ISLAAMKA IYO WADANOOLAANSHAHA.

 

Beryahan dambe waxa aad ubadanaya dad islaamka iyo muslimiinta duraya oo ku sheegaya in diinta islaamku horor tahay oo ay muslimiintuna khatar ku yihiin nabadda caalamka,iyo wada noolaanshaha,dadkaas oo isugu jira dad gaalo ah’iyo kuwo muslim ahaan jiray oo gaaloobay iyo kuwo uu shaki badan kaga jiro islaamka laftiisa.

Waxyaabaha ay badankoodu u adeegsadaan dacaayadahaas waxaa u badan ku tiro ku teen iyo sheekooyin rakhiis ah oo uu qof kasta oo diinta islaamka wax ka yaqaan uu si sahlan u cadayn karo baadilnimadeeda.

Waxay ku doodaan in islaamku uusan ogolayn wada noolaanshaha ee uu doonayo inuu dadka oo dhan ku khasbo tacaaliimtiisa,ciddii diidana uu ka takhaluso.
Iyaga oo si khaldan u daliishanaya nusuusta diiniga ah ee soo dagtay waqti muslimiintii la dhibaataynayay loo ogolaaday inay is difaacaan oo ay la yimaadaan wax iska dhicin iyo jihaad.

Nusuusta ugu badan oo ay sida khaldan u daliishadaan waxaa ka mid ah:-

“وَاقْتُلُوهُمْ حَيْثُ ثَقِفْتُمُوهُمْ وَأَخْرِجُوهُم مِّنْ حَيْثُ أَخْرَجُوكُمْ ۚ وَالْفِتْنَةُ أَشَدُّ مِنَ الْقَتْلِ ۚ وَلَا تُقَاتِلُوهُمْ عِندَ الْمَسْجِدِ الْحَرَامِ حَتَّىٰ يُقَاتِلُوكُمْ فِيهِ ۖ فَإِن قَاتَلُوكُمْ فَاقْتُلُوهُمْ ۗ كَذَٰلِكَ جَزَاءُ الْكَافِرِينَ (191) فَإِنِ انتَهَوْا فَإِنَّ اللَّهَ غَفُورٌ رَّحِيمٌ (192) وَقَاتِلُوهُمْ حَتَّىٰ لَا تَكُونَ فتنة…

“Ku laaya meel kasta oo aad ka heshaan,oo kasaara halkii ay idinka soo saareen,fidnada iyo gaalnimada ayaa dilka ka daran,oo ha kula diririna masaajidka xurmada leh”xaramka”ilaa ay iyaga idinkula diriraan mooyee,oo haday idinkula diriraan ku laaya,sidaas weeye gaalada abaalmarintooda,haday ka reebtoomaan la dagaalankiina,ilaahay waa mid dambiyada dhaafa oo naxariista,la dirira ilaa fidmo la waayo…”

Markay aayadaan daliishanayaan waxay ka soo tagaan aayada aayadan ka horaysa ee tusaalaynaysa in gaalada lala dirirayo ay yihiin kuwo la iska dhicinayo oo iyaga ah kuwa duullaanka soo qaaday ee muslimiinta ku waday inay ku khasbaan gaalnimo oo ay si xoog ah diintooda oga fidmeeyaan.
Waxay si ula kac oga tagaan aayadan oo ah midda ka horeysa aayadaha aan sare ku xusay:-

“وَقَاتِلُوا فِي سَبِيلِ اللَّهِ الَّذِينَ يُقَاتِلُونَكُمْ وَلَا تَعْتَدُوا ۚ إِنَّ اللَّهَ لَا يُحِبُّ الْمُعْتَدِينَ (190)”

“Kula dirira jidka alle kuwa idinla diriraya oo kaliya oo xad gudbina ilaahay ma jecla kuwa xad gudbaya”

Marka aayadan laga hor mariyo aayadaha ka dambeeya waxaa si cad u cadaanaya in cidda meel kasta oo laga helo lagu dilayo ay tahay cidda dagaalka soo qaaday ee iyada duullaanka ah,halka lagu dilayana ay tahay furuntaas ay iyagu sawabteeda leeyihiin dagaalka ka socda,waayo aayadaha laftooda ayay ku cad yihiin in qolada hororka ah ee muslimiinta hore u soo barakiciyay inay gaaladii qureysh tahay oo waa taa la leeyahay ka saara halkii ay idinka soo saareen.
Isla aaydaha waxaa ku cad in dagaalku joogsanayo isla marka ay iyagu joojiyaan adyadda iyo gacan ka hadalka khasabka ku dhisan ee ay dadka diinta kaga fidneynayaan.

