NATIIJOOYINKA SAMAHA IYO XUMAHA

Inta aad ku fakarayso ama ku howlan tahay wanaaga iyo wanaajinta dadka waxaad haysataa taageerada awoodda sare ee saraysa,waayo rabi wuxuu dunida u sameeyay in wanaagu wanaag soo jiito.
فهل جزاء الاحسان الا الاحسان.
Dhaq dhaqaaq kasta oo aad ku bixiso waxa wanaagsan iyo dabeecadda san kaama khasaarin,waxaana dhab ah inaad helayso jawaab wanaagsan oo ay kuula soo degdegto maqaadiirta iyo awoodda sare ee Alle,bal adiga tijaabi oo ku feker oo niyeyso oo samee,waxaad arki doontaa natiijo aad la yaabto.

Waligaa ha ku fakarin dhibaato iyo inaad dadka dhibaateyso waayo dhibaateyntu waa awood liidata oo kuu soo jiidaysa natiijo liidata oo khasaaro iyo qoomamo ku badda,waana wax la ogaaday rafaadka haysta dadka baqdinta,xasadka,nacaybka iyo waxyeelada ku fakara inay si deg deg ah xaga rabi oga helaan waxyeelo u dhiganta ama ka badan tii ay sameeyeen.

Ilaahay wuxuu yiri:

“مَن كَانَ يُرِيدُ الْعِزَّةَ فَلِلَّهِ الْعِزَّةُ جَمِيعاً إِلَيْهِ يَصْعَدُ الْكَلِمُ الطَّيِّبُ وَالْعَمَلُ الصَّالِحُ يَرْفَعُهُ وَالَّذِينَ يَمْكُرُونَ السَّيِّئَاتِ لَهُمْ عَذَابٌ شَدِيدٌ وَمَكْرُ أُوْلَئِكَ هُوَ يَبُورُ} [فاطر.

“Qofkii doonaya ciso iyo sharaf dhamaantood ilaahay bay u sugnaatay oo haysta,waayo waxaa xagga rabi u kora kalmadda wanaagsan,camalka fiicana waa loo kor yeelaa,kuwase maleegaaya xumaanta waxay leeyihiin cadaab daran,shirqoolka ay maleegayaana waa mid liita oo aakhirka fasahaad iyo meel xun ku dambeysiiya.

Waligaa intaad qof bani aadam ah anfaci karto anfac,hadaadan anfaci karina ugu yaraan shartaada ka reebo.

Rasuulka scw wuxuu yiri:-

: ” مَنِ اسْتَطَاعَ مِنْكُمْ أَنْ يَنْفَعَ أَخَاهُ فَلْيَفْعَلْ “
“Qof kasta oo idinka mid ah ee awooda inuu wax uun ku anfaco walaalkii ha sameeyo”.

Walaal waligaa intaad nooshahay ku feker energy sare oo wanaag iyo khayr kuu soo jiida,ha ku fakarin energy liita oo xumaan iyo khasaaro kuu soo jiida.

Related posts

Leave a Comment