MASUULIYADDA GUURKA IYO QOYSKA.

Masuuliyaddu waa mudnaan aan laga indho laaban karin,waxayna ahayd mid soo taxneyd tan iyo intii la helay aadane uu alle khaliif oga dhigay arlada.
Masuuliyada aadanaha alle sharfay waa mid ku jihaysan fahamka nolosha iyo inay ka jibo keenaan waajibaadka laga saaray dunidan loo jilciyay jihooyinkeeda.

( وَلَقَدْ كَرَّمْنَا بَنِي آدَمَ وَحَمَلْنَاهُمْ فِي الْبَرِّ وَالْبَحْرِ وَرَزَقْنَاهُمْ مِنَ الطَّيِّبَاتِ وَفَضَّلْنَاهُمْ عَلَى كَثِيرٍ مِمَّنْ خَلَقْنَا تَفْضِيلًا ) …

Kolkii laga soo tago inta fahamsan iimaanka iyo shukriga allaha udiyaariyay dunidan cajabta badan waxaa kale oo Insaanka la saaray hagaajinta qoysaskooda iyo ta caruurta rabi ka beeray duudkooda si loo helo tafiir akhlaaq leh oo usuubata in ay fasahaadka ka ilaaliyaan adduunyadan ay xilkeedu hadba qolo hayn doonto.

Waxay ahayd soo jireen la kala dhaxlay oo aadanaha tunka ka saarneyd waligeed masuuliyadaas loo igmaday ee ahayd maamuus ku korinta caruurta ka beerma labada la cusleeyay lab iyo dhadigba.

Si ayan doodu iila tagin hadaan usoo laabto dulucda maqaalka ee ah qoys wanaaggu islaamku ku baaqayo wuxuu ka bilowdaa masuuliyad adag oo ka bilaabata guurka ka hor.

Waayo alle wuxuu ka digay inuu qofka marka horeba qaado masuuliyad guur oo uusan ku aadi karin. Oo wuxuu yiri:-

– ( وَلْيَسْتَعْفِفِ الَّذِينَ لَا يَجِدُونَ نِكَاحًا حَتَّى يُغْنِيَهُمْ اللَّهُ مِن فَضْلِهِ ) سورة النور آيه رقم 33.
Ha dhowrsadeen kuwa aan haysan dhaqaale ay ku guursadaan tan iyo inta rabi ugu deeqayo fadligiisa oo ay ka helayaan xoolo ay ku guursan karaan. Kuna dhaqi karaan qoys.

Rasuulka scw waxa uu yiri

( يَا مَعْشَرَ الشَّبَابِ مَنْ اسْتَطَاعَ منكُم الْبَاءَةَ فَلْيَتَزَوَّجْ ، فَإِنَّهُ أَغَضُّ لِلْبَصَرِ ، وَأَحْصَنُ لِلْفَرْجِ ، وَمَنْ لَمْ يَسْتَطِعْ فَعَلَيْهِ بِالصَّوْمِ فَإِنَّهُ لَهُ وِجَاءٌ ) .
Dhalinyarooy ninkii awoodada nafaqada guurka iyo masuuliyadda ka ratibmaysa ha guursado taasaa dhowrida araga iyo farjigaba ufiicane,kaan awoodina ha soomo waayo soonku dhufaan buu unoqon ka horjoogsada sinada”

Isla masuuliyadda qofka ka saaran ilaalinta sharafta iyo dhowrida xubintiisa taranka ayaa mid la mid ah ka saaran dareemidda masuuliyada guurka oo lama doonayo yagleelidda qoys uusan dhaqaale uhayn sida aan loo doonaynin inuu noqdo mid galmo sharci daro ah ku dhaca.

Waayo waxaa la ogyahay in masuuliyadda guurka ay ka ratibmayso masuuliyad qoys iyo caruur la doonayo in ay dunida ugu noolaadaan si taban oo caadi ah taas oo ah waajib la doonayo in looga soo baxo sida ay tahay qofkana laguma kalifo wuxuusan awoodin.

