ISLAAMKA IYO LOOLANKA CAQLIGA IYO CILMIGA.

 

Sida laga wada warqabo ama ay la socoto cidda dhab u daraasaysay islaamku kama hor yimaado daliilka caqliga iyo dowrka natiijooyinka cilmiga lagu sugay.
Waxayse dad badanu moog yihiin in afkaaro jahli ku dhisan oo la diimeeyay ama fasiro la khalday oo diin loo ekeysiiyay ay yihiin kuwa inta badan loo adeegsado iska horkeenka diinta iyo caqliga ama diinta iyo nolosha caadiga ah.

Islaamku si cad ayuu u taageeray cilmiga iyo aqoonta,wuxuuna tilmaamay in nolosha bani aadamka aysan intaasi ka soo harin.
Suuraddii ugu horeysay ee lagu soo dajiyay nabiga umaddan ayaa waxay ahayd (اقرء) (Akhri).
Waxa kale oo umadda islaamka quraankooda lagu tusay rabiga ay caabudaan oo ku dhaaranaya arimo la xariira aaladaha tacliinta iyo aqoonta,sida qalinka iyo wixii la mid ah.
“ن ۚ وَالْقَلَمِ وَمَا يَسْطُرُونَ ”
“Waxaan ku dhaartay qalinka iyo waxa ay qorayaan”.

Mar kalana ilaahay waxa uu tilmaamay muhiimadda ay kaydinta tacliinta iyo aqoontu leedahay,oo quraanka waxaa ku badan oo rabi inagu barayaa kutub lagu kaydiyo ficilada aadanaha iyo abuurka kalaba.

‎وَكُلُّ شَيْءٍ فَعَلُوهُ فِي الزُّبُرِ (52( وَكُلُّ صَغِيرٍ وَكَبِيرٍ مُّسْتَطَرٌ (53)
“Wax kasta oo ay sameeyaan waa la diiwaan galiyay,oo wax kastoo yar iyo wax kastoo weyn waa la qoray”

Dhab ahaantii walaal ilaahay wax ma ilaawo oo wuu ka nasahan yahay sifo kasta oo nuqsaan ku jirta sida halmaanka iwm,ee ujeedadu waa in aadanaha lagu baro qoraalka,tacliinta iyo nidaamka iyo diiwaan galinta aqoonta iyo keydadka cilmiga,si ay ugu fududaato adeegga nolosha dunida iyo ta dambe ee aakhiro.

Dhanka kale islaamku wuxuu si muuqata u dhiiri galiyay una amaanay cilmiga oo uu ka dhigay kuwa wax baraya dadka ama baranaya kuwa ugu mudan khalqiga ee ay Alle iyo inta uu abuurayba ay ku sallinayaan..

“وعَنْ أَبِى أُمَامَةَ الْبَاهِلِىِّ قَالَ ذُكِرَ لِرَسُولِ اللَّهِ -صلى الله عليه وسلم- رَجُلاَنِ أَحَدُهُمَا عَابِدٌ وَالآخَرُ عَالِمٌ فَقَالَ رَسُولُ اللَّهِ -صلى الله عليه وسلم- « فَضْلُ الْعَالِمِ عَلَى الْعَابِدِ كَفَضْلِى عَلَى أَدْنَاكُمْ ». ثُمَّ قَالَ رَسُولُ اللَّهِ -صلى الله عليه وسلم- « إِنَّ اللَّهَ وَمَلاَئِكَتَهُ وَأَهْلَ السَّمَوَاتِ وَالأَرْضِ حَتَّى النَّمْلَةَ فِى جُحْرِهَا وَحَتَّى الْحُوتَ لَيُصَلُّونَ عَلَى مُعَلِّمِ النَّاسِ الْخَيْرَ ». قَالَ أَبُو عِيسَى هَذَا حَدِيثٌ حَسَنٌ صَحِيحٌ غَرِيبٌ.
وأخرجه والطبرانى (8/233 ، رقم 7911)• قال الترمذى : حسن صحيح ٠وقال الألباني( صحيح ) انظر حديث رقم : 1838 في صحيح الجامع .

