JINI KUMA DHEX DAGI KARO WAXNA KUUMA DHIMI KARO.

Jini iyo insi ilaahay baa dunida ku wada abuuray inay is galaan oo uu midkood kan kale galana looguma talo galin,mana jiro nas kaliya oo diini ah oo cad oo saxiix ama sariix ah oo si saani ah u sheegaya in jiniga insiga gali karo.
Kaliya diintu waxay na bartay in sheydaanka oo asalkiisa jiniga ka tirsanaa uu dowrkiisu yahay waswaasin iyo lumin oo kaliya.

Jini iyo insi mid walba sidii eebe ugu talo galay ayuu u nool yahay mana lahan  wax is dhex gal iyo isku qasnaan iyo mucaamalo inta badan dhex marta ama dhex mari karta kolka laga soo tago xaalado naadir ah oo ku eg tii nabi suleymaan cs siiyay Alle.

وَمِنَ الْجِنِّ مَن يَعْمَلُ بَيْنَ يَدَيْهِ بِإِذْنِ رَبِّهِ ۖ وَمَن يَزِغْ مِنْهُمْ عَنْ أَمْرِنَا نُذِقْهُ مِنْ عَذَابِ السَّعِيرِ (12) يَعْمَلُونَ لَهُ مَا يَشَاءُ مِن مَّحَارِيبَ وَتَمَاثِيلَ وَجِفَانٍ كَالْجَوَابِ وَقُدُورٍ رَّاسِيَاتٍ ۚ اعْمَلُوا آلَ دَاوُودَ شُكْرًا ۚ وَقَلِيلٌ مِّنْ عِبَادِيَ الشَّكُورُ (13) فَلَمَّا قَضَيْنَا عَلَيْهِ الْمَوْتَ مَا دَلَّهُمْ عَلَىٰ مَوْتِهِ إِلَّا دَابَّةُ الْأَرْضِ تَأْكُلُ مِنسَأَتَهُ ۖ فَلَمَّا خَرَّ تَبَيَّنَتِ الْجِنُّ أَن لَّوْ كَانُوا يَعْلَمُونَ الْغَيْبَ مَا لَبِثُوا فِي الْعَذَابِ الْمُهِينِ (14)

“Jiniyada qayb ka mid ah ayaa nabi suleymaan ugu shaqayni jirtay idinka rabigii,oo kii isku daya inuu amarkayaga diido waxaan dhadhansiinaynaa cadaab huraysa,jiniyada waxay nabi suleymaan u samayn jireen wixii uu doono oo mixraabyo ama masaajiddo ah,iyo taallooyin naxaas ka sameysan,iyo godod darar oo kale ah oo biyaha lagu kaydiyo,iyo dhariyo ama digsiyo waaweyn oo buuraha la eg,waxan ku niri reer daa’uudow camal fala oo ku shukriya nimcadayda waxaaba yar inta adoomadayda ka mahad celisa nimcooyinka aan u galay.
Kolkaan suleymaan geeridiisa xukunay ma aysan ogaan jiniyadii geeridiisa oo waxay uun ku baraarugeen kolkii uu aboorku cunay ushii uu ku dangiigsanaa oo kolkii uu dhacay ayay ogaadeen jiniyadii haddii ay qaybka iyo waxa maqan ogaan lahaayeen inaysan ku nagaan lahayn cadaabka shaqo ee ay ku jireen.

Umaddii waxaa ayaamahan lagu cabsi galiyay jinni iyo duulal qarsoon ayaa idin dhibaateynaya oo mar ay idin sixraan iyo mar ay idin galaanba caafimaadkiina wax u dhimi kara iyagiina waa rumeysteen inta badan.
War goormaa jinni awoodaa yeeshay oo uu adigii insiga ahaa oo uu Alle si walba kaaga sara mariyay uu sidaa kuu qabsaday.
Ogow ilaaha aad rumeysan tahay hadaad muslim tahay wuxuu si ku celcelis ah kuugu sheegay inay jiniyada iyo shayaadiintu daciif yihiin oo uusan makrigooda meelba gaari karin.

“إِنَّ كَيْدَ الشَّيْطَانِ كَانَ ضَعِيفًا”
“Sheydaanku dhagartiisu waa mid daciif ah”.

Sheydaanku waa asalka jiniyada faasiqiinta ah ee adyadda iyo luminta ula taagan insaanka sida uu Allaba aayad quraan ah ku sheegay.

