INSAANKA WAXAA LOO DIRAY KU FAKERIDDA KOONKA. (QAYBTII 3’AAD).

Waxaan ku soo guda jirnay duruustii ku aadaneyd in insaanka loo diray inuu ku fakaro oo camiro waxna ka qabsado koonkan uu ku nool yahay ee loo igmaday maamulidiisa.

Waxaan soo aragnay sida bani aadamka judhii la abuurayba loo kala baray magacyada agabka iyo adeegyadii uu u isticmaali lahaa nolosha dunida.

Insaanka intii uu janadaba ku jiray kolkii uu sheydaanku simbiriirixiyay waxaa ugu horeeyay ee loo muujiyay ayaa waxay ahayd cawradiisa oo kolkiiba lagu hanuuniyay sidii uu hareerahiisa oga eegan lahaa wixii uu cowrada ku asturan lahaa.
“فَأَكَلَا مِنْهَا فَبَدَتْ لَهُمَا سَوْآتُهُمَا وَطَفِقَا يَخْصِفَانِ عَلَيْهِمَا مِن وَرَقِ الْجَنَّةِ ۚ”..
“Kolkay geedkii ha cunina la yiri ay cuneen oo ay cawradoodii u muuqatay ayay caleentii janada intay soo gurteen ka sameysteen dhar inta cowrada ah u asturta”.

Taasi waxay ka sii dhigneyd in dunida loo wado ay tahay mid mixnad badan asii wax kasta loogu diyaariyay isla markaana la siiyay garaadkii ay isku furdaamin lahaayeen si ay oga gudbaan mixnada iyo mashaqada nolosha ku gadaaman isla markaana oga soo dhalaalaan camiriddii dunidan loogu diray inay muddo kooban si ku meel gaar ah dhibowga ugu qaataan.

Eebe Malaa’igta wuxuu ku abuuray borogram hal dhinac ah oo uun ku diran inay isaga uun caabudaan kana dambeeyaan awaamirtiisana sida ay tahay u qaataan.
“لَّا يَعْصُونَ اللَّهَ مَا أَمَرَهُمْ وَيَفْعَلُونَ مَا يُؤْمَرُونَ (6)
“Malaa’gta kuma caasiyaan Eebe oo wixii uu faray uun bay fartoomaan”.

Alle xayawaanka iyo jamaadaadka wuxuu ku abuuray awaamir ku diran in wixii loogu talo galay uun ay qabtaan,wax culeys iyo kallif ku ah kaartada noloshooda lama saarin loomana yeelin wax mamnuuc ka ah sida uu u hagayo borogaraamka lagu shubay.
“قَالَ رَبُّنَا الَّذِي أَعْطَىٰ كُلَّ شَيْءٍ خَلْقَهُ ثُمَّ هَدَىٰ (50)..
“Wuxuu yiri rabigayo waa midka shey kasta siiyay abuurkiisa gaarka ah dabadeedna ku hagay inuu ku tooso wixii loo abuuray”.

Sidaa darteed waxaad arkaysaa in inta aan insaanka iyo jiniga ahayn ujeedadii loo igmaday ku aadeen oo ay eebe ku adeeceen wixii ay u abuurnaayeen,adeecitaankaasna ay ka dhigan tahay tasbiix iyo cibaado sida eebaba inoo sheegay.

‎تُسَبِّحُ لَهُ السَّمَاوَاتُ السَّبْعُ وَالْأَرْضُ وَمَن فِيهِنَّ ۚ وَإِن مِّن شَيْءٍ إِلَّا يُسَبِّحُ بِحَمْدِهِ وَلَٰكِن لَّا تَفْقَهُونَ تَسْبِيحَهُمْ ۗ إِنَّهُ كَانَ حَلِيمًا غَفُورًا (44).
“Eebe waxaa u tasbiixsada todobada cir iyo dhulka iyo waxa ku dhex sugan,mana jiro shey uu abuuray ee ka maran hufitaankiisa iyo umadcelintiisa laakiin ma fahmi kartaan qaabka tasbiixdooda,Alle waa mid dulqaata oo dambiyadana dhaafa”.

Wuxuu kaloo Eebe sheegay inay geedaha iyo cirka iyo dhulka iyo qoraxda iyo dayaxa iyo xidigaha iyo xayawaanka iyo buurahaba sujuudaan,sujaadaasna ma aha midda aan anaga samayno ee ah sujuudda madaxa dhulka la dhigo ee aadanaha badankii iminka u sawiran, ee waa sujuud kale oo macnawi ah amaba ka dhigan inay eebe adeecaan ama raacsan yihiin awoodiisa iyo sida uu u dhigay iyaga iyo xeerarka uu u dajiyay ee ay ku shaqeeyaanba.

