ISLAAMKA IYO CUNAQABATEYNTA.

 

Waxaa aad u badan dad muslimiin ah oo islaamkii ka dhigay diin aar gudasho iyo nacayb utaagan,tiiyoo la og yahay in diintanadu tahay diin cafis iyo samaaxad utaagan oo dhiiri galinaysa dulqaadka iyo in xumaanta wanaag looga jawaabo.

Waxaad meelaha ku arkaysaa dad leh shirkad hebel yaan wax laga gadan si ay u khasaarto…!!!,google yeysan galin muslimiinta waayo waxaa lagu faafiyaa filimo islaamka iyo nabiga scw loogu gefayo iwm.

Islaamku uma imaan khasaaraha dadka iyo dhibaatayntooda,ee wuxuu u yimid samaaxad iyo raxmad.

Rasuulka scw wuxuu ka ergeeyay cuna qabateyn uu thumama ibnu athaal saydkii yamaama ku soo rogay qureysh oo ahayd inuu diiday in qureysh laga gado qamadi ilaa uu nabiga u ogolaado mooyee:-

“وعن ابي هريرة رضي الله عنه انه قال “قال ثمامة لقريش لا تأتيكم من اليمامة حبة حنطة حتى يأذن فيها النبي – صلى الله عليه وسلم – ) زاد ابن هشام ” ثم خرج إلى اليمامة فمنعهم أن يحملوا إلى مكة شيئا ، فكتبوا إلى النبي – صلى الله عليه وسلم – : إنك تأمر بصلة الرحم ، فكتب إلى ثمامة أن يخلي بينهم وبين الحمل إليهم ” . رواه البخاري 4114.

“Sumaama ibnu asaal oo cumraysanaya wuxuu ku yiri qureysh hal xabo oo qamadi ah idinkama gadayo ilaa uu rasuulka scw idiin soo idmo ogaada taas,kolkuu ku noqday yamaama ayuu ka dhabeeyay cuna qabatayntii oo diiday in mako wax loo dhoofiyo,nabiga scw ayay warqad u qoreen qureysh ay leeyihiin waa taad xiriirinta riximka nagu wacdiyi jirtay ee nagala hadal thumama,kolkaasuu rsuulka scw warqad u qoray sumaama uu kaga codsanayo inuu cuna qabataynta ka qaado qureysh,wuuna ka aqbalay”

Arintaas waxay daliil cad u tahay sida uusan rasuulka scw udooni jirin dhibaataynta dadka iyo khasaarahooda oo waa taa qureysh oo cadiw ku ahayd ka qaaday cunaqabateyntii uu ku soo rogay thumaama.

Ilaahay wuxuu yiri:-

{وَلَا تَسْتَوِي الْحَسَنَةُ وَلَا السَّيِّئَةُ ادْفَعْ بِالَّتِي هِيَ أَحْسَنُ فَإِذَا الَّذِيبَيْنَكَ وَبَيْنَهُ عَدَاوَةٌ كَأَنَّهُ وَلِيٌّ حَمِيمٌ * وَمَا يُلَقَّاهَا إِلَّا الَّذِينَ صَبَرُواوَمَا يُلَقَّاهَا إِلَّا ذُو حَظٍّ عَظِيمٍ }

“Ma sina samaanta iyo xumaanta ee adiga bixi markasta midda ugu wanaagsan waxaad arki doontaa iyada oo ay kii cadaawada idinka dhaxaysay uu isu rogay xigaale ku jecel.
Arinkaasna waxaa la kulma oo ay ka suura gashaa oo kaliya kuwa sabra arinkaasi ma samayn karo qof kale ilaa qof nasiib badan mooyee”

Rasuulka scw wuxuu yiri:-

“صل من قطعك وأعط من حرمك واعف عمن ظلمك ”
“Xiriiri midka ku gooya,oo wax sii midka wax kuu diida,oo cafi midka ku dulmiya”.

Rasuulka scw isaga oo nool ayay gaalada iyo munaafaqiinta dhibi jireen oo caayi jireen waxna kama soo qaadi jirin oo ilaahay baa oran jiray sabir yeelo.

“فَاصْبِرْ عَلَىٰ مَا يَقُولُونَ وَسَبِّحْ بِحَمْدِ رَبِّكَ قَبْلَ طُلُوعِ الشَّمْسِ وَقَبْلَ الْغُرُوبِ (39) وَمِنَ اللَّيْلِ فَسَبِّحْهُ وَأَدْبَارَ السُّجُودِ (40)

“Ku sabir waxa ay oranayaan oo badi tasbiixda rabigaa iyo mahdintiisa,intayan qoraxda soo bixin ka hor iyo intaysan dhicin ka hor,habeenkiina tasbiixso,iyo sujuud kasta ama salaad kasta dabadeed”.

Xitaa isaga oo rasuulka scw madiina jooga oo awooda ugu badan leh ayay munaafaqiinta iyo yahuuddu caayi jireen waxna kama soo qaadi jirin wuxuuna door bidi jiray inuu ku socdo tarbiyada uu rabigiis siiyay ee cafiska iyo falcelinta suuban ah.

“وَمِنْهُمُ الَّذِينَ يُؤْذُونَ النَّبِيَّ وَيَقُولُونَ هُوَ أُذُنٌ ۚ قُلْ أُذُنُ خَيْرٍ لَّكُمْ …”

“Waxaa ka mid ah munaafaqiinta kuwo nabiga dhibaya ee oranaya waa dhag ween,ku dheh waa dhag ween idinka khayr badan,

Sidoo kale isagoo madiino joogo ayay intay iska dhigaan yahuuddu sidii wax salaamaya habaari jireen suubanaha isagana intuu maqlo ayuu ugu jawaabi jiray wacalaykum oo kaliya.

