ISLAAMKA IYO LA SOCOSHADA CASRIGA.

Waxaa had iyo jeer dhagaheenu  maqlaan diinta islaamka waa diin waqti kasta la socon karta,casri kasatana la howl karta,waa run hadalkaas waana biyo kama dhibcaan,oo diinta islaamku waxba kama qabto in uu qof kasta la saayiro waqtigiisa,laakiin suashu waxay tahay inaga waqti kasta ma la socodsiinaa diinta islaamka?!mise qaarkeen waxay aaminsan yihiin inaan islaamka lala noolaan karin hadaan dib loogu noqon sidii ay u noolaanaan jireen dad boqolaal ama kun sano ka hor noolaa?!.

Waxaan shaki ku jirin in islaamku dhiiri galiyay in ummad kasta ay waqtigeeda la noolaato iyada oon xaajo u qabin dib ugu noqoshada sidii ay umado waa hore tagay u noolaan jireen. 

Ilaahay wuxuu yiri:-

“تِلْكَ أُمَّةٌ قَدْ خَلَتْ ۖ لَهَا مَا كَسَبَتْ وَلَكُم مَّا كَسَبْتُمْ ۖ وَلَا تُسْأَلُونَ عَمَّا كَانُوا يَعْمَلُونَ “

“Taasi waa ummad hore u tagtay,waxay leedahay wixii ay kasbatay waqtigeedii,idinkuna waxaad leedihiin wixii aad waqtigiina kasbataan laydinmana waydiin doono wixii ay umadahaa tagay soo sameyn jireen”.

Sideedaba islaamku ma hor istaago nolosha dadka iyo inay waqtigooda la noolaadaan,kumana xiro nolosha dadka inay ku daydaan ama u noqdaan siday dad hore u noolaan jireen. 

Ilaahay wuxuu yiri:-

…”كُلَّ يَوْمٍ هُوَ فِي شَأْنٍ”

“Maalin walbaba xaalad buu ku sugan yahay”.

Rasuulka scw waxaa naga soo gaaray inuu yiri:-

“انتم اعلم في امور دنياكم”.

“Idinkaa u ogaal badan danihiina adduunyo”.

Islaamku wuxuu ka kooban yahay marka xagga dhaqanka loo noqdo iimaan ahaan iyo shareeco ahaanba wax ay culimada muxaqiqiinta ah ku soo koobeen,waxyaalo aan waqtiga qusayn oon isbadalin”thawaabid” iyo waxyaabo is badala oo hadba qaata xukunka ugu munaasabsan waqtiga la noolyahay,”mutaqayiraad”.

Tusaale ahaan xaga iimaanka iyo ictiqaadka muslimiinta isma badalo in ilaahay mid kaliya yahay oo aan loo shariik yeeli karin,nabi muxamadna scw uu rasuulkiisii yahay,sidoo kale xagga cibaadaadka isma badalayaan in muslimiinta looga baahan yahay inay maalintii rabigood shan goor u tukadaan,sanadkiina ay bisha ramadaan soomaan,oo ay xoolahooda sako ka bixiyaan,cidii awoodana ay cimrigood mar soo xajiyaan,waa haddii ay yihiin kuwo nagi oon safar ku jirin ama aysan haysan duruufo mararka qaarkood sida ay u cibaadaysanayaan wax ka badali kara. 

Halka ay mucaamalaadka iyo waxyaalaha nolol maalmeedka la xariira yihiin kuwo dabar furan oo hadba isla badala sida nolosha aadanaha isu badasho lana jaan qaada marba casriga la nool yahay,marka laga reebo waxyaabo la xariira xalaasha iyo xaaraamta oo daliil ku soo arooray sida dhiig la cabbo,hilibka doofaarka,khamriga,daroogada,dugaaga hilibkooda la xarimay,sinada iyo dhaqanxumada iwm. 

Islaamku wuxuu soo dhoweeyaa isdhexgalka iyo mucaamilada nabada ku dhisan ee lala wadaagayo dadka aan islaamka ahayn,waxna kama qabo in qaaruumaha aan islaamka ahayn laga soo qaato waxyaabo ka mid ah waxyaabaha nolol maalmeedka lagu nidaaminayo ee markaa ay dhici karto in muslimiinta lagu dhaamo,waayo rasuulka scw waxaa ka sugan nusuus badan oo uu waxyaabo nolosha la xariira ka dheehday qowmiyadihii aan islaamka ahayn sida rooma iyo furus. 

Tusaale ahaan rasuulka scw taatikada dagaalka sida in dhufays la qoto wuxuu ka soo min guuriyay faarisiintii oo markii uu salmaanu faarisi khidadaa u sheegay wuu ka aqbalay. 

Sidoo kale suubanaha mar uu damcay inuu muslimiinta ka joojiyo caruurta isku nuugsinta ah ee caloosha uun isu baneeya wuxuu eegay furus iyo rooma oo uu arkay inay sidaas u dhalaan dhibna aysan ku haynin noloshooda kolkaas buu iska daayay. 

عن جدامة بنت وهب رضي الله عنها قالت حضرت رسول الله صلى الله عليه وسلم في أناس وهو يقول ( لقد هممت أن أنهى عن الغيلة فنظرت في الروم وفارس فإذا هم يغيلون أولادهم فلا يضر ذلك أولادهم شيئاً ) رواه مسلم.

Sidaa si la mid ah cumar ibnu khadaab waxaa uu furus ka qaatay diiwaanka iyo qaabka loo maamulo ciidamada iyo musharaadkooda,kolkii uu dhulka furus oo dhan gacanta ku dhigayna wuxuu amray in aqoonyahanadooda iyo sanco yahanadooda oo dhan laga faa’iidaysto oo ay muslimiinta wax ka bartaan ama ay aqoontii faarisiyiinta ka faa’iidaystaan muslimiinta. 

Waqtigii cabaasiyiintii ee ay yara caga dhigteen khilaafaadkii iyo dagaaladii muslimiinta dhexdooda ka socday waxay muslimiinta u jeesteen inay soo tarjuntaan buugagtii giriiga iyo hindida oo ay carabi u badalaan kana faa’iidaystaan aqoontii ku keydsaneyd taasoo u saamaxday muslimiinta inay wax ku daraan si camali ahna u badalaan aqoontii buugaagtaas ku tiillay oo ay waliba ikhtiraacaan culuum cusub oo sayniska iyo cilmu falaga ku saabsan kuna hormaraan sancada iyo cilmiga caafimaadka. 

Arimahaas oo dhan iyo kuwo kale oo badan waa kuwa ku tusinaya sida uu islaamku waligii u ahaa mid dhiiri galinaya in muslimiintu ay waqtigooda la noolaadaan iyaga oon xaajo u qabin inay qawaaniinta nolosha kaga daydaan dad waa hore dhintay oo noolaa nolol waqtigooda ku habboon. 

Ugu dambeyntii waxaa nala gudboon hadaan nahay muslimiinta waqtigaan nool in aanan nolosha oga dayanin casrigii dhagaxa ee aan noolaano nolol la jaanqaadi karta waqtiga aan joogno waxna ka galnaa tartanka nolosha cilmiga iyo caqliga ku dhisan ee ay tignoolajida casriga ahi hogaaminayso.

Related posts

Leave a Comment