ISLAAMKU WAA CAQLIGA IYO FIDRADA TOOSAN.

 

Ilaahay sarreeye insaanka wuxuu abuuray iyaga oo toosan oo brogramka ku jirana uu yahay mid calaa fidro ah oo hanuunsan,inta badan waxaa bani adamka lumiya oo barada toosnaanta ka saara waa wax soo dariyay oo uu dunida kula kulmay sheydaana ka daadajiyay.

Rasuulka scw wuxuu yiri:-

“، وروى مسلم بسنده عَنْ عِيَاضِ بْنِ حِمَارٍ الْمُجَاشِعِيِّ عن النَّبيِّ فيما يرويه عن الله ـ تبارك وتعالى ـ قال : ((إِنِّي خَلَقْتُ عِبَادِي حُنَفَاءَ كُلَّهُمْ ، وَإِنَّهُمْ أَتَتْهُمُ الشَّيَاطِينُ فَاجْتَالَتْهُمْ عَنْ دِينِهِمْ ، وَحَرَّمَتْ عَلَيْهِمْ مَا أَحْلَلْتُ لَهُمْ ، وَأَمَرَتْهُمْ أَنْ يُشْرِكُوا بِي مَا لَمْ أُنْزِلْ بِهِ سُلْطَانًا))”
“Rasuulka scw wuxuu rabbi ka wariyay inuu yiri:-aniga adoomadayda waxaan abuuray iyaga oo ah kuwo hanuunsan oo samaha iyo xumaha kala yaqaan,shayaadiin baa u timid oo diinkoodii toosnaa ka qafaalatay,markaasay ka xarimeen wixii aan u xalaaleeyay kadibna fareen inay ila wadaajiyaan wax aanan xujo u siinin.

Aadanuhu oo ay ahmiyada iyo masuuliyadda dunida gaar ugu dhacayso waxaa la siiyay fidro iyo abuur wanaaga iyo xaqa u janjeerta inta badan,oo ilaahay waxa uu u sameeyay fidro iyo abuur inta badan sax ah haddii aysan luminin waxyaabo dibada oga yimaada.

‎روى البخاري في صحيحه عن رسول الله صلى الله عليه وسلم أنه قال: (مَا مِنْ مَوْلُودٍ إِلاَّ يُولَدُ عَلَى الْفِطْرَةِ، فَأَبَوَاهُ يُهَوِّدَانِهِ أَوْ يُنَصِّرَانِهِ أَوْ يُمَجِّسَانِهِ).

“Qof kasta oo la dhalo waxaa lagu dhalaa toosnaan ee waalidkii uun baa ama yahuud ka dhiga ama nasaaro ka dhiga ama majuusi ka dhiga”.

Toosnaantaas waa midda loo irkado waqyiyada ay wax isku qasmaan ee uu insaanku ku wareero afkaaraha iska soo horjeeda ee haddii la doono qaarkood la diimaynayo.

Waayo rasuulka scw waxaa lagu yiri:-

‎”فَأَقِمْ وَجْهَكَ لِلدِّينِ حَنِيفًا ۚ فِطْرَتَ اللَّهِ الَّتِي فَطَرَ النَّاسَ عَلَيْهَا ۚ لَا تَبْدِيلَ لِخَلْقِ اللَّهِ ۚ ذَٰلِكَ الدِّينُ الْقَيِّمُ وَلَٰكِنَّ أَكْثَرَ النَّاسِ لَا يَعْلَمُونَ” .

“Ku toosi wajigaada diinta baraxa tiran,taasoo ah toosnaanta uu alle dadka ku abuuray,kuma dhaco alle abuurkiisa wax isbadal ah,waana midaas diinta toosan laakiin dadka badankood ma garanayaan”.

Bani aadamku haddii uu caqliga iyo fidrada si toos ah u adeegsado ma lumo,waana waxa kaliya ee ay ku xambaareen masuuliyadda cuslus oo uu ilaahayna ugu aaminay diimihiisa iyo fariimahiisa,

Nabi kasta oo ilaahay soo diro wuxuu la hadli jiray dadka caqligooda iyo fidradooda,wuxuuna soo gaarsiin jiray fariin wadata xujooyin caqli gal ah iyo mucjisooyin lagu kabay.

Quraanka rasuulkeena muxamad scw lala soo diray waxaa ka buuxa fariimo caqliga baraarujinaya iyo xujooyin maan gal ah oo uu ilaahay kula hadlayo aadanaha caqligiisa.

‎افلا تعقلون….افلا تتفكرون….لقوم يعقلون….لقوم يتفكرون…. لاولي الباب…لاولي النهي…لاولي ابصار….

Iyo kuwo kale oo badan.

Wuxuu kale oo alle yiri isaga oo ku xujeynaya aadanaha caqligiisa.

﴿أَفَلَمْ يَسِيرُوا فِي الْأَرْضِ فَتَكُونَ لَهُمْ قُلُوبٌ يَعْقِلُونَ بِهَا أَوْ آذَانٌ يَسْمَعُونَ بِهَا فَإِنَّهَا لَا تَعْمَى الْأَبْصَارُ وَلَكِن تَعْمَى الْقُلُوبُ الَّتِي فِي الصُّدُورِ﴾

“Miyaysan dhulka ku socon iyaga oo leh qalbiyo ay wax ku gartaan ama dhago ay wax ku maqlaan,duulku ma indho beelin ee waxay beeleen qalbiyada garasho ee laabta ugu jira”

Inta badan quraanka iyo sunada waxay caqliga hoy oga dhigaan qalbiga,taasna kama hor imanayso ogaanshaha la og yahay waqtigan in maskaxdu tahay halka uu caqliga saamaynta ugu culus ku leeyahay,taasna meelo kale ayay diintu ku ishaartay,waxase dhowaan la ogaaday in unugyada ugu muhiimsan maskaxda ay qalbiga ka bilowdaan.

