INSAANKA WAXAA LOO DIRAY KU FAKERIDDA KOONKA. (QAYBTII 2’AAD).

Darsigii kan ka horeeyay waxaan ku soo qaadaa dhignay abuurka insaanka iyo sidii uu Eebe ugu talo galay inuu noqdo mid daga oo camira dunida,iyadoo waajibaadka la siiyay uu ahaa inay koonka ku camiraan cadaalad iyo khayr kana fogaadaan dulmi iyo fasahaad.

“وَلَا تُفْسِدُوا فِي الْأَرْضِ بَعْدَ إِصْلَاحِهَا وَادْعُوهُ خَوْفًا وَطَمَعًا ۚ إِنَّ رَحْمَتَ اللَّهِ قَرِيبٌ مِّنَ الْمُحْسِنِينَ (56)

“Ha fasahaadinina dunida intii uu Alle sidaa quruxda badsn idiin kugu hagaajiyay dabadeed,oo barya oo caabuda Eebe idinka oo ka cabsanaya ciqaabtiisa hadaad dunida fasaadisaan,isla markaana damcaya oo rajaynaya naxariistiisa hadaad samaha raacdaan,waayo raxmadda Alle waa mid u dhow kuwa samaha falaya”.

Ilaahay bani aadamkii wuu karaameeyay wuxuuna keenay duni ay ku idishahay agab kasta oo nolosha kaabaya,kuna lifaaqay aadanaha borogaraam ku diran inuu ka shaqeeyo kana jibo keeno siraha koonkan loo igmaday ku qarsoon.

Ilaahay mar uu taa tilmaamayay waxaa uu yiri:-

“وَلَقَدْ كَرَّمْنَا بَنِي آدَمَ وَحَمَلْنَاهُمْ فِي الْبَرِّ وَالْبَحْرِ وَرَزَقْنَاهُم مِّنَ الطَّيِّبَاتِ وَفَضَّلْنَاهُمْ عَلَىٰ كَثِيرٍ مِّمَّنْ خَلَقْنَا تَفْضِيلًا (70)
“Waan karaameynay bani aadamka waxaanan ku xambaarnay oon u dirnay Dunida Berri iyo Badba,oo waxaan ku irsaaqnay waxyaabaha wanwanaagsan oo waxaan ka sara marinay wax badan oo wixii aan abuurnay ka mid ah”.

Alle waxa uu Aadanaha oga dhigay Adduunyada mid u dulleysan oo la jaan qaadi karta in wax kasta oo ay u baahi qabaan ay aayar kala soo bixi karaan,kaliya kallifka ay arintaa ka mudanayaana ay tahay ku fekirka iyo ku hagidda maskaxdooda arinmahaas la xariira wax soo saarka.

Kol uu Eebe arintaa ina hoga tusmeeynayayna waxa uu ku tiraabay:-

“هُوَ الَّذِي جَعَلَ لَكُمُ الْأَرْضَ ذَلُولًا فَامْشُوا فِي مَنَاكِبِهَا وَكُلُوا مِن رِّزْقِهِ ۖ وَإِلَيْهِ النُّشُورُ”.
“Eebe waa midka idiinka dhigay Arlada mid idiin dulleysan ee inta ku socotaan dacaladeeda cuna risqigiisa oo ogaada in xaggiisa ay tahay soo kulminta dambe”.

Ilaahay kolka uu koonka ka dhigay mid ay ku idishahay wixii xayaatada u baahneyd xayndaab ma dhex dhigin iyada iyo aadanihii uu ku uumay ee wuxuu dhiiri galiyay inay dadka ku fekeraan oo ku dul socdaan dunidan loo igmaday oo ay soo daalacdaan siraha ka dahsoon asii ay soo ogaan karaan haddii ay fikir iyo waqti galiyaan.

“قُلْ سِيرُوا فِي الْأَرْضِ فَانظُرُوا كَيْفَ بَدَأَ الْخَلْقَ ۚ ثُمَّ اللَّهُ يُنشِئُ النَّشْأَةَ الْآخِرَةَ ۚ إِنَّ اللَّهَ عَلَىٰ كُلِّ شَيْءٍ قَدِيرٌ (20)

“Waxaad ku tiraahdaa dhulka ku socda oo eega sida Eebe u bilaabay Abuurka dunida iyo inta dul saaran,sidaaso kale ayuuna Eebe intaa dabadeed u abuuri doonaa Duni dambe oo si daa’im ah loogu noolaan doono waayo Alle waa mid wax kasta awooda”.

“أَوَلَمْ يَنظُرُواْ فِى مَلَكُوتِ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ وَمَا خَلَقَ ٱللَّهُ مِن شَىْءٍۢ وَأَنْ عَسَىٰٓ أَن يَكُونَ قَدِ ٱقْتَرَبَ أَجَلُهُمْ ۖ فَبِأَىِّ حَدِيثٍ بَعْدَهُۥ يُؤْمِنُونَ”.

“Oo meysan arag hanashada Eebe ee samaawaadka iyo Arlada iyo inta sheey ee uu Alle ku dhex uumay,waxaa dhici karta inay dhowdahay waqtigii loo qabtay noloshooda ee waa sheekadee midda ay quraankan dabadii rumeynayaan”.

Si kasta oo uu eebe isu lahaysiiyay dunidan iyo dadkeeda oo uu fidradooda oga dhigay mid ku diran ka doonashada risqiga, misana Eebe intaa ogama uusan harine wuxuu ku adkeeyay inay had iyo goor ka fekeraan abuurka dunida ilaa uu amaanay kuwa ka fakeraya dunida iyo waxa dul saaran.

