ISLAAM IYO ADAYG MEEL ISLAMA GALAAN!.

Diinta saamaxday in iskaalsaha/sharabaadada la masaxo weysada musaafir iyo muqiimba,oo musaafirka u saamaxday intuu safarka ku jiro inuu weysada badalkii uu lugaha dhaqi lahaa uu masaxo iskaalsaha dushooda,midka gurigiisa joogana hadduu doono uu ilaa saddax bari kolka uu weysada lugaha joogo iska masaxan karo shiddo la’aan,kaliya shuruudaha loo xiray ay tahay inuu kolkii uu xiranayay iskaalsaha/sharabaadada/sockska uu ahaa qof weyso qabo,isla markaasna uusan la imaan waxyaabaha qubayska waajibiya,wixii intaa ka soo hara loo siibi maayo ee waa uun la iska masaxayaa oo hurdo iyo xaajo suuli iyo neef midoodna loo siibi maayo iskaalsaha. 

Diinta dhibkaa yar ka dulqaaday dadka rumaysan ma idinla tahay inay u keenayso dhibaato intaa ka badan?!!

Diinta salaaddii iyo soonkii musaafirka iyo midka jirran fududeysay ee waliba soonka midka dhibaataysan een awoodin ka sakhirtay oo ugu badashay waxyaabo ka fudud sida miskiin quudin iwm,diinta salaaddii midka nagi xitaa mararka qaar ee uu howsheysan yahay iyo marka jirro iyo roob jiraan fududeysay ee fartay in laba salaadood markiiba la jamcin karo,iyada oon la gaabin,sida duhur iyo casar,iyo maqrib iyo cishe,haddii uusan musaafir ahayn’haddii uu musaafir yahayna gaabin iyo jamcin hormarin iyo dib dhigis lehba isku dartay,ma idinla tahay inay dhibaato intaa ka badan ku noqon karto kuwa rumeysan!!.

Ilaahay wuxuu yiri:-

“يُرِيدُ اللَّهُ بِكُمُ الْيُسْرَ وَلَا يُرِيدُ بِكُمُ الْعُسر..”
“Ilaahay fudeyd buu idinla doonayaa ee culeys idinla dooni maayo”

Markalana wuxuu Alle yiri:-

“وَمَا جَعَلَ عَلَيْكُمْ فِي الدِّينِ مِنْ حَرَجٍ ۚ ..”
“Ilaahay diinka idinkagama dhigin mid aad ku dhibaatootaan”

Markalana waxa uu Alle yiri:-

“يُرِيدُ اللَّهُ أَن يُخَفِّفَ عَنكُمْ ۚ وَخُلِقَ الْإِنسَانُ ضَعِيفًا
“Ilaahay wuxuu doonayaa inuu wax idinka khafiifiyo waayo insaanka waxaa lagu abuuray itaal darro”.

Rasuulka scw wuxuu ahaa mid haday laba daran u kulmaan doorta midda fudud,wuxuuna ahaa mid aan inaba iskalifin sida Alleba faray.

“قُلْ مَا أَسْأَلُكُمْ عَلَيْهِ مِنْ أَجْرٍ وَمَا أَنَا مِنَ الْمُتَكَلِّفِينَ”
“Waxaad ku tiraahdaa ajar idinku weydiisan maayo diinta gaarsiinteeda mana ahi aniga mid is kalifaya”.

Sideedana ilaahay nafna kuma kallifo waxaan taagteeda ahayn oo Alle wuxuu yiri:-

“لَا يُكَلِّفُ اللَّهُ نَفْسًا إِلَّا وُسْعَهَا ۚ لَهَا مَا كَسَبَتْ وَعَلَيْهَا مَا اكْتَسَبَتْ ۗ “
“Ilaahay nafna kuma kallifo waxaan taagteeda ahayn,nafwaliba waxay leedahay waxay kasbatay oo khayr ah,waxana lagu leeyahay oo loo raacanayaa waxay kasbatay oo shar ah..”.

Rasuulka scw wuxuu yiri:-

“إنما بعثتم ميسرين ولم تبعثوا معسرين“رواه البخاري(220).
“Waxaa kaliya ee uu Alle idiin soo diray inaad wax fududeysaan ee idiinma soo dirin inaad wax cusleysaan”.

Wuxuu kale oo uu rasuulku scw yiri:-

“إن الدين يسر، ولن يَشادَّ الدينَ أحد إلا غلبه، فسَدِّدوا وقاربوا”رواه البخاري(39).
“Diintanu waa mid fudud ciddii isku adkeysana way ka qaalib noqotaa,ee toosnaada oo dhadhaweeya”.

Wuxuu mar kale yiri rasuulka scw:-

“يسرا ولا تعسرا وبشرا ولا تنفرا”رواه البخاري (3038)، ومسلم(1733).
“Fududeeya Arinka diinta oo ha cusleynina,u bishaareeya dadka oo diinta ha ka didinina”.

Related posts

Leave a Comment