Rasuulka scw wuxuu yiri:

( كلكم راع وكلكم مسئول عن رعيته الإمام راع ومسئول عن رعيته والرجل راع في أهله وهو مسئول عن رعيته والمرأة راعية في بيت زوجها ومسئولة عن رعيتها والخادم راع في مال سيده ومسئول عن رعيته قال وحسبت أن قد قال والرجل راع في مال أبيه ومسئول عن رعيته وكلكم راع ومسئول عن رعيته)

Kuligiin waxbaa laydin raaciyay kuligiina waxa laydinka doonayaa inaad ka soo baxdaan masuuliyada laydin raaciyay
Imaamka madaxda ah waa inuu ka soo baxaa masuuliyada loo igmaday!!!!
Ninku waa inuu ka soo baxaa masuuliyada qoyskiisa ka saaran!!!!
Haweentu waa inay ka soo dhalaashaa masuuliyada guriga saygeeda ka saaran.
Khaadumka shaqeeya waa inuu ka soo baxaa masuuliyada maalka booskiisa ka saaran….

Arintan masuuliyada ahi waxay xitaa soo galaysaa isu miisaamida qofka hantidiisa iyo qoyska uu masuuliyadiisa qaadi karo,waayo ilaahay qofna kuma kallifo waxaan taagtiisa ahayn,masuuliyadda uu dadka kula xisaabtamayana waa mid uu og yahay inay awoodaan oo ka soo bixi karaan,wixii itaalkooda ka baxsan ilaahayba dusha kama saarin  markii horeba

Soomaalida waxay tiraahdaa togba taagtiisa ayuu rogmadaa ilaahayna dhib ma abuurin wuxuuna kaaga digay inaad qaaddo masuuliyad aad dayici doontid.

Rasuulka scw wuxuu yiri:-

لا ضرر ولا ضرار
Dhib ma jiro is dhibna ma jiro

Qoyska iyo caruurta aad masuuliyadooda qaadayso waa inuu noqdaa mid ku xadidan hadba awoodda iyo itaalka aad maan ahaan iyo maal ahaanba aad ku hanan karto.

Wixii alle qadaran ayaa qadaran laakiin aadanuhu qaarkii wuxuu waligiiba yaqaanay xeelado uu dhalmada ku kantaroolo si uu uxadidi karo inta canug ee uu isleeyahay waad ku fillaan kartaa.

Arintaas oo uu lafteedu islaamku wax ka ogolaaday oo marka laga soo tago nusuusta masuuliyada ku soo celcelinaysa oo laga fahmayo taagtaada tillaabso waxaa jira nusuus kale oo toos utaabanaysa banaanaanshaha in la xadido dhalmada
Sida axaadiista ka hadlayso waxa loo yaqaan CAZLIGA عزل ama biyo dibad ku daadinta axaadiistaas oo aad utiro badan waxaa ka mid ah. Kuwan ay bukhaari iyo muslim isku waafaqeen.
-عن جابر قال كنا نعزل على عهد النبي صلى الله عليه قال عمرو أخبرني عطاء سمع جابرا رضي الله عنه قال كنا نعزل والقرآن ينزل وعن عمرو عن عطاء عن جابر قال كنا نعزل على عهد النبي صلى الله عليه وسلم والقرآن ينزل.
Saxaabiga jaabir waxa uu yiri waxaan ahayn kuwo inta ka siiba biyaha banaanka ku daadiya waqtigii nabiga scw iyadoo uu quraanku dagayo waxyi naga reebana maanan arag.

Inta badan waxaa dadka islaamka ah dhexdooda ku shaacday aayadda ilaahay ku baneeyay afarta xaas taasi waa sax oo waa biyo kama dhibcaan laakiin waxay iska indha tirayaan shuruudaha lagu xiray ee ah awoodda iyo cadaaladda.

Sidoo kale waxay dadku soo daliishadaan xadiiska uu nabiga scw ku yiri guursada naagaha dhasha badan ee raga jecel waxaan maalinka qiyaame idinkugu faanayaa umadaha kale.

Waa sax oo xadiiska hadali kama taagna laakiin maaha in la ilaawo masuuliyadda ka horeysa oo wali sideedii utaagan waxaa kaloo xadiiska laga fahmayaa in qoys kasta oo muslim ah ee hal ama laba canug oo tayo leh soo kordhiya uu ummadda nabi maxamad badiyay waxna ku soo kordhiyay.

Sidoo kale waxa iyana xusid mudan in la xasuusnaado in guurka oo dhan uusan marka horaba qofna waajib ku ahayn in kasta oo uu yahay sunno haboon oo la tirtirsiiyay.

culimada islaamka iyaga oo arimahaa ku baraarugsan ayay inta badan ka taxadari jireen masuuliyaddaa culus oo way iska ilaalin jireen waxaana badan oo ay taariikhdu xustaa in culimo badan oo caan ah ay dunida ka tageen iyaga oon waligood guursan,sida imaam nawawi oo kale.

imaamu shaafici wuxuu qabay in hal haween oo kaliya lagu ekaado inay fadli badan tahay.

