WEEDHA WANAAGSAN IYO WAXA AY KA DHIGAN TAHAY.

Sideedaba wanaag oo dhan wuxuu ka bilowdaa hadal wanaagsan iyo howraar san oo lagu kabay ficillo fiican iyo tixgalin toolmoon oo lagu tookho inta dunida kula saaran.

Maadaama samaanta hadalka ay leedahay saameynta ugu badan ee wanaagga tabantaabisa ayaa ilaahay si saani ah u tirtirsiiyay ku hadalka tiraabta suuban ee saacidaysa samo ku wada noolaansha aadanaha.

Ilaahay wuxuu yiri:-

-“أَيُّهَا الَّذِينَ آَمَنُوا اتَّقُوا اللَّهَ وَقُولُوا قَوْلًا سَدِيدًا (70) يُصْلِحْ لَكُمْ أَعْمَالَكُمْ وَيَغْفِرْ لَكُمْ ذُنُوبَكُمْ وَمَنْ يُطِعِ اللَّهَ وَرَسُولَهُ فَقَدْ فَازَ فَوْزًا عَظِيمًا.
“Kuwa iimaanka laga helayoow Ilaahay ka dhowrsada oo ku hadla hadal wanaagsan,kolkaa Alle wuxuu idiin hagaajinayaa Camalladiina oo wuu idiin dhaafayaa dambiyadiina,qofkii Alle iyo rasuulkiisa addeeca dhabtii waxay guuleysteen guul weyn.

Wuxuu kale oo Alle yiri:-

وَقُل لِّعِبَادِي يَقُولُوا الَّتِي هِيَ أَحْسَنُ ۚ إِنَّ الشَّيْطَانَ يَنزَغُ بَيْنَهُمْ ۚ إِنَّ الشَّيْطَانَ كَانَ لِلْإِنسَانِ عَدُوًّا مُّبِينًا (53)

“Waxaad ku tiraahdaa addoomadayda inay ku hadlaan hadba hadalka kiisa ugu wacan,waayo sheydaan ayaa ku dhex jira oo isku diraya,sheydaankuna sidiisa ayuu insaanka u yahay cadow muuqda”.

Waxyaabaha laga dheehan karo dheefta hadalka san waxaa ka mid sida uu Eebe oga marag furay kuwa kol kasta u darban hadal samida inay yihiin kuwo hanuunsan oo ku dambeeya meel la mahdiyo.

Wuxuu Alle yiri:-

وَهُدُوا إِلَى الطَّيِّبِ مِنَ الْقَوْلِ وَهُدُوا إِلَىٰ صِرَاطِ الْحَمِيدِ (24) .
“Waxaa lagu hagay hadal san,waxaana lagu hanuuniyay jid la mahdiyo coribtiisa”.

Sidoo kale muhiimadda hadalka suuban leeyahay dartii ayuu Alle mararka qaar xitaa wuxuu ka hor mariyaa faridda waajibaadka sida salaadda iyo sakada oo kale.

Ilaahay wuxuu yiri:-

وَقُولُوا لِلنَّاسِ حُسْنًا وَأَقِيمُوا الصَّلَاةَ وَآتُوا الزَّكَاةَ.
“Dadka hadal san kula hadla oo salaadda ooga sakadana bixiya”.

Ilaahay mar kale waxa uuba sheegay in wax badan oo hadalka bani aadanka ahi uusan micno ku fadhin marba haddii uu ka maran yahay wanaag sida Ilaahay aayaddatan ku caddeeyay.

لَّا خَيْرَ فِي كَثِيرٍ مِّن نَّجْوَاهُمْ إِلَّا مَنْ أَمَرَ بِصَدَقَةٍ أَوْ مَعْرُوفٍ أَوْ إِصْلَاحٍ بَيْنَ النَّاسِ ۚ وَمَن يَفْعَلْ ذَٰلِكَ ابْتِغَاءَ مَرْضَاتِ اللَّهِ فَسَوْفَ نُؤْتِيهِ أَجْرًا عَظِيمًا (114).
“Wax badan oo dadka sheekaysigooda ah khayr kuma jiro ilaa qof faray sadaqo ama wanaag ama heshiisiinta dadka maahine,qofkii sidaa u sameeya doonista raaligalinta Eebe waxaan siin doonaa abaalmarin weyn”.

Ogaansho uu Alle og yahay darteed saameynta uu hadalka ku leeyahay nolosha aadanaha ayuu amray inaan marna wax xun lagu faqin ee mar kasta lagu faqo wax wanaagsan oo bilaya habsami u socodka nolosha dunida.

Oo ilaahay kol uu arintaa iftiiminayay wuxuu yiri:-

يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا إِذَا تَنَاجَيْتُمْ فَلَا تَتَنَاجَوْا بِالْإِثْمِ وَالْعُدْوَانِ وَمَعْصِيَتِ الرَّسُولِ وَتَنَاجَوْا بِالْبِرِّ وَالتَّقْوَىٰ ۖ وَاتَّقُوا اللَّهَ الَّذِي إِلَيْهِ تُحْشَرُونَ .

“Kuwa iimaanka laga helayoow hadaad faqaysaan ha ku faqina dambi iyo colaytan iyo caasinta rasuulka ee ku faqa oo ku sheekeysta samafal iyo dhowrsanaan oo ka yaaba Allaha xagiisa laydiin soo kulmin doono”.