Aayadaha kale ee ay kuwa jahawareerinta u dan leh daliishadaan waxaa ka mid ah,

“يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا قَاتِلُوا الَّذِينَ يَلُونَكُم مِّنَ الْكُفَّارِ وَلْيَجِدُوا فِيكُمْ غِلْظَةً ۚ وَاعْلَمُوا أَنَّ اللَّهَ مَعَ الْمُتَّقِينَ (123)

“Kuwa iimaanka laga helayoow la dagaalama kuwa idiin xiga gaalada oo ha idinka helaan ad adkaansho oo ogaada inuu ilaahay la jiro kuwa ka dhowrsanaya”.

Aayadu waxa ay ka hadlayso waa xaalad dagaal lagula jiray quraysh oo ah xigaalaha rasuulka scw iyo muslimiinta madaama ay muhaajiriina la ahaayeen qaraabo,ansaartuna la ahaayeen ollog carabnimadu ka dhaxayso’taariikhduna waxa ay marag ka tahay in qurayshi mar kasta ahayd midda weerarka ku ah muslimiinta oo intay mako ka saareen ay waliba oga daba tageen madiina.

Aayadaha kale ee ay qasadka ka lumiyaan qolooyinka fidmada damacsan waxaa ka mid ah.

“وَقَاتِلُوا الْمُشْرِكِينَ كَافَّةً كَمَا يُقَاتِلُونَكُمْ كَافَّةً ۚ وَاعْلَمُوا أَنَّ اللَّهَ مَعَ الْمُتَّقِينَ (36)

“Ula dirira gaalada si buuxda sida ay iyaguba idiinla dirirayaan si buuxda”

Waxa aayadaas iyo kuwa la midka ah laga fahmi karo waa uun iska celiya gaalada dhamaantiin maadaama ay iyaguba idiinla dirirayaan si ay u dhan yihiin waayo qureysh iyo intii xulafada la ahaydba waxay ku kulansanaayeen la dagaalanka muslimiinta,micnuhuna maaha gaalo oo dhan idinka weerara oo duullaan ku qaada,sawabtoo ah inaan sidaas laga wadin waxaa u daliil ah waxaa jiray qabiilooyin carab ah oo iyaga oo gaalo ah misana nabiga scw is bahaysi kula jiray ama heshiis is nabad galin ah kala dhaxeeyay,

Dhab ahaantii tacaaliimta islaamka kuma taal meel tilmaamaysa in dadka diinta lagu khasbo ama sheegaysa in laysaga duuli karo iyaga oo aan kugu soo duulin.
Islaamku wuxuu u yimid xoriyad,wuxuuna ahaa kii ugu horeynba dalbaday in si nabad ah lagu wada noolaan karo iyada oo uu qof walba diintiisa haysto.

لَكُمْ دِينُكُمْ وَلِيَ دِينِ (6)
“Diintiina ayaad leedihiin anigana diintayda”

Wuxuu kaloo ale yiri:

“وَإِنْ كَذَّبُوكَ فَقُلْ لِي عَمَلِي وَلَكُمْ عَمَلُكُمْ أَنْتُمْ بَرِيئُونَ مِمَّا أَعْمَلُ وَأَنَا بَرِيءٌ مِمَّا تَعْمَلُونَ (41)

“Haday ku beeniyaan waxaad ku tiraahdaa aniga camalkayga ayaan leeyahay idinkuna camalkiina,idinku beri baad ka tihiin oo laydiin raacan maayo waxa aan aniga sameeyo,aniguna beri baan ka ahay oo la ii raacan maayo waxa aad samaynaysaan”.

Isku soo wada duuboo islaamku wuxuu si cad u qeexay inuusan marna u imaan inuu khasab ku meel mariyo fariinta badbaadada iyo wanaaga ah ee uu la yimid taasina waa mid ka muuqata nusuustiisa tirada badan ee aan la iska indho tiri karin.

