MIYAA QURAANKA IYO SUNADA LAGA HELAYAA DALIIL CADAYNAYA IN JINIGU DHEEHI KARO JIRKA INSIGA?.

Su’ashaa inaan jawaab aqoontayda la eg ka bixiyo waxaa igu kallifay kolkii faallooyin fal-celino ah iyo kuwo faa’iido doon ahba aan kala kulmay qaar asxaabtayda ka mid ah oo si sir iyo caadba leh iigu soo dirayay su,aalo ay ka qabaan darsigii ku aadanaa inaanu

Jiniga gali karin jirka aadanaha ee aan kal dhoweyd ku soo qoray barteyda facebookga iyo baro kalaba.

Waxa ugu badan ee ay asxaabtu igalaga doodayeen ayaa u badneyd bal waxa aan ka leeyahay aayadda quraanka ah iyo Axaadiista nabiga ee ay jamhuurta culimada u daliishadaan in jinigu gali karo insiga.

Haddaan ku horeeyo Aayadda quraanka ah oo ah:-

“الَّذِينَ يَأْكُلُونَ الرِّبَا لَا يَقُومُونَ إِلَّا كَمَا يَقُومُ الَّذِي يَتَخَبَّطُهُ الشَّيْطَانُ مِنَ الْمَسِّ” – البقرة:275.”
“Kuwa ribada cunaya uma istaagayaan si kale illaa sida uu istaago midka uu sheydaanku is-baraanbarka ku riday mooyee”.

Aniga oon dooneyn in aan hadalka dheereeyo ayaan is leeyahay aad ku gaabsato inta culimada diidan in jinigu dhex gali karo jirka insiga ay ka yiraahdeen aayadan.

Culimada diidan arinka waxay yiraahdeen aayadan marna daliil cad uma noqon karto in jinigu gali karo jirka insiga,waayo aayaddu waxay ka hadlaysaa isbaraanbarka iyo khalad hadalka ay la soo shirtagaan kuwa ribada cuna ee ku sheega inay bayca iyo wax kala gadashada la mid tahay,arintaasina waa isbaraanbar cad oo sheydaan u qurxiyay waayo ribo iyo wax kala iibsi ma sina,maadaama uu Eebe wax kala iibsiga xalaaleeyay halka uu ribadana xarimay.

“ذَٰلِكَ بِأَنَّهُمْ قَالُوا إِنَّمَا الْبَيْعُ مِثْلُ الرِّبَا ۗ وَأَحَلَّ اللَّهُ الْبَيْعَ وَحَرَّمَ الرِّبَا ..”ۚ
“Waxa is baraanbarka ka dhigan ayaa wuxuuba yahay inay yiraahdeen wax kala gadashada waa sida ribada oo kale,tiiyoo uu Alle wax kala iibsiga xalaaleeyay halka uu ribadana xarimay.

Haddii ay culimada qabta in jinigu dheehi karo jirka insiga ay kalimadda (Masiga) ee ay aayaddu tilmaantay ku fasiraan micno (galid) ah,waxay markiiba culimada arinkaa diidan kaga jawaabeen,in aysan suura gal ahayn in kalimaddaa af-soomaaliga ku ah taabasho aysan marna u dhigmi karin dhex galid iyada oo isla kalimadaasi luqada carabiga ku leh micnooyin badan,taasoo gayaysiisay in aan marna qadci iyo biyo kama dhibcaan loogu daliishan karin aayadda galidda jiniga ee jirka
Insiga.

Dhanka kale waxaa jirta in isla
Kalimaddaa xiliyo kale quraanku adeegsaday isla markaana aysan jamhuurta mufasiriintu ku fasirin galid jini ama sheydaan jir insi.

Sida aayadda ka hadlaysa Nabi ayuub cs iyo sabirkiisii.
“وَاذْكُرْ عَبْدَنَا أَيُّوبَ إِذْ نَادَىٰ رَبَّهُ أَنِّي مَسَّنِيَ الشَّيْطَانُ بِنُصْبٍ وَعَذَابٍ (41) “
“Bal xus waqti uu adoonkayaga Ayuub u dhawaaqay rabigii ee uu ku yiri Rabiyoow Sheydaan wuxuu igu taabtay dhib iyo cadaab”.

Ma jiro mid kaliya ee culimada quraanka fasirta ah ee ula bareeray tafsiirka aayaddan in Nabi ayuub uu sheydaan ama jini dhex galay. Waana sida u suubata maqaamka Ambiyada.