‎أَلَمْ تَرَ أَنَّ اللَّهَ يَسْجُدُ لَهُ مَن فِي السَّمَاوَاتِ وَمَن فِي الْأَرْضِ وَالشَّمْسُ وَالْقَمَرُ وَالنُّجُومُ وَالْجِبَالُ وَالشَّجَرُ وَالدَّوَابُّ وَكَثِيرٌ مِّنَ النَّاسِ ۖ”.
“Miyaadan arag in ay ilaahay u sujuudaan wax kasta samada iyo dhulka ku sugan iyo qorraxda iyo dayaxa iyo xidigaha iyo buuraha iyo geedaha iyo inta daabad dhaqaaqda iyo in badan oo dadka ka mid ahi”.

Ma aragno khalqi u sujuudsan sidaan anaga u naqaano sujuudda ee waxaan aragnaa uun khalqi ku foofa hawlihii loo diray.

Qorraxda iyo dayaxa iyo xidigaha iyo buuraha iyo xayawaanka duur joog iyo dab joogba intifaaca lagu qabo iyo sida ay u shaqeeyaan ee rabi ugu talo galay ayaa sujuud ka dhigan.

Si taa la mid ah bani aadamka inta uu ku diran yahay ee ah eeg eegidda adduunka iyo ku intifaaciisa ayaa marar badan sujuud iyo cibaado oga dhigan haddii uu iimaan iyo mahad celin ku darsadana wuxuu ka gudbaa imtixaankii oo wuxuu galaa liiska kuwa la dhureeyay ee nolosha dambe loo dhaqaajiyo kobta lagu karaameeyay ee jano uu u aayo ah.

Haddiise uu kibro una maleeyo in waxa isugu aaday uu yahay mid uu ku keensaday cilmi aan isaga ka shisheynin oo uu iska diido rumeynta iyo jiritaanka awoodda sare iyo u mahad celinteeda taasoo isugu qoofashay waxan uu ku dhex jiro ee nolosha iyo asbaabteeda ah,wuxuu ka dhigan yahay mid ku dhacay imtixaankii la mariyay isla markaana nolosha dambe muta mixnad iyo meel daran.

“قَالَ إِنَّمَا أُوتِيتُهُ عَلَىٰ عِلْمٍ عِندِي ۚ أَوَلَمْ يَعْلَمْ أَنَّ اللَّهَ قَدْ أَهْلَكَ مِن قَبْلِهِ مِنَ الْقُرُونِ مَنْ هُوَ أَشَدُّ مِنْهُ قُوَّةً وَأَكْثَرُ جَمْعًا ۚ وَلَا يُسْأَلُ عَن ذُنُوبِهِمُ الْمُجْرِمُونَ (78)

“Qaaruun wuxuu yiri waxa aan haysto waxaan ku helay cilmi aan aniga iga shisheyn,sidaa darteed cidna abaal ogama hayo,oo miyuusan ogayn inuu Eebe halaagay hortii kuwo isaga ka xoog iyo maal badan oon laysba waydiinin sababta dambiyadooda darteed loogu halaagay”.

Aadanaha iyo inta taklifada kula ologga ah sida jiniga iyaga waxaa laysugu daray borogram toosnaan iyo leexsanaanba saamaxaya waxaana lagu imtixaamay inay toosnaanta uun u irkadaan oo aysan aadi karin leexsanaanta ama sharta.

Tiiyoo ku dirnaanta waxa loo diray ee dunida iyo ku fakirideeda ah qudheeda cibaado looga dhigay,sida khalqiga kaleba ku dirnaanta wixii loo abuuray cibaado iyo sujuud iyo tasbiix looga cabiray.

Alle wuxuu yiri:

“:﴿ أو لم ينظروا في ملكوت السموات والأرض وما خلق الله من شيء ﴾ [الأعراف – 158]
“Miyaysan eeg-eegin oo u fiirsanin hanashada samaawaadka iyo arlada iyo inta ilaahay shey abuuray”.

وَكَذَلِكَ نُرِي إِبْرَاهِيمَ مَلَكُوتَ السَّمَاوَاتِ وَالأَرْضِ وَلِيَكُونَ مِنَ الْمُوقِنِينَ﴾ [الأنعام: 75].
“Sidaasoo kale ayaan Ibraahiim wax oga tusnay malakuutka samaawaadka iyo arlada si uu oga mid noqdo kuwa wax yaqiininaya”.

﴿ قل سيروا في الأرض فانظر كيف بدأ الخلق ﴾ [العنكبوت – 20].
“waxaad ku tiraahdaa Ku socda dhulka oo soo eega sida uu Eebe abuurka ku billaabay”.

﴿ أولم يتفكروا في أنفسهم ﴾ [الروم – 8].
“Oo miyeysan ku fakarin aadanahu naftooda iyo sida ay u samaysan yihiin”.

﴿ فلينظر الإنسان مما خلق ﴾ [الطارق – 5].
“Insaanku ha eego wixii laga abuuray iyo sida loo abuuray”.

﴿ وآنظر إلى العظام كيف ننشزها ثم نكسوها لحما ﴾
“Bal eeg sida aan lafaha u abuurno dabadeedna hilibka u huwino”.