قال أبو الحسين العمراني :

” قال الشافعي: وأحب له أن يقتصر على واحدة وإن أبيح له أكثر؛ لِقَوْلِهِ تَعَالَى: ( فَإِنْ خِفْتُمْ أَلا تَعْدِلُوا فَوَاحِدَةً أَوْ مَا مَلَكَتْ أَيْمَانُكُمْ ذَلِكَ أَدْنَى أَلا تَعُولُوا ).

فاعترض ابن داود على الشافعي، وقال : لِمَ قال الاقتصار على واحدة أفضل ، وقد كان النبي صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ جمع بين زوجات كثيرة ، ولا يفعل إلا الأفضل ، ولأنه قال : ( تناكحوا تكثروا)؟

فالجواب : أن غير النبي صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ إنما كان الأفضل في حقه الاقتصار على واحدة ؛ خوفًا منه أن لا يعدل ، فأما النبي صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ : فإنه كان يؤمن ذلك في حقه.

وأما قوله صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ : (تناكحوا تكثروا) فإنما ندب إلى النكاح لا إلى العدد “.

انتهى من “البيان في مذهب الإمام الشافعي” (11/189) .

“Wuxuu yiri: in kasta oo ay ninku u banaan tahay inuu haween mid ka badan guursado misana hal baa u fadli badan si uu uga fogaado cadaalad darro iyo inuu haweenkiisa u xaqsoori waayo taas oo ah dambi weyn oo qofka naar ku dambeysiin karta.

Haddii la yiraahdo oo Nabigaba scw haween badan ayuu isla qabaye ,waxaa lagu jawaabi nabiga scw loogama cabsi qabin cadaalad darro oo mid la ilaaliyay ayuu ahaa. 

Haddii sidoo kale la yiraahdo Nabiga scw wuxuu yiri:-“guursada aad badateene”waxaa lagu jawaabayaa xadiisku wuxuu tirtirsiinayaa guurka ee guur badan kama hadlin,midka haween kaliya guursaday ee ay caruur isu dhaleenba dad ayuu soo kordhiyay nikaaxiina wuu sameeyay.

Walaalayaal masuuliyadda la dayacay ee loo daliishaday nusuus aan micnaheeda la fahamsanayn waa midda keentay rafaadka iyo silica ku habsaday qoysas badan oo ka dhigay caruur badan kuwo ku dayacan dariiqyada kuwo kalana ka dhigay jirri iyo mooryaan dunida fasahaadinaya oo nolosha ka dhacay.

Waqtigakan adag ee maanta lagu jiro waxaa haboon in raggu ke ekaadaan hal xaas waayo ma muuqato inay ku filan yihiin xaasas badan.
Waxaa batay furiinkii,goob kasta waxaa jooga haween garoobo ah oo caruur lagu dayacay,

Raggu badankood waxay doonayaan nasasho iyo raaxo,waana sawabta keenta inay hal haween ah ku qanci waayaan,hadaad la sheekaysato waxay ku oranayaan ma haween marna uur leh,marna caruur nuujinaysa,marna caruur fara badan kala agaasinkooda ku howlan baa igu fillaan karta.

Oo sow adiga ma tihid midka wax kala beekhaamin waayay ee howsha oo dhan sigaa ugu talo galay,ma haween intaas la daalaa dhacaysa oo aad maseer iyo macaamalo xun isugu dartay baad ka sugaysaa wax aysan itaalba u hayn oo ah inay adigana kugu howshooto.

Walaal waxaa nala gudboon gaar ahaan ragga soomaaliyeed in caqliga idiin shaqeeyo oo aad arimahan wax ka badashaan waayo ilaahay waajib kaagama dhigin inaad laba ama seddex ama afar naag guursato,kaliya waa arin banaan hadaad ku filan tahay oo aad si isku wada mid ah masuuliyadooda ku qaadi kartid.
Mana fiicno in mashaqo aan alla kugu qaban aad qoorta la gasho.

La eed halhayska soomaalida ee ah Intay tunka ku jiri lahaayeen tubta ha yaaliin waan aragnay natiijadeeda oo qof kastoo caqli leh waaqiceenana ujeeda ogama baahna faahfaahin

Ugu dambayntii walaalayaal Waxaa haboon in loo meel dayo masuuliyadda si loo helo bulsho akhlaaq leh oo isku filan oo aan dayicin waajibaadka alle iyo kuwo kaga aadan dadka dunida kula nool.

Abdullahi M Hussein.

Related posts

Leave a Comment