ISU DULQAADASHADA AFKAARAHA WAA ASTAAN XAQ,IS KHASABKUNA WAA ASTAAN BAADIL..

 

Dhab ahaantii hadaan iraahdo inta aan ka aqaan kaliya aad ka qortid astaamaha arinkaa uu darsiga kanu daaran yahay ma dhacayso in maqaal kaliya koobo oo waxaa laga allifi karaa kutub majalado ah oo uusan ilaa iyo iminku maanku koobi karin inta ay noqonayaan,ee aniga oon is dhibin bal aan isku dayo inaan aashay darsiga ku idleeyo ishaarooyin aad u kooban oo u badan aayado quraanka kariimka ah.

Ugu horeyn dadka ahlul xaqa ah ee ay adeegayaasha Alle hormuudka u yihiin waa dad nasteexo badan oo aadanaha khayr iyo wanaag la jecel oon iyaga oon iskalifaynin oon cidna khasbeynin dadka aayar wax ugu sheega una gudbiya fariimaha xagga rabbi ka yimid ee ay iyagu xaqa u yaqaaniin..

Ilaahay mar uu arintaa inoo tilmaamayay waxa uu yiri:-

قلْ أَطِيعُوا اللَّهَ وَأَطِيعُوا الرَّسُولَ فَإِن تَوَلَّوا فَإِنَّمَا عَلَيْهِ مَا حُمِّلَ وَعَلَيْكُم مَّا حُمِّلْتُمْ “وَإِن تُطِيعُوهُ تَهْتَدُوا وَمَا عَلَى الرَّسُولِ إِلَّا الْبَلَاغُ الْمُبِينُ”

“Waxaad ku tiraahdaa war dadoow ilaahay iyo rasuulkiisa adeeca hadaad diidaan ogaada rasuulka waxaa la saaray oo uu masuul ka yahay wixii loo diray oo gaarsiin ah,idinkuna waxaad masuul ka tihiin wixii laydin saaray oo ah inaad adeecdaan iyo in kale,hadaad rasuulka adeecdaan waad hanuunaysaan,rasuulkana wax kale dushiisa maaha aan ka ahayn inuu si cad idiin soo gaarsiiyo xaqa iyo fariinta rabbi”.

“فَهَلْ عَلَى الرُّسُلِ إِلَّا الْبَلاغُ الْمُبِينُ”
“Oo ma wax kalaa rususha loo soo diraa aan ka ahayn gaarsiin cad mooyee”.

“وَمَا عَلَى الرَّسُولِ إِلَّا الْبَلاغُ الْمُبِينُ”
“Rasuulka looma soo dirin wax ka baxsan inuu si cad dadka xaqa ugaarsiiyo”

– فَذَكِّرْ إِنَّمَا أَنْتَ مُذَكِّرٌ لَسْتَ عَلَيْهِمْ بِمُسَيْطِرٍ.
“Waani oo wax usheeg waayo adiga mid waaninaya oo kaliya ayaad tahay,dushoodana khasab kuma lihid”.

– نَّحْنُ أَعْلَمُ بِمَا يَقُولُونَ ۖ وَمَا أَنتَ عَلَيْهِم بِجَبَّارٍ ۖ فَذَكِّرْ بِالْقُرْآنِ مَن يَخَافُ وَعِيدِ.
“Waan ognahay waxa ay oranayaan,adiguna ma tihid mid khasbaya iyaga ee quraanka kuwaani ciddii goodiga alle uu cabsi galinayo”.

– قَالَ يَا قَوْمِ أَرَأَيْتُمْ إِن كُنتُ عَلَىٰ بَيِّنَةٍ مِّن رَّبِّي وَآتَانِي رَحْمَةً مِّنْ عِندِهِ فَعُمِّيَتْ عَلَيْكُمْ أَنُلْزِمُكُمُوهَا وَأَنتُمْ لَهَا كَارِهُونَ (28).