‎ – قال تعالى : وَقُلِ الْحَقُّ مِنْ رَبِّكُمْ فَمَنْ شَاءَ فَلْيُؤْمِنْ وَمَنْ شَاءَ فَلْيَكْفُرْ إِنَّا أَعْتَدْنَا لِلظَّالِمِينَ نَارًا…..
“Xaqa wuxuu ka yimi xagga rabbihiin ninkii doonana ha rumeeyo kii doonana hayska diido,kuwa diida waxaan udiyaarinay naay…”.

‎-{لاَ إِكْرَاهَ فِي الدِّينِ قَد تَّبَيَّنَ الرُّشْدُ مِنَ الْغَيِّ فَمَنْ يَكْفُرْ بِالطَّاغُوتِ وَيُؤْمِن بِاللّهِ فَقَدِ اسْتَمْسَكَ بِالْعُرْوَةِ الْوُثْقَىَ لاَ انفِصَامَ لَهَا وَاللّهُ …
“Khasab xagga diinta ah ma jiro waayo wey kala cad yihiin hanuunka iyo baadida,ninkii iska diida daaquudka oo alle kaliya caabuda wuxuu qabsaday laan adag oo aan go’aynin”.

قلْ أَطِيعُوا اللَّهَ وَأَطِيعُوا الرَّسُولَ فَإِن تَوَلَّوا فَإِنَّمَا عَلَيْهِ مَا حُمِّلَ وَعَلَيْكُم مَّا حُمِّلْتُمْ “وَإِن تُطِيعُوهُ تَهْتَدُوا وَمَا عَلَى الرَّسُولِ إِلَّا الْبَلَاغُ الْمُبِينُ”

“Waxaad ku tiraahdaa war dadoow ilaahay iyo rasuulkiisa adeeca hadaad diidaan ogaada rasuulka waxaa la saaray oo uu masuul ka yahay wixii loo diray oo gaarsiin ah,idinkuna waxaad masuul ka tihiin wixii laydin saaray oo ah inaad adeecdaan iyo in kale,hadaad rasuulka adeecdaan waad hanuunaysaan,rasuulkana wax kale dushiisa maaha aan ka ahayn inuu si cad idiin soo gaarsiiyo xaqa iyo fariinta rabbi”.

“فَهَلْ عَلَى الرُّسُلِ إِلَّا الْبَلاغُ الْمُبِينُ”
“Oo ma wax kalaa rususha loo soo diraa aan ka ahayn gaarsiin cad mooyee”.

“وَمَا عَلَى الرَّسُولِ إِلَّا الْبَلاغُ الْمُبِينُ”
“Rasuulka looma soo dirin wax ka baxsan inuu si cad dadka xaqa ugaarsiiyo”

– فَذَكِّرْ إِنَّمَا أَنْتَ مُذَكِّرٌ لَسْتَ عَلَيْهِمْ بِمُسَيْطِرٍ.
“Waani oo wax usheeg waayo adiga mid waaninaya oo kaliya ayaad tahay,dushoodana qasab kuma lihid”.

– نَّحْنُ أَعْلَمُ بِمَا يَقُولُونَ ۖ وَمَا أَنتَ عَلَيْهِم بِجَبَّارٍ ۖ فَذَكِّرْ بِالْقُرْآنِ مَن يَخَافُ وَعِيدِ.
“Waan ognahay waxa ay oranayaan,adiguna ma tihid mid qasbaya iyaga ee quraanka kuwaani ciddii goodiga alle uu cabsi galinayo”.

– قَالَ يَا قَوْمِ أَرَأَيْتُمْ إِن كُنتُ عَلَىٰ بَيِّنَةٍ مِّن رَّبِّي وَآتَانِي رَحْمَةً مِّنْ عِندِهِ فَعُمِّيَتْ عَلَيْكُمْ أَنُلْزِمُكُمُوهَا وَأَنتُمْ لَهَا كَارِهُونَ (28).

“Nabi nuux wuxuu yiri qoomkayoow bal kawarama haddii aan haysto xujo cad oo xaga rabigay iiga timi oo uu isiiyay raxmad isaga agtiisa ka ahaatay,oo aad isla markaana idinku ka indho saaban tihiin,miyaan idinku laazimin karnaa idinkoo diidan arinkaas”

Aayadahaas iyo kuwo kale oo tiro badan waxy si buuxda u afjarayaan sheegashada kuwa islaamka ku been abuuranaya ee doonaya inay diinta islamka ka dhigaan mid hawtal hamag ah oo mar kasta ku mashquulsan dhiig daadin iyo dagaal.

