JOOJIYA NACAYBKA KU AADAN CIIDAHA DADKA KALE.

Waxaa loo baahan yahay qofka muslimka ah inuu noqdo mar walba mid akhlaaq lagu soo hirto leh oo anfacaysa khalqiga oo dhan, Dabeecadda wanaagsan iyo ixtiraamku waa midda ay ina farayso diinteena waqti kasta. Waxaa mar kasta oo ay timaaddo ciidda miilaadiga ee ay u dabaaldegaan masiixiyiinta ku bata baraha bulshada digniino laga bixinayo ciidaas oo dadka looga digayo waliba si ka badbadin ah. Horta qof muslim ah sheeko utaal maaha chrismas oo mana sameeyo,mana aaminsana ciidna uma aha ciid ay dad kale leeyihiin. Kaliya waxa kaga soo aadi kara…

Read More

WEEDHA WANAAGSAN IYO WAXA AY KA DHIGAN TAHAY.

Sideedaba wanaag oo dhan wuxuu ka bilowdaa hadal wanaagsan iyo howraar san oo lagu kabay ficillo fiican iyo tixgalin toolmoon oo lagu tookho inta dunida kula saaran. Maadaama samaanta hadalka ay leedahay saameynta ugu badan ee wanaagga tabantaabisa ayaa ilaahay si saani ah u tirtirsiiyay ku hadalka tiraabta suuban ee saacidaysa samo ku wada noolaansha aadanaha. Ilaahay wuxuu yiri:- -“أَيُّهَا الَّذِينَ آَمَنُوا اتَّقُوا اللَّهَ وَقُولُوا قَوْلًا سَدِيدًا (70) يُصْلِحْ لَكُمْ أَعْمَالَكُمْ وَيَغْفِرْ لَكُمْ ذُنُوبَكُمْ وَمَنْ يُطِعِ اللَّهَ وَرَسُولَهُ فَقَدْ فَازَ فَوْزًا عَظِيمًا. “Kuwa iimaanka laga helayoow Ilaahay ka dhowrsada oo…

Read More

ISLAAMKA IYO WADANOOLAANSHAHA.

  Beryahan dambe waxa aad ubadanaya dad islaamka iyo muslimiinta duraya oo ku sheegaya in diinta islaamku horor tahay oo ay muslimiintuna khatar ku yihiin nabadda caalamka,iyo wada noolaanshaha,dadkaas oo isugu jira dad gaalo ah’iyo kuwo muslim ahaan jiray oo gaaloobay iyo kuwo uu shaki badan kaga jiro islaamka laftiisa. Waxyaabaha ay badankoodu u adeegsadaan dacaayadahaas waxaa u badan ku tiro ku teen iyo sheekooyin rakhiis ah oo uu qof kasta oo diinta islaamka wax ka yaqaan uu si sahlan u cadayn karo baadilnimadeeda. Waxay ku doodaan in islaamku uusan…

Read More

ISLAAMKA IYO ABLA ABLEYNTA NOLOSHA IYO NOOLAHA.

  Inta badan diinta islaamku waxyaabaha ay ka hadasho waxaa ugu badan duruus la xariirta iimaanka iyo rumeynta rabbi,iyo cadaynta inuu jiro milkiile kaligiis ka arimiya koonka oo uu isagana sameystay. Sidaa darteed diinta islaamka inta badan kama hadasho waxyaabo ka baxsan hadyigii ay u timid ee ahaa ku hanuuninta bani aadamka dariiqa alle oo ay dhacaysay in ay marar badan dadku ka weecdaan. Iyadoo ay taasi jirto ayuusan islaamku misana marna ka ilduufin ka hadalka waxyaabaha nolosha laxariira,sida abuurka koonka iyo inta dulsaaran iyo cadaynta danta uu eebe ka…

Read More

MAALINTA CAASHUURAA MUSLIMIINTA SUNNO IYO SHIICABA MIDBA SI KU AH

  Maanta oo kale oo ah tirsiga sanadka hijriga bisha muxaram tobankeeda waa maalin u calaamadsan oo soo jiidata inta badan dadka islaamka u nisbo sheegta nooc ay yihiinba. Tusaale ahaan madaahibta suniga iyo shiicada oo ah kuwa ugu tunka weyn mad-habadaha u nisbo sheegta diinta islaamka waxaa mid walba si gaar ah ugu asteysan xuska maalintan caashuura. Mad-habka suniga oo ah midka ugu ballaaran ee matala inta badan shucuubta muslimiinta waxay maalintan ku weyneeyaan soon sunno ah oo oga dhigan soon la soomo midka ugu fadliga badan soonka ramadaanka…

Read More

XAAWO MA WAXAA LAGA ABUURAY FEERTA AADAM CS?!!!!!.

