ISLAAMKA IYO ISKU TIXGALINTA ARAGTIYADA IS DIIDAN.

 

Qof allaale iyo qofkii yiraahda sidaan wax u arko si ka duwan wax looma arki karo,ama waxa aan sheego wax ka badalan lama sheegi karo,isaga oo mararka qaarna adeegsanaya handadaad iyo awood,waa qof lunsan oo doonaya inuu xaqa afduubto,waayo xaqa waa xoriyad isagaana taageersan kala duwanaanta nabadda ku dhisan.

Cid ilaahay ka awood badan ma jirto isagana awood uma adeegsan meel marinta xaqa iyo ku toosinta aadanaha sida saxan inta uu dhinacooda dhulka ka sareeyo.

Ilaahay wuxuu yiri:-

“قُلْ كُلٌّ يَعْمَلُ عَلَىٰ شَاكِلَتِهِ فَرَبُّكُمْ أَعْلَمُ بِمَنْ هُوَ أَهْدَىٰ سَبِيلًا”

“Waxaad ku tiraahdaa qof kasta ha u camal falo sida ay la tahay toosnaanta,rabigiin uun baa og midka haya wadada hanuunka”.

Ogow hadaad aqbali weydo in lagaa duwanaan karo inaad laftaada tahay mid ka horjeeda sunada rabi koonka u dajiyay ee ah kala duwanaanta.

“وَلَوْ شَاءَ رَبُّكَ لَجَعَلَ النَّاسَ أُمَّةً وَاحِدَةً ۖ وَلَا يَزَالُونَ مُخْتَلِفِينَ (118) إِلَّا مَن رَّحِمَ رَبُّكَ ۚ وَلِذَٰلِكَ خَلَقَهُمْ ۗ وَتَمَّتْ كَلِمَةُ رَبِّكَ لَأَمْلَأَنَّ جَهَنَّمَ مِنَ الْجِنَّةِ وَالنَّاسِ أَجْمَعِينَ (119)”

“Haddii alle dooni dadkoo dhan ummad kaliya ayuu ka dhigi lahaa,kamana suulayaan dadku inay is khilaafsan yihiin ilaa in alle u naxariistay mooyee,oo sidaa baaba loo abuuray,kalmada rabigaa baana ku dhamaystirantay,inuu jahanamo ka buuxiyo jini iyo insi dhamaantood ciddii amarkiisa khilaafta ee ka san taagta sidaa uu eebe wax u qorsheeyay”.

In la kala duwanaado waa sunno rabi oon la loodin karayn,in laysugu cudur daaro oo si nabad ah lagu wada noolaado iyada oo la kala duwan yahayna waa midda nala faray ee uu eebbe doonayo,

Laakiin waxaa naloo diiday inaan ku kala tagno khilaafka oon isku dilno sideen u kala duwanaan karnaa darteed,oo ilaahay waxa uu yiri:-

“إِنَّ الَّذِينَ فَرَّقُوا دِينَهُمْ وَكَانُوا شِيَعًا لَسْتَ مِنْهُمْ فِي شَيْءٍ إِنَّمَا أَمْرُهُمْ إِلَى اللَّهِ ثُمَّ يُنَبِّئُهُمْ بِمَا كَانُوا يَفْعَلُونَ “

“Kuwa ku kala taga diinkooda ee noqda kooxo dirirsan adiga waxba kaama galin arintooda oo beri baad ka tahay,arintooda ilaahay bay u taal oo intaa ka dib oga warami doona wixii ay soo sameyn jireen”

“مُنِيبِينَ إِلَيْهِ وَاتَّقُوهُ وَأَقِيمُوا الصَّلَاةَ وَلَا تَكُونُوا مِنَ الْمُشْرِكِينَ (31) مِنَ الَّذِينَ فَرَّقُوا دِينَهُمْ وَكَانُوا شِيَعًا ۖ كُلُّ حِزْبٍ بِمَا لَدَيْهِمْ فَرِحُونَ (32)”

“U noqda alle xagiisa oo ka dhowrsada’salaadana ooga oo ha ka mid noqonina mushrikiinta,kuwaasoo ah kuwo ku kala tagay diinkooda oo noqday kooxo dirirsan oo ay koox kasta waxa ay haysato ku faraxsan tahay”.

Ilaahay waxa uu ka cudur daartay inaysan umadda nabi muxamad scw noqon mid ku kala tagta oo ku dirirta kala duwanaanta sidii ahlul kitaabka oo kale,waayo xaqu uma imaan ln la kala xigsado ka dibna lagu diriro ee wuxuu u yimi in lagu midoobo,hadii lagu midoobi waayana aan lagu kala tagin ee si nabad iyo xigmad ah laysugu nasteexeeyo iyada oo mar kasta wixii laysku khilaafo laysula laabanayo kitaabka iyo sunada.

“وَمَا تَفَرَّقُوا إِلَّا مِنْ بَعْدِ مَا جَاءَهُمُ الْعِلْمُ بَغْيًا بَيْنَهُمْ ۚ”

“Waxay uun kala tageen intii uu cilmiga iyo waxyiga u yimi ka dib,dulmi iyo gardaro iyaga dhexdooda ah darteed”

Waayo ilaahay ma oran khilaafkiina isku dila oo ku kala taga ee waxay ahayd inay isu nasteexeeyaan oo wixii ay ku murmaana si nabad ah ugu celiyaan kitaabka iyo sunada.

“٠٠فَإِن تَنَازَعْتُمْ فِي شَيْءٍ فَرُدُّوهُ إِلَى اللَّهِ وَالرَّسُولِ إِن كُنتُمْ تُؤْمِنُونَ بِاللَّهِ…..”

“Hadaad arin ku doodaan isula laabta kitaabka iyo sunada hadaad tihiin kuwo ilaahay rumaysan”

Haddii lays mari waayo khilaafka ka dhasha fahamka nusuusta waa laysugu dul qaadan ee laysku nici maayo layskuna dili maayo wixii nasteexo ahna way socon.

Ciddii xaqaada iyo xoriyadaada gacan ula timaadda waad iska celin hadaad awooddo lkn waxaa mar kasta haboon oo la faray muslimiinta inaysan kala duwanaantoodu ku keenin is maquunin iyo kala tag.

Sideedaba junuub iyo xoog waxaa lagu yaqaan ahlul baadilka sidii fircoonba yiri:-

“قَالَ فِرْعَوْنُ مَا أُرِيكُمْ إِلَّا مَا أَرَىٰ وَمَا أَهْدِيكُمْ إِلَّا سَبِيلَ الرَّشَاد”
“Aragti aan tayda ahayn ma yeelan kartaan aniga uun baana idinku hanuunin kara wadada toosan”

Sideedana xaqa lagama xujo bato,xanaaq iyo xoogna xaajo uma qabo.

“بَلْ نَقْذِفُ بِالْحَقِّ عَلَى الْبَاطِلِ فَيَدْمَغُهُ فَإِذَا هُوَ زَاهِقٌ ۚ “

“Xaqa waxaan ku ganaynaa baadilka markaasuu maskaxda ka abaarayaa oo uu burburinayaa”.

Ugu dambeyntii waxaa haboon inaan xaqa u qaadaanaa sida uu yahay mar kastana midnimada umadda iyo wada jirkeeda laga hormariyaa wax kasta.

Related posts

Leave a Comment