INSAANKA WAXAA LOO DIRAY KU FAKERIDDA KOONKA. (QAYBTII 1’AAD)

Ilaahay kolkii uu Dunida abuuray wuxuu khaliif oga dhigay bani aadamka wuxuuna ugu diyaariyay wax kasta oo ay ku noolaan karaan noloshana ku fududeysan karaan,wuxuuna siiyay caqligii iyo garaadkii ay oga jibo keeni lahaayeen kuna jiiri lahaayeen caqabadaha iyo imtixaanka nolosha dunida ku gadaaman.

Ilaahay kol uu arimahaa inagu baraarujinayay wuxuu yiri:-

“وَإِذْ قَالَ رَبُّكَ لِلْمَلَائِكَةِ إِنِّي جَاعِلٌ فِي الْأَرْضِ خَلِيفَةً ۖ قَالُوا أَتَجْعَلُ فِيهَا مَن يُفْسِدُ فِيهَا وَيَسْفِكُ الدِّمَاءَ وَنَحْنُ نُسَبِّحُ بِحَمْدِكَ وَنُقَدِّسُ لَكَ ۖ قَالَ إِنِّي أَعْلَمُ مَا لَا تَعْلَمُونَ (30).
“Bal xus oo dadka u sheeg waqti uu rabigaa ku yiri Malaa’igta Aniga waxaan dhulka u yeelayaa mid masuul ka noqda oo daga oo maamula,markaasay Malaa’iktii yiraahdeen ma waxaad dhulka ku beereysaa mid fasahaadiya oo dhiigga ku daadiya anaga oo ku tasbiixsanayna mahad celintaada oo ku dahirayna Adiga,Alle wuxuu yiri:-Aniga waxaan ogahay wax aydaan ogayn”.

Kadib Eebe markuu abuuray Asalka bani aadamka oo Aadam ah cs ayuu wuxuu baray oo ku shubay wax Alla waxa borogaraam ah ee nolosha ku xeeran iyo koodadka iyo magacyadooda kolkaasuu si uu u xujeeyo Malaa’iktii ku yiri bal sheega magacyadan iyo borograamyadan nolosha loogu talo galay,markay garan waayeen ayuu Alle ku yiri bal Aadanow u sheeg oo bar kolkaasuu aadan u sheegay wixii Alle baray oo ku borogaraam gareeyay oo dhan.

“وَعَلَّمَ آدَمَ الْأَسْمَاءَ كُلَّهَا ثُمَّ عَرَضَهُمْ عَلَى الْمَلَائِكَةِ فَقَالَ أَنبِئُونِي بِأَسْمَاءِ هَٰؤُلَاءِ إِن كُنتُمْ صَادِقِينَ (31) قَالُوا سُبْحَانَكَ لَا عِلْمَ لَنَا إِلَّا مَا عَلَّمْتَنَا ۖ إِنَّكَ أَنتَ الْعَلِيمُ الْحَكِيمُ (32) قَالَ يَا آدَمُ أَنبِئْهُم بِأَسْمَائِهِمْ ۖ فَلَمَّا أَنبَأَهُم بِأَسْمَائِهِمْ قَالَ أَلَمْ أَقُل لَّكُمْ إِنِّي أَعْلَمُ غَيْبَ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ وَأَعْلَمُ مَا تُبْدُونَ وَمَا كُنتُمْ تَكْتُمُونَ (33)

Intaa ka dib Eebbe si uu u muujiyo qiimaha aadana iyo sharaftiisa wuxuu malaa’iktii ku yiri u sujuuda oo qadariya Aadan,sidii ayayna yeeleen kolka laga reebo mid dhex joogay malaa’igta oo ibliis la yiraahdo oo aan isaga malaa’igta ka mid ahayn ee jinsiga jiniga ku jiray.

“وَإِذْ قُلْنَا لِلْمَلَائِكَةِ اسْجُدُوا لِآدَمَ فَسَجَدُوا إِلَّا إِبْلِيسَ أَبَىٰ وَاسْتَكْبَرَ وَكَانَ مِنَ الْكَافِرِينَ (34)
“Bal xus waqti aanu niri Malaa’ikta usujuuda Aadan oo ay u sujuudeen,kolka laga reebo Ibliis oo kuwa diiday ee gaaloobay ka mid ahaaday”.

