ISLAAMKA IYO IN MALAHA LAYSU WANAAJIYO

Diinteenu waxay ina bartay oo ay inagu tirtirsiisay in aan mar kasta dadka dareen iyo malo fiican u muujino,waxayna inooga digtay oo ay dambi ka dhigtay tuhunka iyo malaha xun iyo inaan mar kasta dadka xumaan oga shakino.

Ilaahay Sareeye wuxuu yiri:-

يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا اجْتَنِبُوا كَثِيرًا مِّنَ الظَّنِّ إِنَّ بَعْضَ الظَّنِّ إِثْمٌ ۖ وَلَا تَجَسَّسُوا وَلَا يَغْتَب بَّعْضُكُم بَعْضًا ۚ أَيُحِبُّ أَحَدُكُمْ أَن يَأْكُلَ لَحْمَ أَخِيهِ مَيْتًا فَكَرِهْتُمُوهُ ۚ وَاتَّقُوا اللَّهَ ۚ إِنَّ اللَّهَ تَوَّابٌ رَّحِيمٌ ”
“Kuwa iimaanka laga helayoow ka dheerada wax badan oo malaha iyo tuhunka xun ah,waayo malaha qaarkii waa dambi,ha is jaajuusina,yuusana qaarkiin qaarka kale xamanin,miyuu axadkiin jecel yahay inuu cuno hilibka walaalkii oo meyd ah,waad nacaysaan,ee ilaahay ka yaaba waayo alle waa mid towbad aqbal badane’.

Rasuulka scw wuxuu yiri:-

“وعن ابي هريرة رضي الله عنه (أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال إياكم والظن فإن الظن أكذب الحديث ولا تحسسوا ولا تجسسوا ولا تنافسوا ولا تحاسدوا ولا تباغضوا ولا تدابروا وكونوا عباد الله إخوانا.
“Xadiis uu abuu hureyra ka warinayo rasuulka scw ayuu rasuulka ku yiri:-“waxaan idiinkaga digayaa malaha xun waayo malaha xun waa sheeko midda u been badan,ha is daba galina,oo ha is jaajuusina,oo in aad is xumeysaan ha ku tartamina,oo ha is xasdina,oo ha isu caroonina,oo ha is goynina,ee ahaada adoomo alle oo walaalo ah.

Tarbiyada uu islaamku na barayo ayaa ah in haddii war xumi ina soo kala gaaro dhexdeena aan isku dayno inaan tafsiir wanaagsan u yeelno warkaasi oo inta ugu badan ee aan awoodno khayr ku malayno cidda uu warka xumi inaga soo gaaray oo aan marna meesha soo dhigin malo iyo tuhun xun.

Ilaahay waxa uu yiri:-

“لَّوْلَا إِذْ سَمِعْتُمُوهُ ظَنَّ الْمُؤْمِنُونَ وَالْمُؤْمِنَاتُ بِأَنفُسِهِمْ خَيْرًا وَقَالُوا هَٰذَا إِفْكٌ مُّبِينٌ
“Hadiiba aad maqasheen warka beenta ah maxay mu’miniintu naftooda khayr isugu maleyn waayeen oo u oran waayeen,arinkani waan been abuur cad”.

Rasuulku scw waxa uu yiri:-

“وعن أبى هريرة رضى الله عنه قال:قال رسول الله صلي الله عليه وسلم: “حسن الظن من حسن العبادة”، وفى رواية: “من حسن عبادة المرء حسن ظنه”رواه ابو داود وحسنه.
“Malaha wanaagsan wuxuu ka mid yahay cibaadooyinka wanaagsan”lafdi kalana waxa uu yiri:qofka cibaadadiisa wanaageeda waxa ku tusi kara hadba inta ay la egtahay malaha wanaagsan ee uu dadka u hayo”

Cumar ibnu khadaab rc waxa uu oran jiray:marna ha u malaynin kalimad qof muslim ah ka soo baxday shar inta aad khayrka u weecin kartid”
وقد رُوِي أن عمر رضي الله عنه قال « لا تظنن بكلمة خرجت من امرئ مسلم شَرًّا وأنت تجد له في الخير محملاً » .

Imaamu shaaficina waxa uu oran jiray:-

وكان الإمام الشافعي رحمه الله يقول: “من أحب أن يختم له بخير فليحسن الظن بالناس”.
“Qofkii jecel in khaatumadiisa khayr laga dhigo dadka wax san ha ku maleeyo”.

Walaal dadku inta badan wanaag bay doonayaane,waxaa mar kasta inoo wanaagsan inaan khayrka isku malayno si aanan sharta fursad u siinin sheydaankana inooga faa’iidaysanin.wixii khalad inoo kala muuqdana waxaa haboon in aan si nasteexo iyo hufnaan iyo aqoon kala kororsi ah isugu tabino.

Related posts

Leave a Comment