ISLAAMKA IYO IS-ADDOONSIGA.

 

Ugu horayntii waxaa in la ogaado mudan in is addoonsigu uu ahaa mid ka jiray dunida inteeda badan intii uusan islaamku iman ka hor.
sida dhabta ahna islaamku ma amrin mana qabo in lays addoonsado, waayo islaamka isaga ma keenin is addoonsida ee wuxuu u yimid ummad addoonsi iyo wax ka daranba ku jirta,wuxuuna ula mucaamilay si xigmad ku dhisan ilaa uu ka takhalusay wax kasta oo xun oo ay dadkii uu u yimid sameyn jireen oo uu addoonsigana ku jiro.

Islaamku wuxuu u yimid umad ay addoomadu u ahaayeen hantida ugu qaalisan oo ay leeyihiin, si xigmadaysan buuna ula macaamilay oo uu ku suuliyay addoonsigii,islaamku ma dhiiri galin in lays addoonsado ee in adoomada la xoreeyo ayuu dhiiri galiyay. Mana jirto hal aayad oo uu ilaahay ku leeyahay waa in aad is addoonsataan.

Bal ee taa badalkeed Dhibaatooyinka aakhiro iyo jidka siraadka waxa lagu gudbayo ayuu midda ugu horaysa ka dhigay islaamku luqun la xoreeyo.

‎فَلَا اقْتَحَمَ الْعَقَبَةَ (11) وَمَا أَدْرَاكَ مَا الْعَقَبَةُ (12) فَكُّ رَقَبَةٍ (13) أَوْ إِطْعَامٌ فِي يَوْمٍ ذِي مَسْغَبَةٍ (14) يَتِيمًا ذَا مَقْرَبَةٍ (15) أَوْ مِسْكِينًا ذَا مَتْرَبَةٍ (16)
“Oo dadku dhibta maalinka qiyaame may ka gudbaan,oo maxaad ka garanaysaa sida dhibtaasi looga gudbo,waxaa looga gudbaa in addoon la xoreeyo ama in miskiin iyo agoon dhulyaal ah cunto la siiyo maalin ay gaajo darani jirto.

Taariikhdu waxay marag ka tahay in addoonsigii laba lixaadsaday qarnigii 15aad ee ay garwadeenka ka ahaayeen wadamadii reer galbeedka ee dadka madoow lagu kala gadan jiray ay dawladdii cusmaaniyiinta ahayd midda kaliya ee aan ka qayb qaadan,taasina waxaa daliil u ah in aan dhulki islaamka ee uu turkigu xukumi jiray aan laga soo helaynin dad madow oo muuqda oo halkaas ku tagay ganacsigii dadka ee afrikaanka lagu dhoofin jiray,halka ay maraykanka iyo yuruba ay dhooban yihiin madow iyo dad kale oo ka soo jeeda dadkii ay ganacsiga ku geeyeen goobahaas.

Dad badanu waxay isku khaldaan maxaabiista dagaalada lagu soo qabto iyo addoonsiga oo runtii ah laba kala duwan,waayo islaamku wuxuu maxaabiista u yaqaanaa (اسري) wuxuuna ula dhaqmaa si ka badalan sida loola dhaqmi jiray dadkii la addoonsanayay.

Islaamku wuxuu qabaa in maxaabiista ama la iska sii daayo ama maxaabiis kale lagu soo furto sida ay aayaddan tilmaantay.

“فَإِذَا لَقِيتُمُ الَّذِينَ كَفَرُوا فَضَرْبَ الرِّقَابِ حَتَّىٰ إِذَا أَثْخَنتُمُوهُمْ فَشُدُّوا الْوَثَاقَ فَإِمَّا مَنًّا بَعْدُ وَإِمَّا فِدَاءً حَتَّىٰ تَضَعَ الْحَرْبُ أَوْزَارَهَا ۚ .
“Hadaad la kulantaan gaalada duullaanka idinku ah qoorta ka garaaca oo kolka aad jilcisaan xariga ku giijiya oo markaa ka dib iska sii daaya ama wax kale ku soo badasha”.