Kama marna muhiimadda kalimaadka iyo hadalka san in ay qayb ka yihiin hoga tusaaleynta Alle ee uu aadanihiisa kula hadlo marar badan sida ku cad aayadan.

ضَرَبَ اللَّهُ مَثَلًا كَلِمَةً طَيِّبَةً كَشَجَرَةٍ طَيِّبَةٍ أَصْلُهَا ثَابِتٌ وَفَرْعُهَا فِي السَّمَاءِ * تُؤْتِي أُكُلَهَا كُلَّ حِينٍ بِإِذْنِ رَبِّهَا ﴾

“Ilaahay wuxuu tusaale ku bixinayaa sida kalimadda wanaagsan ay oga dhigan tahay geed wanaagsan oo ay jiridiisu si wanaagsan ugu aadan tahay oo ay ugu sugan tahay dhulka halka laamaha geedkaasna ay saani ugu baxeen xagga sare oo kol kastana mirihii laga cuni lahaa ku soo saaraysa idimka rabbigeed”.

Aqbalaadda camalka iyo koryeelidooda ayay ugu horeysaa kalmadda wanaagsan ee dad iyo Allaba deeqda’tiiyoo la og yahay in kalmadda wanaagsani ka mid tahay camalka suuban ayuu misana Alle gaar oga soocay si loo ogaado muhiimadda gaarka ah ee ay Alle agtiisa ku leedahay kalmadda san,sida uu Rabbi ku cadeeyay quraanka.

﴿ إِلَيْهِ يَصْعَدُ الْكَلِمُ الطَّيِّبُ وَالْعَمَلُ الصَّالِحُ يَرْفَعُهُ ﴾
“Alle xagiisa waxaa u kora kalmadda suuban,camalka sanna Alle wuu sara mariyaa”.

Rasuulka scw kama daali jirin inuu dadka u sheego har iyo habeen waxa ay ka dhigan yihiin kalmadda wanaagsan iyo hadalka fiican oo guud ahaanba akhlaaqda san.

Rasuulka scw wuxuu yiri:-

أفش السلام، وأطب الكلام، وصل الأرحام، وصلي بالليل والناس نيام تدخل الجنة بسلام” رواه أحمد.

“Fidiya nabadda ama salaanta,oo hadalka wanaajiya,oo qaraabada xiriiriya,oo ducaysta oo tukada habeenkii xilliga dadka hurdaan,aad janada rabigiin nabad ku gasheene”.

Kama reebana hadal samida saadaasha san iyo samo filashada oo rasuulka scw kol uu arintaa ina barayay waxa uu yiri:-

ويعجبني الفأل، قيل وما الفأل؟ قال الكلمة الطيبة” متفق عليه،
“Waxaa i cajab galinaya faalka ama saadaasha suuban,kolkaasuu layiri oo maxay tahay saadaasha san?markaasuu yiri suubanuhu waa kalimadda wanaagsan”.

Si taa la mid ah rasuulka scw kama tagin inuu mar walba umadda ku wacdinayo waxa san oo ay ugu horeyso hadal samida.

“اتقوا النار ولو بشق تمرة فإن لم تجدوا فبكلمة طيبة”

“Ka dhowrsada naarta walow inaad timir jeexeed sadaqaysataanba Alla ha ka dhigee,oo haddii aysan heli karin ku dadaala kalmadda wanaagsan”.

Kol kale rasuulka scw waxa uu islaamkiiba ku soo koobay wanaag falid ay ugu horeyso kalimadda san oo wuxuu yiri mar uu taa u timaamayay nin saxaabi ah oo weydiiyay:-

عمرو بن عنبسة رضي الله عنه قال: قلت يا رسول الله ما الإسلام؟ قال: “طيب الكلام، وإطعام الطعام”،

“Cumar binu cunaysa rc ayaa wuxuu yiri:- rasuulka scw ayaan weydiiyay rasuulkii Allow waa maxay islaam,rasuulka scw wuxuu ku jawaabay waa hadalka fiican iyo cunto siinta inta u baahan”.

Rasuulka scw waxa uu yiri mar kale isaga oo inoo tilmaamaya waxa ay istaahisho hadal samida iyo kalmadda suuban.

“إن في الجنة غُرفًا يُرى ظهرها من باطنها، وباطنها من ظاهرها، فقال أبو موسى: لمن هي يا رسول الله؟ قال: لمن ألان الكلام، وأطعم الطعام، وبات لله قائمًا والناس نيام”؛

“Janada waxaa ku yaalla qolol laga arkayo dibadeeda waxa gudaheeda ku jira sidoo kalana laga arkayo gudaheeda waxa dibadeeda yaalla,abii muusaa ayaa yiri oo yaa iska leh rasuulkii Allow,kolkaasuu ku jawaabay suubanaha waxaa iska leh kuwa hadalka dadka u dajiya,oo wax quudiya,oo waa bariista iyaga oo salaad iyo duco taagan waqti ay dadku hurdaan”.

Dhab ahaantii lama soo koobi karo wanaagga ay Alle iyo rasuulba ka sheegeen weerta san,waxanse isleeyahay intaasi tilmaan iyo ishaaro ku filan.
Waadna mahadsan tihiin.

Related posts

Leave a Comment