“Nabi nuux wuxuu yiri qoomkayoow bal kawarama haddii aan haysto xujo cad oo xaga rabigay iiga timi oo uu isiiyay raxmad isaga agtiisa ka ahaatay,oo aad isla markaana idinku ka indho saaban tihiin,miyaan idinku laazimin karnaa idinkoo diidan arinkaas”.

-وَإِن كَذَّبُوكَ فَقُل لِّي عَمَلِي وَلَكُمْ عَمَلُكُمْ ۖ أَنتُم بَرِيئُونَ مِمَّا أَعْمَلُ وَأَنَا بَرِيءٌ مِّمَّا تَعْمَلُونَ .
“Haday ku beeniyaan waxaad ku tiraahdaa waxaan leeyahay camalkayga idinkuna waxaad leedihiin camalkiina,idinku beri ayaad ka tihiin oo la idiin raacan maayo waxa aan anigu sameeyo,aniguna beri ayaan ka ahay oo la iiraacan maayo waxa aad sameyneysaan

Walalayaal sida aan arkayno ee ay uhadlayaan aayadahan quraanka iyo kuwo kaloo fara badanba wali sheeko iyo shaahid midna laguma sheegin nabi ilaahay soo diray oo xoog iyo qasab iyo handadaad u adeegsaday risaaladii uu rabbi la soo diray.

Taa badalkeed dadka ahlul baadilka ah ayaa lagu yaqaan inay waligood xoog iyo khasab iyo jujuub iyo caga juglayn isku dayi jireen inay xaqa ku hor joogsadaan.

قَالَ فِرْعَوْنُ آمَنتُم بِهِ قَبْلَ أَنْ آذَنَ لَكُمْ ۖ إِنَّ هَٰذَا لَمَكْرٌ مَّكَرْتُمُوهُ فِي الْمَدِينَةِ لِتُخْرِجُوا مِنْهَا أَهْلَهَا ۖ فَسَوْفَ تعلمون

” oo ma waxaad rumayseen anigoon idiin fasaxin,arinkan waa dhagar aad magaalada u maleegteen si aad ehelkeeda oga saartaan waadna ogaan doontaan waxa idinku dhaca”

– قَالَ أَرَاغِبٌ أَنتَ عَنْ آلِهَتِي يَا إِبْرَاهِيمُ ۖ لَئِن لَّمْ تَنتَهِ لَأَرْجُمَنَّكَ.
” Aazara wuxuu yiri: ibraahinow ma waxaad keentay inaad ilaahyadayda nacdo oo aad wax ka sheegto,hadaadan ka joogin dhagax baan kugu dili”

– قَالُوا لَئِنْ لَمْ تَنْتَهِ يَا نُوحُ لَتَكُونَنَّ مِنَ الْمَرْجُومِينَ.
Waxay dhaheen nuuxoow hadaadan ka joogin waxa aad waddo waxaad ka mid noqon doontaa kuwa dhagaxa lagu dilo.

-( قَالُوا أَوَلَمْ نَنْهَكَ عَنِ الْعَالَمِينَ )
“Luudow miyaanan kaa reebin inaad dadka la hadasho oo aad meelaha wax ka sheeg-sheegto”

{13} وَقَالَ الَّذِينَ كَفَرُوا لِرُسُلِهِمْ لَنُخْرِجَنَّكُمْ مِنْ أَرْضِنَا أَوْ لَتَعُودُنَّ فِي مِلَّتِنَا.
“Kuwii xaqa diiday waxay ku yiraahdeen rusushii loo diray laba mid soo gala inaan dhulkeena idinka saarno iyo inaad diinteena ku soo noqotaan”

… إِنَّهُ لَكَبِيرُكُمُ الَّذِي عَلَّمَكُمُ السِّحْرَ فَلَأُقَطِّعَنَّ أَيْدِيَكُمْ وَأَرْجُلَكُمْ مِنْ خِلَافٍ وَلَأُصَلِّبَنَّكُمْ فِي جُذُوعِ النَّخْلِ وَلَتَعْلَمُنَّ أَيُّنَا أَشَدُّ عَذَابًا وَأَبْقَى.
” Muuse waa midka ugu weyn ee sixirka idin baray,waxaan idinka guri gacmaha iyo lugaha markaasaan idinku salbin timirta jirideeda,waxaadna ogaan doontaan bal kaayaga cadaab daran ee baaqi noqda”

