XUJADA CAQLIGA IYO FIDRADA WAA XAAJO AAN LAGA MAARMIN OO UU ISLAAMKU FARAY

.

Waxyaabaha mudan in lagu baraarugo waxaa ka mid ah in ilaahay aadanaha u sameeyay garaad iyo fidro dabiici ah oo ay ku kala gartaan samaanta iyo xumaanta iyo dhibta iyo dheefta, fidradaas isma badasho haddii aysan dibadda oga imaan waxyaalo ka qaalib noqda oo afgambiya,fidradaas waa dabeecad sameys ah oo mar kasta ku amban gudaha aadanaha ismana badasho xitaa haddii uu ruuxo ku doorsoomo waxyaabo dibadda oga yimid oo jirro shaki ama shubho ah ku rida caqligiisa.
Garaadka aadanuhu wuu jiranaan karaa inta la doono kol haddii uu ku sumoobo afkaaraha dulanka wata ee dibadda ka soo weerara,waxayse aakhirka u badan tahay inuu qofka ka baskoodo kol kasta oo uu helo dawo la jaanqaadi karta dib u hanashada caqliga iyo fidrada asaasiga ah taas oo ah toosnaantii uu rabbi kolkii horeba ku beeray aadanahiisa.

Rasuulku scw wuxuu yiri isaga oo xagga rabbi ka soo warinaya:

((إِنِّي خَلَقْتُ عِبَادِي حُنَفَاءَ كُلَّهُمْ ، وَإِنَّهُمْ أَتَتْهُمُ الشَّيَاطِينُ فَاجْتَالَتْهُمْ عَنْ دِينِهِمْ ، وَحَرَّمَتْ عَلَيْهِمْ مَا أَحْلَلْتُ لَهُمْ ، وَأَمَرَتْهُمْ أَنْ يُشْرِكُوا بِي مَا لَمْ أُنْزِلْ بِهِ سُلْطَانًا))
“Aniga addoomadayda waxaan abuuray iyaga oo kulligood ah kuwo toosan oo samaanta iyo xumaanta kala yaqaana,shayaadiin ayaa u timid oo ka qafaalatay diintii toosneyd ee aan ku abuuray,kolkaasay waxay ka xarimeen wixii aan u xalaaleeyay,oo waxay fareen inay aniga cid kale igu lamaaniyaan oo ay iigu shariik yeelaan wax aysan xujo iyo cadeyn u heli karin”.

Aadanuhu oo ay ahmiyada iyo masuuliyadda dunida gaar ugu dhacayso waxaa la siiyay fidro iyo abuur wanaaga iyo xaqa u janjeerta inta badan,oo ilaahay waxa uu u sameeyay fidro iyo abuur inta badan sax ah haddii aysan luminin waxyaabo dibada kaga yimaada.

‎روى البخاري في صحيحه عن رسول الله صلى الله عليه وسلم أنه قال: (مَا مِنْ مَوْلُودٍ إِلاَّ يُولَدُ عَلَى الْفِطْرَةِ، فَأَبَوَاهُ يُهَوِّدَانِهِ أَوْ يُنَصِّرَانِهِ أَوْ يُمَجِّسَانِهِ).

“Qof kasta oo la dhalo waxaa lagu dhalaa toosnaan ee waalidkii uun baa ama yahuud ka dhiga ama nasaaro ka dhiga ama majuusi ka dhiga”.

Toosnaantaas waa midda loo irkado waqyiyada wax isku qasmaan ee uu insaanku ku wareero afkaaraha iska soo horjeeda ee haddii la doono qaarkood la diimaynayo.

Waayo rasuulka scw waxaa lagu yiri:-

‎”فَأَقِمْ وَجْهَكَ لِلدِّينِ حَنِيفًا ۚ فِطْرَتَ اللَّهِ الَّتِي فَطَرَ النَّاسَ عَلَيْهَا ۚ لَا تَبْدِيلَ لِخَلْقِ اللَّهِ ۚ ذَٰلِكَ الدِّينُ الْقَيِّمُ وَلَٰكِنَّ أَكْثَرَ النَّاسِ لَا يَعْلَمُونَ” .