“وعن عائشة رضي الله عنها أن اليهود أتوا النبي صلى الله عليه وسلم فقالوا السام عليك قال وعليكم فقالت عائشة السام عليكم ولعنكم الله وغضب عليكم فقال رسول الله صلى الله عليه وسلم مهلا يا عائشة عليك بالرفق وإياك والعنف أو الفحش قالت أولم تسمع ما قالوا قال أولم تسمعي ما قلت رددت عليهم فيستجاب لي فيهم ولا يستجاب لهم في”رواه البخاري.

“Caa’sha rc waxay tiri yahuud ayaa maalin rasuulka scw u timi markaasay ku yiraahdeen asaamu calaykum-oo micnaheedu yahay mowd dushaada ha ahaado-rasuulkuna scw wuxuu ugu jawaabay wacalaykum oo ah idinkuna sidoo kale,caa’isha ayaa tiri mowd idinku dag iyo naclad iyo caro alle,

Rasuulka scw ayaa yiri caashaay ka joog,oo u irko dhimrinta,ka digtoonow cunfiga iyo hadalka xun!!!markaasay caasha tiri oo miyaadan maqlin waxa ay kugu salaameen rasuulkii allow?!!,markaasaa rasuulka scw yiri:- oo miyaadan maqlin caashaay waxaan ugu jawaabay?!waliba aniga waa la i aqbalayaa oo iyaga la aqbali maayo”.

Walaale sideedaba ficillada nacaybka,aargudashada,cunaqabataynta,qalbi xumada,iyo ciqaabkaba waxaa lagu yaqaan gaalada iyo dadka liita ee cuqdada badan.

Quraysh waxay cuna qabateyn ku soo rogtay reer banuu haashim oo ah qabiilkii uu rasuulka scw ka dhashay ka dib markay diideen inay nabiga scw u soo gacan galiyaan.

Ilaa iminkana waxa cunaqabatayn naf ka raadiya waa uun gaalada,islaamku ma yaqaan cunaqabatayn iyo in si liidato loo dhaqmo.

Rasuulka scw isaga oo madiina jooga haystana quwad uu wax kaga qaban karo yahuudda iyo munaafaqiinta dhibaysa ayuu door biday inuu iska cafiyo,waligiina cuna qabatayn kuma soo rogin yahuud oo waa uu la ganacsan jiray oo suubanaha wuxuu mar rahan u dhigay cambuur bireed kuwa dagaalka ah oo yahuud kaga deensaday qamadi uu reerahiisa oga dhigo quud.

روى البخاري في صحيحه عن عائشة رضي الله عنها أن النبي صلى الله عليه وسلم: “اشترى طعامًا من يهودي إلى أجَلٍ ورهَنه درعًا من حديد”.

Ugu dambayntii walaal waxaa loo baahan yahay inaan ilaalino sumcadda diintanada oon ka gudbino fariin hagaagsan oo ah cafis iyo samaaxad iyo sabir iyo falsuubani oo ah tii ay asalkaba utimi. Iskana daynaa nacaybka,carada,qalbi xumada,iyo dulqaad yarida.

Fiiro gaar ah:-

Islaamku ma diidin in gaalada layska celiyo haddii ay gacan ka hadal gardaro ah ula yimaadaan muslimiinta,waase haddii ay muslimiintu yihiin kuwo ku midaysan awood wax iska caabin karta ama dowladnimo,isla markaana sameeyay diyaar garow ku filan.

Ilaahay waxa uu yiri:

“أُذِنَ لِلَّذِينَ يُقَاتَلُونَ بِأَنَّهُمْ ظُلِمُوا ۚ وَإِنَّ اللَّهَ عَلَىٰ نَصْرِهِمْ لَقَدِيرٌ”

“Kuwa lala dirirayo ee la dulmiyay waxaa loo idmay inay isdifaacaan ilaahayna waa karaa inuu u gargaaro”

Sidoo kale wuxuu yiri:-

“وَقَاتِلُوا فِي سَبِيلِ اللَّهِ الَّذِينَ يُقَاتِلُونَكُمْ وَلا تَعْتَدُوا إِنَّ اللَّهَ لا يُحِبُّ الْمُعْتَدِينَ “

“Jidka alle kula dirira oo iska celiya kuwa idinla diriraya oo kaliya hana xad gudbina waayo ilaahay ma jecla kuwa xad gudbaya”

Wuxuu kale oo yiri:-

“أَلَا تُقَاتِلُونَ قَوْمًا نَّكَثُوا أَيْمَانَهُمْ وَهَمُّوا بِإِخْرَاجِ الرَّسُولِ وَهُم بَدَءُوكُمْ أَوَّلَ مَرَّةٍ ۚ أَتَخْشَوْنَهُمْ ۚ فَاللَّهُ أَحَقُّ أَن تَخْشَوْهُ إِن كُنتُم مُّؤْمِنِينَ “

“Miyaydaan la diriraynin oo iska celineynin qoom balantii idinkaga baxay,oo damcay inay rasuulka barakiciyaan,oo iyaga idinku bilaabay dagaalka markii hore, oo miyaad ka cabsanaysaan,ilaahay baa cabsi idinka mudan hadaad mu’miniin tihiin”.

Rasuulku scw wuxuu yiri:-

“لا تتمنوا لقاء العدو وسلوا الله العافية، فإذا لقيتموهم فاصبروا” رواه البخاري:

“Ha jeclaysanina inaad cadowga la kulantaan ilaahay samatabixin waydiista,haddii aad la kulantaana ku sabra oo is difaaca”.

Related posts

Leave a Comment