ISLAAMKA IYO EEYGA

 

Eeygu waa xayawaan cajab badan oo run ahaantii intifaac badan u leh aadanaha wuxuuna xayawaanada dabjoogta ah bar dheer yahay daacadnimada iyo amaanada uu kaga soocan yahay haddii si fiican loo tarbiyeeyo.

Qiimaha uu leeyahay darteed ayaa ilaahay marar badan quraanka ku tilmaamay magaciisa iyo qaar ka mid ah wax tarkiisa.

Ilaahay intaasoo goor ayaa magaca eeyda kitaabkiisa ku sheegay mar kastana wax tarkiisa uun buu ka hadlayay.
Quraanka kuma jiro meel eey lagu karaahiyaystay.

‎ – يَسْأَلُونَكَ مَاذَا أُحِلَّ لَهُمْ ۖ قُلْ أُحِلَّ لَكُمُ الطَّيِّبَاتُ ۙ وَمَا عَلَّمْتُم مِّنَ الْجَوَارِحِ مُكَلِّبِينَ تُعَلِّمُونَهُنَّ مِمَّا عَلَّمَكُمُ اللَّهُ ۖ فَكُلُوا مِمَّا أَمْسَكْنَ عَلَيْكُمْ…
“Waxay ku weydiinayaan maxaa loo xalaaleeyay waxaad ku tiraahdaa waxaa laydiin xalaaleeyay waxyaabaha wanaagsan iyo wixii aad taba barateen ee xayawaanada lagu ugaarsado ah sida idinka oo eeyda ku dabanaya oo baraya eeyda wixii alle idin baray cuna wixii ay eeyda idiin soo qabato”.

Dhalintii Asxaabul kahfi ee iimaankooda dartii loo ciqaabay kolkii ay baxsadka ahaayeen waxay wateen eey waardiye iwm u ahaa.

‎- وَتَحْسَبُهُمْ أَيْقَاظًا وَهُمْ رُقُودٌ وَنُقَلِّبُهُمْ ذَاتَ الْيَمِينِ وَذَاتَ الشِّمَالِ وَكَلْبُهُمْ بَاسِطٌ ذِرَاعَيْهِ بِالْوَصِيدِ….
“Waxaad malaynaysaa inay soo jeedaan iyaga oo hurda waxaan urogrogaynay midig iyo bidix iyada oo uu eeygoodana lugaha ufidsan yihiin banaanka godka”٠

Xitaa kolkii ilaahay tiradooda ka waramayay kama uusan tagin eeyga oo iyagaa lagu tiriyay

‎ – سَيَقُولُونَ ثَلَاثَةٌ رَّابِعُهُمْ كَلْبُهُمْ وَيَقُولُونَ خَمْسَةٌ سَادِسُهُمْ كَلْبُهُمْ رَجْمًا بِالْغَيْبِ ۖ وَيَقُولُونَ سَبْعَةٌ وَثَامِنُهُمْ كَلْبُهُمْ ۚ قُل رَّبِّي أَعْلَمُ بِعِدَّتِهِم …ا…..
“Waxay oranayaan seddex bay ahaayeen uu afareeyo eeygooda waxay kaloo oranayaan waxay ahaayeen shan uu lixeeyo eeygooda iyaga oo mala awaalaya misana waxay oranayaan waxay ahaayeen todoba uu sideed ku yahay eeygooda waxaad ku tiraahdaa rabbi baa og tiradooda…”

Walaalayaal Diinta islaamku waxay banaysay in eeyga loo adeegsan karo inuu noqdo ilaaliye meelaha muhiimka ah sida beeraha,guryaha,meheradaha’xoolaha iwm.

Haddii ay tilmaantay diintu mararka qaar inaan loo dhaqan eeyda sida xayawaanada maalka ah ee hilibkooda la cuno sida ariga’geela’iyo lo’da taasi kama dhigna in eeyda la necbaysto oo la baabi’iyo.

Waayo rasuulka scw waxa uu ina faray in eeyda iyo noolaha kalaba loo naxariisto wuxuuna si gaar ah utilmaamay in eeyo loo naxariistay dartood ay dad janno ku galeen.

