DIIN FIDINTA OO DUUNYO RAADIN LOOGU DUGAALO WAA DULMI.

Sideedaba fariimaha diin kasta oo xaga rabi ka timid danta iyo ujeedada Alle ka leeyahay waa uun gaarsiin cadaalad iyo dulmi ka digid,kolka laga soo tago is baridda uu rabi isku barayo addoomadiisa iyo u sheegidda waxyaabaha ka maqan ee ay garasho caadi ah ku haleeli karin insaanka oo ah midka la duldhigay masuuliyadda dunida ee inta dulsaaran oo dhan madiidin looga dhigay isaga.
Jiritaanka maalin dib dadka loo soo nooleyn doono si loogu kala garsooro oo intii khayr iyo iimaan soo sameysay meel san la dajin doono,kuwa sharka iyo dulmiga ku lug yeeshana meel daran lagu dambeysiin doono maaha arin uu aadanaha caqliga caadiga ah ku ogaan karo.
Ilaahayna maadaama aysan il aadane arki karin cid kasta gaar ulama hadlee wuxuu dadka usoo diraa adeegayaal iyaga ka mid ah oo intaa iyo inta la halmaashaba u sheega,tiiyoo uu rabbi ku beeray bani aadamka brogram diyaarsan oo shar iyo khayrba aqbali kara iyo baahi iimaan ee u irkan karta abuuraha koonka iska leh,taasi oo ay insaanka inta badan ku garan og yihiin garaadka caadiga ah.
Ambiyada Alle soo diro intaa ka dib waxa ay dadka u sheegi jireen inay dulmiga iska daayaan cadaaladana bari taaraan,dulmi Alle laga galana waxaa ugu daran midka isaga lagu diido,ama tixgalintii uu xaqa u lahaa cid kale lagula lamaaniyo ama loogu meersho.

Maadaama farriintan muhiim tahay si aysan u galin dano shakhsi ah Rabbi wuxuu rusushiisa dul dhigay amar ah in aysan waxba ku badalan karin gudbinta farriimahan daaran danta aadanaha doorsoomay ee ka bayray majarihii fidrada iyo caqliga saliimka ahu hagayeen..

Ilaahay mar uu arimahaas ka hadlayay waxaa rasuulkasta la faray inuu yiraahdo:-
“وَمَا أَسْأَلُكُمْ عَلَيْهِ مِنْ أَجْرٍ إِنْ أَجْرِيَ إِلَّا عَلَى رَبِّ الْعَالَمِينَ”
“Idinku weydiisan maayo gaarsiinta xaqa ajar;waayo ajarkayga Alle ayaan ku leeyahay”

Sida ku cad suuradaha quraanka qaarkood waxaad arkaysaa in nabi kasta kolka uu qoomkiisa u yimaado uu ku oronayay Rabi ka dhowrsada oo dulmiga iska daaya,aniguna waxaan idiin ahay farriin side aan wax badal ah idiinka dooneynin risaalada aan xagga rabbi idiinka keenay,
Waxa sidaa Rabbi u faray rusushiisana wax kale maahayn ee waxa uu diidanaa in ay dadku cusleystaan xaqa oo haddii midka dhambaal sidaha ahu ku xiro ajar ay markaa helaan marmarsiinyo ay xaqa ku diidaan.

In arintu sidaa tahayna waxaa u daliil ah marar badan ayuu Alle Rasuulkiisa ku dhago hadlay isaga oo u ishaaraya in dadku aysan inaba marmarsiinyo heli karin haddii ay diidaan xaq xagga rabbi looga keenay oo aan wax badal ah lagu xirin gudbintiisa.

“( أَمْ تَسْأَلُهُمْ أَجْرًا فَهُمْ مِنْ مَغْرَمٍ مُثْقَلُونَ )”
“Oo ma abaal marin baad ku weydiisatay xaqa gudbintiisa oo markaasay la cuslaatay bixinta abaal marinta”

Sideedaba waa muhiimad lays faray in bulsho kasta ay wanaaga is farto xumaantana iska reebto oo aysan waxba ku kala badalan wanaag is faridda iyo xumaan iska reebidda,waayo badalka kuwa samaha falaya ee dadka waxa san u sheegaya Alle ayaa damaanad qaaday.

