MUHIIIMADDA WAX AKHRINTU KU LEEDAHAY NOLOSHEENA

 

Waxaad mooddaa in baraha bulshada ay soomaalida ku baranayaan in wax la akhriyo laakiin wali fari kama qodna oo waxaa wali jirta inta badan soomaalida inaysan dul u lahayn,wax akhrin joogto ah amaba ay ku dhiiradaan qoraalada yara dhaadheer si kasta oo uu faa’iido ugu leeyahay.

Wax akhrintu waa qayb muhiim ah oo aadanaha noloshiisa milgo u leh,waana meel uu ruuxu ku heli karo macluumaad ay naftiisu ugu baahan tahay sida cuntada iyo biyaha ama ka daranba.

Sidaadarteed baa ilaahay marar badan ugu baraarujiyay kitaabkiisa ahmiyada wax akhrintu u leedahay aadanaha.
Aayaddii ugu horeysay ee uu Alle ku soo dajiyay rasuulkeena scw waxay ahayd wax akhri.

“اقْرَأْ بِاسْمِ رَبِّكَ الَّذِي خَلَقَ (1) خَلَقَ الْإِنسَانَ مِنْ عَلَقٍ (2) اقْرَأْ وَرَبُّكَ الْأَكْرَمُ (3) الَّذِي عَلَّمَ بِالْقَلَمِ (4) عَلَّمَ الْإِنسَانَ مَا لَمْ يَعْلَمْ (5)”.

“Akhri magaca rabigaa kaasoo wax abuuray,oo ka abuuray insaanka xinjir-ama ku jamciyay kulanka abuurka ka soo askumo-akhri rabigaaga karaamada iyo sharafta badan ,kaasoo dadka baray qalinka iyo sida wax loo qoro,oo insaankana baray wax uusan hore u aqoon”.

Ilaahay sarreeye si uu indhaheena ugu jeediyo micnaha iyo qiimaha uu wax akhrin qoraalku leeyahay ayuu suurad dhan ku bilaabayaa inuu ku dhaarto qalinka iyo waxa uu qorayo:-

“ن وَالْقَلَمِ وَمَا يَسْطُرُونَ.”
“Qalinka iyo waxa ay qorayaan ayaan ku dhaartay”.

Mar kalana ilaahay isaga oo u dan leh inaan milicsano qiimaha ay aadanaha oga dhigan tahay qoraalka iyo diiwaan galinta iyo kaydinta xusuus qorada ayuu inagu baraarujinayaa sida uu isaga oo Alle ah oo aan waxba illaawin uu u sameystay malaa’ig wax qorta iyo kutub uu ku keydiyo wax kasta oo ay aadanaha iyo uunka kalaba sameeyaan.

“وَكُلُّ شَيْءٍ فَعَلُوهُ فِي الزُّبُرِ (52) وَكُلُّ صَغِيرٍ وَكَبِيرٍ مُّسْتَطَرٌ (53)”
“Wax walba oo ay dadku sameeyaan kutub baa la galiyay, wax kasta oo yar iyo wax kasta oo weyna waa la qoray”

Culimada qaarkood waxa ay sheegaan in danta ugu muhiimsan ee aayadan laga leeyahay ay tahay in bani aadamka lagu baro maamulka iyo agaasinka iyo diiwaan galinta iyo qoraalka iyo macluumaad ururinta.
Waayo ilaahay waa ka nasahan yahay ilowsiiyo umana baahna inuu wax qoro oo uu macluumaad diiwaan galiyo.

Walaal wax akhris qoraalku waa astaanta aqoonta iyo albaabka laga galo cilmiga iyo wax ogaanshaha.
Dhab ahaantiina ma sina oo marna isku mustawe maaha qof wax barasho iyo wax akhrin ku diran iyo mid ka caajisay oo uusan jadwalkiisaba ku jirin wax akhrin iyo wax daraaseyn.

Ilaahayna mar uu arintaa ka hadlayay waxa uu inagu yiri:-

“قُلْ هَلْ يَسْتَوِي الَّذِينَ يَعْلَمُونَ وَالَّذِينَ لا يَعْلَمُونَ إِنَّمَا يَتَذَكَّرُ أُولُو الأَلْبَابِ ”
“Waxaad ku tiraahdaa oo ma siman yihiin kuwa wax garanaya ee aqoonta leh iyo kuwa aan wax garaneynin een waxba aqoon,kaliya waxaa waansama oo dantood yaqaan ah kuwa caqliga u saaxiibka ah”.

Rasuulka scw wuxuu yiri:-

“وعن أبي أمامة الباهلي قال: ((ذكر لرسول الله صلى الله عليه وسلم رجلان: أحدهما عابد، والآخر عالم، فقال رسول الله صلى الله عليه وسلم: فضل العالم على العابد كفضلي على أدناكم. ثم قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: إن الله وملائكته وأهل السموات والأرضين حتى النملة في جحرها وحتى الحوت ليصلون على معلم الناس الخير))”رواه ابو داود.

“Rasuulka scw ayaa lagu ag sheegay laba nin oo midi cibaado badan yahay,midna uu yahay caalim wax soo bartay,markaasuu rasuulka scw yiri:-fadliga uu ninkaa caalimka ah ee wax soo bartay uu dheer yahay midkaa cibaadada badan waxay ka dhigan tahay fadliga aan aniga rasuulka ah dheerahay kiina iigu darajo dhow,intaa ka dib ayuu rasuulka scw misana yiri:-ilaahay iyo rasuulkiisa iyo waxa khalqi ee cirarka iyo dhulalka jooga oo dhan,xitaa quraanyada godkeeda ku jirta,xitaa kalluunka bada ku jira,waxa ay ku sallinayaan oo u duceynayaan kuwa dadka khayrka baraya”.

Hadde nin aan waxba soo baran dad wax ma bari karo,qofka mutacalimka ahi wuxuu darajadaa iyo sharaftaa ku gaaray oo uu xitaa kaga fadli batay kii habeen iyo maalin u taagnaa cibaado Alle waa tacliintaa uu soo bartay ee uu tubta xaqiijinteeda ku taagnaa waqtiyo badan oo ay dhici karto inuu ugu sabray gaajo iyo dhafar.

Ugu dambeyntii walaalayaal yaan la moogaan wax akhriska iyo macluumaad ururinta iyo ogaanshaha waxa inaga maqan oo runtii ka dhigan nolosheena oo dhan ta ugu muhiimsan.

Related posts

Leave a Comment