dambiyadii kuwii uu dulmiyay markaasaa naarta lagu tuurayaa.

Wuxuu kale oo uu Raauulka scw yiri:-

وعن أَبي هُرَيْرَةَ ، عن النَّبِيِّ ﷺ قَالَ: مَنْ كَانتْ عِنْدَه مَظْلمَةٌ لأَخِيهِ مِنْ عِرْضِهِ أَوْ مِنْ شَيْءٍ فَلْيتَحَلَّلْه ِمِنْه الْيَوْمَ قَبْلَ أَلَّا يكُونَ دِينَارٌ وَلَا دِرْهَمٌ، إنْ كَانَ لَهُ عَمَلٌ صَالِحٌ أُخِذَ مِنْهُ بِقَدْرِ مَظْلَمتِهِ، وإنْ لَمْ يَكُنْ لَهُ حسَنَاتٌ أُخِذَ مِنْ سيِّئَاتِ صاحِبِهِ، فَحُمِلَ عَلَيْهِ رواه البخاري.

“Qofkii wax uun dulmi ah ka galay walaalkii oo ama cirdigiisa iyo sharafkiisa si uun ugu xad gudbay ama wax uun xaq uu leeyahay ka meersaday,maanta inta uu nool yahay haka xalaal noqdo,inta aan la gaarin maalin aan dirham iyo diinaar iyo shilin laysku furan karo jirin,oo haddii uu camal fiican lahaa qadar dulmigiisa la eg looga qaado kuwii uu dulmiyay,haddii uusan camal fiican lahayna oogada laga saarayo dunuubtii kuwii uu dulmiyay oo kolkaa sidaa naarta loogu tuuray.

Xuquuqda dadka ee la diiday in lagu tunto maaha mid muslimiinta oo kaliya ku eg ee waa mid sidoo kale ay soo galayaan gaalada ay muslimiintu ka dhaxayso ballanta is nabad galinta ah,oo lama ogola in xuquuqdooda lagu xadgudbo gaalada ay nabad ku wada noolaanshaha ka dhaxayso muslimiinta.

Rasuulka scw wuxuu yiri:-

«مَنْ ظَلَمَ مُعَاهِدًا أَوْ انْتَقَصَهُ أَوْ كَلَّفَهُ فَوْقَ طَاقَتِهِ أَوْ أَخَذَ مِنْهُ شَيْئًا بِغَيْرِ طِيبِ نَفْسٍ فَأَنَا حَجِيجُهُ يَوْمَ الْقِيَامَةِ» رواه أبو داود (3052) وصححه الألباني في (صحيح أبي داود).
“Qofkii dulmiya gaal ballan is nabad galin ah muslimiinta kula jira,ama wax uun xuquuqdiisa ka mid ah ka nusqaamiya,ama ku kallifa wax aan awoodiisa ahayn,ama ka qaata xoolo uusan raalli oga ahayn,aniga ayaa ah midka maxkamadda Eebe la fuulaya maalinka qiyaame”.

Related posts

Leave a Comment