SIDA KHILAAFKA LOOLA NOOLAADO.

 

Soomaalidu waxay tiraahdaa maan dadeed waa mudacyo afkood,
Dadku waa is khilaafayaan oo ilaahay ayaa sidaa ugu talo galay.
“وَلَوْ شَاءَ رَبُّكَ لَجَعَلَ النَّاسَ أُمَّةً وَاحِدَةً ۖ وَلَا يَزَالُونَ مُخْتَلِفِينَ ( 118) إِلَّا مَن رَّحِمَ رَبُّكَ ۚ وَلِذَٰلِكَ خَلَقَهُمْ ..”
“Haddii Alle dooni dadka oo dhan mid ayuu ka dhigi lahaa,kamana suulayaan dadku inay yihiin kuwo iskhilaafsan mar kasta ilaa in yar oo Alle u naxariistay mooyee,sidaas baana loo abuuray”..

Khilaafkaas waxaa jira qaab loola noolaado oo ah inaad taada wadato tan dadkana ku ixtiraamto oo aadan cidna ku khasbin afkaartaada oo aad dulqaad u yeelataa kala aragti duwanaanta.

Ilaahay wuxuu yiri:-

“قُلْ كُلٌّ يَعْمَلُ عَلَىٰ شَاكِلَتِهِ فَرَبُّكُمْ أَعْلَمُ بِمَنْ هُوَ أَهْدَىٰ سَبِيلًا ”
“Waxaad ku tiraahdaa mid kasta ha u camal falo sida ay toosnaanta la tahay rabigiin uun ayaa og midka jidka toosan haya”.

Sunada nabiga scw waxay taqriirisay in laysugu dulqaato khilaafka ka dhasha fahamka nusuusta diiniga ah,oo waxaa jirta in mar uu rasuulka scw asxaab uu u diray banuu qureyda uu ku yiri waa inaad salaadda casar halkaas ku tukataan,intii ay dhexda sii socdeen ayuu casarkii galay,kolkaasay asxaabtii qaar yiraahdeen waanu tukanaynaa,qaarkii kale ayaa diiday oo yiri oo miyuusan rasuulka scw na oran meel aan banuu qureyda ahayn ha ku tukanina?!kuwii kale ayaa yiri rasuulka scw wuxuu u jeeday degdega oo salaadda ha idiinkugu gasho banuu qureyda ee uma uusan jeedin salaadii oo gashay ha tukanina,asxaabtii waxay u qaybsameen qaar halkii ku tukaday iyo kuwo casarkii oo liicay ku tukaday banuu qureyda,ka dib rasuulka scw ayay isula tageen wuxuuna yiri labadiina qoloba waad saxan tihiin oo midkoodna khalad kuma xukumin.

Sidaas oo kale ayaa haboon in mar kasta ay muslimiintu isugu cudurdaaraan malahana isugu wanaajiyaan oo iyaga oo kala ra’yi duwan ay ahaadaan walaalo is jecel oo wada nool.

Ra’yigaada wuu kula saxnaan karaa lkn sax maaha inaad dadka ku khasabto ama ku dulmiso,waayo waxaa dhici karta in aragti ama faham kula saxdan uu khalad yahay mid kula khaldan oo ay cid kale haysatana uu sax yahay.

Imaamu shaafici Alla ha u naxariistee wuxuu oran jiray:-
رأيي صواب يحتمل الخطأ،ورأي غيري خطأ يحتمل الصواب ”
“Ra’yigaygu wuu ila saxan yahay laakiin wuu khaldanaan karaa,ra’yiga dadka kalana wuu ila khaldan yahay laakiin wuu saxnaan karaa”.

Ugu dambeyntii walaalayaal waxaa lagu jiraa xilli adag oo aysan jirin wax ay muslimiinta aan ka midka nahay oga baahi badan yihiin midnimo iyo wadajir iyo inay farqiga isugu dulqaataan oo ay isku ixtiraamaan kala duwanaanta kuna wada noolaadaan nabad iyo Amaan.

Related posts

Leave a Comment