In aadanuhu marar badan garan waayo in muhiimadaha loo diray ka dhigan tahay cibaado laga abaal marinayo haddii ay iimaan iyo camal hagaagsan ku darsadaan waxaa ugu wacan,iyaga oo mooda ama uu sheydaan malaysiiyo mararka qaar in Tasbiix iyo Alle Ammaan meel lala fadhiyo uun ay u qaataan waxa eebe iyaga ka doonayo,taasoo mararka qaar in badan oo iyaga ka mid ahi gayaysiisa inay dul fadhiyaan asnaam ay iyaga samaysteen oo ay iska dhaadhiciyeen inay eebe ugu dhowaanayaan,asnaamtaasoo noqon karta kuwa maaddo ah iyo kuwo macnawi ahba.

Tasbiixda,Salaadda,iyo xuska Eebe waa kuwa insaanka sare u dhigaya xaalad kasta,hase ahaatee lama wada siinin waqtigiisa oo dhan,kolkaad eegto cibaadooyinka la faray bani aadamka isu geyn kuwa yowmiga ahi sida salaadaha saacad iskuma dhama xiliga gudashadooda inta kalana waa kuwo sanadkiba mar yimaada maalmo kooban.
Waqtiga ugu badan aadanaha waa kuwo loo diray eeg-eegidda dunida iyo u ariminteeda iyo wax kala soo baxeeda iyo ku cibro qaadasheeda,si uu bani aadamku kol walba u xusuusnaado Allaha siiyay nolosha misana uu umahad celiyo.

Insaanka qaarkii iyagoo ay la joogaan ambiyadii loo diray ayaa lagu kari waayay fahamka mihnaddii loo abuuray oo ay si kale u qaateen.

Tusaale ahaan reer banuu israa’iil Nabi muuse iyo nabi haaruun oo la jooga oo dal iyo duni gala oo daga la yiri sahankeedii ugu maqan, ayaa nin intuu dibi u sameeyay yiri waaba kan ilaaha aad raadinaysaan idinka iyo nabigiinaba ee caabuda.

“فَأَخْرَجَ لَهُمْ عِجْلًا جَسَدًا لَّهُ خُوَارٌ فَقَالُوا هَٰذَا إِلَٰهُكُمْ وَإِلَٰهُ مُوسَىٰ فَنَسِيَ (88) أَفَلَا يَرَوْنَ أَلَّا يَرْجِعُ إِلَيْهِمْ قَوْلًا وَلَا يَمْلِكُ لَهُمْ ضَرًّا وَلَا نَفْعًا (89)
“Saamiri baa u sameeyay jasad ka samaysan dibi ciyaya markaasuu ku yiri waa kan ilaahiina iyo kan muusaba ee wuu ilaaway nabi muuse”oo miyaysan u jeedin wuxu inuu yahay mid aan hadal u soo celin karin oon dhib iyo dheefna u hanan karin”.

Nabi muuse cs wuu maqnaaye nabi haaruun oo la joogay ayaa isku dayay inuu fahamsiiyo khaladka ay ku dhaceen intoodii badneyd,wayse diideen.

“وَلَقَدْ قَالَ لَهُمْ هَارُونُ مِن قَبْلُ يَا قَوْمِ إِنَّمَا فُتِنتُم بِهِ ۖ وَإِنَّ رَبَّكُمُ الرَّحْمَٰنُ فَاتَّبِعُونِي وَأَطِيعُوا أَمْرِي (90)
“Haaruun baa wuxuu ku yiri:tolkayoow waa laydinku fidneeyay dibigan ee rabigiin waa Allaha raxmaanka ah ee iraaca oo taladayda qaata”.

“قَالُوا لَن نَّبْرَحَ عَلَيْهِ عَاكِفِينَ حَتَّىٰ يَرْجِعَ إِلَيْنَا مُوسَىٰ (91)
“Waxay yiraahdeen ka tagi mayno inaan nahay kuwo dibigaan dul fadhiya ilaa uu Muuse inooga soo laabto”.

Tani waxay daliil u tahay in ibnu aadam lumaya ambiyadii loo soo diray oo dhex taagan ay lumi karaan xilli kasta oo ay dad dan luhu wax aan diin ahayn diin oga dhigaan.

Xaqiiqduse waxay tahay in bani aadamka barnaamijka lagu abuuray ee ah ku dirnaanta iyo ka fakaridda abuurka uu ku dhex jiro ay ka dhigan tahay cibaado lagu hanuuniyay,haddii uusan inkirin eebaha sidaa u qadaray isla markaana uusan fasahaadinin masuuliyada iyo xilka laga saaray dunida loo igmaday maamulideeda oo ah inuu cilmiga iyo macrifada la siiyay u adeegsado ku intifaacideeda cadaaladna ku camiro dacaladeeda.

DHAMMAAD.

Related posts

Leave a Comment