Isku soo wada duuboo waa arin muuqata oo uusan qof cadaalad u irkanaya inkiri karin sida uu islaamku u bari taaray xoreynta addoomadii la lahaan jiray iyada oo uu tacaaliimtiisa iimaaniga ah ku daray waajibaadyo ku xeran addoomo xoreyn sida kafaarooyinka iwm iyo wax kasta oo alle loogu dhowaado oo uu hormuud uga dhigay addoomo xoreyn.

Islaamku ugu horeyn waxa uu iimaan ahaan u diiday in ay dadku is addoonsadaan.
Oo ilaahay wuxuu yiri:-

“مَا كَانَ لِبَشَرٍ أَنْ يُؤْتِيَهُ اللَّهُ الْكِتَابَ وَالْحُكْمَ وَالنُّبُوَّةَ ثُمَّ يَقُولَ لِلنَّاسِ كُونُوا عِبَادًا لِي مِنْ دُونِ اللَّهِ وَلَكِنْ كُونُوا رَبَّانِيِّينَ بِمَا كُنْتُمْ تُعَلِّمُونَ الْكِتَابَ وَبِمَا كُنْتُمْ تَدْرُسُونَ”
“Maba dhici karto in ilaahay bashar siiyo kitaab iyo xigmad iyo nabinimo ka dibna uu dadka ku yiraahdo addoomo ii noqda ilaahay sokadii,taa badalkeed waa inuu faraa noqda kuwo rabbi ku xiran,idinkoo raacaya wixii aad kutubta laydin siiyay ka barateen iyo wixii aad daraaseyn jirteen”.

Aayadaha quraanka ee tilmaamaya sida uu islaamku u dhiiri galiyay addoomo xoreynta waxaa ka mid ah.

“(وَالَّذِينَ يَبْتَغُونَ الْكِتَابَ مِمَّا مَلَكَتْ أَيْمَانُكُمْ فَكَاتِبُوهُمْ إِنْ عَلِمْتُمْ فِيهِمْ خَيْرًا وَآَتُوهُمْ مِنْ مَالِ اللَّهِ الَّذِي آَتَاكُمْ”

“Kuwa ay midigyadiinu hanatay ee doonaya inaad la gashaan heshiis ay xornimo ku gaaraan,la gala heshiiskaas oo haddii aad khayr ku ogtihiina wax ka siiya maalka alle idin siiyay si ay isugu furtaan”.

Rasuulku scw wuxuu yiri:-

‎“وعَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ قَالَ: سَمِعْتُ رَسُولَ الله صلى الله عليه وسلم يَقُولُ: «أَيُّمَا امْرِئ مُسْلِمٍ أَعْتَقَ امْرَأً مُسْلِمًا اسْتَنْقَذَ اللهُ بِكُلِّ عُضْوٍ مِنْهُ عُضْواً مِنْهُ مِنَ النَّارِ». متفق عليه.

“Qof alla iyo qofkii xoreeya qof muslim ah ilaahay waxa uu xoreyntaa sababteeda jirkiisa xubin xubin oga badbaadiiyaa naarta”

Culimada islaamka sida imaamu nawawi ku sharxay kitaabkiisa sharxul muhadab wuxuu sheegay muslimka addoonka ah kali kuma aha fadligaas ee waxaa la wadaagaya midka aan muslimka ahayn ee lafdiga waxa uun ugu dhacay muslim waa aqlabiyaddii dadkii la lahaa ee madiina joogay oo muslim ubadnaa.

Ugu dambeyntii waxaan shaki ku jirin oo qof kasta oo cilmi u leh islaamka il cadaaladeedna wax ku eega wuxuu ka marag furi karaa inuusan islaamku isaga keenin is addoonsiga oo ay ahayd dhaqan ka horeeyay oo caalamka ka jiray,kaliya uu islaamku si xigmad ku jirto ula macaamilay is adoonsigii uu u yimid isaga oo ugu horayn ilaaliyay xuquuqda adoomadii la lahaa dabadeedna dhiiri galiyay sidii loo xoreyn lahaa si is addoonsiga looga takhaluso.

Related posts

Leave a Comment