Walaalayaal mar hadaan intaa ogaanay waxaan shaki ku jirin in xaqa iyo ehelkiis aysan marna xoog ku meel marin sugnaanshaha xaqa ee ay garanayeen in uu ubaahan yahay xigmad iyo dhimrin ilaahayna isagoo taa ka duulaya ayaa uu rusushiisa zaad oga dhigi jiray dhimrin iyo akhlaaq suuban ee saraysa.

فَبِمَا رَحْمَةٍ مِّنَ اللّهِ لِنتَ لَهُمْ وَلَوْ كُنتَ فَظّاً غَلِيظَ الْقَلْبِ لاَنفَضُّواْ مِنْ حَوْلِكَ فَاعْفُ عَنْهُمْ وَاسْتَغْفِرْ لَهُمْ وَشَاوِرْهُمْ فِي الأَمْرِ.

“Raxmad rabbi xagiisa ka ahaatay darteed ayaad ugu jilicsanaatay hadaad ahaan lahayd mid dabci qalafsan oo qalbi adag way kaa kala yaaci lahaayeen ee iska cafi oo udambi dhaaf dalab arimahana kala tasho”

﴿اذْهَبَا إِلَى فِرْعَوْنَ إِنَّهُ طَغَى (43) فَقُولَا لَهُ قَوْلاً لَيِّناً لَعَلَّهُ يَتَذَكَّرُ أَوْ يَخْشَى (44)﴾.
Muuse iyo haaruunow fircoon utaga wuu xad gudbaye oo hadal jilicsan kula hadla waxaa dhici karta inuu waansamo ama uu rabi ka cabsado eh”

Ilaahay sareeye waa ogaa inuusan fircoon waan samaynin ee tani waa usluub laynagu barayo inaad xaqa ku gudbino si dhimrin iyo aayar ah.

Dadka ahlul xaqa ah marna kama walwalaan inuu xaqa xujo ku guuleysan karo oo ma miciin bidaan caro iyo gacan ka hadal waayo waxay og yihiin inaan xaqa marna laga xujo badin karin.

Ilaahay oo arintaa ina hoga tusaaleynayana wuxuu yiri:-

– بَلْ نَقْذِفُ بِالْحَقِّ عَلَى الْبَاطِلِ فَيَدْمَغُهُ فَإِذَا هُوَ زَاهِقٌ ۚ وَلَكُمُ الْوَيْلُ مِمَّا تَصِفُونَ (18)
“Xaqa ayaan ku ganaynaa baadilka markaas ayuu maskaxda ka abbaarayaa misna suulinayaa,idinkuna waxaa idiin sigan qiyaama hoog iyo halaag daran beenintiina darteed”

Xaqu iyo ehelkiisama yaqaanaan inay adduunyada kaga aarsadaan afkaaraha ka hor yimaada ee umuuraha eebe ayay udaayaan

Sidaa darteed quraanka waxaa ku badan aayadaha uu alle rasuulkiisa ku amrayo inuu ka jeensado oo uusan dan ka galin kuwa diida xaqa iyo afkaarahoodaba.

– أُولَٰئِكَ الَّذِينَ يَعْلَمُ اللَّهُ مَا فِي قُلُوبِهِمْ فَأَعْرِضْ عَنْهُمْ وَعِظْهُمْ وَقُل لَّهُمْ فِي أَنفُسِهِمْ قَوْلًا بَلِيغًا ( 63).
“Kuwaasi alle waa ogyahay waxa quluubtooda ku jira ee ka jeenso oo waani kuna dheh naftooda hadalo xeel dheer”

– { فَأَعْرِضْ عَنْهُمْ وَانْتَظِرْ إِنَّهُمْ مُنْتَظِرُونَ }
“Ka jeenso xagooda oo u sug iyagu waa kuwo loo kaadinayo e”

– *{فَأَعْرِضْ عَنْهُمْ وَتَوَكَّلْ عَلَى اللَّهِ وَكَفى بِاللَّهِ وَكِيلً} [النساء: 81].
“Ka jeenso kuwa xaqa diiday oo alle talo saaro waayo alle waa mid ku filan inuu wakiil ka noqdo ciddii tala saarata”.