“وَسَخَّرَ لَكُم مَّا فِي السَّمَاوَاتِ وَمَا فِي الْأَرْضِ جَمِيعًا مِّنْهُ ۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَآيَاتٍ لِّقَوْمٍ يَتَفَكَّرُونَ (13)

“Alle wuxuu idiin sakhiray wax Allaaliyo waxa samaawaadka iyo Arlada ku sugan oo dhamaantood xaggiisa ka ahaatay,laakiin arintaas waxay uun wax ku qaadasho u tahay kuwa fekeraya”.

Waxaan shaki ku jirin in shaqada Aadanaha loo diray ay tahay camiridda koonka iyo u cadli sameynta san-kuneeflaha ku nool iyo saani u gudashada xilkaas iyaga oo ka ilaalinaya fasahaad iyo jowr fal ay kula kacaan nimcooyinkaas rabbi ku galladeystay.

Eebe uma dirsan Aadanaha inay isaga shaqo wax taraysa u soo qabtaan waayo isaga umaba baahna iyaga oo waa ka deeqtoomaa,kaliya wuxuu faray inay isaga rumeeyaan una ogaadaan nimcooyinkaa nolosha ee uu ku galladaystay,ogana mahad celiyaan isla markaana u diyaar garoobaan nolol dambe oo ku madlan isxisaabin iyo in la weydiiyo samaan iyo xumaan wixii ay dunidan ku soo sameyn jireen, kadibna qofba camalkii lagu abaal mariyo.

Halka ay wax ka khaldameen ayaa ah in marar badan moodaan insaanka iimaanka lihi inay Eebe shaqo ugu maqan yihiin iyaga oo soo guda yareeyay micnaha cibaadada oo u qaatay oo kaliya ficiladii loogu soo dhiibay fariinsidayaasha Alle oo iyaga lagu barayay siday Eebe u rumeyn lahaayeen uguna mahad celin lahaayeen.

“وَمَا خَلَقْتُ الْجِنَّ وَالْإِنسَ إِلَّا لِيَعْبُدُونِ (56) مَا أُرِيدُ مِنْهُم مِّن رِّزْقٍ وَمَا أُرِيدُ أَن يُطْعِمُونِ (57)إِنَّ اللَّهَ هُوَ الرَّزَّاقُ ذُو الْقُوَّةِ الْمَتِينُ (58) .
“Jini iyo insi uma aanan abuurin wax ka baxsan inay aniga i caabudaan,oo ka dooni maayo iyaga inay aniga risqi isiiyaan ama i quudiyaan,waayo Eebe isagaa ah midka wax irsaaqa oo ay u sugan tahay quwad weyn ee uu wax kasta ku maareyn karo”.

Inay Adduunka camiraan waa cibaado,
Inay ku fekeraan Abuurka Alle waa cibaado,
Inay noloshooda la harjadaan oo ay soo saartaan irsaaqad aysan dulmi ku keenin waa cibaado,
Inay nolosha sahashadaan oo ay fantaan dunida soona furdaamiyaan siraha ku qarsoon waa cibaado,
Inay cilmi iyo aqoon u yeeshaan dunida iyo waxa dul saaran soona fududeeyaan fure kasta oo oga xeran farxadda nolosha waa cibaado.

Cibaadada maahan soon iyo salaad iyo sako iyo xaj iwm oo kaliya sida dad badanu moodaan ee aadanaha noloshooda oo dhan ayaaba cibaado ka samaysan in og iyo in aan ogaynba,in doonta iyo in isdiidsiisaba.

“أَفَغَيْرَ دِينِ اللَّهِ يَبْغُونَ وَلَهُ أَسْلَمَ مَن فِي السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ طَوْعًا وَكَرْهًا وَإِلَيْهِ يُرْجَعُونَ (83).

“Ma nidaam iyo diin aan midda Alle ahayn ayuu aadanuhu dooni,tiiyoo ay Alle u hogaansan yihiin inta samada iyo dhulka joogta,mid doonis ugu hogaansan oo warkiisa yeelay iyo mid isagoo diiday khasab ugu hogaansan oo ay ku dul fulayso doonista Eebe, xagiisa ayaana loo wada celin doonaa”.

Ilaahay wuxuu Aadanaha u diiday inay isaga ka frkeraan ama ku fekeraan waayo maba gaari karaan oo waa Alle si kasta oga weyn fekerkooda cilmina kuma ogaan karaan,kaliya waxay ku dareemi karaan abuurkiisa baaxadda leh oo intay rumeeyaan uun bay u mahad celin karaan.

“يَعْلَمُ مَا بَيْنَ أَيْدِيهِمْ وَمَا خَلْفَهُمْ وَلَا يُحِيطُونَ بِهِ عِلْمًا (110) ۞
“Eebe waxa uu og yahay xog kasta oo ibnu aadanka dabo iyo dacal oga hareereysan iyaguse kuma koobi karaan Eebe cilmi iyo aqoon”.

“لَيْسَ كَمِثْلِهِ شَيْءٌ وَهُوَ السَّمِيعُ الْبَصِيرُ [الشورى: 11]
“Wax Eebe loo dhigo oo ibnu aadan qiyaastii la eg ma jiraan waase mid wax maqla waxna arka”.

Rasuulka scw wuxuu yiri:-

“تفكروا في آلاء الله ولا تتفكروا في الله”.رواه الطبراني في الأوسط، وأبو الشيخ عن ابن عمر، وحسنه الألباني.

“Ku fakara Abuurka Eebe iyo nimcooyinkiisa laakiin ha ku fakarina Alle”.

La soco qaybta u dambaysa insha Allaah….

Related posts

Leave a Comment