JACAYLKA AHLUL BEYDKA NABIGA SCW IYO FADLIGOODA

.

Ahulul beydka nabiga scw waa xigaalihiisii ay ugu horeeyaan duriyadiisii markay ugu fogtahayna waxaa lagu soo daraa haweenkiisii rabi ha ka raali noqdee.

Ahlulbeydka nabiga scw inta laysku wada waafaqsan yahay waa faatima binti rasuul scw iyo saygeedii imaam cali ibnu abii daalib rc iyo duriyadii ay iska dhaleen ee ay ugu horeeyaan xasan iyo xuseen.

Ahlul beydnimada intaa muran kuma jiro waayo rasuulka scw ayaa marar badan si cad u cadeeyay oo oga hor qiray asxaabtiisa hortiisa iyo dad kale oon islaamba ahayn sida nasaaradii reer najraan ee rasuulka scw ugu timid doodda.

“لما نزلت هذه الآية : { فمن حاجك فيه من بعد ما جاءك من العلم فقل تعالوا ندع أبناءنا وأبناءكم ونساءنا و نساءكم و أنفسنا و أنفسكم ثم نبتهل فنجعل لعنت الله على الكاذبين }
دعا رسول الله (ص) عليا و فاطمة و حسنا و حسينا فقال :
” اللهم هؤلاء أهلي ” و ذلك عندما باهل فيهم الرسول (ص) نصارى نجران و أتى محتضنا الحسين و آخذا بيد الحسن و فاطمة تمشي خلفه و علي خلفها.
فقال أسقف نجران :يا نصارى نجران إني لأرى و جوها لو سألوا الله أن يزيل جبلا لأزاله فلا تباهلوا فتهلكوا ولا يبقى على وجه الأرض نصراني إلى يوم القيامه .
المصادر : *صحيح مسلم ج 7 * الأمام أحمد- المسند ج1 ص 185.

(Kolkay soo dagtay aayadda quraanka ee oranaysa:”waxaad ku tiraahdaa qofkii kula dooda inta cilmiga kuu yimid ka dib kaalaya aan habaartano oo intaan meel isugu keeno caruurteena iyo haweenkeena aan ku habaarno inay nacaladda Alle ku dhacdo kuwa beenta sheegaya”.

Kolkay aayadaas soo degtay rasuulka scw wuxuu soo kaxeeyay faadumo iyo cali iyo xasan iyo xuseen kolkaasuu yiri:”ilaahayow waa kuwan ehelkaygii”

Rasaaradii najraan kolkay arkeen rasuulka scw oo xambaarsan xuseen oo xasan gacanta haya oo ay faadumo iyo calina daba socdaan way ka cabsadeen inay naftooda habaraan oo ay mubaahalo la galaan rasuulka scw,kolkaasuu wadaadkoodii u weynaa yiri:
“Nasaaroy waxaan arkaa wajiyo haday ilaahay ka baryaan inuu buurta dhaqaajiyo uu dhaqaajin lahaa ee la habaartamina Muxamad iyo ahlul beydkiisa si aydaan u halaagsamin,wallaahi hadaad la habaartantaan inuusan qof dambe oo nasaaro ah uusan ku hari doonin dhulka dushiisa ilaa qiyaamaha laga gaarayo”.

Qolooyinka ahlul beydka ku dara haweenkii rasuulkana scw waxay soo daliishadaan aayadahii uu rabi kula hadlayay haweenka rasuulka scw ee suuratul axzaab ku jiray oo ay ka mid ahayd.

“وَقَرْنَ فِي بُيُوتِكُنَّ وَلَا تَبَرَّجْنَ تَبَرُّجَ الْجَاهِلِيَّةِ الْأُولَىٰ ۖ وَأَقِمْنَ الصَّلَاةَ وَآتِينَ الزَّكَاةَ وَأَطِعْنَ اللَّهَ وَرَسُولَهُ ۚ إِنَّمَا يُرِيدُ اللَّهُ لِيُذْهِبَ عَنكُمُ الرِّجْسَ أَهْلَ الْبَيْتِ وَيُطَهِّرَكُمْ تَطْهِيرًا”

“Ku sugnaada guryahiina-haweenka nabigoow-oo ha u labisanina oo ha u dhar dhiganina sidii ay u dhar dhigan jireen haweenkii waqtigii jaahiliga ee hore,oo salaadda ooga oo sakada bixiya,oo adeeca Alle iyo rasuulkiisa,kaliya wuxuu Alle doonayaa ahlul baydkanow inuu idinka kaxeeyo dambiga oo uu idin dahiro idiina dambi dhaafo”

Qolyaha ku kooba ahlulbeydka nabiga scw faadumo iyo cali iyo xasan iyo xuseen iyo wixii ka farcama waxay daliishadaan xadiiska nabiga scw ee uu yiri:-

لما نزلت هذه الآية: { إنما يريد الله ليذهب عنكم الرجس أهل البيت ويطهركم تطهيرا } . الأحزاب “33”
أدار النبي (ص)كساءه علي وفاطمة والحسن والحسين ،فقال : ” اللهم هؤلاء أهل بيتي فأذهب عنهم الرجس وطهرهم تطهيرا ” .
المصادر : صحيح مسلم ج 7

“Kolkay soo dagtay aayadaas ayuu nabiga scw intuu go’ ku wareejiyay cali iyo faadumo iyo xasan iyo xuseen ayu yiri ilaahow waa kuwan ahlul beydkayga ee xumaan oo dhan ka kaxeey oo dahir oo u dambi dhaaf”.