Rasuulku scw nin u yimi oo doonaya inuu su’aalo samafalka ku saabsan waydiiyo ayuu ku yiri nafsadaada waydii oo samafalku waa dhaqanka wanaagsan dambiguna waa waxa aad ka labalabeyso ee aysan naftaadu ku xasili karin,arinku waa saas haday doonaan dadka wax fadwooda waxay doonaan ha kuu fadwoodeene.

‎عن النواس بن سمعان الأنصاري قال : سألت رسول الله صلى الله عليه وسلم عن البر والإثم ، فقال : البر حسن الخلق ، والإثم ما حاك في صدرك وكرهت أن يطلع عليه الناس رواه مسلم .

Inta badan dadku waxaa rusul loo soo diri jiray marka ay ka lumaan fidrada iyo toosnaanta uu rabbi hore ugu borogram gareeyay,rusushana waxa ugu badan oo ay qabato waxay ahayd ucaqli celin ay dadka u caqli celiyaan iyo toosin ay fidradii lagu abuuray dib ugu toosiyaan dadka.

Rasuulka scw markay ka hor yimaadeen dadkii nolosha ku dulloobay ee uu doonayay inuu toosiyo oo ay isaga waali ku sheegeen waxaa lagu yiri ku dheh:-

‎”قُلْ إِنَّمَا أَعِظُكُم بِوَاحِدَةٍ ۖ أَن تَقُومُوا لِلَّهِ مَثْنَىٰ وَفُرَادَىٰ ثُمَّ تَتَفَكَّرُوا ۚ مَا بِصَاحِبِكُم مِّن جِنَّةٍ”

“Waxaad ku tiraahdaa hal arin uun baan idinku waaninayaa oo ah inaad isu taagtaan dar alle idinka oo ah laba laba iyo mid mid ka dibna aad fikirtaan waxaad ogaan doontaan inuusan saaxiibkiin waalneen”.

Marar badan oo u rasuulka scw kala hadlayay kuwii ku diidanaa waxdaaniyada rabigood daliilada ugu waaweyn ee uu kula doodayay waxay ahaayeen kuwo koonka iyo caqliga quseeya.

‎”قُلِ انظُرُوا مَاذَا فِي السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ ۚ وَمَا تُغْنِي الْآيَاتُ وَالنُّذُرُ عَن قَوْمٍ لَّا يُؤْمِنُونَ (101)
“Waxaad ku tiraahdaa bal eega waxa samaawaadka iyo dhulka ku sugan,ee awoodda alle iyo maamulkiisa ah,maxayse ka tari kartaa aayadaha iyo digniinada qoom aan rumaysneyn”.

Waxaa kale oo badan in qoom kasta oo ku dhowaada xaqiiqada caqliga ay ku dhowaadaan yaqiinta ah jiritaanka alle iyo awoodiisa midda kaliya ah.

Casrigan aan joogno waxaa soo badanaya saynisyahanada culuumta dunida meelo sare ka gaaray ee dib u qiraya ama markii ugu horaysay qiraya jiritaanka awoodda kaliya ee ka dambaysa maamulka koonka,waxayna si cad u sheegaan in ay rabbi ka dhex dareemeen waxan ay soo barteen.

Waxaa jiray saynis yahan mulxid ah oo la yiraahdo collin frans oo mar sii horaysay shaaciyay in uu cilmiga DNA ee uu ku takhasusay ka dhigan yahay luqad uu kula hadlay alle isaga wuxuuna si cad u qiray inuu jiro Alle weyn oo uu dareemay intii uu ku guda jiray baaritaankiisa DNA da dunida.
Sidaasna wuxuu ku qoray buugiisa uu ugu magac daray “The language of god”.

Ilaahay wuxuu yiri:-

‎”سَنُرِيهِمْ آيَاتِنَا فِي الْآفَاقِ وَفِي أَنفُسِهِمْ حَتَّىٰ يَتَبَيَّنَ لَهُمْ أَنَّهُ الْحَقُّ ۗ أَوَلَمْ يَكْفِ بِرَبِّكَ أَنَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَيْءٍ شَهِيدٌ (53) “

“Waxaan ka tusin doonaa aayaadaheena dunida dacaladeeda iyo nafsadoodaba,jeer uu u cadaado inuu quraanku xaq yahay,oo miyuusan rabigaa ku filneyn inuu shey kasta xaadir ku yahay oo uu u jeedo”

Ugu dambayntii maaha mid qormo kooban looga bogan karo waxa uu islaamku oga dhigan yahay camiridda caqliga iyo fidrada,
Waxaanse shaki ku jirin inuu yahay qasad uu islaamku u taban taabiyay si laxaad leh,uguna xiray guusha iyo barwaaqada umadi gaarto marka ay foolkooda ku toosiyaan diinka toosan taasoo ka dhigan fidrada iyo caqliga.
Waadna ku mahadsan tihiin akhriskiina.

Related posts

Leave a Comment