JOOJIYA NACAYBKA KU AADAN CIIDAHA DADKA KALE.

Waxaa loo baahan yahay qofka muslimka ah inuu noqdo mar walba mid akhlaaq lagu soo hirto leh oo anfacaysa khalqiga oo dhan,
Dabeecadda wanaagsan iyo ixtiraamku waa midda ay ina farayso diinteena waqti kasta.

Waxaa mar kasta oo ay timaaddo ciidda miilaadiga ee ay u dabaaldegaan masiixiyiinta ku bata baraha bulshada digniino laga bixinayo ciidaas oo dadka looga digayo waliba si ka badbadin ah.

Horta qof muslim ah sheeko utaal maaha chrismas oo mana sameeyo,mana aaminsana ciidna uma aha ciid ay dad kale leeyihiin.

Kaliya waxa kaga soo aadi kara waa uun qof meel kala shaqeeya,ama ganacsi kala dhaxeeyo,ama uba custmer ah,ama jiiraan la ah,oo la wadaagi kara hambalyada ciida miilaadiga,sida inuu ku yiraahdo ciid wanaagsan iyo wax la mid ah.

Kolka digniinadan luqad kasta ku qoran ee laga dheehan karo nacaybka iyo fogaynta ma keeni karaan wax aan ahayn in laga dheehdo sida dadka muslimka ah u yihiin dad qalbi xun oo nacayb ka buuxo,taasina waxay sahlaysaa in laga cararo diinta islaamka oo loo arko diin aan tix galin siin dadka kale ee nabadda kula nool.

Tiiyoo ay diinta islaamka ku jirto nusuus badan oo laga dheehan karo in gaalada nabada kula nool muslimiinta loo samo falo oo wanaag iyo baarinimo loo muujiyo.

Ilaahay waxa uu yiri:-

“لا يَنْهَاكُمُ اللَّهُ عَنِ الَّذِينَ لَمْ يُقَاتِلُوكُمْ فِي الدِّينِ وَلَمْ يُخْرِجُوكُمْ مِنْ دِيَارِكُمْ أَنْ تَبَرُّوهُمْ وَتُقْسِطُوا إِلَيْهِمْ إِنَّ اللَّهَ يُحِبُّ الْمُقْسِطِينَ “

“Ilaahay idinkama reebin inaad u sama iyo cadaalad fashaan kuwa aan idiinla diriraynin diin ahaan ee aan guryihiina idinka saaraynin,waayo ilaahay waa uu jecel yahay kuwa cadaaladda sameeyo”

Qof aad u muujisay xumaan iyo nacayb ciidiisa ku aadanna uma aadan sama falin.

Xitaa Ilaahay swt waxa uu diiday in la caayo oo ceebayn ay maqlayaan loola qasdo gaalada muctaqadaadkooda iyo waxa ay weyneeyaan oo ay caabudayaan.

Oo ilaahay waxa uu yiri:-

“وَلَا تَسُبُّوا الَّذِينَ يَدْعُونَ مِن دُونِ اللَّهِ فَيَسُبُّوا اللَّهَ عَدْوًا بِغَيْرِ عِلْمٍ ۗ كَذَٰلِكَ زَيَّنَّا لِكُلِّ أُمَّةٍ عَمَلَهُمْ ثُمَّ إِلَىٰ رَبِّهِم مَّرْجِعُهُمْ فَيُنَبِّئُهُم بِمَا كَانُوا يَعْمَلُونَ “

“Ha caayina waxa ay caabudayaan gaalada si aysan iyaguna u caayin Alle si cadowtinimo ah oo aan cilmi ku dhisneyn,sidaasaan ummad kasta ugu qurxinaa camalkooda,intaas ka dibna rabigood xagiisa ayaa loo celinayaa,markaasuu oga warami doonaa wixii ay soo sameyn jireen”

Waxaan shaki ku jirin inuu islaamka ku baaqayo in wanaag iyo ixtiraam loo muujiyo dadka oo dhan oo ay ku jiraan gaalada uusan kolkaa dagaalka kaala dhaxeynin,

Waxaa kale oo la og yahay in diinteenu soo dhoweyn badan siisay ahlul kitaabka ay kiristaanku ka midka yihiin,xitaa waxaa inoo banaan inaan cuntadooda cuni karno haweenkooda dhowrsoona aan guursan karno.

Oo ilaahay waxa uu yiri:-

“الْيَوْمَ أُحِلَّ لَكُمُ الطَّيِّبَاتُ ۖ وَطَعَامُ الَّذِينَ أُوتُوا الْكِتَابَ حِلٌّ لَّكُمْ وَطَعَامُكُمْ حِلٌّ لَّهُمْ ۖ وَالْمُحْصَنَاتُ مِنَ الْمُؤْمِنَاتِ وَالْمُحْصَنَاتُ مِنَ الَّذِينَ أُوتُوا الْكِتَابَ مِن قَبْلِكُمْ إِذَا آتَيْتُمُوهُنَّ أُجُورَهُنَّ مُحْصِنِينَ غَيْرَ مُسَافِحِينَ وَلَا مُتَّخِذِي أَخْدَانٍ ۗ “

“Maanta waxaa la idiin xalaaleeyay wax kasta oo wanaagsan,cuntada ahlul kitaabkuna waa idiin xalaal,iyagana cuntadiina waa u xalaal,waxaa kaloo laydiin xalaaleeyay inaad guursataan gabdhaha dhowrsoon ee mu’miniinta iyo gabdhaha dhowrsoon ee kuwa kitaabka la siiyay idinka hortiin,hadaad siisaan meherkooda idinka oo ah kuwa dhowrsanaya ee aan ka sinaysaneyn ama saaxiib aan sharci ku qabid ahayn ka dhiganeynin”.

Wax yar hadaad caqliga ku noqotana waxaad ogaanaysaa inaysan suura gal ahayn haweentaada ahlul kitaabka ah inaad ugu hambalyeyn weydo ciideeda,waayo ilaahay isaga oo kala duwanaanta og ayuu misana kuu baneeyay gabadha kitaabiyada ah waxuuna u yeelay xuquuq la mid ah ta gabadha muslimada ah.

Rabiga ku faray samafalka gaalada aan kula dagaalamaynin ee ahlul kitaabka ah ee ay dhici karto inaad gabadhooda qabto,kugu ciqaabi maayo inaad salaanta ka qaado ama aad hambalyo is weydaarsataan, taasi waa wax muuqda oo uusan caqli fayow oo cilmi xeel dheer islaamka u leh uusan ka il-duufi karin.

Tiiyoo nala faray dooda ahlul kitaabka ku wajahan inay noqoto hadba sida ugu wanaagsan.

“وَلَا تُجَادِلُوا أَهْلَ الْكِتَابِ إِلَّا بِالَّتِي هِيَ أَحْسَنُ إِلَّا الَّذِينَ ظَلَمُوا مِنْهُمْ ۖ “

“Hakula doodina ahlul kitaabka waxaan wanaag ahayn,marka laga reebo kuwooda dulmiga samaynaya ee sida xun idiinla dhaqmaya”

Ugu dambayntii walaalayaal waxaa haboon hadaynu muslimiin nahay in aan mar kasta u muuqano kuwo ixtiraam iyo sharaf lagaga daydo oo la majeerto leh,halkii aan u muuqan lahayn kuwo nacayb iyo colaad u taagan,taas oo aan qiyamkeena iyo diinteena aan wax wanaag ah ku soo kordhinaynin.
Waadna mahadsan tihiin.

Related posts

Leave a Comment