Jacaylka ahlul beydka nabiga scw waa nala faray oo waliba rasuulka scw waa uu tirtirsiiyay oo uu ka dardaarmay.

Rasuulka scw wuxuu yiri:-

“لما نزلت هذه الآية : { قل لا أسألكم عليه أجرا إلا المودة في القربى } سورة الشورى((23))قالوا : يا رسول الله من هؤلاء الذين أمرنا الله بمودتهم ؟ قال :” علي و فاطمة و ولداهما .”
المصادر : السيوطي : الدر المنثور ج ,2,.الحاكم النيسابوري: شواهد التنزيل ج 2 الصواعق المحرقة: باب وصية النبي بأهل البيت.

(Kolkay soo dagtay aayadda Alle ku yiri :-“Ajar idinku waydiisan maayo gaarsiinta waxyiga kolka laga soo jacayl qaraabanimo”ayaa waxay yiraahdeen rasuulkii Alloow yey yihiin dadkan qaraabadaada ah ee uu Alle na farayo jacaylkooda,kolkaasuu rasuulku yiri:-“waa cali iyo faadumo iyo labadooda wiil ee xasan iyo xuseen ah”.

Rasuulka scw wuxuu kale oo yiri:-

“روى الإمام أحمد في مسنده قال صلى الله عليه وسلم
إنى أُوشك أن أُدعى فأُجيب
وإني تارك فيكم الثقلين كتاب الله حبل ممدود من الأرض إلي السماء’و عترتي آل بيتي.
وأن اللطيف الخبير أخبرني أنهما لن يفترقا حتى يردا على الحوض يوم القيامة’فانظروا بما تخلفوني فيهما.”

“Waxay u dhowdahay in la ii yeero oon ajiibo-yacni aan geeriyoodo-waxanse idinkaga tagayaa labada culculus oo kala ah kitaabka ilaahay waa xarig is haysta dhulka ilaa samada iyo ahlul beydkayga,Rabiga ladiifka ah ee khabiirka ah ayaa ii sheegay inay labadaasi kala haraynin ilaa ay darkayga u soo arooraan maalinta qiyaame,ee ka fiirsada sida aad aniga gadaashay ka yeelaysaan labadaas kala ah ku dhaqanka kitaabka ilaahay iyo jacaylka iyo qadarinta ahlulbeydkayga”.

Rasuulka scw wuxuu yiri:-

“روي الطبرانى برجال الصحيح
قال صلى الله عليه وسلم
ينقطع يوم القيامة كل سبب ونسب إلا سببي ونسبى ”

“Maalinka qiyaame waxaa go’a xiriir kasta iyo nasab kasta marka laga reebo xiriirkeyga iyo nasabkayga”.

Rasuulka scw wuxuu kale oo yiri:-

“عن أبي سعيد الخدري رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: ((الحسن والحسين سيدا شباب أهل الجنة))؛ رواه أحمد في مسنده (10999)، والترمذي في سننه (3768) في باب مناقب أبي محمد الحسن بن علي بن أبي طالب، والحسين بن علي بن أبي طالب رضي الله عنهما، وصححه الترمذي، وصححه الأرناؤوط والألباني، وقال الألباني في سلسلة الأحاديث الصحيحة (2/ 423): ”

“Xasan iyo xuseen waa labo sayid oo hogaamin doona dhalinyada ahlu janada”.

Rasuulka scw oo ka hadlaya fadliga xuseen wuxuu yiri:-

“روى البخاري ومسلم قال صلي الله عليه وسلم
حسين منى وأنا من حسين . أحب الله من أحب حسيناً “.

“Xuseen anuu iga ahaaday anna xuseen baan ka ahaaday,ilaahay ha jeclaado qofkii xuseen jieclaada”.

Wuxuu kale oo uu yiri rasuulka scw mar uu ka hadlayay fadliga xasan.