‎فقد جاء في الصحيحين وغيرهما من رواية أبي هريرة رضي الله عنه مرفوعا: بينما رجل يمشي فاشتد عليه العطش فنزل بئرا فشرب منها ثم خرج فإذا هو بكلب يلهث يأكل الثرى من العطش، فقال: لقد بلغ هذا مثل الذي بلغ بي، فملأ خفه ثم أمسكه بفيه ثم رقي فسقى الكلب، فشكر الله له فغفر له، قالوا يا رسول الله: وإن لنا في البهائم أجرا؟ قال: في كل كبد رطبة أجر. وفي حديث آخر في الصحيحين أيضا عن أبي هريرة مرفوعا: بينما كلب يطيف بركية كاد يقتله العطش إذ رأته بغي من بغايا بني إسرائيل فنزعت موقها فسقته فغفر لها به.

“Xadiis ay bukhaari iyo muslimba ay abuu hureyra ka warinayaan ayaa wuxuu yiri:waqti baa nin socdaal ah waxaa qabtay oon aad u daran,ceel buu udagay oo uu biyo ka soo cabbay,kolkuu ka soo baxay ayuu arkay eey carrada qoyan cunaya oon dartiis,markaasuu ninkii is yiri allaylehe eeygan waxaa haya wixii ku hayay,kadib ayuu inta kabtiisii biyo ka soo buuxiyay oo afka kusoo qabsaday soo tafay ceelkii oo eeygii sidaas ku waraabiyay,ilaahay baa markaa ninkii umahadnaqay oo udambi dhaafay”,

Markaasay asxaabtii yiraahdeen oo rasuulki alloow bahaahimta xitaa ma ajar ayaan ka helaynaa!!!markaasaa rasuulka scw yiri haa oo beer kasta oo qoyan ajar baa ku sugan haddii loo naxariisto.

Waxa kale oo jira lafdi oranaya waqti waqtiyada ka mid ah ayaa eey oon darani udhiman raba waxa uu ku dul wareegayay ceel biyood,waxaa aragtay naag kuwa jirkeeda ka ganacsada ah oo reer banii israa’iil ahayd intay kabteedii usiibtay oo ceelka gashay bay sidaa eeygii ku waraabisay,markaasaa ilaahay eeygaas sawabtiisa ugu dambi dhaafay.

Walaalayaal eeygu wuxuu ka mid yahay xayawaanadaa ilaahay abuuray wuxuuna mudan yahay in loo naxariisto,

Haddii la yiri yaan sida xoolaha kale loo dhaqan ama wixii uu harmiyo ama afkiisa galiyo ha layska mayro kama dhigna in la naco oo la colaadiyo.

Haddii mid mid boqno goys ah ha layska qabto layiri micnaheedu maaha in eey oo dhan la xasuuqo.

Waxaan daawaday clip laga soo duubay meel dhulka soomaalida degto ka mid ah oo eeyo lagu xasuuqayo inta hilib sun loogu daray iyada oo loo aaneynayo sabab ay ku sheegeen kuwa falkaas gaysanayay caafimaadka dartii maadaama ay eeydu aad ubadatay loogana baqay dhibaato caafimaad.

Tiiyoo muuqaalkaas naxdinta badan laga dheehan karayo in eeydu aysan umuuqan waqtigaas kuwo dad cun ah oo khatari ka muuqato waayo waxay si amaan ah u ag fadhiyaan kuwa sharaystay ee hilibka sumaysan sadaqada oga dhigay.

Haddii eeyga dhib looga baqay anigu waxaan qabaa in eeydu dhibkoodu uu dhamaan karo marka iyaga la daweeyo oo la siiyo dawada raabiyada.

Waxaa kale oo la dhimi karaa tarankooda iyada oo aan inta nool la leynin oo halka hadda laga sumeeyay ayaa isla dawooyinkaas hilibka loogu dari karay.

Teeda kale dhibaatooyinka eeyda waxay ku kooban tahay kuwa la dayacay ee inta badan ku nool wadamada dadka muslimka ah dagan yihiin ama ubadan yihiin ee digniinta caafimaad kama timaaddo lagamana dareemo balaayiinta dad ee kale ee eeyada la saaxiibka ah ee uu guryaha kula nool yahay.

Sidaa darteed waxaa haboon in aan inta diinteena raxmada badan ku dhaqano aan eeyaha naxariistooda janno ku doonano halkii aan ka xasuuqi lahayn anaga oo awoodna inaan siyaabo kale kaga gaashaamano hadiiba ay jirto dhibaatooyin eeyda lagu sheegay oo dhab loo hubiyay.

Abdullahi M Hussein.

Related posts

Leave a Comment