“وَمَنْ أَحْسَنُ قَوْلا مِمَّنْ دَعَا إِلَى اللَّهِ وَعَمِلَ صَالِحًا وَقَالَ إِنَّنِي مِنَ الْمُسْلِمِينَ ”
“Oo yaa ka hadal wanaagsan mid dadka ugu yeeray dariiqa Alle ee camal wanaagsana falay ee yiri anigu waxaan ka mid ahay kuwa wanaagga u hogaansamay”

Maadaama wanaagga bulsho kasta uu ku jiro hadba sida ay ugu badan tahay ummada khayrka ka shaqaynaysa oo dadka faraya wanaagga xumaantana ka wacyi galinaya ayaa rabi ku booriyay umadda inay ka mid noqdaan mar kasta kuwo u heelan wanaag farid aan khasab iyo wax ku badalasho ku jirin.

“وَلْتَكُن مِّنكُمْ أُمَّةٌ يَدْعُونَ إِلَى الْخَيْرِ وَيَأْمُرُونَ بِالْمَعْرُوفِ وَيَنْهَوْنَ عَنِ الْمُنكَرِ ۚ وَأُولَٰئِكَ هُمُ الْمُفْلِحُونَ”
“Waa inay idinka mid noqotaa ummad dadka ugu yeereysa khayrka oo faraysa wanaagga xumaantana ka reebeysa kuwa sidaa yeelaa waa kuwo liibaanay”.

Umad kasta oon wanaagga is farin xumaantana iska reebin waxay ku dambaysaa meel daran oo waxaa laga fogeeyaa naxariista rabbi.

“لُعِنَ الَّذِينَ كَفَرُوا مِن بَنِي إِسْرَائِيلَ عَلَىٰ لِسَانِ دَاوُودَ وَعِيسَى ابْنِ مَرْيَمَ ۚ ذَٰلِكَ بِمَا عَصَوا وَّكَانُوا يَعْتَدُونَ (78) كَانُوا لَا يَتَنَاهَوْنَ عَن مُّنكَرٍ فَعَلُوهُ ۚ لَبِئْسَ مَا كَانُوا يَفْعَلُونَ ”
“Waxaa lagu lacnaday kuwii xaqa diiday ee reer banuu israa,iil ahaa carrabka nabi daud iyo carrabka nabi ciise,iyadoo ay sababtu tahay caasinimadii iyo xadgudubkii ay ku kaceen dartood,waxayna ahaayeen kuwa aan waxa xun ee la naco iska reebin,Alla xumaa wixii ay sameyn jireen”

In dadku is wacyi galiyaan oo wixii wanaagsana isku dhiiri galiyaan wixii xuna iska celiyaan waa arin wanaagsan oo aan la kala xigin oo uu islaamkuna tirtirsiiyay ciddii sidaa yeeshana eebe ajar weyn u ballan qaaday.

Rasuulka scw wuxuu yiri:-

“وعَنْ أَبِي مَسْعُودٍ الْأَنْصَارِيِّ رضي الله عنه قَالَ : قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ : ( مَنْ دَلَّ عَلَى خَيْرٍ فَلَهُ مِثْلُ أَجْرِ فَاعِلِهِ ) رواه مسلم ( 1893 )”•
“Qofkii khayr dadka tusa wuxuu leeyahay ajarka mid kasta oo ku camal falay khayrkaas uu tusay”.

Ugu dambeyntii walaalayaal waxaa mudan in la ogaado in khayrka iyo wanaagga oo dadka loogu yeeraa inay tahay ahmiyad ilaalin mudan iyo inaan looga faa,iidaysan dan adduun ku badalasho ah.

Kolka aad aragto qaar ka mid ah dadkii ku howlanaa diin fidinta oo mararka qaar ku mashquulsan dad kala riixasho iyo dan adduunyo ku ilaalsasho dariiqa wanaag fidinta,ayaa waxaa kuu soo baxaysa sida looga fogaanayo dawgii xaq fidinta iyo dantii rabbi ka lahaa inuu dadka ku gaarsiiyo dariiqa wanaagga loo qaado.

Related posts

Leave a Comment