Ee waxay badankooda ku fasireen kolka israa’iiliyaadka laga soo tago in ujeedada uu nabi ayuub ka dacwooday ay ahayd waswaasintii uu sheydaanka ku hayay isaga,sida inuu u soo bandhigayay mar kasta adiga oo nabi ah miyay ku qabataa inaad sidaa dhan u jirato ood u dhibaatooto iwm.

“قيل في معنى : أني مسني الشيطان بنصب وعذاب أي : ما يلحقه من وسوسته لا غير . والله أعلم .”

Dhibaatada uu nabi Ayuub cs u nisbeeyay sheydaanku waxa ay culimada qaar ku sheegeen in ay uun tahay ka edeb qaadasho iyo inuu rabbigii ka dadbayo u tiirinta dhibta uu la tiicayo,isaga oo waliba aan toos u weydiisan in dhibta laga dulqaado waayo wuxuu ahaa mid sabir badan oo eebana sidaa waa u qiray.

Arintu waxay uun la mid tahay tii uu khadar ku yiri sheydaan baa wax i illowsiiyay markii ay wada socdaaleen nabi muuse cs.
“وَمَا أَنسَانِيهُ إِلَّا الشَّيْطَانُ أَنْ أَذْكُرَهُ ۚ “
“Waxaa uun i illowsiiyay sheydaan inaan xasuusto”

Wuxuu kale oo Alle mar kale yiri:-

وَأَيُّوبَ إِذْ نَادَى رَبَّهُ أَنِّي مَسَّنِيَ الضُّرُّ وَأَنْتَ أَرْحَمُ الرَّاحِمِينَ (83)

“Bal xus waqti uu Ayuub u dhawaaqay rabigii ee uu yiri Eebow Aniga dhib ayaa itaabtay Adigana waxaad tahay inta naxariisata midka ugu naxariista,badan.
Oo markan waxaa mashaqada nabi ayuub cs asiibtay lagu koobay inay tahay dhib kaliya oon sheydaan la socon.

“Kol haddii ay culimada yiraahdeen taabashada nabi ayuub ku taabtay sheydaanka dhibaatada kama dhigna inuu dhex galay jini,sidee bay isla culimadaa qaarkood ugu daliishan karaan taabashada aayadda ribada ka hadlaysa ku jirta in loo jeedo galid iyo inuu sheydaanku gali karo jirka insiga.

Waxaa aad u badan aayadaha quraanka ee kalimadda masiga ama taabashada ah ka waramaya iyadoon marna loo tarjuman karin galid.

“وَقَالُوا قَدْ مَسَّ آبَاءَنَا الضَّرَّاءُ وَالسَّرَّاءُ ﴿٩٥ الأعراف﴾
“Waxay yiraahdeen aabayaashayo waxaa taabtay (gaaray) dhib iyo dheef”

وَإِذَا مَسَّ الْإِنْسَانَ الضُّرُّ دَعَانَا لِجَنْبِهِ أَوْ قَاعِدًا أَوْ قَائِمًا ﴿١٢ يونس﴾
“Haddii insaanku dhib taabto (gaaro) wuu na baryayaa jiif ama fadhi iyo joogba”.

وَإِذَا مَسَّ النَّاسَ ضُرٌّ دَعَوْا رَبَّهُمْ مُنِيبِينَ إِلَيْهِ ﴿٣٣ الروم﴾
“Haddii insaanku dhib taabto (gaaro) rabigood ayay baryayaan iyaga oo u laabanaya xagiisa”.

وَإِذَا مَسَّ الْإِنْسَانَ ضُرٌّ دَعَا رَبَّهُ مُنِيبًا إِلَيْهِ ﴿٨ الزمر﴾
“Haddii insaanku dhib taabto (gaaro) Rabigii ayuu baryayaa isagoo xagiisa u laabanaya”.

Aayadahaa oo dhan ma jirto mid kaliya oo masiga ama taabashada ku jirta loo micneeyay dhex galid ama galid,kolka sidee masiga ama taabashada ku jirta aayadda ribada ka hadlaysa oo kaliya loogu daliishan karaa galid uu jini galay jirka insiga”.

Qormadan midda xigta waxaan iyana ku eegi doonaa insha allaah waxa laga yiri axaadiista ay u daliishadaan qolada qabta in jiniga iyo sheydaanku dheehi karaan jirka insiga iyo sida aysan daliiladaasi inaba u haysan xujooyin xoog badan oo cadcad.

Related posts

Leave a Comment