ISLAAMKA IYO DHIIRI GALINTA SHAQADA.

 

Diinta islaamka oo ah diin dhinac walba ka dhameys tiran oo baysna u noqon karta nolosha aadane kasta oo rumeeya waxyaabaha ay dhiiri galiso waxaa ka mid ah dadku inay yeeshaan xirfado shaqo iyo wax soo saar,nusuusta abaartaa ku aadan oo ah kuwo aad uga badan in la soo koobo waxaa ka mid ah intan aan tusaalaha yar u soo qaatay.

Ilaahay wuxuu yiri:-

“وَلَا تَتَمَنَّوْا مَا فَضَّلَ اللَّهُ بِهِ بَعْضَكُمْ عَلَىٰ بَعْضٍ ۚ لِّلرِّجَالِ نَصِيبٌ مِّمَّا اكْتَسَبُوا ۖ وَلِلنِّسَاءِ نَصِيبٌ مِّمَّا اكْتَسَبْنَ ۚ وَاسْأَلُوا اللَّهَ مِن فَضْلِهِ ۗ إِنَّ اللَّهَ كَانَ بِكُلِّ شَيْءٍ عَلِيمًا (32)”
“Ha naawilina waxa aan qaarkiin qaarka kale dheereysiinay,raggu waxa ay leeyihiin wixii ay shaqaystaan,dumarkana waxa ay leeyihiin wax
a ay shaqaystaan,oo ilaahay dheeraad waydiista waa mid wax kasta oge”.

Rasuulka scw wuxuu yiri:-
“((لأن يأخذ أحدكم حبله فيأتي بحُزمة الحطب على ظهره، فيبيعها فيكفَ الله بها وجهه،خير له من أن يسأل الناس أعطوه أم منعوه))رواه البخاري والحديث صحيح”
“In uu midkiin xarigiisa qaato oo uu xirmo xaabo ah degta u soo rito oo uu iibiyo oo uu Alle kaga deeqo baryada dadka ayaa u dhaanta inuu dadka wax weydiisto ama ha siiyeen ama ha u diideene”.

Rasuulka scw wuxuu yiri:-

“كَانَ دَاوُدُ عليهِ السَّلامُ لا يَأْكُل إِلاَّ مِن عَملِ يَدِهِ” رواه البخاري.
“Nabi daud wuxuu ahaa mid aan cunin wax ka baxsan kasabka gacantiisa”.

Rasuulka scw waxa kale oo uu yiri:-

“كَانَ زَكَرِيَّا عليه السَّلامُ نجَّاراً” رواه مسلم
“Nabi zakariye wuxuu ahaa Farshaxan”.

Rasuulka scw wuxuu mar kale yiri:-

“مَا أَكَلَ أَحَدٌ طَعَاماً خَيْراً مِن أَنَ يَأْكُلَ مِن عمَلِ يَدِهِ”رواه البخاري.
“Qofna ma cuno cunto ka khayr badan wixii ay gacmihiisa soo shaqeeyeen”.

“وعن جابر رضي الله عنه قال:-طلقت خالتي فأرادت أن تجد نخلها فزجرها رجل أن تخرج فأتت النبي صلى الله عليه وسلم فقال : بلى فجدي نخلك فإنك عسى أن تصدقي أو تفعلي معروفا )
“Saxaabiga jaabir rc wuxuu yiri:-habaryartay baa la furay kolkaasay damacday inay beerteeda ka shaqaysato,nin ayaa damcay inuu u diido markaasay u timid nabiga scw ooy arintaa u sheegtay,kolkaasuu ku yiri nabiga scw:-ka shaqayso beertaada waxaa dhici karta inaad waxa kaa soo gala aad qaarna sadaqaysato qaarna aad si kale wax kuu haboon aad ugu qabsato”.

Related posts

Leave a Comment