ISLAAMKA IYO FALAGGA (ORBIT)KA

 

Islaamku Masaadirtiisa saxiixa ah sida quraanka iyo sunada raacsan marna kama hor imaanin cilmiga iyo aqoonta dhab loo hubiyay ee aadanuhu ka gaaray sida ay u shaqeeyaan dunida rabbi abuuray iyo falagga la halmaala ee ay qorraxda iyo dayaxa iyo meerayaalka kalaba ka mid yihiin.

Waxaa kale oo in la ogaado mudan in asal uusan quraanku u imaan inuu dadka saynis baro,ee uu u yimid inuu dadka baro kuna xiro rabigii abuuray iyaga iyo dunidaba si ay u caabudaan,sayniska iyo aqoonta kalana Alle wuxuu u xilsaaray aadanaha maadaama uu dunida iyaga khaliif oga dhigay una yeelay caqli iyo garaad ay ku fahmi karaan kuna fududeysan karaan nolosha dunida.

Ilaahay wuxuu siiyay Aadana ishaarooyin iyo tilmaamo uu ku farayo insaanka in ay dunidan toodii tahay loona dulleeyay oo hayin looga dhigay iyaga isla markaana loo fasaxay inay dabo iyo dacalba ugu socdaan soona ogaadaan siraha ku qarsoon kana faa’iidaystaan macluumaadka ay soo fahmaan.

“هُوَ الَّذِي جَعَلَ لَكُمُ الْأَرْضَ ذَلُولًا فَامْشُوا فِي مَنَاكِبِهَا وَكُلُوا مِن رِّزْقِهِ ۖ وَإِلَيْهِ النُّشُورُ ”
“Alle waa midka idinkaga yeelay dunida mid idiin dulleysan oo hayin idiin ah ee ku socda dacaladeeda oo cuna risqiga Alle xagiisa uun baa laydiin celin doonaaye”.

“وَلَقَدْ كَرَّمْنَا بَنِي آدَمَ وَحَمَلْنَاهُمْ فِي الْبَرِّ وَالْبَحْرِ وَرَزَقْنَاهُم مِّنَ الطَّيِّبَاتِ وَفَضَّلْنَاهُمْ عَلَىٰ كَثِيرٍ مِّمَّنْ خَلَقْنَا تَفْضِيلًا “
“Bani aadamkii waan karaameynay waxaanan ku xambaarnay bad iyo barriba oo waxaan ku irsaaqnay waxyaalaha wanwanaagsan,oo waxaan ka fadilnay oon ka saraysiinay waxyaalo badan oo wixii aan abuurnay ka mid ah”.

Sidaa darteed aadanaha Alle abuuray waligiiba fasax ayuu u qabay inuu la legdamo nolosha dunida oo uu ula falgalo hadba inta garaadkiisa korayo,islaamkuna ma hor istaagin ogaanshaha waxa cusub iyo aqoonta iyo tacliinta ee bal wuuba tirtirsiiyay oo dhiirigaliyay sida ku cad tacaaliimta diinta islaamka.

Arimaha falaga ku saabsan wali lama hayo aqoon soo korortay oo misna dhab loo hubiyay oo si cad loo oran karo islaamku wuu khilaafay.

Ilaahay dhulka iyo qoraxda iyo dayaxa iyoo meerayaasha kalaba meelo kala duwan ayuu oga hadlay waxna oga tilmaamay sida ay u shaqeeyaan.

“وَهُوَ الَّذِي خَلَقَ اللَّيْلَ وَالنَّهَارَ وَالشَّمْسَ وَالْقَمَرَ ۖ كُلٌّ فِي فَلَكٍ يَسْبَحُونَ ”
“Ilaahay waa midka abuuray habeenka iyo maalinta iyo qorraxda iyo dayaxa mid kasta oo kuwaas ka mid ahina waxay dhex dabaashaan falag (orbit).

Culimada qaybtood waxay yiraahdeen habeen iyo maalin jismi leh oo qorraxda iyo dayaxa falag kula jira ma jiraan ee waxaa loo jeedaa waa halka habeenka iyo maalinta laga dareemo oo dhulka ah waayo dhulka weeye midka falaga kula dabaasha qorraxda iyo dayaxa iyo meerayaalka kalaba.

Haddii saynisku sheegay inuu dhulku wareego oo ay wareegaas ka dhashaan habeenka iyo maalinta,intaas quraanku ma diidin bal aayado laga fahmayo inay habeenka iyo maalinku qaab wareeg ah ku yimaadaan ayuu Alle quraanka ku sheegay.

