BANI AADAM DHINTAY BAKHTI MA LAGU SHEEGI KARAA?!

 

Sideedaba diiinta islaamka waxay u timid inay basharka tusto wanaagga iyo wadada liibaanta ee labada daarood,waxayna umartaa dariiqa gaarsiinta dacwadaas dadka u baahan si degan oon inaba wadan xinif iyo didin dadka diinta laga didinayo.

Ambiyada ilaahay soo diray waxaa la faray gidigood inay dadka ugu yeeraan dariiqa alle si ximad iyo wanaag badan ku jirto oo dad la dhaqan iyo qadarinba wadata.

“ادْعُ إِلَىٰ سَبِيلِ رَبِّكَ بِالْحِكْمَةِ وَالْمَوْعِظَةِ الْحَسَنَةِ ۖ وَجَادِلْهُم بِالَّتِي هِيَ أَحْسَنُ ۚ إِنَّ رَبَّكَ هُوَ أَعْلَمُ بِمَن ضَلَّ عَن سَبِيلِهِ ۖ وَهُوَ أَعْلَمُ بِالْمُهْتَدِينَ”

“Ugu yeer dariiqa rabigaa si xigmad iyo wacyigalin wanaagsan ah oo dadkana u hoga tusaalee hadba sida ugu haboon,rabigaa waa mid u ogaal badan cidda ka lunta wadadiisa sidoo kalana ugu ogaal badan kuwa hanuunsamaya.

Islaamka sidaa u doonaya tun jilecsiga dadka marna kama suurogasho inuu insaanka ku cayriyo caay iyo aflagaaddo iyo hadalo u daran dhagaha aadanaha.

Waxaan marar badan maqalnaa dad ku ku sheegaya meydka dadka aan islaamka ahayn bakhti ama ula istaagaya gaalada dhimatay caay iyo habaar arintaasna maaha mid inaba ku saxan akhlaaqda suuban eeay diintanadu ina farayso.

Dadka bani aadam dhintay bakhti ku sheegaya arintaas sax kuma aha islaanimada iyo aadaninimadaba,waayo ”rasuulka scw waxaa la soo agmariyay meyd gaal dhintay,wuu u istaagay kolkaasay asxaabtiisii ku yiraahdeen rasuulkii allow waa gaal,markaas ayuu yiri miyuusan ahayn ruux bani aadam ah”
Xitaa asxaabtii nabi muxamad scw ayaa u istaagi jiray hadday arkaan ama la soo agmariyo meyd gaal oo la sido sida xadiiskan ku cad.

“1250 حدثنا آدم حدثنا شعبة حدثنا عمرو بن مرة قال سمعت عبد الرحمن بن أبي ليلى قال كان سهل بن حنيف وقيس بن سعد قاعدين بالقادسية فمروا عليهما بجنازة فقاما فقيل لهما إنها من أهل الأرض أي من أهل الذمة فقالا إن النبي صلى الله عليه وسلم مرت به جنازة فقام فقيل له إنها جنازة يهودي فقال اليست نفسا
‎رواه البخاري.

Walaal ilaahay bani aadamka wuu karaameeyay oo wuxuu ku xambaaray bad iyo barriba in badan oo wixii uu khalqay ahna wuu ka fadilay,

‎وَلَقَدْ كَرَّمْنَا بَنِي آدَمَ وَحَمَلْنَاهُمْ فِي الْبَرِّ وَالْبَحْرِ وَرَزَقْنَاهُم مِّنَ الطَّيِّبَاتِ وَفَضَّلْنَاهُمْ عَلَىٰ كَثِيرٍ مِّمَّنْ خَلَقْنَا تَفْضِيلًا

Waxaa kale oo anaga haddaan muslimiin nahay nalaga reebay inaan meyd nooc uu yahayba aynaan caayin oo rasuulka scw wuxuu yiri:-

‎عن عائشة قالت : قال رسول الله صلى الله عليه وسلم : { لا تسبوا الأموات فإنهم قد أفضوا إلى ما قدموا } رواه أحمدفي مسنده.و الطبراني في الكبير والأوسط.
“Ha caayina mowtida waayo waxay heleen wixii ay hormarsadeene”
Shaki la’aan in meyd bakhti lagu sheego waa caay.