“Ku toosi wajigaada diinta baraxa tiran,taasoo ah toosnaanta uu alle dadka ku abuuray,kuma dhaco alle abuurkiisa wax isbadal ah,waana midaas diinta haboon laakiin dadka badankood ma garanayaan”.

Bani aadamku haddii uu caqliga iyo fidrada si toos ah u adeegsado ma lumo,waana waxa kaliya ee ay ku xambaareen masuuliyadda cuslus oo uu ilaahayna ugu aaminay diimihiisa iyo fariimahiisa,

Nabi kasta oo ilaahay soo diro wuxuu la hadli jiray dadka caqligooda iyo fidradooda,wuxuuna soo gaarsiin jiray fariin wadata xujooyin caqli gal ah iyo mucjisooyin lagu kabay.

Quraanka rasuulkeena muxamad scw lala soo diray waxaa ka buuxa fariimo caqliga baraarujinaya iyo xujooyin maan gal ah oo uu ilaahay kula khidaabayo aadanaha caqligiisa.

‎افلا تعقلون….افلا تتفكرون….لقوم يعقلون….لقوم يتفكرون…. لاولي الباب…لاولي النهي…لاولي ابصار….

Iyo kuwo kale oo badan.

Wuxuu kale oo alle yiri isaga oo ku xujeynaya aadanaha caqligiisa.

‎﴿أَفَلَمْ يَسِيرُوا فِي الْأَرْضِ فَتَكُونَ لَهُمْ قُلُوبٌ يَعْقِلُونَ بِهَا أَوْ آذَانٌ يَسْمَعُونَ بِهَا فَإِنَّهَا لَا تَعْمَى الْأَبْصَارُ وَلَكِن تَعْمَى الْقُلُوبُ الَّتِي فِي الصُّدُورِ﴾

“Miyaysan dhulka ku socon iyaga oo leh qalbiyo ay wax ku gartaan ama dhago ay wax ku maqlaan,duulku ma indho beelin ee waxay beeleen qalbiyada garasho ee laabta ugu jira”

Inta badan quraanka iyo sunada waxay caqliga hoy oga dhigaan qalbiga,taasna kama hor imanayso ogaanshaha la og yahay waqtigan in maskaxdu tahay halka uu caqliga saamaynta ugu culus ku leeyahay,taasna meelo kale ayay diintu ku ishaartay,waxase dhowaan la ogaaday in unugyada ugu muhiimsan maskaxda ay qalbiga ka bilowdaan.

Rasuulku scw nin u yimi oo doonaya inuu su’aalo samafalka ku saabsan waydiiyo ayuu ku yiri nafsadaada waydii oo samafalku waa dabeecada wanaagsan dambiguna waa waxa aad ka labalabeyso ee aysan naftaadu ku xasili karin,arinku waa saas haday doonaan dadka wax fadwooda waxay doonaan ha kuu fadwoodeene.

‎عن النواس بن سمعان الأنصاري قال : سألت رسول الله صلى الله عليه وسلم عن البر والإثم ، فقال : البر حسن الخلق ، والإثم ما حاك في صدرك وكرهت أن يطلع عليه الناس رواه مسلم .

Inta badan dadku waxaa rusul loo soo diri jiray marka ay ka lumaan fidrada iyo toosnaanta uu rabbi hore ugu borogram gareeyay,rusushana waxa ugu badan oo ay qabato waxay ahayd ucaqli celin ay dadka u caqli celiyaan iyo toosin ay fidradii lagu abuuray dib ugu toosiyaan dadka.

