WAXYEELADA DAD CEEBEYNTU LEEDAHAY

 

Qof dad ceebeynaya lama dhagaysto,hadaad dhagaysatana lama rumeysto,sidaas ayaa dariiqa toosan ah.
Ilaahay iyo rasuulkiisa scw waxay si ku celcelis ah inoogu sheegeen in ceebaha la asturo ay waajib tahay,in la fidiyo ceebna ay xaaraam tahay.

-وَلَا تَقْفُ مَا لَيْسَ لَكَ بِهِ عِلْمٌ ۚ إِنَّ السَّمْعَ وَالْبَصَرَ وَالْفُؤَادَ كُلُّ أُولَٰئِكَ كَانَ عَنْهُ مَسْئُولًا .
“Ha raac-raacin waxa xun ee aadan ogaal u lahayn waayo maqalka iyo araga iyo qalbigaba mid kasta wax baa layska weydiin doonaa maalinka qiyaame”.

Sideedaba hadal xun oo ceeb iyo aflagaaddo shakhsi ama dad ku saabsan lama dhagaysto lamana rumeeyo,inaad rumeyso xumaan qof laga sheegayo ayaaba dambi ah oo taa badalkeed inaad beeniso xumaanta aad maqashay ayaa waajib ah oo ilaahay kol uu mu’miniinta kala hadlayay arintaas wuxuu yiri:

-لَّوْلَا إِذْ سَمِعْتُمُوهُ ظَنَّ الْمُؤْمِنُونَ وَالْمُؤْمِنَاتُ بِأَنفُسِهِمْ خَيْرًا وَقَالُوا هَٰذَا إِفْكٌ مُّبِينٌ .
“Oo kolkii aad maqasheen ceebta maxay ragga iyo dumarka mu’miniinta ah naftooda khayr isugu maleyn waayeen oo ay u oran waayeen waxani waa been abuur cad”.

Ceebeyn la maqlay oo misna la fidiyay ilaahay waxa uu ka dhigay dambi cadaab weyn lagu mudanayo oo ilaahay wuxuu yiri:-

“إِنَّ الَّذِينَ يُحِبُّونَ أَن تَشِيعَ الْفَاحِشَةُ فِي الَّذِينَ آمَنُوا لَهُمْ عَذَابٌ أَلِيمٌ فِي الدُّنْيَا وَالْآخِرَةِ ۚ وَاللَّهُ يَعْلَمُ وَأَنتُمْ لَا تَعْلَمُونَ “
“Kuwa jecel inay foolxumada iyo ceebta ku faafto mu’miniinta waxay leeyihiin cadaab daran Adduun iyo aakhiraba,ilaahay baa wax walba og idinku waxba ma ogidiin”.

Waqtigii lagu been abuurtay Mu’miniinta hooyadood caa’isha ilaahay ha ka raali noqdee,ilaahay wuxuu dadkii rasuulka scw la noolaa oo asxaabtiisa u badnaa u sheegay inay khatar ku galeen oo ay cadaab ku mudan gaareen foolxumadii iyo ceebtii laysla dhex maray darteed.

-وَلَوْلَا فَضْلُ اللَّهِ عَلَيْكُمْ وَرَحْمَتُهُ فِي الدُّنْيَا وَالْآخِرَةِ لَمَسَّكُمْ فِي مَا أَفَضْتُمْ فِيهِ عَذَابٌ عَظِيمٌ.
“Haddii aysan ahayn ilaahay raxmadiisa uu idinku galadeystay adduun iyo aakhiro,waxaa idin haleeli lahaa cadaab weyn ceeb fidintii aad isla dhex qaadeen darteed.

Ilaahay in ceebaha la asturo wuxuu ku daray waxyaabaha waaweyn ee isaga loogu dhowaado oo lagu kasbado dambidhaaf iyo asturnaan.

Rasuulka scw wuxuu yiri:-

“من نفس عن مؤمن كربة من كرب الدنيا نفس الله عنه كربة من كرب يوم القيامة، ومن يسر على معسر يسر الله عليه في الدنيا والآخرة، ومن ستر مسلمًا ستره الله في الدنيا والآخرة، ”
“Qofkii kurbo aduunyo ka fayda qof muumin ah ilaahay baa isna ka fayda kurbo ka mid ah kurbooyinka aakhiro,qofkii ka fududeeya mid ay dayni cusleysay oo ama ka bixiya ama u daaya ilaahay baa adduun iyo aakhiraba nolol wanaagsan u fududeeya,qofkii astura ceeb qof muslim ah ceebtiisa ilaahay baa astura adduun iyo aakhiraba”.

Imaamu shaafici ilaahay ha u naxariistee waxa uu ku gabyay:-

اذارمتَ أنْ تَحيا سَليماً مِن الأذى *** وَ دينُكَ مَوفورٌ وعِرْضُكَ صَيِنُّ
لِسانُكَ لا تَذكُرْ بِهِ عَورَةَ امرئٍ *** فَكُلُّكَ عَوراتٌ وللنّاسِ ألسُنُ
وعَيناكَ إنْ أبدَتْ إليكَ مَعايِباً *** فَدَعها وَقُلْ يا عَينُ للنّاسِ أعيُـنُ
وعاشِرْ بِمَعروفٍ وسامِحْ مَن اعتَدى *** ودَافع ولكن بالتي هِيَ أحسَنُ.

Haddii aad doonayso inaad dhibaato la’aan noolaato oo diintaadu wanaagsanaato sharaftaadana dhowrsanaato.
Carabkaaga ha ku sheegin ceeb dad leeyihiin waayo adigaba ceebo ayaad leedahay dadkuna waxay leeyihiin carrab ay ceebtaada ku sheegi karaan.
Indhahaada haddii ay ceeb arkaan ka gudub oo ku dheh naftaada dadkuba indho ay ceebtaada ku arkaan ayay leeyihiin.
Dabeecad san dadka kula dhaqan oo saamax midk kugu xadgudba,oo ha kaa soo fulo mar walba waxa haboon.

Related posts

Leave a Comment