SEDDEX ARIMOOD OO AY TAHAY IN WAX LAGA OGAADO.

 
1-Ilaahay nabadda iyo colaadda nabadda ayuu jecel yahay oo uu doonayaa!!!waayo nabadda wuu dhiiri galiyay,ilaalinteedana wuu ka dardaarmay,magacyadiisa ayuu ku daray ASSALAAM oo nabad ah,salaanta la isku salaamo ayuu nabad ka dhigay,intii salaadaha lagu jiro intaasoo goor ayuu dadka faray in ereyga nabadda la soo hadalqaado,xitaa salaaddii baa looga baxaa salaama naqsiga oo ah erayo nabad ka tarjumaya..
Markii salaada sidaa looga baxana waxa xiga oo rasuulka scw ina baray inaan niraahno
اللهم انت السلام ومنك السلام
Ilaahoow adaa nabad ah xagaada ayayna nabada ka ahaataa.
Wuxuu ka digay oo diiday waddo kasta oo amniga iyo amaanka carqaladaynaysa,sida jidgooyada iyo cabsi galinta,wuxuuna uyaboohay cadaab daran cid kasta oo amaanka khatar galisa,

 

إِنَّمَا جَزَاءُ الَّذِينَ يُحَارِبُونَ اللَّهَ وَرَسُولَهُ وَيَسْعَوْنَ فِي الْأَرْضِ فَسَادًا أَن يُقَتَّلُوا أَوْ يُصَلَّبُوا أَوْ تُقَطَّعَ أَيْدِيهِمْ وَأَرْجُلُهُم مِّنْ خِلَافٍ أَوْ يُنفَوْا مِنَ الْأَرْضِ ۚ ذَٰلِكَ لَهُمْ خِزْيٌ فِي الدُّنْيَا ۖ وَلَهُمْ فِي الْآخِرَةِ عَذَابٌ عَظِيمٌ”

“Kaliya waxaa abaalkoodu yahay kuwa Alle iyo rasuulkiisa la diririraya ee arlada ku fidinaya fasahaadka in la dilo ama la qodbo ama gacmaha iyo lugaha si isdhaaf ah looga jaro,ama arlada laga masaafuriyo,sidaasay adduunyada dulli ugu mudanayaan aakhirana waxay leeyihiin cadaab weyn”

Xitaa rasuulkii uu umaddan usoo diray ayuu ku salintiisa ka dhigay kalmado nabad ka tarjumaya صلي الله عليه وسلم
Nabad iyo naxariis dushiisa ha ahaato.
Waxaa kale oo uu rasuulkiisa soo faray kalmado muslinimadiiba ka dhigaya inay tahay nabadda oo kaliya oo wuxuu yiri muslim waxaa ah midka ay dadka ka nabad galaan afkiisa iyo adinkiisa.
المسلم من سلم الناس بلسانه ويده.
Si maniga loo sugo oo nabadda loo ilaaliyo wuxuu sharciyeeyay in naf iyo maal loo huro oo lagu jihaado oo la joojiyo haddii laga fursan waayo kuwa xoriyadda dadka iyo amniga dalka iyo dadka iyo diinta duulaan ku soo qaada.
اذن للذين يقاتلون بانهم ظلموا وان الله علي نصرهم لقدير.
Kuwa lala dirirayo ee la dulmiyay waxaa loo idmay inay isdifaacaan ilaahayna waa karaa inuu u gargaaro.
وقاتلو في سبيل الله الذين يقاتلونكم ولا تعتدوا ان الله لا يحب المعتدين.
“Jidka alle kula dagaalama oo iska celiya kuwa idinla diriraya oo kaliya hana xadgudbina waayo alla ma jecla kuwa xadgudbaya”.
Wuxuu rasuulka scw yiri:-
ولا تتمنوا لقاء العدوواسالو الله العافية فاذا لقيتم فاثبتوا.
Ha jeclaysanina inaad cadow la kulantaan oo ilaahay badqab weydiista,haddiise aad ka fursan weydaan ood la kulantaan cadow sugnaada oo sutida uqabta si aad isu difaacdaan.
2-ilaahay faqriga iyo wax haysashada wax haysashada ayuu doonayaa,waayo wuxuu amaanay oo dhiiri galiyay dariiq kasta oo xalaal ah oo hanti lagu samaysan karo,sida shaqada,aqoonta,xirfadda iwm,wuxuuna ka digay cajsiga iyo wahsiga,iyo wado kasta oo carqaladayn karta in ay dadku wax tacban waayaan,sida amni xumo,boobka, khayaanada iwm.
wuxuu adoomadiisa ugu galad sheegtaa gaajo ka quudinta,wuxuu dadka faraa wax bixinta si aan loo arag cid macduur ah oo gaajaysan.
الذي اطعمهم من جوع واءمنهم من خوف.
Rasuulku scw wuxuu yiri:-
“نعم المال الصالح للمرء الصالح”. رواه أحمد وغيره وصححه الألباني.
“Maal waxaa u wanaagsan midna qof wanaagsan gacantiisa ku jira”.
Wuxuu kale oo uu rasuulka scw ku yiri sacad ibnu abii waqaas rc:-
“إن تذر ورثتك أغنياء خير من أن تذرهم عالة”. رواه البخاري•
“Inaad ka tagto caruurtaada iyo ehelka dhaxalkaaga leh iyaga oo qani ah ayaa ka qiimo badan inaad ka tagto iyaga oo fuqaro ah”.
3-ilaahay cilmiga iyo jahliga cilmiga ayuu jecel yahay,waayo in wax la barto ayuu dhiiri galiyay oo dadka faray,wuxuu marar badan ku celceliyay quraanka dhexdiisa inay dadka wax bartay ka fadli badan yihiin kuwa aan wax baran.
هل يستوي الذين يعلمون والذين لا يعلمون..
Miyaaba la simi karaa kuwa wax bartay ee wax garanaya iyo kuwa aan waxba garanaynin?!
Wuxuu kaloo mar kale yiri:-
انما يخشي الله من عباده العلماء.
Ilaahay adoomadiisa kuwa wax bartay ee culimada ah uun baa ka yaaba oo xumaha ka dhowrsada.
Waxaa la ogaaday inta badan dadka wax barta ee aqoonta leh haddii ay hanuun helaan inay noqdaan dadka ugu alle ka cabsiga badan ee eebbe ka yaaba mar kasta oo uqadariya si ayan dadka kale uqadarin eebbe.

Related posts

2 Thoughts to “SEDDEX ARIMOOD OO AY TAHAY IN WAX LAGA OGAADO.”

  1. Jamiilo

    Asc wr wb walal Allah kaa abaalmariyo kheyrka aad noo faa.iideysey jazakalah kheyr wa baraka laahu fiika waxaan ka codsanayaa in aad ii fasaxdo qoraalkaga si aan walaalaha kale ugu diro

    1. Wcsww walaal jamiilo waad u fasaxan tahay inaad faafiso qoraalkan iyo qoraal kasta oo aad webkaan ka hesho.
      Waadna mahadsan tahay.

Leave a Comment