Culimada badankood iyagoo xadiiskan tixraacaya waxay yiraahdeen in meydka gaalada la caayo waa xaaraan,kol haddii ay arintu sidaa tahay waxaan shaki ku jirin ereyga bakhti inuu nusqaan iyo caay ku yahay meydka bani aadamka taasoo ah xaaraan sida xadiiska ku cad.

Meyd in la caayo waxay dhibaato ku tahay dadka nool ee qaraabada la ah meydka dhintay,kolka sidee suura gal u tahay inaad islaanimo ugu yeerto gaalo aad dadkii ka dhintay caayayso ood bakhti ku sheegayso.

Rasuulka scw wuxuu ka digay in lacaayo meydka gaalada si aan loogu dhibin qaraabadooda nool ee loo rajeynayo inay soo raacaan wanaagga islaamka. Oo wuxuuyiri:-

“روي أحمد والنسائي. وفي رواية عند ابن حبان: (لا تسبوا الأموات فتؤذوا الأحياء) وقال محقق صحيح ابن حبان: إسناده صحيح على شرط الشيخين. وذكر أن الحديث رواه أحمد والطبراني. انظر صحيح ابن حبان 7/292. ورواه الترمذي أيضاً وصححه الألباني في صحيح سنن الترمذي.

“Ha caayina mowtida si aydan u dhibin kuwa nool ee la ehelka ah”.

Waxaa kale oo xusid mudan in islaamkeenu na faray inaan wanaag iyo baarinimo kula dhaqano gaalada kuwooda aan diinkeena dartii inoola dagaalsaneyn oo ilaahay waxa uu yiri:-

“لا يَنْهَاكُمُ اللَّهُ عَنِ الَّذِينَ لَمْ يُقَاتِلُوكُمْ فِي الدِّينِ وَلَمْ يُخْرِجُوكُمْ مِنْ دِيَارِكُمْ أَنْ تَبَرُّوهُمْ وَتُقْسِطُوا إِلَيْهِمْ إِنَّ اللَّهَ يُحِبُّ الْمُقْسِطِينَ “

“Ilaahay idiinma diidin gaalada kuwa aan diin darteed idiinla diriraynin oo aan guryihiina idinka saareynin inaad usamafal iyo cadaalad sameysaan waayo ilaahay waa jecel yahay kuwa cadaaladda sameynaya”.

Walaal marna suuragal maaha inaad usama fashay gaal aad meydkiisii caayayso oo aad bakhti ku sheegayso ama aad hortiisa ka leedahay kii kaa dhintay naar iyo meel daran ayuu ku jiraa.

Sideedana islaamkeenu wuxuu ina farayaa inaan u tacsiyeyn karno gaalada nabada inagula nool oo aan dhibaatooyinka haysta wax kala qabani karno inaga oon isku howlin ka hadalka kii ka dhintay iyo halka la geeyay,waayo taa nalooma dirsan oo ilaahay isagaa siduu doono ugu talinaya khalqigiisa kolka ay dunida ka rawaxaan.

“يُعَذِّبُ مَن يَشَاءُ وَيَرْحَمُ مَن يَشَاءُ ۖوَإِلَيْهِ تُقْلَبُونَ”.
Ilaahay cidduu doono wuu cadaabi cidduu doonana wuu u naxariisan oo xagiisa ayaa laydiin wada celin iyadoo aysan cid wax u meerin kartaa jirin.

Culimada islaamka badankoodu way ku kulansan yihiin inaan gaal mucayan ah oo dhintay inta magaciisa la xuso la oran karin naar ayuu galay’haddii uusan gaalkaasu ahayn mid ay ilaahay iyo rasuulkiisa si gaar ah u sheegeen inuu naarta ku jiro sida fircoon iyo abiilahab oo kale.