Taariikhda iyo siiradu waxay marag ka yihiin in rasuulka scw uusan waligii galin dagaal aan lagu khasbin oo dagaalada uu galay oo dhan waxay ahaayeen kuwo uu isaga difaacayay dagaalo lagu soo qaaday ama uu kaga hortagayay duullaano qorsheysan oo lagu soo qaadi rabay.

Gaaladu iyaga ayay ahaayeen kuwa dagaalka ku bilaabay muslimiinta oo ilaahay isaga oo arintaas tilmaamaya ayuu yiri:-

“أَلَا تُقَاتِلُونَ قَوْمًا نَّكَثُوا أَيْمَانَهُمْ وَهَمُّوا بِإِخْرَاجِ الرَّسُولِ وَهُم بَدَءُوكُمْ أَوَّلَ مَرَّةٍ ۚ أَتَخْشَوْنَهُمْ ۚ فَاللَّهُ أَحَقُّ أَن تَخْشَوْهُ إِن كُنتُم مُّؤْمِنِينَ (13)

“War miyaydan la diriraynin oo aydaan iska dhicinaynin qoom ballantii idinkaga baxay oo damcay inay rasuulka barakiciyaan oo waliba ah kuwa dagaalka idinku bilaabay markii hore,oo miyaad ka cabsanaysaan ilaahay baa mudan inaad ka cabsataane”.

Muslimiintu mar kasta difaac ayay ahaayeen sida ku cad nusuus tiro badan oo faraysay muslimiinta inay ka fogaadaan dagaal kasta oo aan difaac ahayn ama aan iyaga lagu khasbin.

Oo ilaahay wuxuu yiri:-

‎ – أُذِنَ لِلَّذِينَ يُقَاتَلُونَ بِأَنَّهُمْ ظُلِمُوا ۚ وَإِنَّ اللَّهَ عَلَىٰ نَصْرِهِمْ لَقَدِيرٌ (39)
Waxaa la faray kuwan lala dirirayo ee la dulmiyay in ay is difaacaan ilaahayna waa karaa inuu u gargaaro.

‎وَلَوْ شَاءَ اللهُ لَسَلَّطَهُمْ عَلَيْكُمْ فَلَقَاتَلُوْكُمْ فَإِنِ اعْتَزَلُوْكُمْ فَلَمْ يُقَاتِلُوْكُمْ وَأَلْقَوْا إِلَيْكُمُ السَّلَمَ فَمَا جَعَلَ اللهُ لَكُمْ عَلَيْهِمْ سَبِيْلاً. (سورة النساء أية 90).

“Haddii alle doono gaalada wuu idinku salladi lahaa markaasay idinla diriri lahaayeen ee haddii ay idinka dheeraadaan oo aysan idinla diririn oo ay nabad idiinku baaqaan markaas alle idiinma yeelin jid aad kula dirirtaan”

Inaysan diintu islaamku diin dagaal iyo dulmi ahayn waxaa u daliil ah sida aysan dagaal joogto ah u doonaynin ee kuwa dulmiga wada kolay ku tahay hadii ay nabad iyo xabad joojin ku baaqaan looga aqbalayo oo islaamku wuxuu diiday in dagaal lagu sii wado haddii ay iyagu dhabaha nabadda doortaan.

‎ – وَإِن جَنَحُوا لِلسَّلْمِ فَاجْنَحْ لَهَا وَتَوَكَّلْ عَلَى اللَّهِ ۚ إِنَّهُ هُوَ السَّمِيعُ الْعَلِيمُ (61)

“Haday nabad soo bandhigaan ka aqbal oo allana talo saaro waayo waa mid maqla oo cilmi badane”.

Rasuulku scw wuxuu yiri:-

“لا تتمنوا لقاء العدو وسلوا الله العافية، فإذا لقيتموهم فاصبروا” رواه البخاري:

“Ha jeclaysanina inaad cadowga la kulantaan ilaahay samatabixin waydiista,haddii aad la kulantaana ku sabra is difaaciina”.