“خَلَقَ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضَ بِالْحَقِّ ۖ يُكَوِّرُ اللَّيْلَ عَلَى النَّهَارِ وَيُكَوِّرُ النَّهَارَ عَلَى اللَّيْلِ ۖ وَسَخَّرَ الشَّمْسَ وَالْقَمَرَ ۖ كُلٌّ يَجْرِي لِأَجَلٍ مُّسَمًّى ۗ أَلَا هُوَ الْعَزِيزُ الْغَفَّارُ “
“Samaawaadka iyo Arlada ayuu Alle si dhab ah u abuuray,wuxuuna qaab wareeg ah habeenka oga dul keenaa maalinta sidoo kalana wuxuu qaab wareeg ah maalinta oga dulkeenaa habeenka,waana midka sakhiray qorraxda iyo dayaxa oo mid kasta oo kuwa ka mid ahi wuxuu ku socdaa waqti jaan go’an oo xisaabsan,war baraaruga eh Allaha sidaas ah waa midka ay tiisa soconayso oo dambiyadana dhaafa”.

Wuxuu kale oo Alle sheegay in isasaameynta qaab wareegga qorraxda iyo dayaxa iyo dhulka falagga (orbitka)ku wada jira uu ka dhasho habeenka iyo maalinta. 

“لَا الشَّمْسُ يَنبَغِي لَهَا أَن تُدْرِكَ الْقَمَرَ وَلَا اللَّيْلُ سَابِقُ النَّهَارِ ۚ وَكُلٌّ فِي فَلَكٍ يَسْبَحُونَ”

“Ma dhici karto in qorraxdu dayaxu gaarto oo uu habeenkuna maalinta ka soo hormaro,mid kasta oo ka mid ahi qorraxda iyo dayaxa iyo halka habeenka iyo maalinka laga dareemo oo dhulka ahi wuxuu dhex dabaashaa falag (orbit).

Cabdullahi ibnu cabaas rc oo fasiraya qaabka ay falaga u dabaashaan meerayaasha wuxuu yiri:-

عن ابن عباس، قوله ( وَكُلٌّ فِي فَلَكٍ يَسْبَحُونَ )  اي يسبحون دورانا،

“Waxay u dabaalanayaan qaab wareeg ah”.

Saynisku wuxuu kol sii horaysay yiri qorraxdu ma socoto,kol danbe oon siiba dheereyna waxay xaqiijiyeen falagyahanadu inay qorraxdu socoto socod kadle oo kale ah oo u eg midka fardaha oo ay meel iyada u gaar ah ku samayso.

Quraankuna wuxuu yiri qorraxdu way socotaa socod kadlaha fardaha oo kale ah oo ay ku samayso meel iyada u gaar ah.

“وَالشَّمْسُ تَجْرِي لِمُسْتَقَرٍّ لَّهَا ۚ ذَٰلِكَ تَقْدِيرُ الْعَزِيزِ الْعَلِيمِ “
“Qoraxdu waxay ku oroddaa-kadleysaa-meel iyada u gaar ah,arintaasna waa jaangoyn Allaha casiiska ah ee cilmiga badan xagiisa ka ahaatay”.

Quraanku ma sheegin qorrax dunida dul meeraysata ee wuxuu sheegay qorrax ku dhaqdhaqaaqda meel iyada u gaar ah intaasna waa inta uu saynisku iminka ogaaday.

Waxaa jira qolo dadka ku khalda oo muslimiinta ku tashwiishiya in quraanku sheegay qorrax ku dhacda meel dhoobo ah iyaga oo khaldaya tafsiirka aayadda suuratu kahaf ku jirta ee ka sheekeynaysa aragtida dulqarneyn iyo safarkiisii uu ku kala bixiyay mashriq iyo maqrib.

“حَتَّىٰ إِذَا بَلَغَ مَغْرِبَ الشَّمْسِ وَجَدَهَا تَغْرُبُ فِي عَيْنٍ حَمِئَةٍ وَوَجَدَ عِندَهَا قَوْمًا ۗ”
“Ilaa uu gaaray dulqarneyn qorrax u dhac oo uu arkay qorraxdii oo ku dhacaysa badda ka shisheysa meesha isha dhoobada kulul leh ee uu ka helay dad degan halkaas….”

Sida muuqata aayadda waxa ay ka hadlayso waa aragtida dulqarneyn oo kolkii uu gaaray qorrax u dhac halka ugu dambaysa uu arkay qorraxdii oo u dhacaysa jihada biyaha ka dambeeya il dhoobo kulul leh oo halkaas ku taallay ,taasn waa sida adiga oo iminkaba istaaga xeebaha galbeed oo daawada kolka ay qorraxdu dhacayso waxay kuula muuqanaysaa inay biyaha badda gadaashooda ku dhacayso cml,waa aragtida aadanaha.

Bal iminkana ila arka sida uu ibnu kathiir oo mufasiriinta tafsiirka quraanka ku xeeldheer ka mid ah uu ku fasiray aayadda.

“: ” وَجَدَهَا تَغْرُب فِي عَيْن حَمِئَة ” أَيْ رَأَى الشَّمْس فِي مَنْظَره تَغْرُب فِي الْبَحْر الْمُحِيط وَهَذَا شَأْن كُلّ مَنْ اِنْتَهَى إِلَى سَاحِله يَرَاهَا كَأَنَّهَا تَغْرُب فِيهِ وَهِيَ لَا تُفَارِق الْفَلَك الرَّابِع الَّذِي هِيَ مُثْبَتَة فِيهِ لَا تُفَارِقهُ ….”