“وأما القطع النار لشخص معين: فلا يصح إلافي شخص نزل فيه الوحي أنه من أهل النار، جاء في فتاوى الشيخ ابن جبرين: أما الشهادة بالنار لمعين: فلا تجوز أيضاً إلا لمن ورد فيه النص، فقد ورد النص مثلاً في أبي لهب: سيصلى ناراً ذات لهب {المسد:3}. اهـ.

Waxaa kale oo muhiim ah in dadka oo naar lala jeclaadaa aysan ahayn wadooyinkii ambiyada,waayo nabi ciise cs kolkii la yiri ma adigaa dadka yiri aniga iyo hooyaday ilaahyo naga dhigta wuxuu ku jawaabay.

“مَا قُلْتُ لَهُمْ إِلَّا مَا أَمَرْتَنِي بِهِ أَنِ اعْبُدُوا اللَّهَ رَبِّي وَرَبَّكُمْ ۚ وَكُنتُ عَلَيْهِمْ شَهِيدًا مَّا دُمْتُ فِيهِمْ ۖ فَلَمَّا تَوَفَّيْتَنِي كُنتَ أَنتَ الرَّقِيبَ عَلَيْهِمْ ۚ وَأَنتَ عَلَىٰ كُلِّ شَيْءٍ شَهِيدٌ (117) إِن تُعَذِّبْهُمْ فَإِنَّهُمْ عِبَادُكَ ۖ وَإِن تَغْفِرْ لَهُمْ فَإِنَّكَ أَنتَ الْعَزِيزُ الْحَكِيمُ(118).

“Aniga ma oran waxaad i fartay waxaan ahayn,waxaanan uun ogaa intiii aan dhex joogay markaad i oofsatay adigaa ilaaliye dushooda ka ahaa,adigaana ah mid wax kasta goob joog ka ah,ee haddii aad cadaabeyso waa adoomadaada hadii aad u dambi dhaafaysana adiga waxaad tahay mid casiis ah oo fal suuban”.

Rasuulkeena muxamad ah scw wuu ka gaabsaday inuu xitaa gaaladii qureysh ee dhibaatada ula taagnaa uu yiraahdo naar baad galaysaan oo waxaa la faray inuu yiraahdo:-

‎قُلْ مَا كُنْتُ بِدْعًا مِنَ الرُّسُلِ وَمَا أَدْرِي مَا يُفْعَلُ بِي وَلا بِكُمْ إِنْ أَتَّبِعُ إِلا مَا يُوحَى إِلَيَّ وَمَا أَنَا إِلا نَذِيرٌ مُبِينٌ.

“Maahi mid ku cusub fariin sidayaasha Alle mana ogi waxa lagu sameyn doono aniga iyo idinkaba,kaliya aniga waxaan raacayaa wixii la ii waxyooday,waxaanan ahay mid si cad idiinku digaya”
Kolka walaal ma waxaan sheeganaa wixii nabi muxamad scw iska diiday ee ahaa inuusan ogayn waxa ilaahay dadka ku sameyn doono markay dhintaan? Mise sidaa nabigeena scw yiri baan qaadanaa oon isu daynaa ilaahay iyo adoomadiisa siduu doono ha yeelee?!

Ugu dambeyn waxaa muhiim ah in aan ogaano in inaga muslimiinta ah xitaa uusan ogayn shakhsi kasta oo inaga mid ah halka uu ku dambeyn doono,waxaana naloo diiday inaan talo saarano camalkeena,waayo rasuulka scw wuxuu yiri:-

“روى مسلم في (صحيحه) عن أبي هريرة قال: قال رسول الله – صلى الله عليه وسلم -: ((لن يدخل أحد منكم عمله الجنة قالوا: ولا أنت يا رسول الله؟ قال: ولا أنا إلا أن يتغمدني الله منه بفضل ورحمة)).

“Axadkiina ku gali maayo janada camalkiisa,kolkaasay yiraahdeen asxaabtii xitaa adiga,kolkaasuu yiri rasuulka scw xitaa aniga illaa inuu ilaahay i dhex muquuriyo fadli iyo raxmad xagiisa ka ahaatay mooyee.

Related posts

Leave a Comment