“روي البخارى قال صلى الله وسلم في حق سيدنا الحسن :
إن ابني هذا سيد ولعل الله أن يصلح به بين فئتين عظيمتين من المسلمين “

“Wiilkayga kan ah waa sayid waxana dhici doonta inuu isaga sababtiisa uu Alle ku heshiisiiyo labo koox oo waaweyn oo muslimiinta ka mid ah”

Waxayna dhacday arintaas kolkii uu dhintay sayid cali ibnu abii daalib rc oo xasan aabihii ahaa oo ay muslimiintii safka cali ahayd ay isaga u doorteen inuu amiir u noqdo,kolkii la doortayba wuxuu la xariiray mucaawiye rc oo uu u sheegay inuu oga tanasulsy khilaafadii,waayo imaam xasan wuxuu ahaa mid ay aad u dhibaysay khilaafka iyo dhiigga muslimiinta dhexdooda ka qubanayay,sanadkaas waxaa loo bixiyay sanadkii midnimada muslimiinta.

Sidoo kale rasulka scw mar uu ka hadlayay fadliga fuudumo rasuul scw wuxuu yiri:

“قال الإمام البخاري ص 291 باب: مناقب فاطمة عليها السلام. وقال النبي -صلى الله عليه وسلم-: (فاطمة سيدة نساء أهل الجنة). 7/3767. البخاري – الفتح. كتاب فضائل الصحابة .”

“Faafumo waa midda hogaaminaysa haweenka ahlul janada”

Wuxuu kale oo rasuulku scw yiri:-

“وعن جميع بن عمير التميمي رحمه الله قال: دخلتُ مع عمتي على عائشة فسُئلت: (أي الناس كان أحبَّ إلى رسول الله -صلى الله عليه وسلم-؟ قالت: فاطمة، قيل: من الرجال؟ قالت: زوجها. إن كان ما علمتُ صواماً قواماً). أخرجه الترمذي (3873) في المناقب باب مناقب فاطمة رضي الله عنها وإسناده حسن،( نقلاً عن جامع الأصول من أحاديث الرسول لابن الأثير (9/125) بتحقيق الأرناؤوط.

“Caa,isha ayaa la weydiiyay rasuulka scw yuu dadka ugu jeclaa,waxay tiri faaduma;saa waxaa mar kale la weydiiyay ragana yuu ugu jeclaa?,sey tiri Ninkeeda cali,oo intii aan aqaanayba wuxuu ahaa nin soon iyo salaad badan”

Dhab ahaantii lama soo koobi karo nusuusta ka hadlaysa fadliga ahlul beydka iyo sida laysu faray in la jeclaado oo la qiimeeyo,xitaa waxaa nala faray inaan caruurteena ku ababino jacaylka ahlul beydka rasuulka scw.

“علموا أولادكم محبة أل بيت رسول الله صلى الله عليه وسلم”
“Bara caruurtiina jacaylka ahlul beydka rasuulka scw”

Isku soo wada duuboo jacaylka ahlulbeydka rasuulka scw waa masalo mudan in la siiyo mudnaanta ay istaahisho waayo rasuulka scw wuxuu dunida ka tagay isaga oo ku cel celinaya ahlul beydkayga ha la xusuusnaado oo ha la karaameeyo

“عن زيد بن أرقم رضي الله عنه قال:قال رسول الله صلي الله عليه وسلم-((وأهل بيتي، أذكركم الله في أهل بيتي، أذكركم الله في أهل بيتي، أذكركم الله في أهل بيتي)). رواه مسلم في صحيحه (2408).

“Ahlulbeydkaya ogaada,war waxaan Alle dartii idinku xusuusinayaa ahlulbeydkayga…waxaan alle dartii idinku xusuusinayaa ahlul beydkayga”

Wuxuu kale oo rasuulku scw yiri:

“عن أبي سعيد الخدري رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: ((والذي نفسي بيده، لا يُبغضنا – أهلَ البيت – رجل إلا أدخله الله النار))؛ رواه ابن حبان في صحيحه (6978) في باب ذكر إيجاب الخلود في النار لمبغض أهل بيت المصطفى صلى الله عليه وسلم، وحسنه الأرناؤوط، وصححه الألباني في السلسلة الصحيحة (2488).

“Allaha ay naftaydu gacantiisa ku jirto ayaan ku dhaartaye axad nooma caroodo hadaanu ahlul bey nahay illaa ilaahay naarta ayuu galiyaa”.

Ugu dambayntii walaalayaal waxaa mudan in la ogaado ka gaabinta aan ka gaabinay inaan muujino oon dadka barno jacaylka ahlul beydka rasuulka scw oo ah masalo sharci ah oo wadata daliilo xoog badan wa midda keentay inay shiico inaga faa,iidaysato oo dadka u tusto in ay ahlu sunuhu yihiin kuwo aan dadn ka lahayn duriyaddii rasuulka oon sooba hadal qaadin,tiiyoo la og yahay in ay shiicadu ka badbadisay jacaylkii ahlul beydka oo ay ku sameeyeen xad gudub iyagoo isla markaana nacalad u miisaya asxaabtii rasuulka scw rabi ha ka wada raalli noqdee.

Related posts

Leave a Comment