“ وَإِذْ قُلْنَا لِلْمَلَائِكَةِ اسْجُدُوا لِآدَمَ فَسَجَدُوا إِلَّا إِبْلِيسَ كَانَ مِنَ الْجِنِّ فَفَسَقَ عَنْ أَمْرِ رَبِّهِ ۗ “
“Bal xus oo sheeg waqtigii aan malaa’ikta ku niri u sujuuda aadam oo ay sujuudeen iyaga iyo uunkii kale oo dhan kolka laga reebo ibliis oo ka mid ahaa jiniga oo diiday inuu amarkaa qaato”..

Sheydaanku waa cunsur jiniga sharta u bareeray ka mid ah,sidoo kalana waxaa sheydaan noqon kara oo shaqo sheydaan qaban kara insiga sharta iyo shidada ku shuqlan.

Shayaadiintu ma heli karaan awood ka baxsan inay ku waswaasiyaan oo ay mararka qaar talada san ku weydaariyaan oo iyada qudheeda aysan khasab kugu lahayne ku xiran oo kaliya kolka aad adiga u dhaga nuglaato ood ku dhaqaaqdo talada khaldan ee ay ku siiyeen.

“فَإِذَا قَرَأْتَ الْقُرْآنَ فَاسْتَعِذْ بِاللَّهِ مِنَ الشَّيْطَانِ الرَّجِيمِ (98) إِنَّهُ لَيْسَ لَهُ سُلْطَانٌ عَلَى الَّذِينَ آمَنُوا وَعَلَىٰ رَبِّهِمْ يَتَوَكَّلُونَ (99) إِنَّمَا سُلْطَانُهُ عَلَى الَّذِينَ يَتَوَلَّوْنَهُ وَالَّذِينَ هُم بِهِ مُشْرِكُونَ (100) ”
“Marka aad quraanka akhriyeyso Eebe ka magan gal sheydaanka la fogeeyay,sheydaanku wax awood ah kuma lahan dadka Eebe rumeysan ee Alle talo saaranaya,kaliya sheydaanku wuxuu awood ku leeyahay dadka isaga talo saaranaya iyo kuwa Alle u shariik yeelaya ee awooddii Alle kaliya lahaa sheydaan wax ka siinaya”.

Walaal ogow cudur iyo caafimaadba Allaa kuu haya,asbaabta ay ku yimaadaan iyo dawadoodaba Allaa dajiyay oo Aadanahana baray,ma jirto cudur iyo caafimaad jini gacanta ugu jira,waa been la buunbuuniyay,sheydaanku waa daciif kuma qabsan karo caafimaadkaagana wax uma dhimi karo hadaadan adiga aaminin oodan talo saaranin.
U fiirso sida Alle ku sheegay aayadda sare kaliya sheydaan wuxuu uun waswaasin karaa ama dhibi karaa kii isaga talo saarta oo u yeela awood uusan lahayn.
Waligaa iimaankaaga iyo maskaxdaadaba ha ka siinin jini iyo sheydaan iyo duulal qarsoonba saldhigyo iyo bays ay adiga kaaga soo duulaan.
Walaal muslim iska daayee jimanka iyo shayaadiintu dhibaato caafimaad uma gaysan karaan xitaa gaalada Aan Alle rumeysneyn waayo ma aaminsana mana aysan siinin saldhigyo ay naftooda ka soo weerari karaan,farqigu waa in aad adiga siisay shayaadiinta iimaan iyo ictiqaad ku tacaluqa inay ku dhibaateyn karaan oo wax kuu dhimi karaan waana midaas midda ku dhibaysa ee jini inta adiga ku dhex dego wax kuu dhimi kara ma jiro.

Waa halis meelaha ay maanta wax marayaan,magaalooyin dhan oo la leeyahay jiniyo ayaa dhex degan umaddii ku nooleyd oo inta fuustooyin biyo ah lagu fataho la leeyahay waan ka furdaaminaynaa.

Walaal fakar siday ku dhici kartaa adigii insiga ahaa ee uu Rabi kaa yeelay khaliifka dunida kuuna dhiibay furayaasha cilmiga iyo aqoonta dunida inaad maanta aaminto inay wax kuu dhimi karaan duulal qarsoon oo kaa liita oo itaal daran?!.

Arimahan siday ku socdaan haddaan laga waantoobin waxna laga qaban waxay u dhowdahay in la aamino lana caabudo awoodahaa dhuumaaleysta ee itaalka daran sidiiba hore u dhacday oo Allana inoo sheegay.

“وَأَنَّهُ كَانَ رِجَالٌ مِّنَ الْإِنسِ يَعُوذُونَ بِرِجَالٍ مِّنَ الْجِنِّ فَزَادُوهُمْ رَهَقًا ”
“Waxaa jiri jiray dad insi ah oo magan iyo fayaqab ka dalban jiray jiniga markaasay kibir iyo qooq u kordhiyeen”.