Inta aan Aadam loo dirin dhulkii mashaqada iyo tacabka oga horeeyay ee loogu talo galay ayaa si ku meel gaar ah loo dajiyay janada si loo imtixaamo isaga iyo Afadiisii xaawo oo la yiri halkaa aayar iska dhex mushaaxa nolol diyaarsan oon shaqo iyo tacab idinka rabin.

“وَقُلْنَا يَا آدَمُ اسْكُنْ أَنتَ وَزَوْجُكَ الْجَنَّةَ وَكُلَا مِنْهَا رَغَدًا حَيْثُ شِئْتُمَا وَلَا تَقْرَبَا هَٰذِهِ الشَّجَرَةَ فَتَكُونَا مِنَ الظَّالِمِينَ (35)
“Aadanow adiga iyo haweentaada daga beertan janada ah oo ka cuna meel kasta ood doontaan hase u dhowaanina halkaa geed si aydaan oga mid noqonin daalimiinta”.

In kasta oo Aadam iyo Afadiisa xaawo lagu bilaabay imtixaankii ka amar qaadashada Eebe ahaa iyaga oo jooga janada dhexdeeda misana kuma aysan guuleysan inay ka soo dhalaalaan oo sheydaankii kibir iyo xasadnimo darteed u diiday inuu salaan sharafta siiyo kolkii la uumay oo u bareeray inuu sujuudda diido ayaa waswaasiyay oo nasiix isaga dhigay,kolkaasay u dhag raariciyeen oo dhab moodeen beentii uu ku dhagrayay ee uu ugu dheehay wixii ay jeclaayeen.

“فَأَزَلَّهُمَا الشَّيْطَانُ عَنْهَا فَأَخْرَجَهُمَا مِمَّا كَانَا فِيهِ ۖ وَقُلْنَا اهْبِطُوا بَعْضُكُمْ لِبَعْضٍ عَدُوٌّ ۖ وَلَكُمْ فِي الْأَرْضِ مُسْتَقَرٌّ وَمَتَاعٌ إِلَىٰ حِينٍ (36)
Sheydaan ayaa sibiriirixiyay oo wuxuu ka soo saaray wixii khayr iyo barwaaqo ahaa oo aysan shaqaysan ee ay ku dhex jireen,markaasaanu niri kuwada hoobta dhulka idinka oo Aadane iyo sheydaanba cadow isu wada ah,waxaase dhulka idinkugu sugnaaday deegaan iyo nolol aad ku raaxeysan kartaan oo muddo kooban ku siman”.

Sideedaba meelaha sheydaan Aadanaha ka soo galay waxaa ugu horeysay xukun iyo nolol jacayl aan loo marin jidkii ay mudneyd.

“فَوَسْوَسَ إِلَيْهِ الشَّيْطَانُ قَالَ يَا آدَمُ هَلْ أَدُلُّكَ عَلَىٰ شَجَرَةِ الْخُلْدِ وَمُلْكٍ لَّا يَبْلَىٰ (120) ”
“Aadan waxaa waswaasiyay sheydaan oo ku yiri Aadanow ma ku tusaa geed hadaad cunto aad ku helayso nolol waligeed ah iyo boqortooyo aan dhamaanin”.

Maadama Eebe ku abuuray ibnu Aadamka borograam shar iyo khayrba aqbali kara wuxuu kol kasta u ballan qaaday cafis iyo dambi dhaaf haddii ay ka soo laabtaan khaladaadka ay galeen.

Sidaa darteed Aadam wuu towbad keenay oo wuxuu ulaabtay Rabigiis kana dalbaday inuu ka saamaxo gefkii iyo khaladkii amar diidada ahaa ee ka dhacay iyo sheydaankii uu adeecay.

“ثُمَّ اجْتَبَاهُ رَبُّهُ فَتَابَ عَلَيْهِ وَهَدَىٰ”
“Intaa dabadeed Rabigii baa doortay Aadan kana towbad aqbalay oo ku hanuuninay nolosha dambe ee u bilaaban doonta”.

Markaa ka dib bani aadamkii waxaa loo diray shaqadii loo igmaday ee ahayd inay dunida camiraan oo ka doontaan irsaaqadooda iyaga oo la daalaa dhacaya Amaro la dul dhigay oo isugu jira inay Eebaha abuuray adeecaan oo Waajibaadkiisa iimaaniga iyo rumeynta iyo umad celintiisa ah gutaan oo ay dunidana ku camiraan cadaalad iyaga oo ka Ilaaliyay fasahaadka iyo dulmiga….

La soco qabyaha dambe insha allaah.

Related posts

Leave a Comment