Rasuulka scw markay ka hor yimaadeen dadkii nolosha ku dulloobay ee uu doonayay inuu toosiyo oo ay isaga waali ku sheegeen waxaa lagu yiri ku dheh:-

‎”قُلْ إِنَّمَا أَعِظُكُم بِوَاحِدَةٍ ۖ أَن تَقُومُوا لِلَّهِ مَثْنَىٰ وَفُرَادَىٰ ثُمَّ تَتَفَكَّرُوا ۚ مَا بِصَاحِبِكُم مِّن جِنَّةٍ”

“Waxaad ku tiraahdaa hal arin uun baan idinku waaninayaa oo ah inaad isu taagtaan dar alle idinka oo ah laba laba iyo mid mid ka dibna aad fikirtaan waxaad ogaan doontaan inuusan saaxiibkiin waalneen”.

Marar badan oo u rasuulka scw kala hadlayay kuwii ku diidanaa waxdaaniyada rabigood daliilada ugu waaweyn ee uu kula doodayay waxay ahaayeen kuwo koonka iyo caqliga quseeya.

‎”قُلِ انظُرُوا مَاذَا فِي السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ ۚ وَمَا تُغْنِي الْآيَاتُ وَالنُّذُرُ عَن قَوْمٍ لَّا يُؤْمِنُونَ (101)
“Waxaad ku tiraahdaa bal eega waxa samaawaadka iyo dhulka ku sugan,ee awoodda alle iyo maamulkiisa ah,maxayse ka tari kartaa aayadaha iyo digniinada qoom aan rumaysneyn”.

Shaki waxaan lahayn in Alle aadanaha ku abuuray garasho uu kula xujaytami karo,kolkay ka lumeena wuxuu u soo dajiyay diimo ay daadihinayaan ergooyin dadka u caqli celisa oo tusta dariiqii toosnaa ee ay ka lumeen..in yeesha iyo in kibir u diidaba.

Waxayse mashaqada ugu daran dhacdaa kolka diimihii daawada ahaa ee loo soo dajiyay inay dadka ku soo celiyaan dowga caqliga iyo fidrada toosan isla iyagii lagu soo dhex daro fayras ka horjeeda caqligii uu alle umadda kula xujaytami lahaa maalinka qiyaame oo dadkii laga dhaadhiciyo in diin iyo caqli aysan shaqo isku lahayn ama lagu yiraahdo diin iyo caqli isma galaan.

Suura gal maaha inuu Alle inta aadanahiisa ku abuuray fidro iyo caqli uu kula xujaytamo misana yiraahdo ma isticmaali kartaan,oo ay kolkaa halkaa ka dhacdo inay dadku qaarkood diimaystaan waxyaabo ku xun garashada toosan oo ay yiraahdaan ilaahay ayaa sidaa na faray.

“وَإِذَا فَعَلُوا فَاحِشَةً قَالُوا وَجَدْنَا عَلَيْهَا آبَاءَنَا وَاللَّهُ أَمَرَنَا بِهَا ۗ قُلْ إِنَّ اللَّهَ لَا يَأْمُرُ بِالْفَحْشَاءِ ۖ أَتَقُولُونَ عَلَى اللَّهِ مَا لَا تَعْلَمُونَ “•
“Goortay sameeyaan wax foolxun ayay oranayaan aabayaasheen ayaan ka soo gaarnay ilaahayna sidaasuu na faray,waxaad ku tiraahdaa ilaahay ma faro foolxumo iyo wax xilli ee ma waxaad ilaahay ka sheegaysaan wax aydun cilmi u lahay”

Tiiyoo la og yahay inuu ilaahay sareeye mar kasta ka nasahan yahay xumaan oo idil oo uusan aadanahiisa marna farin inay ku kacaan wax xun oo caqliga iyo garaadka toosan ee aadanaha aqbali karin.

“وَلِلَّهِ الْمَثَلُ الْأَعْلَىٰ ۚ وَهُوَ الْعَزِيزُ الْحَكِيمُ”
“Ilaahay matal sare ayuu leeyahay waana mid ay tiisa socoto oo fal suuban”.

Related posts

Leave a Comment