– … وَذَرِ الَّذِينَ اتَّخَذُوا دِينَهُمْ لَعِبًا وَلَهْوًا وَغَرَّتْهُمُ الْحَيَاةُ الدُّنْيَا ﴿٧٠ الأنعام﴾
“Ka tag oo faraha ka qaad kuwa diintooda ka dhigtay cayaar cayaar oo ku kadsoomay xayaatada dunida ee gaaban”

– وَنَذَرُهُمْ فِي طُغْيَانِهِمْ يَعْمَهُونَ ﴿١١٠ الأنعام﴾
“Faraha ayaan ka qaadaynaa oo waxaan oga dhex tagaynaa kibirka iyo qooqa ay dhex dabaalanayaan tan iyo maalinka xisaabta”.

-وكذالك جعلنا لِكُلِّ نَبِيٍّ عَدُوًّا شَيَاطِينَ الْإِنسِ وَالْجِنِّ يُوحِي بَعْضُهُمْ إِلَىٰ بَعْضٍ زُخْرُفَ الْقَوْلِ غُرُورًا ۚ وَلَوْ شَاءَ رَبُّكَ مَا فَعَلُوهُ ۖ فَذَرْهُمْ وَمَا يَفْتَرُونَ (112).
“Sidaasoo kale ayaan oga yeelnay nabi kasta shayaadiin jini ah iyo kuwa insi ah oo isu gudbinaya hadalo farsamaysan oo ay ku kadsoon yihiin,hadduusan rabigaa doonin sidaasi ma aysan yeeleen ee isaga tag iyaga oo isu daa iyaga iyo waxa ay been abuuranayaan”

– فَذَرْهُمْ يَخُوضُوا وَيَلْعَبُوا حَتَّى يُلَاقُوا يَوْمَهُمُ الَّذِي يُوعَدُونَ (42).
“Iska dhaaf oo faraha ka qaad ha iska dhex dabaasheen baadilkooda oo ha iska cayaareen ilaa ay ka gaaraan oo ay la kulmaan maalinka loo yaboohay ee qiyaamaha ah”.

– {ذَرْهُمْ يَأْكُلُواْ وَيَتَمَتَّعُواْ وَيُلْهِهِمُ الأَمَلُ فَسَوْفَ يَعْلَمُونَ}.
“Ka tag oo faraha ka qaad ha iska cuneen oo ha iska raaxaysteen oo ha ku mashquuleen hididiilooyinka dunida mar dambe ayayse ogaan doonaan”

Walaalayaal sidaan arkayno lama soo koobi karo aayadaha muujinaya dulqaadka xaqa iyo ehelkii iyo inaan xoog lagu dayin sugnaanshaha xaqa,ee umuuraha rabbi loo daayo waayo alle nagama codsan inaan caburino afkaaraha xaqa diidan ee isaga ayaa yiri ii daaya aniga.

Nacam xaqa haddii laysku dayo in xoog lagu hor joogsado xoog waa lagu difaaci markaas oo waa banaan tahay haddii ay itaal iyo awood ku filan haystaan ahlul xaqu,

laakiin inta ay arintu taagan tahay afkaar iyo niqaash adiga ha noqonin mid gacan qaad miciin bida waayo xaqa xoog kuma sugnaado waase lagu difaacaa haddii lagu soo duulo oo awoodna loo leeyahay isdifaaca.

Ugu dambayntii waxaan rabiga sare ka baryayaa inuu wadada wanaagsan ina waafajiyo.

Related posts

Leave a Comment