  Shaki kuma jiro in dadku badankoodu aaminsan yihiin in Abooto xaawo cs laga abuuray feerta Abkoo Aadam cs. Waxayna arintaas u haystaan mid khilaaf ka nabad gashay,tiiyoo aysan arintu sidaas ahayn kolka loo yimaado gorfaynta masalada iyo garnaqsiga cilmiga. In kasta oo culimada muslimka badanood aaminsan yihiin ama ay dood cilmiyeedkoodu ku arooriyeen faham tilmaamaya in xaawo laga abuuray feerta aadam misana waxaa jira culimo kale oo waaweyn oo ku diidan arintaas iyada oo labada garab ee culimada uu mid la arkaba daliilo diini ah ah ku xoojinayo aragtidiisa…

Read More

ISU DULQAADASHADA AFKAARAHA WAA ASTAAN XAQ,IS KHASABKUNA WAA ASTAAN BAADIL..

  Dhab ahaantii hadaan iraahdo inta aan ka aqaan kaliya aad ka qortid astaamaha arinkaa uu darsiga kanu daaran yahay ma dhacayso in maqaal kaliya koobo oo waxaa laga allifi karaa kutub majalado ah oo uusan ilaa iyo iminku maanku koobi karin inta ay noqonayaan,ee aniga oon is dhibin bal aan isku dayo inaan aashay darsiga ku idleeyo ishaarooyin aad u kooban oo u badan aayado quraanka kariimka ah. Ugu horeyn dadka ahlul xaqa ah ee ay adeegayaasha Alle hormuudka u yihiin waa dad nasteexo badan oo aadanaha khayr iyo…

Read More

WAXYEELADA DAD CEEBEYNTU LEEDAHAY

  Qof dad ceebeynaya lama dhagaysto,hadaad dhagaysatana lama rumeysto,sidaas ayaa dariiqa toosan ah. Ilaahay iyo rasuulkiisa scw waxay si ku celcelis ah inoogu sheegeen in ceebaha la asturo ay waajib tahay,in la fidiyo ceebna ay xaaraam tahay. -وَلَا تَقْفُ مَا لَيْسَ لَكَ بِهِ عِلْمٌ ۚ إِنَّ السَّمْعَ وَالْبَصَرَ وَالْفُؤَادَ كُلُّ أُولَٰئِكَ كَانَ عَنْهُ مَسْئُولًا . “Ha raac-raacin waxa xun ee aadan ogaal u lahayn waayo maqalka iyo araga iyo qalbigaba mid kasta wax baa layska weydiin doonaa maalinka qiyaame”. Sideedaba hadal xun oo ceeb iyo aflagaaddo shakhsi ama dad ku…

Read More

XUJADA CAQLIGA IYO FIDRADA WAA XAAJO AAN LAGA MAARMIN OO UU ISLAAMKU FARAY

. Waxyaabaha mudan in lagu baraarugo waxaa ka mid ah in ilaahay aadanaha u sameeyay garaad iyo fidro dabiici ah oo ay ku kala gartaan samaanta iyo xumaanta iyo dhibta iyo dheefta, fidradaas isma badasho haddii aysan dibadda oga imaan waxyaalo ka qaalib noqda oo afgambiya,fidradaas waa dabeecad sameys ah oo mar kasta ku amban gudaha aadanaha ismana badasho xitaa haddii uu ruuxo ku doorsoomo waxyaabo dibadda oga yimid oo jirro shaki ama shubho ah ku rida caqligiisa. Garaadka aadanuhu wuu jiranaan karaa inta la doono kol haddii uu ku…

Read More

FAA,IIDADA DHIMASHADA

Ka warran haddii aan muddo noolayn oo aan haysannay garasho ama caqli aan ku noolaanno. Haddii aan noolayn muddo, waan dhimanay. Waxaan aragnay salkii iyo ciribtii camalkeennii intii aan noolayn. Sidii aan u fikiraynay iyo wixii aan aamminsanayn waxay noqdeen, wax aan faa’iido lahayn. Cadaab iyo ciqaab ayaan qoorta lagalnay. Haddii aan muddo ku jirnay cadaab aad u daran, oo aan la ximmili Karin, naxariistii Alle ayaa noo timid. Waxaa nala siiyay fursad, aan markale adduunkii ku soo noqonno, oo aan markaas ka fikirno inaan baddalno afkaartii xumayd ee aan…

Read More

CAMIRIDDA CAQLIGA WAA U CALAAMAD ISLAAMKU.