Wuxuu kaloo Alle yiri:-

“بَلْ كَانُوا يَعْبُدُونَ الْجِنَّ ۖ أَكْثَرُهُم بِهِم مُّؤْمِنُونَ”
“Dhab ahaantii Waxay caabudi jireen jiniga iyo duulalka qarsoon oo ay intooda badan rumeysnaayeen inay dhib iyo dheefba u hayaan”.

Ugu dambayntii walaal sida ku cad tacaaliimta diinteena ma jiro jiman iyo shayaadiin awood leh oo insiga wax u dhimi kara,mana jirto cudur iyo caafimaad ay duulalka qarsoon ku lug leeyihiin oo dadka asiibi kara.
Cudur iyo caafimaad waxa haya Allaha qaadirka ah ee abuuray oo ina baray asbaabta ay ku yimaadaan iyo asbaabta lagu daweeyo iyo asbaabta looga hortagi karaba.
Maanta sida cudurada caadiga ah ee jirka ku dhaca loogu daweyn karo dhakhtarka ayaa sidoo kalana loogu daweyn karaa dhakhtarka cudurada nafsadda ku dhaca ciddii Alle u qadaro.
Ma jirto sabab cad oo caqli iyo cilmi ku dhisan oo maanta loogu hogto wadaad leh shayaadiin ducafo ah oo dadkii dhex dagay ayaan dadka ka duraaminayaa oo umaddii rucbi iyo argagax ku riday.
Ma jirto jiman iyo shayaadiin ku dhex degan ama ku dhex degi kara ee adaa aaminay arintaas,wadaadka booyadaha biyaha ah sitana siiyay fursad uu lacag kaaga samayn karo isla markaana belaayo aan jirin uu damiirkaaga ku soo hogaamiyo.

Quraankuna sidiisa ayuu dawo u yahay oo uu u dawaynayaa cudurada damiirka ku dhaca oo ay shubhada iyo shakiga ugu horeeyaan oo damiirka iyo qalbiga ayuu xasilooni iimaan siiyaa.
Mar haddii damiirku fayow yahay waxay u badan tahay in jirka intiisa kalana helo dareen caafimaad iyo fayaqab. Sideedaba quraanku wuxuu inoo tilmaamaa oo inagu hagaa hadba sida san een u noolaan karno.
“إِنَّ هَٰذَا الْقُرْآنَ يَهْدِي لِلَّتِي هِيَ أَقْوَمُ ”
“Quraanka kanu wuxuu idinku hagayaa hadba tabta ugu toosan ee ay noloshiina ku tanaadi karto”.
Quraanka adaa isku akhrin kara ama u yeeran kara cid kugu akhrisa oo sidiisa ayuu dawo la tijaabiyay u yahay,lkn waa inaadan aaminin wixii uu kaa waaninayay oo ah inaad aaminto in jiman iyo duulal qarsoon oo daciif ah ay adiga wax kuu dhimi karaan oo ay cudur iyo caafimaadba kuu heli karaan.

FIIRO GAAR AH:-

Waxyaabaha dadka badankii khalda waxaa ka mid ah duryanka iyo hadalka ama oohinta qofka nafsad ahaan u jiran ama dhimirka ka xanuunsanaya kolka quraanka lagu akhriyo’arintaa oo iyada qudheeda caafimaad ahaan loo ogaaday inay tahay xaalado jira oo ka dhalanaya khalkhalka ku dhacay habsami u socodka shaqadii maskaxda iyo sidii caadiga ahayd ee ay ula falgalaysay jirka intiisa kale ama qaar ka mid ah,ogow qofka noocaan ah xitaa haddii lagu akhriyo wax kale oon quraan ahayn inuu sidaa u duryamayo oo ay cabsida ka keenayso inuu su’alaha aad weydiinayso uga jawaabo sida aad rabto adiga ama dhaqankuba yahay sida kolka aad tiraahdo maxaad tihiin inuu ku yiraahdo jin baan nahay ama insi meel heblo ka soo raacay!!!ama dariiq sixir ku yimid iwm….dadka kale een iyagu lahayn habdhaqankaa ruuxaaniga ee ay inta badan isla yaqaanaan dadka diimaha rumeysan wax kale ayay ku duryamaan ama oga jawaabaan su’alaha la weydiiyo inta badana kama fogaadaan hab nololeedka ku gadaaman ee caadiga ka ah degaamadaa ay ku nool yihiin ama xaaladahaa ay la nool yihiin.

Related posts

Leave a Comment