Diinta islaamku waxay ku baaqdaa dagaal karaameysan ama jihaad haddii dadka islaamka ah xuquuqdooda diiniga ah lagu xad gudbo oo loo diido inay si xor ah rabigood u caabudaan.

“انفِرُوا خِفَافًا وَثِقَالًا وَجَاهِدُوا بِأَمْوَالِكُمْ وَأَنفُسِكُمْ فِي سَبِيلِ اللَّهِ ۚ ذَٰلِكُمْ خَيْرٌ لَّكُمْ إِن كُنتُمْ تَعْلَمُونَ (41)

“Baxa idinkoo fudud ana idinkoo culus oo ku bixiya maalkiina iyo naftiina jidka alle taasaa idiin khayr badan haddii aad tihiin kuwo garanaya”

“وعن أنس بن مالك قال قال رسول الله صلى الله عليه وسلم لغدوة في سبيل الله أو روحة خير من الدنيا وما فيها”رواه مسلم.

“Anas ibnu maalik rc waxa uu rasuulka scw ka wariyay inuu yiri:-kallahaad ama caraabo jidka alle iyo difaaca diintiisa ah ayaa waxay ka khayr badan tahay waxa aduunyada saaran oo dhan”

Dagaalka karaamaysan ama jihaadka waxaa u shardi ah inay muslimiintu yihiin kuwo diyaarsan oo cudud iyo cadadba awooda inay iska caabiyaan dulmiga iyo gardarada lagu soo qaaday xoriyadooda iyo xuquuqdooda.oo ilaahay waxa uu yiri:

“وَأَعِدُّوا لَهُم مَّا اسْتَطَعْتُم مِّن قُوَّةٍ وَمِن رِّبَاطِ الْخَيْلِ تُرْهِبُونَ بِهِ عَدُوَّ اللَّهِ وَعَدُوَّكُمْ وَآخَرِينَ٠٠”

“U diyaarsada wixii aad awoodaan oo quwad ah iyo jalo barka fardaha ah idinka oo ku cabsi galinaya cadowga alle iyo cadowgiina”.

Hadii uusan kolkaa dagaal jirin oo dadka aan islaamka ahayn laga nabad galo iyaga islaamku wuxuu ogol yahay inuu nabad kula noolaado oo waliba usama falo iyaga oo xitaa ka diin duwan.

Oo ilaahay wuxuu yiri:-

“لَّا يَنْهَاكُمُ اللَّهُ عَنِ الَّذِينَ لَمْ يُقَاتِلُوكُمْ فِي الدِّينِ وَلَمْ يُخْرِجُوكُم مِّن دِيَارِكُمْ أَن تَبَرُّوهُمْ وَتُقْسِطُوا إِلَيْهِمْ ۚ إِنَّ اللَّهَ يُحِبُّ الْمُقْسِطِينَ (8) إِنَّمَا يَنْهَاكُمُ اللَّهُ عَنِ الَّذِينَ قَاتَلُوكُمْ فِي الدِّينِ وَأَخْرَجُوكُم مِّن دِيَارِكُمْ وَظَاهَرُوا عَلَىٰ إِخْرَاجِكُمْ أَن تَوَلَّوْهُمْ ۚ وَمَن يَتَوَلَّهُمْ فَأُولَٰئِكَ هُمُ الظَّالِمُونَ (9).

“Ilaahay idiinma diidin kuwa aan diin ahaan idiinla diriraynin oo aan guryihiina idinka saaraynin inaad usama iyo cadaalad fashaan waayo ilaahay waa jecel yahay kuwa cadaaladda samaynaya”
“Kaliya ilaahay wuxuu idiin diiday inaad xigaalo ka dhigataan kuwa diin ahaan idiinla diriraya ee guryahiina idinka saaraya ee isu gaashaan buursanaya barakicintiina,ciddii kuwa sidaa yeelaya xigaalo ka dhigata waa daalimiin”.

Ugu dambayntii walaalayaal waxaa cadaan ah in diintu islaamku tahay diin maslaxo iyo cadaalad u timid ee aysan ahayn diin dulmi iyo gardaro u timid,waxana shaki ku jirin in cid kasta oo isku dayda inay ka been sheegto ujeedooyinka sare ee diinta islaamka aysan ku guulaysan doonin marin habaabin iyo been abuur aan sal lahayn oo ku dhisan dano guracan iyo been la dhoodhoobay.

Related posts

Leave a Comment