Ilaahay markii uu aadanaha dunida ku abuuray iskama uusan keenin ee wuxuu ku abuuray borogaram ku haga sida ay unoolaanayaan,waxaana bani aadamka taa ku wehliya makhluuqaadka kale oo dhan oo iyagana leh qaab waafajin alle ah oo ay usamaysan yihiin. Ilaahay wuxuu yiri:- ‎”قَالَ رَبُّنَا الَّذِي أَعْطَىٰ كُلَّ شَيْءٍ خَلْقَهُ ثُمَّ هَدَىٰ” “Rabigayo waa midka wax kasta siiyay abuurkiisa misana ku hagay noloshiisa”. Bani aadamka iyo jiniga waxay dheer yihiin khalqiga intiisa kale caqli iyo takaaliif la saaray,halka uu bani aadamku dheer yahay jiniga masuuliyad dunida iyo maamulkeeda laga saaray.…

Read More

ISLAAMKA IYO FALAGGA (ORBIT)KA

  Islaamku Masaadirtiisa saxiixa ah sida quraanka iyo sunada raacsan marna kama hor imaanin cilmiga iyo aqoonta dhab loo hubiyay ee aadanuhu ka gaaray sida ay u shaqeeyaan dunida rabbi abuuray iyo falagga la halmaala ee ay qorraxda iyo dayaxa iyo meerayaalka kalaba ka mid yihiin. Waxaa kale oo in la ogaado mudan in asal uusan quraanku u imaan inuu dadka saynis baro,ee uu u yimid inuu dadka baro kuna xiro rabigii abuuray iyaga iyo dunidaba si ay u caabudaan,sayniska iyo aqoonta kalana Alle wuxuu u xilsaaray aadanaha maadaama uu…

Read More

ISLAAMKA IYO IN MALAHA LAYSU WANAAJIYO

Diinteenu waxay ina bartay oo ay inagu tirtirsiisay in aan mar kasta dadka dareen iyo malo fiican u muujino,waxayna inooga digtay oo ay dambi ka dhigtay tuhunka iyo malaha xun iyo inaan mar kasta dadka xumaan oga shakino. Ilaahay Sareeye wuxuu yiri:- يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا اجْتَنِبُوا كَثِيرًا مِّنَ الظَّنِّ إِنَّ بَعْضَ الظَّنِّ إِثْمٌ ۖ وَلَا تَجَسَّسُوا وَلَا يَغْتَب بَّعْضُكُم بَعْضًا ۚ أَيُحِبُّ أَحَدُكُمْ أَن يَأْكُلَ لَحْمَ أَخِيهِ مَيْتًا فَكَرِهْتُمُوهُ ۚ وَاتَّقُوا اللَّهَ ۚ إِنَّ اللَّهَ تَوَّابٌ رَّحِيمٌ ” “Kuwa iimaanka laga helayoow ka dheerada wax badan oo malaha iyo…

Read More

NATIIJOOYINKA SAMAHA IYO XUMAHA

Inta aad ku fakarayso ama ku howlan tahay wanaaga iyo wanaajinta dadka waxaad haysataa taageerada awoodda sare ee saraysa,waayo rabi wuxuu dunida u sameeyay in wanaagu wanaag soo jiito. فهل جزاء الاحسان الا الاحسان. Dhaq dhaqaaq kasta oo aad ku bixiso waxa wanaagsan iyo dabeecadda san kaama khasaarin,waxaana dhab ah inaad helayso jawaab wanaagsan oo ay kuula soo degdegto maqaadiirta iyo awoodda sare ee Alle,bal adiga tijaabi oo ku feker oo niyeyso oo samee,waxaad arki doontaa natiijo aad la yaabto. Waligaa ha ku fakarin dhibaato iyo inaad dadka dhibaateyso waayo…

Read More

SEDDEX ARIMOOD OO AY TAHAY IN WAX LAGA OGAADO.