“Rasuulku scw wuxuu yiri:Fadliga qofka aqoonta lihi uu dheer yahay midka cibaadada badan waxa uu la mid yahay fadliga aan aniga dheerahay midka iigu kiin dhow,ka dibna wuxuu nabiga scw yiri:Ilaahay iyo malaa’igtiisa iyo inta samada iyo dhulka joogta,xitaa quraanyada godkeeda ku jirta iyo kalluunka waxa ay ku sallinayaan oo ay duco iyo darajaba la daba taagan yihiin kuwa dadka khayrka iyo wanaagga baraya”.

Mar kalana Alle waxa uu yiri:-

“قُلْ هَلْ يَسْتَوِي الَّذِينَ يَعْلَمُونَ وَالَّذِينَ لا يَعْلَمُونَ إِنَّمَا يَتَذَكَّرُ أُولُو الأَلْبَابِ ”
“Oo miyay siman yihiin kuwa aqoonta leh iyo kuwa aan waxba garanaynin,xaqiiqdu siday tahay waxa uun waansama oo wax ku qaata waayaha waa kuwa garaadka iyo garashada leh”

Xagga isticmaalka caqliga islaamku wuxuu oga waramay si ku celcelis ah oo daahir aan daahna saarneyn ku ah diinta islaamka,oo haddii la yiraahdo halaga waramo laga diyaarin karo diiwaano taxane ah oo kob ay ku dhamaadaan aan la saadaalin karin,hadaanse ishaaro ku gaabsano,islaamku aad buu isugu howlay adeegsiga caqliga.

Diintu caqli bay ku sugtay xujadeeda dad caqli leh ayaana loogu talo galay oo loo keenay,Rabina waxa uu dadka kula garramaa waa garaadka caqligooda.

ILAAHAY daliilka caqliga ayuu u adeegsaday fahamsiinta dadka inuu isaga yahay midka abuuray iyaga ee mudan inay caabudaan,wuxuuna Alle caqli daro ku tilmaamay kuwa intaa garan waaya.

‎”أَفَلَمْ يَسِيرُوا فِي الْأَرْضِ فَتَكُونَ لَهُمْ قُلُوبٌ يَعْقِلُونَ بِهَا أَوْ آذَانٌ يَسْمَعُونَ بِهَا ۖ فَإِنَّهَا لَا تَعْمَى الْأَبْصَارُ وَلَٰكِن تَعْمَى الْقُلُوبُ الَّتِي فِي الصُّدُورِ (46).”
“Miyeysan dhulka ku dulsocon oo ayan u sugnaan qalbiyo ay wax ku gartaan,ama dhago ay wax ku maqlaan,xaqiiqdu waxay tahay duulku ma indho beelin ee waxay beeleen caqliyada laabta ugu jira”.

Quraankana waxaa aad ugu badan aayadaha lagu soo hooriyo daliilka caqliga taasina waxay marag cad u tahay sida rabbi u xeeriyay la xaajoodka caqliga..
‎”افلا تعقلون…..افلا تتفكرون….لقوم يعقلون…لقوم يتفكرون…لاولي الباب….لاولي النهي…لدي حجر….وما الي ذلك”

Ugu dambayntii dadka islaamka waxaa la gudboon maanta adeegsiga caqliga iyo cilmiga iyo inay ka qayb galaan loolanka loogu jiro tayaynta labadaas,maadaama ay diintooda baarka sare dhigtay isticmaalka cilmiga iyo caqliga,halkii ay isugu baaqi lahaayeen caqli darro ama ay isku ceebeyn lahaayeen adeegsiga caqliga iyo cilmiga,iyaga oo ku andacoonaya halhayso ay ka mid yihiin diintu caqli maaha iwm..
Waxaana haboon in waqtigan la joogo oo taxadiga ugu weyn ee muslimiinta haystaa uu yahay garnaqsiga caqliga iyo cilmiga aysan culimada diinta ku celcelin wax intaas wax u dhimaya oo aysan dadku diin uga dhigin sheeko baraleeyo aan micno ku qotomin oo ka waramaya daanyeero is rajmiyay iyo dad madax dameer leh oo qabri ka soo baxay iwm.

Related posts

Leave a Comment