Ibnu kathiir wuxuu leeyahay waa aragtida dulqarneyn waxa ay aayaddu inoo cabirayso ee qorraxdu maba dhacdo oo falageedaa afaraad ma soo dhaafto…”
Ibnu kathiir marka uu sidaa lahaa waxaa iminka laga joogaa sideed boqol oo sano ka hor.

Ilaahay waxa uu ishaaro ku sheegay meelo kala duwan oo quraankiisa ka mid ahi waxyaalo ku saabsan falagga iyo inta ku jirta,wuxuu kaloo cadeeyay inay arimahaasi ku socdaan xisaab jaango’an oo qadaran,wuxuu kaloo cadeeyay inay wareega meerayaashaa qaarkood sida dhulka iyo dayaxu yihiin waxyaabaha ay ka dhashaan habeenka iyo maalintu qorraxduna ay tahay midda saameynteeda leh ee iftiinkeedu uu hadba dhanka ku aadan maalin tahay dhanka ka qarsoona ay habeen u tahay.

Waxaa kale oo wax iska cad ah oo uu caqliga koraya ee ishaarooyinka ka faa’iidaysanaya fahmayaa in xisaabaadkaas jaanta go’an haddii uu u fiirsado uu bani aadamku ogaan karo waqtiyada ay ku soo aadi karaan waxyaabaha ka dhasha falagaas isla falgalaya ee xisaabta ku socda,sida waqtiyada dabayluhu isbadalayaan ama xiliyada meerayaasha isku aadayaan oo ay iska qarinayaan iftiinka cadceedda iyo midka dayaxa uu sida caksiga ah dhulka ugu soo celiyo ifkii uu qorraxda ka soo qaatay iwm.

Sida dhabta ahna aadanahu mar hore iyo mar dambaba wax bay ka fahamsanaayeen arintaas oo xitaa culimadii muslimiintu way ka hadleen sida qorrax iyo dayax madoobaadku u dhacaan.

Abdullahi ibnu cabaas kol uu fasirayay aayad ka mid ah aayadaha ka hadla xisaabta falagga wuxuu yiri:-
‎و عن ابن عباس، قوله: ( الشَّمْسُ وَالْقَمَرُ بِحُسْبَانٍ ) قال: يجريان بعدد وحساب.
“Qoraxda iyo dayaxu waxay ku socdaan xisaab jaan go’an”.

Sidoo kale sheekh ibnu taymiya oo isna noolaa sideed qarni muddo ku siman wuxuu qorrax iyo dayax madoobaadka ka yiri:-

‎وقت الكسوف والخسوف :
‎أما بالنسبة لكسوف الشمس فلا يمكن أن يحدث إلا في أواخر ليلة الثامن والعشرين ، أو التاسع والعشرين ، أو الثلاثين ، لأنه في تلك الأيام يكون القمر قريباً من الشمس فيحجب بعض ضوئها عن الأرض فيحدث الكسوف .
‎أما خسوف القمر فلا يحدث إلا في أيام إبدار القمر ، أي في الأيام التي يكون فيها القمر بدراً ، ويكون ذلك في ليلة الثالث عشر ، والرابع عشر ، والخامس عشر . ( انظر فتاوى بن تيمية 12/370 ) .

“Ibnu taymiya wuxuu yiri:qorax madoobaadku wuxuu inta badan dhacaa ayaamaha 28ka ama 29ka ama 30ka-waa tirsiga qamariga ahe-waayo xiliyadaas waa waqtiga uu dayaxa aad ugu dhow yahay qorraxda kolkaas ayuu dayaxa dhex galaa dhulka iyo qorraxda dhexdooda oo uu ka xijaabaa dhulka qaar iftiinka dayaxa ah.
Amaa dayax madoobaadku waxa uu dhacaa oo kaliya xiliyada caddaha ah ee uu dayaxa buuxo waxayna inta badan ku beegantaa habeenada 13ka ama14ka ama 15ka.

“الشَّمْسُ وَالْقَمَرُ بِحُسْبَانٍ ”
Qoraxda iyo dayaxuba waxay ku socdaan xisaab go’an oo qadaran oo haddii loo dhabo galo la ogaan karo maalinba meesha ay marayaan iyo xiliga ay intay saani ama si yar isugu beegmaan ay iftiin dhulka ka wada qarin karaan ama qayb ka qarin karaan.

Ugu dambeyntii walaal waxaa xusid mudan oo in la fahmo loo baahan yahay inuusan islaamku marna ka horjeedin kororka aqoonta aadanaha iyo waxa ay tacaaliimtu iyo tijaabooyinku sugaan.

Related posts

Leave a Comment