  1-Ilaahay nabadda iyo colaadda nabadda ayuu jecel yahay oo uu doonayaa!!!waayo nabadda wuu dhiiri galiyay,ilaalinteedana wuu ka dardaarmay,magacyadiisa ayuu ku daray ASSALAAM oo nabad ah,salaanta la isku salaamo ayuu nabad ka dhigay,intii salaadaha lagu jiro intaasoo goor ayuu dadka faray in ereyga nabadda la soo hadalqaado,xitaa salaaddii baa looga baxaa salaama naqsiga oo ah erayo nabad ka tarjumaya.. Markii salaada sidaa looga baxana waxa xiga oo rasuulka scw ina baray inaan niraahno اللهم انت السلام ومنك السلام Ilaahoow adaa nabad ah xagaada ayayna nabada ka ahaataa. Wuxuu ka digay…

Read More

ISLAAMKA IYO LOOLANKA CAQLIGA IYO CILMIGA.

  Sida laga wada warqabo ama ay la socoto cidda dhab u daraasaysay islaamku kama hor yimaado daliilka caqliga iyo dowrka natiijooyinka cilmiga lagu sugay. Waxayse dad badanu moog yihiin in afkaaro jahli ku dhisan oo la diimeeyay ama fasiro la khalday oo diin loo ekeysiiyay ay yihiin kuwa inta badan loo adeegsado iska horkeenka diinta iyo caqliga ama diinta iyo nolosha caadiga ah. Islaamku si cad ayuu u taageeray cilmiga iyo aqoonta,wuxuuna tilmaamay in nolosha bani aadamka aysan intaasi ka soo harin. Suuraddii ugu horeysay ee lagu soo dajiyay…

Read More

ISLAAMKA IYO CUNAQABATEYNTA.

  Waxaa aad u badan dad muslimiin ah oo islaamkii ka dhigay diin aar gudasho iyo nacayb utaagan,tiiyoo la og yahay in diintanadu tahay diin cafis iyo samaaxad utaagan oo dhiiri galinaysa dulqaadka iyo in xumaanta wanaag looga jawaabo. Waxaad meelaha ku arkaysaa dad leh shirkad hebel yaan wax laga gadan si ay u khasaarto…!!!,google yeysan galin muslimiinta waayo waxaa lagu faafiyaa filimo islaamka iyo nabiga scw loogu gefayo iwm. Islaamku uma imaan khasaaraha dadka iyo dhibaatayntooda,ee wuxuu u yimid samaaxad iyo raxmad. Rasuulka scw wuxuu ka ergeeyay cuna qabateyn…

Read More

ISLAAMKU WAA CAQLIGA IYO FIDRADA TOOSAN.

  Ilaahay sarreeye insaanka wuxuu abuuray iyaga oo toosan oo brogramka ku jirana uu yahay mid calaa fidro ah oo hanuunsan,inta badan waxaa bani adamka lumiya oo barada toosnaanta ka saara waa wax soo dariyay oo uu dunida kula kulmay sheydaana ka daadajiyay. Rasuulka scw wuxuu yiri:- “، وروى مسلم بسنده عَنْ عِيَاضِ بْنِ حِمَارٍ الْمُجَاشِعِيِّ عن النَّبيِّ فيما يرويه عن الله ـ تبارك وتعالى ـ قال : ((إِنِّي خَلَقْتُ عِبَادِي حُنَفَاءَ كُلَّهُمْ ، وَإِنَّهُمْ أَتَتْهُمُ الشَّيَاطِينُ فَاجْتَالَتْهُمْ عَنْ دِينِهِمْ ، وَحَرَّمَتْ عَلَيْهِمْ مَا أَحْلَلْتُ لَهُمْ ، وَأَمَرَتْهُمْ أَنْ يُشْرِكُوا…

Read More

ADAYG IYO ISLAAM ISMA GALAAN.

Diinta saamaxday in iskaalsaha/sharabaadada la masaxo weysada musaafir iyo muqiimba,oo musaafirka u saamaxday intuu safarka ku jiro inuu weysada badalkii uu lugaha dhaqi lahaa uu masaxo iskaalsaha dushooda,midka gurigiisa joogana hadduu doono uu ilaa saddax bari kolka uu weysada lugaha joogo iska masaxan karo shiddo la’aan,kaliya shuruudaha loo xiray ay tahay inuu kolkii uu xiranayay iskaalsaha/sharabaadada/sockska uu ahaa qof weyso qabo,isla markaasna uusan la imaan waxyaabaha qubayska waajibiya,wixii intaa ka soo hara loo siibi maayo ee waa uun la iska masaxayaa oo hurdo iyo xaajo suuli iyo neef midoodna loo…

Read More